Miikaah 7:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Anaa iska hoogay! Waayo, waxaan ahay sidii marka la soo ururiyo midhaha beergoosadka, iyo sida xaabxaabka canabka. Ma jiro rucub la cuna. Naftaydu waxay doonaysaa berdaha hore u bislaaday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 24:13 : 13 Waayo, sidaasay ahaan doontaa dalka iyo dadyowga dhexdoodaba, oo waxay noqon doontaa sida ruxruxidda geedka saytuunka ah iyo sida xaaxaabka canabka marka midhaha laga gurto dabadeed.
  • Ish 28:4 : 4 oo ubaxa engegay oo quruxdooda weyn oo ku yaal madaxa dooxada barwaaqaysanna wuxuu noqon doonaa sida berdaha beergoosadka hortiis bislaada, oo ku alla kii fiiriyaaba markuu arko iska cuno intuu gacantiisa ku jiro.
  • Hos 9:10 : 10 Waxaan gartay in dadka Israa'iil ay la mid ahaayeen canab cidlada ku dhex yaal, oo waxaan arkay in awowayaashiin ahaayeen sidii berdaha xilliga hore bislaada, laakiinse iyagu waxay yimaadeen Bacal Fecoor, oo waxay gooni isugu sooceen waxaas ceebta miidhan ah, oo waxay u karaahiyoobeen sidii wixii ay jeclaayeen oo kale.
  • Ish 17:6 : 6 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weli canab xaabxaab ah ayaa ku hadhi doona, oo sida geed saytuun ah oo la ruxay ayaa laba ama saddex xabbadood ku hadhi doonaan laanta geedka ugu korraysa dhaladeeda, laamaha ugu shisheeya oo midhaha badanna waxaa ku hadhi doona afar ama shan xabbadood.
  • Yer 4:31 : 31 Waayo, waxaan maqlay cod sidii naag foolanaysa, iyo qaylo sidii mid ilmaheedii ugu horreeyey dhalaysa, waana codkii magaalada Siyoon, oo taahaysa, oo gacmaheeda kala fidisa, oo waxay tidhaahdaa, anigaa haatan hoogay! Waayo, naftaydii aad bay ugu daallan tahay gacankudhiiglayaasha aawadood.
  • Yer 15:10 : 10 ¶ Anigaa iska hoogay, hooyoy, waxaad ii dhashay inaan dunida oo dhan u ahaado nin rabshad iyo dirir miidhan! Weligay ninna korsocod wax uma deymin, oo ninna korsocod wax kama deyman, laakiinse mid kastaaba waa i habaaraa.
  • Yer 45:3 : 3 Adigu waxaad tidhi, Anigaa iska hoogay haatan, waayo, Rabbigu xanuunkaygii murug buu iigu sii daray. Taahiddaydii, waan la daalay, oo innaba nasasho ma aan helin.
  • Ish 24:16 : 16 ¶ Darafka dhulka ugu shisheeya ayaan ka maqalnay gabayo lahaa, Ammaanu ha u ahaato kan xaqa ah. Laakiinse anigu waxaan idhi, Caatoobay oo caatoobay, anaa iska hoogay! Khaa'innadii khiyaanay sameeyeen, hubaal khaa'innadii aad iyo aad bay khiyaano xun u sameeyeen.
  • Sab 120:5 : 5 Anaa hoogay, waayo, Mesheg baan qariib ku noqday, Oo waxaan dhex degay teendhooyinkii Qedaar!
  • Ish 6:5 : 5 Markaasaan idhi, Anaa hoogay! Waayo, waan lumay, maxaa yeelay, waxaan ahay nin aan bushimihiisu daahirsanayn, oo weliba waxaan dhex degganahay dad aan bushimahoodu daahirsanayn, waayo, indhahaygu waxay arkeen Boqorka ah Rabbiga ciidammada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoel 1:10-12
    3 aayado
    77%

    10Beertii way ba'day oo dhulkii wuu barooranayaa, waayo, hadhuudhkii wuu baabba'ay, oo khamrigii cusbaana waa engegay, oo saliiddiina way cidlaanaysaa.

    11Kuwiinna beerreyda ahow, isku naxa, oo kuwiinna beeraha canabka ah ka shaqeeyow, u ooya sarreenka iyo shiciirka aawadood, waayo, beerta midhaheedii way baabbe'een.

