6Haddaba derbigii waannu dhisnay; oo derbigii oo dhan waa lays qabadsiiyey ilaa qotonkiisii badhkiis la gaadhsiiyey, waayo dadku waxay maanka ku hayeen inay shaqeeyaan.
7¶ Laakiinse markii Sanballad, iyo Toobiyaah, iyo kuwii Carbeed, iyo reer Cammoon, iyo reer Ashdood ay maqleen in derbiyadii Yeruusaalem cusboonaysiintoodii ay hore u socotay iyo in la bilaabay in daldaloolladii la fureeyo ayay aad u cadhoodeen.
8Markaasay dhammaantood shirqool ku wada arrinsadeen inay soo kacaan oo Yeruusaalem la diriraan, iyo inay dhexdeeda qas ka ridaan.
9Laakiinse waxaannu barinnay Ilaahayo, oo iyaga aawadood ayaannu yeelnay waardiyayaal naga ilaaliya habeen iyo maalinba.
10Markaasaa dadkii dalka Yahuudah waxay yidhaahdeen, Kuwa culaysyada qaada xooggoodii waa yaraaday, oo waxaa jira waxyaalo dundumay oo badan, sidaa daraaddeed derbiga ma dhisi karno.
11Oo cadaawayaashayadiina waxay yidhaahdeen, Iyagu ma ay ogaan doonaan, mana ay arki doonaan jeeraan dhex tagno oo aan iyaga layno, oo shuqulkana aan joojinno.
12Oo markii Yuhuuddii iyaga ag degganayd ay yimaadeen, waxay toban jeer nagu yidhaahdeen, Idinku waa inaad meel walba nooga soo noqotaan.
13Haddaba sidaas daraaddeed meeshii ugu hoosaysay oo derbiga ka dambaysay oo meelaha bannaan ku yiil ayaan taagay dadkii qoloqolo u safan oo wada haysta seefahoodii, iyo warmahoodii, iyo qaansooyinkoodiiba.
14Oo intaan wax fiiriyey ayaan kacay oo waxaan ku idhi kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadka intiisii kaleba, Iyaga ha ka cabsanina, ee waxaad xusuusataan Sayidka weyn oo laga cabsado, oo waxaad u dirirtaan walaalihiin, iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, iyo naagihiinna, iyo guryihiinnaba.
15Haddaba markii cadaawayaashayadii ay maqleen inaannu taas ogaannay, oo uu Ilaah taladoodii kala riday, ayaannu kulligayo ku noqonnay derbigii oo mid waluba wuxuu qabtay shuqulkiisii.