Matayos 8:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad u baqaysaan, rumaysadyarayaalow? Markaasuu kacay, oo canaantay dabaysha iyo badda, oo xawaal weyn baa dhacday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 41:10-14 : 10 Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, ha nixina, maxaa yeelay, Ilaahiinna baan ahay, waan idin xoogayn doonaa, waanan idin caawin doonaa, oo waxaan idinku tiirin doonaa midigtayda xaqa ah. 11 Bal eega, kuwa idinku cadhaysan oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, wayna sharafjabi doonaan, oo kuwa idinla dirirayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin, wayna wada halligmi doonaan. 12 Waad doondooni doontaan, mana aad heli doontaan, xataa kuwa idinla diriraya, kuwa idinla dagaallamayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin oo kale, iyo sida wax baabbah ah. 13 Waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta midig idinku qaban doona anoo idinku leh, Ha cabsanina, anigaa idin caawin doone. 14 Dixiriga reer Yacquub ahow, ha cabsan, dadkiinnan reer binu Israa'iilow, waan idin caawin doonaa, ayuu leeyahay Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
  • Mat 6:30 : 30 Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow?
  • Sab 65:7 : 7 Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda, Iyo dadyowga buuqooda.
  • Sab 89:9 : 9 Adigaa u taliya badda kibirkeeda, Oo markii hirarkeedu kacaan adigaa dejiya.
  • Sab 107:28-30 : 28 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda. 29 Wuxuu dejiyaa duufaanka, Si ay hirarkiisu u xasillaan. 30 Way farxaan, maxaa yeelay, way xasilloon yihiin, Oo sidaasuu iyaga ku keenaa marsada ay doonayaan.
  • Mark 6:48-51 : 48 Wuxuu arkay iyagoo wadidda ku dhibtoonaya, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd. Wakhtigii gaadhka afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda, wuuna iska dhaafi lahaa. 49 Laakiin goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, waxay moodeen inuu muuqasho yahay, markaasay qayliyeen. 50 Waayo, way wada arkeen, wayna nexeen. Markiiba wuu la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina. 51 Markaasuu doonnidii iyaga ugu tegey, dabayshuna waa joogsatay. Aad iyo aad bay u nexeen oo ula yaabeen.
  • Luuk 8:24-25 : 24 Markaasay isaga u yimaadeen oo intay toosiyeen ayay ku yidhaahdeen, Macallimow, Macallimow, waa lumaynaaye. Kolkaasuu kacay oo canaantay dabayshii iyo hirarkii biyaha. Goortaasay degeen oo xawaal baa dhacday. 25 Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Rumaysadkiinnii meeh? Iyagoo baqaya oo yaabban waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan amra xataa dabaysha iyo biyaha oo ay yeelaan?
  • Mat 16:8 : 8 Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isula hadlaysaan, rumaysadyarayaalow? Ma kibista aydnan haysan aawadeed baa?
  • Mark 4:39-41 : 39 Kolkaasuu kacay oo dabayshii canaantay, oo badduu ku yidhi, Aamus oo xasil. Markaasaa dabayshii degtay oo xawaal weyn baa dhacday. 40 Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn? 41 Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?
  • Ayuub 38:8-9 : 8 Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay Sidii wax maxal ka soo baxay, 9 Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay, Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay, 10 Oo aan hareeraheeda xad u amray, Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo, 11 Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin, Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
  • Room 4:20 : 20 Ballankii Ilaah rumaysaddarro kagama uu shakiyin, laakiinse rumaysad buu ku xoogaystay, isagoo Ilaah ammaanaya
  • Muj 10:2 : 2 oo gacanteedana waxay ku haysatay buug yar oo furan. Oo cagteedii midig waxay saartay badda, teedii bidixdana waxay saartay dhulka,
  • Sab 114:3-7 : 3 Baddii way aragtay, wayna carartay, Webi Urdunna dib baa loo celiyey. 4 Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan, Kurihiina sidii baraar. 5 Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa? Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa? 6 Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan? Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar? 7 Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa, Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,
  • Maah 8:28-29 : 28 Markuu cirka sare taagay, Markii ilaha moolku xoog yeesheen, 29 Markuu badda xad u yeelay Si aan biyuhu amarkiisa ugu xadgudbin, Markuu aasaaskii dhulka dhigay,
  • Mat 8:27 : 27 Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?
  • Mat 14:30-31 : 30 Laakiin goortuu dabayshii arkay ayuu baqay, oo markuu bilaabay inuu dego ayuu qayliyey oo ku yidhi, Sayidow, i badbaadi, 31 oo markiiba Ciise gacantiisuu u taagay oo qabtay oo ku yidhi, Rumaysadyare yahow, maxaad u shakiday?
  • Sab 93:3-4 : 3 Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii. 4 Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
  • Sab 104:6-9 : 6 Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale, Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda. 7 Canaantaadii ayay ku carareen, Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen, 8 Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka, Ilaa meeshii aad u samaysay. 9 Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin, Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
  • Ish 50:2-4 : 2 Haddaba markaan imid, muxuu ninna u jirin? Oo markaan dhawaaqayse maxaa la iigu jawaabi waayay? Miyaa innaba gacantaydu gaaban tahay si ayan wax u furan karin? Amase miyaanan lahayn xoog aan wax ku samatabbixiyo? Bal eega, canaantayda ayaan badda ku engejiyaa, oo webiyaashana cidlo baan ka dhigaa. Kalluunkoodu biyola'aan aawadeed buu la soo uraa, oo oon buu u dhintaa. 3 Samooyinka madow baan huwiyaa, oo dhar joonyad ah ayaan go' uga dhigaa. 4 ¶ Sayidka Rabbiga ah ayaa afka kuwa wax bartay i siiyey inaan ogaado si aan hadal ugu taageero kan daallan. Subax kastuu i toosiyaa, subax walbana dhegtayduu u toosiyaa inaan wax u maqlo sida kuwa wax bartay.
  • Ish 63:12 : 12 kii dhudhunkiisa ammaanta badan gacanta midigta ee Muuse raacsiiyey, oo biyaha hortooda ku kala qaybiyey, inuu magac weligiis ah samaysto?
  • Nax 1:4 : 4 Isagu wuxuu canaantaa badda, oo weliba iyaduu engejiyaa, oo webiyaasha oo dhanna wuu wada qallajiyaa. Baashaan iyo Karmel way engegaan, oo ubixii Lubnaanna waa dhaday.
  • Xab 3:8 : 8 Rabbigu ma wuxuu u cadhooday webiyaasha? Ma waxaad u xanaaqday webiyaasha Mase waxaad u cadhootay badda? Ma saas aawadeed baad u soo fuushay fardahaaga, Iyo gaadhifardoodyadaadii badbaadinta?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 4:35-41
    7 aayado
    92%

