Nexemyaah 3:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Iriddii Faraska korkeedana waxaa cusboonaysiiyey wadaaddadii, oo mid waluba wuxuu sameeyey meeshii gurigiisa ka soo hor jeedday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 23:15 : 15 Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu guriga boqorka u mari jireen; oo halkaasay ku dileen.
  • 2 Boq 11:16 : 16 Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu gurigii boqorka u mari jireen, oo halkaasaa lagu dilay.
  • Yer 31:40 : 40 Oo dhammaan dooxada meydadka, iyo dambaskaba, iyo beeraha oo dhan tan iyo durdurka Qidroon iyo ilaa iridda faraska oo dhanka bari u jeeddaba quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan, oo weligeedna mar dambe lama rujin doono, lamana dumin doono.
  • Nex 3:10 : 10 Oo meeshii iyaga ku xigtay oo ka soo hor jeedday gurigiisa waxaa cusboonaysiiyey Yedacyaah oo ahaa ina Xaruumaf. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa dhisay Xatuush oo ahaa ina Xashabneyaah.
  • Nex 3:23 : 23 Meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Benyaamiin iyo Xashuub taas oo ahayd meel guryahooda ka soo hor jeedday. Meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Casaryaah ina Macaseeyaah oo ahaa reer Cananyaah, taas oo ahayd gurigiisa dhinaciisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Nex 3:29-32
    4 aayado
    84%

    29Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Saadooq ina Immeer, taasoo ahayd meel gurigiisa ka soo hor jeedday. Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Shemacyaah ina Shekaanyaah oo ahaa kii dhawri jiray Iridda Bari.

    30Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xananyaah ina Shelemyaah iyo Xaanuun oo ahaa Saalaaf wiilkiisii lixaad. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Meshullaam ina Berekyaah, taasoo ahayd meel qolkiisii ka soo hor jeedday.

    31Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Malkiiyaah oo ahaa dahabtumayaasha midkood oo wuxuu dhisay tan iyo gurigii reer Netiiniim iyo baayacmushtariyada oo ka soo hor jeedday Iridda Mifqaad iyo ilaa meeshii geeska laga fuulo.

    32Oo meeshii geeska laga fuulo iyo Iriddii Idaha intii u dhaxaysayna waxaa cusboonaysiiyey dahabtumayaashii iyo baayacmushtariyadii.

  • Nex 3:10-27
    18 aayado
    80%

    10Oo meeshii iyaga ku xigtay oo ka soo hor jeedday gurigiisa waxaa cusboonaysiiyey Yedacyaah oo ahaa ina Xaruumaf. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa dhisay Xatuush oo ahaa ina Xashabneyaah.

    11Malkiiyaah ina Xaarim iyo Xashuub ina Faxad Moo'aabna waxay cusboonaysiiyeen meel kale iyo Munaaraddii Foornooyinka.

    12Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Shalluum ina Hallooxeesh oo ahaa taliyihii dhistariga Yeruusaalem badhkiis, isagii iyo gabdhihiisii.

    13Iriddii Dooxadana waxaa cusboonaysiiyey Xaanuun iyo dadkii Saanoo'ax degganaa. Iyagu way dhiseen, oo waxay qotomiyeen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii, oo waxay dhiseen kun dhudhun oo derbigii ah tan iyo Iriddii Digada.

    14Iriddii Digadana waxaa cusboonaysiiyey Malkiiyaah ina Reekaab oo ahaa taliyihii degmada Beyd Hakerem; wuu dhisay, wuuna qotomiyey albaabbadeedii oo geliyey handarraabbadeedii iyo qataarradeedii.

    15Iriddii Isha biyaha ahna waxaa cusboonaysiiyey Shalluun ina Kaalxoseh oo ahaa taliyihii degmada Misfaah, wuu dhisay oo deday, oo wuxuu qotomiyey albaabbadeedii oo geliyey handarraabbadeedii iyo qataarradeedii, oo derbigii Warta Shelax oo beerta boqorka u dhowaana wuu dhisay, oo wuxuu gaadhsiiyey tan iyo jaranjarada hoos uga degata magaalada Daa'uud.

    16Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Nexemyaah ina Casbuuq oo ahaa taliyihii degmada Beytsuur badhkiis, oo isagu wuxuu dhisay tan iyo meesha ka soo hor jeedda xabaalihii Daa'uud, iyo tan iyo balligii la sameeyey, iyo tan iyo gurigii ragga xoogga badan.

