Matayos 9:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasaa qaar culimmada ah waxay isku yidhaahdeen, Ninkan waa caytamayaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 26:65 : 65 Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isagoo leh, Wuu caytamay. Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega, haddeer waad maqasheen caytanka.
  • Mark 2:6-7 : 6 Laakiin halkaa waxaa joogay qaar culimmada ah oo iska fadhiyey oo qalbiyadooda ka fikirayay, oo waxay isku yidhaahdeen, 7 Ninkanu muxuu sidan ugu hadlayaa? Wuu caytamayaa. Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee?
  • Mark 7:21 : 21 Waayo, waxan weeye waxa qalbiga dadka gudihiisa ka soo baxa fikirrada shar leh, iyo galmada xaaraanta ah, iyo tuuganimada, iyo dilidda,
  • Mark 14:64 : 64 Waad maqasheen caytanka. Maxay idinla tahay? Kulligood waxay xukumeen inuu dhimasho istaahilo.
  • Luuk 5:21 : 21 Markaasaa culimmadii iyo Farrisiintii waxay bilaabeen inay fikiraan iyagoo leh, Ayuu yahay kan caytamayaa? Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee?
  • Luuk 7:39-40 : 39 Farrisigii u yeedhay isaga, goortuu arkay, ayuu isla hadlay isagoo leh, Ninkan hadduu nebi yahay, wuu ogaan lahaa naagtan taataabatay cid ay tahay iyo waxay tahay inay tahay dembile. 40 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Simoonow, hal baan ku leeyahay. Wuxuu yidhi, Dheh, Macallimow.
  • Yoox 10:33-36 : 33 Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Shuqul wanaagsan aawadiis kugu dhagxin mayno, laakiin caytanka aawadiis iyo inaad adigoo nin ah Ilaah iska dhigayso. 34 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanay ku qorrayn sharcigiinna, Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo? 35 Hadduu Ilaah kuwii ereygiisu u yimid ku sheegay ilaahyo (oo Qorniinkana lama jebin karo), 36 ma waxaad ku leedihiin kii Aabbuhu quduus ka dhigay oo xagga dunida u soo diray, Waad caytantaa, waayo, waxaan idhi, Wiilka Ilaah baan ahay?
  • Fal 6:11-13 : 11 Markaasay niman laaluusheen, oo nimankii baa waxay yidhaahdeen, Waxaannu maqalnay isagoo Muuse iyo Ilaahba caayaya. 12 Markaasay kiciyeen dadkii iyo waayeelladii iyo culimmadii, oo intay isagii ku soo kediyeen oo qabteen, ayay shirkii geeyeen. 13 Markaasay waxay soo taageen markhaatiyaal been ah oo leh, Ninkanu iskama daayo inuu meeshan quduuska ah iyo sharciga erayo xunxun ka sheego,
  • Laaw 24:16 : 16 Kii magaca Rabbiga caaya sida xaqiiqada ah waa in la dilaa. Ururka oo dhammu hubaal waa inay isaga dhagxiyaan, oo hadduu shisheeye yahay iyo hadduu waddani yahayba, markuu magaca Rabbiga caayo waa in la dilaa.
  • Mat 7:29 : 29 waayo, wuxuu wax u barayay sida mid amar leh oo uma uu baraynin sida culimmada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 2:5-10
    6 aayado
    84%

    5Ciise kolkuu rumaysadkoodii arkay, ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi, Wiilkow, dembiyadaadu waa cafiyan yihiin.

    6Laakiin halkaa waxaa joogay qaar culimmada ah oo iska fadhiyey oo qalbiyadooda ka fikirayay, oo waxay isku yidhaahdeen,

    7Ninkanu muxuu sidan ugu hadlayaa? Wuu caytamayaa. Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee?

    8Kolkiiba Ciise ruuxiisuu ka ogaaday inay sidaas qalbiyadooda ka fikirayaan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad waxan qalbiyadiinna ugaga fikiraysaan?

    9Iyamaa hawl yar, in curyaanka lagu yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in lagu yidhaahdo, Kac oo sariirtaada qaado oo soco?

    10Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi),

  • Luuk 5:20-23
    4 aayado
    82%

    20Goortuu rumaysadkoodii arkay ayuu ku yidhi, Nin yahow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin.

    21Markaasaa culimmadii iyo Farrisiintii waxay bilaabeen inay fikiraan iyagoo leh, Ayuu yahay kan caytamayaa? Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee?

    22Laakiin Ciise goortuu fikirradoodii gartay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad qalbiyadiinna uga fikiraysaan?

    23Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco?

  • Mat 9:4-6
    3 aayado
    80%

    4Ciise oo fikirradooda garanaya ayaa ku yidhi, Maxaad haddaba shar ugu fikiraysaan qalbiyadiinna?

    5Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco?

    6Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (markaasuu kii curyaanka ahaa ku yidhi), Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag.

  • 49Kuwii cunto ula fadhiyey waxay bilaabeen inay isku yidhaahdaan, Yuu yahay kan dembiyo cafiya haddana?

  • 16Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?

  • 2Kolkaasay waxay u keeneen nin curyaan ah oo sariir ku jiifa. Ciise oo rumaysadkooda arka ayaa ninkii curyaanka ahaa ku yidhi, Wiilkow, kalsoonow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin.