    35¶ Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee.

    36Goortay dadkii badnaa direen, isagay wadeen intuu doonnidii ku jiray, oo doonniyo yaryar oo kalena way la jireen.

    37Waxaa kacay duufaan weyn oo dabayl ah, hirarkiina doonniday ku dhaceen ilaa ay doonnidii buuxsamaysay.

    38Isaguna wuxuu joogay xaggii dambe ee doonnida isagoo barkin ku hurda. Markaasay toosiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, miyaanay waxba kula ahayn inaynu lunno?

    39Kolkaasuu kacay oo dabayshii canaantay, oo badduu ku yidhi, Aamus oo xasil. Markaasaa dabayshii degtay oo xawaal weyn baa dhacday.

    40Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn?

    41Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

  • Luuk 8:22-26
    5 aayado
    90%

    22¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen.

    23Laakiin intay socdeen ayuu seexday, oo waxaa baddii ku soo dhacay duufaan weyn oo dabayl ah; doonnidiina ayaa buuxsamaysay, oo halis bay ku jireen.

    24Markaasay isaga u yimaadeen oo intay toosiyeen ayay ku yidhaahdeen, Macallimow, Macallimow, waa lumaynaaye. Kolkaasuu kacay oo canaantay dabayshii iyo hirarkii biyaha. Goortaasay degeen oo xawaal baa dhacday.

    25Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Rumaysadkiinnii meeh? Iyagoo baqaya oo yaabban waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan amra xataa dabaysha iyo biyaha oo ay yeelaan?

    26¶ Waxay gaadheen dalka Gadareni ee ka soo hor jeeday Galili.

  • 27Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

  • Mat 8:23-25
    3 aayado
    85%

    23¶ Goortuu doonnida fuulay, xertiisii ayaa raacday.

    24Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday.

    25Markaasaa xertiisii u timid oo toosisay, iyagoo leh, Sayidow, na badbaadi, waannu lumaynaaye.

  • Mat 14:24-33
    10 aayado
    83%

    24Doonniduse durba wax badan ayay dhulka ka fogaatay oo hirarku waa dhibeen, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd.

    25Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda.

    26Oo xertiisii goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, way nexeen oo waxay yidhaahdeen, Waa muuqasho, oo baqdin bay la qayliyeen.