    17Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Laawi oo Rexuum ina Baanii ka mid ahaa. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xashabyaah oo ahaa taliyihii degmada Qeciilaah badhkiis oo degmadiisa aawadiis ayuu u dhisay.

    18Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey walaalahood oo uu ka mid ahaa Baway ina Xeenaadaad oo ahaa taliyihii degmada Qeciilaah badhkiis.

    19Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Ceser ina Yeeshuuca oo ahaa taliyihii Misfaah, taas oo ahayd meel ka soo hor jeedda meesha loo fuulo maqsinka hubka oo ku ag yiil meeshuu derbigu ka leexdo.

    20Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa dadaal ku cusboonaysiiyey Baaruug ina Sabbay, tan iyo leexashada derbiga iyo ilaa albaabkii guriga Eliyaashiib oo ahaa wadaadka sare.

    21Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Mereemood ina Uuriyaah oo ahaa reer Xaqoos, tan iyo guriga Eliyaashiib albaabkiisa iyo ilaa guriga Eliyaashiib dabadiisa.

    22Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey wadaaddadii ahaa dadkii Bannaanka.

    23Meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Benyaamiin iyo Xashuub taas oo ahayd meel guryahooda ka soo hor jeedday. Meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Casaryaah ina Macaseeyaah oo ahaa reer Cananyaah, taas oo ahayd gurigiisa dhinaciisa.

    24Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Binnuwii ina Xeenaadaad, taas oo ka bilaabmaysay gurigii Casaryaah ilaa meeshuu derbigu ka leexdo iyo tan iyo derbiga geeskiisii.

    25Faalaal ina Uusayna wuxuu cusboonaysiiyey meel leexashadii derbiga ka soo hor jeedday iyo munaaraddii ka taagnayd gurigii boqorka oo sare ee u dhowaa barxaddii waardiyayaasha, oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Fedaayaah ina Farcosh.

    26(Haddaba reer Netiiniim waxay degganaayeen Cofel iyo tan iyo meel ka soo hor jeedday Iridda Biyaha oo xagga bari, iyo ilaa munaaraddii kor u taagnayd.)

    27Meel kale oo isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Teqooca, taasoo ka soo hor jeedday munaaraddii weynayd oo kor u taagnayd, iyo tan iyo derbigii Cofel.

  • Nex 3:1-8
    8 aayado
    80%

    1¶ Markaasaa Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare ayaa la kacay wadaaddadii walaalihiis ahaa, oo waxay dhiseen Iriddii Idaha, oo intay quduus ka dhigeen ayay albaabbadeedii qotomiyeen, oo waxay quduus ka dhigeen tan iyo Munaaraddii Mee'aah iyo ilaa Munaaraddii Xananeel.

    2Oo intii isaga ku xigtayna waxaa dhisay dadkii Yerixoo, oo intii iyaga ku xigtayna waxaa dhisay Sakuur ina Imrii.

    3Iriddii Kalluunkana waxaa dhisay reer Hasenaa'aah, oo waxay saareen alwaaxdii saqafka haysay, wayna taageen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii.

    4Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Mereemood ina Uuriyaah, oo ahaa reer Xaqoos. Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Meshullaam ina Berekyaah oo ahaa ina Mesheysabeel. Oo intii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Saadooq ina Bacanaa.

    5Oo meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey reer Teqooca, laakiinse kuwoodii gobta ahaa waxba kama qaban shuqulkii sayidkooda.

    6Iriddii Gabowdayna waxaa cusboonaysiiyey Yooyaadaac oo ahaa ina Faasee'ax iyo Meshullaam oo ahaa ina Besoodyaah, oo waxay saareen alwaaxdii saqafka haysay, wayna taageen albaabbadeedii oo geliyeen handarraabbadeedii iyo qataarradeedii.

    7Oo meeshii iyaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Melatyaah oo ahaa reer Gibecoon, iyo Yaadoon oo ahaa reer Meeronotii, iyo dadkii reer Gibecoon, iyo kuwii reer Misfaah, oo ku hoos jiray carshiga taliyaha webiga ka shisheeya.

    8Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Cusii'eel oo ahaa ina Xarhayaah oo ka mid ahaa dahabtumayaashii. Oo meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Xananyaah oo ka mid ahaa dawosameeyayaashii, oo waxay Yeruusaalem adkeeyeen tan iyo derbiga ballaadhan.

  • Nex 12:37-39
    3 aayado
    72%

    37Oo xagga Iriddii Isha Biyaha iyo hortoodii ku qummanayd ayay kor u fuuleen jaranjaradii magaalada Daa'uud meesha derbiga laga fuulo oo ka korraysa gurigii Daa'uud, iyo ilaa Iridda Biyaha oo xagga bari ah.