    12Canabkii wuu engegay, oo berdihiina wuu dhaday, oo geedkii rummaanka, iyo geedkii timirta, iyo geedkii tufaaxa, iyo xataa dhirtii berrinka ku tiil oo dhammu way wada engegeen, oo farxaddiina way ka dhammaatay binu-aadmiga.

  • Yoel 1:7-8
    2 aayado
    74%

    7Geedahaygii canabka ahaa way baabbi'iyeen, oo dhirtaydii berdaha ahaydna way diirteen, wayna mudhxiyeen oo kala tuurtuureen, oo laamahoodiina waa qayax cad.

    8Haddaba u musannaaba sidii gabadh joonyad xidhatay oo u barooranaysa arooskeedii ka dhintay.

  • Yoel 1:16-18
    3 aayado
    74%

    16War cuntadii sow kama go'in indhahayaga hortooda, farxaddii iyo rayrayntiina sow kama baabbi'in gurigii Ilaahayaga?

    17Abuurkii la beeray wuxuu ku qalalay ciidda hoosteeda, oo maqsinnadiina way baabbe'een, oo bakhaarradiina waa la dumiyey, maxaa yeelay, hadhuudhkii baa qalalay.

    18Xayawaanku aad iyo aad bay u cabaadaan, oo sofyada lo'da ahu waxay la welwelsan yihiin daaqla'aan, oo xataa xeryaha idaha ahu waa dhibaataysan yihiin.

  • 20Beergoosadkii waa dhaafay, oo midhoguriddiina waa idlaatay, laakiin innagu weli ma aynu badbaadin.

  • Yer 10:19-20
    2 aayado
    74%

    19Anigaa iska hoogay nabarkayga aawadiis! Dhaawacaygu aad buu u xun yahay, laakiinse waxaan is-idhi, Sida runta ah kanu waa xanuundaran, waase inaan u adkaystaa.

    20Taambuuggaygii waa baabba'ay, oo xadhkahaygii oo dhanna waa la jaray. Carruurtaydii way iga tageen oo ma ay joogaan, oo innaba lama arko cid teendhadayda mar dambe dhisaysa oo daahyadayda kor u taagaysa toona.

  • 7Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.

  • 5Anaa hoogay, waayo, Mesheg baan qariib ku noqday, Oo waxaan dhex degay teendhooyinkii Qedaar!

  • 5Waayo, beergoosadka ka hor markuu ubaxu dhammaado, oo uu ubaxu canab bislaanaya noqdo ayuu manjo laamaha yaryar ku gooyn doonaa, oo laamaha waaweyn ee sii faafayana wuu gooyn doonaa oo fogayn doonaa.

  • 16Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.

  • 17Waayo, in kastoo berduhu uusan ubxin, Ama aan midho ku oollin geedaha canabka ah, Oo hawsha saytuunka lagu khasaaro, Ama aan beeraha quud ka bixin, Oo adhigu xerada ka baabbo'o, Oo golahana aan xoolo lagu arag,

  • 2Dadkii cibaadada lahaa wuu ka wada baabba'ay dhulka, oo dadka dhexdiisa laguma arko mid qumman. Kulligood waxay u wada gabbadaan inay dhiig galaan daraaddeed, oo nin kastaaba walaalkiis ayuu shabag ku ugaadhsadaa.

  • Bar 1:11-13
    3 aayado
    72%

    11Dadkeeda oo dhammu way taahaan, oo kibis bay doondoonaan. Waxyaalahoodii wanaagsanaa cuntay siisteen si ay nafta ugu ceshadaan. Rabbiyow, bal eeg oo ka fiirso, waayo, waxaan noqday wax la nacay.

    12Miyaydaan dan iga lahayn, kuwiinna i ag marayow? Bal eega, oo fiiriya hadday jirto murug murugtayda la mid ah ee laygu riday, Oo uu Rabbigu igu dhibay maalintii ay cadhadiisa kululu timid.

    13Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.

  • Ish 16:9-10
    2 aayado
    72%

    9Sidaas daraaddeed waxaan canabka Sibmaah ugu ooyi doonaa oohintii aan Yacser ugu ooyay oo kale. Xeshboon iyo Elecaaleehow, waxaan idinku waraabin doonaa ilmadayda, waayo, midhahaagii la hor guray iyo beergoosadkaagiiba waxaa ku dhacday qayladii dagaalka.

    10Farxaddii waa la qaaday, oo beertii midhaha badnaydna farxaddii waa laga bixiyey, oo beeraha canabka ahna hees iyo rayrayn ma jiri doonaan, mana jiri doono mid canabka macsarooyin ku tunta, oo qaylada tumidda canabkana waan joojiyey.