  • Mark 3:28-30
    3 aayado
    76%

    28Runtii waxaan idinku leeyahay, Bini-aadmiga waa loo cafiyi doonaa dembiyadii oo dhan iyo caydii ay ku caytamaan;

    29laakiin ku alla kii caaya Ruuxa Quduuska ah, weligiis cafiga heli maayo, laakiin wuxuu eed u leeyahay dembi weligiis ah;

    30waayo, waxay yidhaahdeen, Jinni wasakh leh ayuu qabaa.

  • 22Culimmadii Yeruusaalem ka soo degeenna waxay yidhaahdeen, Wuxuu qabaa Be'elsebul, oo madaxda jinniyada ayuu jinniyada ku saaraa.

  • 16Sidaa aawadeed Farrisiinta qaarkood waxay yidhaahdeen, Ninkan xaggii Ilaah kama iman, waayo, sabtida ma dhawro. Qaar kalese waxay yidhaahdeen, Sidee baa nin dembi leh calaamooyinkan oo kale u samayn karaa? Markaasay kala qaybsameen dhexdoodii.

  • Luuk 6:7-8
    2 aayado
    73%

    7Culimmadii iyo Farrisiintii ayaa fiirinayay inuu sabtida wax bogsiinayo iyo in kale, si ay ugu helaan wax ay ku ashtakeeyaan.

    8Isaguse wuxuu gartay fikirradoodii; goortaasuu ninkii gacanta engegnaa ku yidhi, Kac oo dhexda isa soo taag. Wuuna kacay oo istaagay.

  • 2Markaasay fiirinayeen inuu sabtida bogsiinayo iyo in kale, si ay u ashtakeeyaan.

  • 36ma waxaad ku leedihiin kii Aabbuhu quduus ka dhigay oo xagga dunida u soo diray, Waad caytantaa, waayo, waxaan idhi, Wiilka Ilaah baan ahay?

  • Mark 3:4-5
    2 aayado
    73%

    4Oo wuxuu iyaga ku yidhi, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar; in naf la badbaadiyo ama la dilo? Laakiin way iska aamuseen.

    5Goortuu iyaga isha mariyey isagoo cadhaysan oo qalbigiisii ka tiiraanyooday qalbi engegnaantooda aawadeed, wuxuu ninkii ku yidhi, Gacanta soo taag. Kolkaasuu soo taagay, oo gacantiisu way bogsatay.

  • 8Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.

  • 3Markaasaa Ciise u jawaabay oo kuwii sharciga yiqiin iyo Farrisiintii ku yidhi, isagoo leh, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo, mise maya?

  • 65Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isagoo leh, Wuu caytamay. Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega, haddeer waad maqasheen caytanka.

  • 31Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Dembi walba iyo cay walba waa loo cafiyi doonaa dadka, laakiin cayda Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono.

  • 14¶ Markay xertii u yimaadeen, waxay arkeen dad faro badan oo la jooga. Culimmaduna wax bay weyddiinayeen.

  • 11Goortii Farrisiintu arkeen ayay xertiisii ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu muxuu cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha ula cunaa?

  • 10oo mid walba oo ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah, waa loo cafiyi doonaa, laakiin kii caaya Ruuxa Quduuska ah looma cafiyi doono.

  • 64Waad maqasheen caytanka. Maxay idinla tahay? Kulligood waxay xukumeen inuu dhimasho istaahilo.

  • 29Oo kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow,

  • Mat 12:9-10
    2 aayado
    71%

    9¶ Markaasuu halkaas ka tegey oo wuxuu galay sunagoggooda.

    10Oo waxaa joogay nin gacan engegan. Goortaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo? si ay ugu ashtakeeyaan.

  • 34Laakiin Farrisiintii waxay yidhaahdeen, Wuxuu jinniyada ku eryaa madaxda jinniyada.

  • 24Markaasaa Farrisiintii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, maxay sabtida u samaynayaan wixii aan xalaal ahayn?

  • 15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin kuwa dadka hortooda isku soo caddeeya inaad xaq tihiin, laakiin Ilaah waa garanayaa qalbiyadiinna, waayo, wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo.

  • 16Culimmadii iyo Farrisiintii markay arkeen isagoo dembilayaal iyo cashuurqaadayaal wax la cunaya, waxay xertiisii ku yidhaahdeen, Waa sidee? Wuxuu wax la cunaa oo la cabbaa cashuurqaadayaal iyo dembilayaal.

  • 40Kuwii Farrisiinta ahaa oo la joogay ayaa waxyaalahaas maqlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Annaguna ma indha la' nahay?

  • 41Sidaas oo kale ayaa wadaaddada sare ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmada iyo waayeelladaba, oo waxay yidhaahdeen,

  • 39Culimmada qaarkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, si wanaagsan ayaad u hadashay.

  • 9¶ Masaalkan ayuu kula hadlay qaar ismoodayay inay xaq yihiin oo kuwa kale quudhsaday.

  • 2Kolkaasay Farrisiintii iyo culimmadiiba gunuunaceen, iyagoo leh, Ninkanu dembilayaashuu soo dhoweeyaa oo wax la cunaa.

  • 2Laakiin Farrisiintii goortay arkeen, waxay isaga ku yidhaahdeen, Eeg, xertaadu waxay samaynayaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo.

  • 65Wax badan oo kalena ayay ku lahaayeen iyagoo caayaya.

  • 15Laakiin qaarkood ayaa yidhi, wuxuu jinniyada ku saaraa Be'elsebul oo ah madaxda jinniyada.