    38Oo kooxdii kale oo kuwa mahadda naqaa waxay u kaceen inay ka hor tagaan, oo anna iyagaan daba socday; aniga iyo dadkii badhkiis waxaannu soconnay derbiga korkiisa, xagga ka sarraysa Munaaradda Foornooyinka iyo xataa tan iyo derbiga ballaadhan,

    39iyo xagga ka sarraysa Iridda Efrayim, iyo Iridda Gabooday agteeda, iyo Iridda Kalluunka, iyo Munaaradda Xananeel, iyo Munaaradda Mee'aah, iyo xataa Iridda Idaha; oo waxay joogsadeen Iriddii Waardiyaha.

  • 30Markaasaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen, oo waxay kaloo daahiriyeen dadkii iyo irdihii iyo derbigii.

  • 45Oo wuxuu igu yidhi, Qolladdan xagga koonfureed u sii jeedda waxaa iska leh wadaaddada daarta taladeeda haya.

  • 3Oo isagu wuxuu dhisay iriddii sare oo guriga Rabbiga, oo derbigii Cofel dushiisana wax badan buu ka dhisay.

  • 2 Boq 12:5-6
    2 aayado
    69%

    5wadaaddada nin waluba ha ka qaado kii uu yaqaan, oo ha ku dhiso meelaha guriga ka jajaban meel kasta oo meel jaban laga heloba.

    6Laakiinse sannaddii saddex iyo labaatanaad oo Yehoo'aash wadaaddadii weli ma ay dhisin guriga meelihiisii jajabnaa.

  • 3Oo waxaan iyagii ku idhi, Jeer ay qorraxdu kululaato yaan la furin irdaha Yeruusaalem, oo intay waardiyayaashu taagan yihiin albaabbada ha la xidho, oo idinku qataara, dadka Yeruusaalem degganna waardiyayaal ka doorta, oo mid waluba ha dhawro meel gurigiisa ka soo hor jeedda.

  • 23Haddaba iyaga iyo carruurtooduba waxay u sarrayn jireen irdaha guriga Rabbiga, kaasoo ahaa gurigii taambuugga iyagoo waardiyayaal ah.

  • 69%

    4Haddaba idinku sidan yeela: qaybtiinna saddexaad ee sabtida gasha oo ah reer Laawi iyo wadaaddadu, waa inay ahaadaan iridjoogayaal albaabbada jooga,

    5oo meel saddexaadna waa inay guriga boqorka joogaan, meel saddexaadna ha joogeen iridda aasaaska agteeda, oo dadka oo dhammuna waa inay ku wada jiraan guriga Rabbiga barxadihiisa.

  • 12Oo iridjoogayaasha kooxahooduna intaasay ka koobnaayeen, waxayna ahaayeen rag madax ah, oo sida walaalahood hawl madax ka ah inay guriga Rabbiga ka dhex adeegaan.

  • 6kuwaasoo ah nijaarrada, iyo waxdhisayaasha, iyo wastaadyada, oo ha ku soo iibiyeen alwaax iyo dhagaxyo la qoray oo guriga lagu dhiso.

  • 30Haddaba sidaasaan uga nadiifiyey dad kasta oo qalaad, oo waxaan bixiyey amar ku saabsan wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba iyo mid walba shuqulkiisii,

  • 10¶ Oo wadaaddadiina waxaa ka joogay Yedacyaah, iyo Yehooyaariib, iyo Yaakiin,

  • 18Oo kuwii wax dhisayayna mid walba seeftiisu dhinaca ayay ugu xidhnayd, oo sidaasayna wax u dhisayeen. Oo kii buunka yeedhin jirayna aniguu i ag joogay.

  • 12iyo walaalahoodii ka shaqayn jiray guriga, oo waxay ahaayeen siddeed boqol iyo laba iyo labaatan, iyo Cadaayaah oo ahaa ina Yeroxaam, ina Felaliyaah, ina Amsii, ina Sekaryaah, ina Fashxuur, ina Malkiiyaah,

  • 27Oo iyagu waxay u hoyan jireen guriga Ilaah hareerihiisa, maxaa yeelay, ilaalinta gurigu iyagay saarnayd, oo waxaa iyaga joogto u ahaa inay subax kasta furaan.

  • 3Oo isla markaasba waxaa u yimid Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay iyo saaxiibbadood, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa amar idin siiyey inaad gurigan dhistaan, iyo inaad derbigan dhammaysaan?