  • 13Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan wada baabbi'in doonaa. Geedcanabka midho kuma oolli doonaan, oo geedberdahana midho kuma oolli doonaan, oo caleentuna way wada dhadi doontaa, oo waxyaalihii aan siiyey oo dhammu way ka wada dhammaan doonaan.

  • 7Khamriga cusubu wuu baroortaa, dhirta canabkuna way dhadaa, oo kuwii qalbigoodu faraxsanaa oo dhammuna way taahaan.

  • 5Haddii tuugag idiin soo dhici lahaayeen ama haddii shufto habeennimo idin miri lahayd, sow wax idinkama xadi lahayn jeeray wax ku filan la tagaan? (Sidee baad u ba'deen!) Haddii kuwa canabka gura idiin iman lahaayeen, sow kama tegi lahayn canab xaaxaab ah?

  • 18¶ Murugtaydu waa mid aan la fududayn karin, oo qalbigaygiina waa igu dhex taag darnaaday.

  • Bar 1:19-20
    2 aayado
    71%

    19Waxaan u yeedhay kuwii i jeclaa, laakiinse way i khiyaaneeyeen. Wadaaddadaydii iyo duqowdaydiiba magaalada dhexdeeda ayay ku naf bexeen, Intay doondoonayeen cunto ay nafta ku ceshadaan.

    20Rabbiyow, bal i eeg, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa. Uurkaa i gubanaya, Qalbigayguna wuu igu dhex rogman yahay, waayo, aad baan u caasiyoobay. Dibadda seef baa igu gablamisa, gurigana geeri baa ii joogta.

  • 17Oo beercanabyada oo dhanna waxaa jiri doonta baroorasho, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idin dhex mari doonaa.

  • Aam 8:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo haddana Sayidka Rabbiga ahu wax buu i tusay, oo waxaan arkay dambiil midho bisilu ka buuxaan.

    2Oo wuxuu igu yidhi, Caamoosow, maxaad aragtaa? Oo anna waxaan idhi, Waxaan arkaa dambiil midho bisilu ka buuxaan. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dadkayga Israa'iil dhammaadkoodii baa yimid, oo anigu mar dambe iyaga iska dhaafi maayo.

  • 4oo ubaxa engegay oo quruxdooda weyn oo ku yaal madaxa dooxada barwaaqaysanna wuxuu noqon doonaa sida berdaha beergoosadka hortiis bislaada, oo ku alla kii fiiriyaaba markuu arko iska cuno intuu gacantiisa ku jiro.

  • 7Naftaydu way diidaa inay taabato, Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale.

  • 7Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin, Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.

  • Ayuub 7:5-6
    2 aayado
    70%

    5Jidhkaygii waxaa ku dedan dirxiyo iyo qolfo ciid ah, Haddaba dubkaygu waa isqabsadaa dabadeedna wuu sii dillaacaa.

    6Cimrigaygu waa ka dheereeyaa dungudbiyaha dharsameeyaha, Oo rajola'aan baan ku noolahay.

  • 4Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.

  • 13Iyagaa iska hoogay, waayo, way iga ambadeen! Halaag ha ku dhaco, waayo, way igu xadgudbeen! In kastoo aan iyaga soo furan lahaa haddana been bay iga sheegeen.

  • 5Kuwiinna sakhraamiinta ahow, toosa, oo ooya, kuwiinna khamriga cabta oo dhammow, khamrigii macaanaa aawadiis u baroorta, waayo, waa idinka go'ay.

  • 32Canabka Sibmaahow, waxaan kuugu ooyi doonaa oohin ka sii daran tii Yacser. Laamahaagii badday dhaafeen, oo waxay gaadheen xataa tan iyo badda Yacser. Baabbi'iyihii wuxuu soo dhacay midhahaagii la hor guray iyo canabkaagii.

  • 7Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She'ool afkiisa.

  • 16Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!

  • 11Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo; Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga, Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda.

  • 10Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.

  • 9Dalku waa barooranayaa, waana taag gabayaa, Lubnaan way ceebowday, oo way engegtay, Shaaroon waa sida lamadegaan oo kale, oo Baashaan iyo Karmelna caleentii bay daadinayaan.

  • 11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

  • 20Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.

  • 20Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow? Bal maxaad iiga dhigatay calaamad, Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo?

  • 1Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday, Oo qabrigu waa ii diyaar.

  • 1Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.