    27Markiiba Ciise waa la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.

    28Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, haddaad tahay adiga, igu amar inaan biyaha kuugu dul imaado.

    29Wuxuu ku yidhi, Kaalay. Oo Butros markuu doonnida ka degay ayuu biyaha ku dul socday inuu Ciise u tago.

    30Laakiin goortuu dabayshii arkay ayuu baqay, oo markuu bilaabay inuu dego ayuu qayliyey oo ku yidhi, Sayidow, i badbaadi,

    31oo markiiba Ciise gacantiisuu u taagay oo qabtay oo ku yidhi, Rumaysadyare yahow, maxaad u shakiday?

    32Oo markay doonnida fuuleen, dabayshu waa joogsatay.

    33Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah.

  • Yoon 1:11-13
    3 aayado
    82%

    11¶ Markaasay ku yidhaahdeen, Si baddu noogu degto aawadeed haddaba bal maxaannu kugu samaynaa? Waayo, badda duufaankeedii aad iyo aad buu u sii weynaaday.

    12Oo isna wuxuu ku yidhi, Kor ii qaada oo badda igu dhex tuura, sidaasay baddu idiinku degi doontaaye, waayo, waxaan ogahay in duufaankan weynu daraadday idiinku soo kacay.

    13Habase yeeshee nimankii aad bay seeb doonnidii ugu wadeen oo ugu dadaaleen inay xeebtii ku soo noqdaan, laakiinse way kari waayeen, maxaa yeelay, badda duufaankeedii oo ka gees ahaa aad iyo aad buu u sii weynaaday.

  • Yoox 6:17-20
    4 aayado
    81%

    17Waxayna fuuleen doonni, oo badday ka tallaabayeen ilaa Kafarna'um. Oo markiiba gudcur bay ahayd, Ciisena weli uma uu iman.

    18Badduna way isku kacday, dabayl weyn oo dhacday aawadeed.

    19Haddaba markay seeb ku wadeen qiyaas shan iyo labaatan ama soddon istaadiyon, waxay arkeen Ciise oo badda ku dul socda oo doonnida u soo dhowaanaya, wayna baqeen.

    20Laakiin wuxuu ku yidhi, Waa aniga ee ha baqina.

  • Mark 6:47-51
    5 aayado
    81%

    47Goortii makhribkii la gaadhay, doonnidii waxay joogtay badda dhexdeeda, isaguna keligiis ayuu dhulka joogay.

    48Wuxuu arkay iyagoo wadidda ku dhibtoonaya, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd. Wakhtigii gaadhka afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda, wuuna iska dhaafi lahaa.

    49Laakiin goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, waxay moodeen inuu muuqasho yahay, markaasay qayliyeen.

    50Waayo, way wada arkeen, wayna nexeen. Markiiba wuu la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.

    51Markaasuu doonnidii iyaga ugu tegey, dabayshuna waa joogsatay. Aad iyo aad bay u nexeen oo ula yaabeen.

  • 29Wuxuu dejiyaa duufaanka, Si ay hirarkiisu u xasillaan.

  • 7Markaasaa Ciise u yimid oo taabtay oo ku yidhi, Kaca, hana baqina.

  • 76%

    37Laakiin way argaggexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen.

    38Markaasuu ku yidhi, Maxaad u naxaysaan? Fikirro maxay qalbigiinna uga kacayaan?

  • 25Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka, Taas oo kor u qaadda hirarka badda.

  • 8Ciise oo gartay ayaa ku yidhi, Maxaad isula hadlaysaan, rumaysadyarayaalow? Ma kibista aydnan haysan aawadeed baa?

  • 15Sidaas daraaddeed Yoonis bay kor u qaadeen oo waxay ku dhex tuureen baddii, kolkaasay baddii joojisay cadhadeedii.

  • 13Markaasuu ka tegey oo haddana doonniduu fuulay oo dhanka kale u kacay.

  • 1¶ Haddana wuxuu bilaabay inuu badda agteeda wax ku baro, oo waxaa u soo ururay dad badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay, wuxuuna fadhiistay badda, dadkii badnaana waxay joogeen badda xeebteeda.

  • 4¶ Laakiinse Rabbigu wuxuu baddii ku soo daayay dabayl weyn, kolkaasaa waxaa baddii ka dhex kacay duufaan xoog leh, doonnidiina waxay ku dhowaatay inay burburto.

  • 25Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax.

  • 7Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda, Iyo dadyowga buuqooda.