Nexemyaah 6:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

ayay Sanballad iyo Geshem ii soo cid direen oo waxay yidhaahdeen, Kaalay oo aan ku wada kulanno tuulooyinka bannaanka Oonoo ku yaal middood. Laakiinse waxay ku fikireen inay belaayo igu sameeyaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 8:12 : 12 Wiilashii Elfacalna waxay ahaayeen Ceeber iyo Mishcaam iyo Shemed oo ahaa kii dhisay Oonoo iyo Lod iyo magaalooyinkooda oo dhan,
  • Sab 37:12 : 12 Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah, Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.
  • Sab 37:32 : 32 Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah, Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.
  • Maah 26:24-26 : 24 Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa. 25 Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo. 26 In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.
  • Wacd 4:4 : 4 ¶ Oo haddana waxaan arkay in hawl oo dhan iyo shuqul kasta oo lagu guulaystoba uu nin deriskiisu ugu hinaaso. Oo taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
  • Yer 41:2 : 2 Markaasaa waxaa sara joogsaday Ismaaciil ina Netanyaah iyo tobankii nin ee isaga la socday, oo Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan ayay seef la dheceen oo isagay dileen kaasoo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.
  • Yex 33:31 : 31 Waxay kuugu yimaadaan sida dadku u yimaado, oo waxay hortaada u fadhiistaan sida dadkayga oo kale, oo erayadaadana way maqlaan, laakiinse innaba ma ay yeelaan, waayo, afkooda ayay jacayl badan ku muujiyaan, laakiinse qalbigoodu wuxuu daba galaa faa'iidadooda.
  • Miik 7:4-5 : 4 Kooda ugu wanaagsanu waa sidii qodxan oo kale, kooda ugu wada qummanuna waa sidii yamaarug oo kale. Wakhtigii waardiyihiinna oo ah wakhtigii laydin soo booqan lahaa waa yimid, wareerkoodu hadduu noqon doonaa. 5 Deris ha isku hallaynina, saaxiibna ha ku kalsoonaanina, afkaagana ka xidho tan laabtaada ku jiifta.
  • Luuk 20:19-21 : 19 ¶ Saacaddaas qudheeda ayaa culimmadii iyo wadaaddadii sare dooneen inay isagii qabtaan; laakiin dadkay ka baqeen; waayo, waxay garteen inuu masaalkan iyaga kaga hadlay. 20 ¶ Wayna dayayeen, oo ay u soo direen jaajuusiin iska dhigaya dad xaq ah, si ay hadalkiisa ugu qabtaan, oo ay ugu gacangeliyaan talada iyo amarka taliyaha. 21 Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid.
  • Nex 11:35 : 35 iyo Lod, iyo Oonoo oo ahayd dooxadii kuwa sancada badan.
  • Sab 12:2 : 2 Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
  • 2 Sam 3:27 : 27 Oo markuu Abneer ku soo noqday Xebroon ayaa Yoo'aab gees ula baxay oo iridda la dhex galay si uu ula faqo, markaasuu caloosha ka dooxay si uu u dhinto, maxaa yeelay, dhiiggii walaalkiis Casaaheel ayuu daadshay.
  • 2 Sam 20:9 : 9 Markaasaa Yoo'aab Camaasaa ku yidhi, Walaalkayow, ma nabdoon tahay? Yoo'aabna gacanta midig ayuu Camaasaa gadhka ku qabtay inuu dhunkado.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Haddaba markii Sanballad iyo Toobiyaah iyo Geshem kii Carabka ahaa, iyo cadaawayaashayadii kale loo sheegay inaan derbigii dhisay iyo inaan innaba daldalool lagu arag (in kastoo wakhtigaas aanan weli qotomin albaabbadii irdaha),

  • Nex 2:9-11
    3 aayado
    80%

    9Markaasaan u imid taliyayaashii webiga ka shisheeyey, oo iyagii siiyey warqadihii boqorka. Oo weliba waxaa boqorku igu daray saraakiil ciidanka ka tirsan iyo fardooley.

    10Oo Sanballad oo ahaa reer Xoron, iyo addoonkii ahaa Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon markay maqleen inuu yimid nin doonaya wanaagga reer binu Israa'iil ayay aad iyo aad u murugoodeen.

    11¶ Markaasaan Yeruusaalem imid, oo halkaasaan saddex maalmood iska joogay.

  • Nex 6:3-14
    12 aayado
    79%

    3Oo waxaan u diray wargeeyayaal, oo ku idhi, Waxaan samaynayaa shuqul weyn oo sidaas daraaddeed ma iman karo. Bal maxaa shuqulku u joogsanayaa markaan ka tago oo aan idiin imaado?

    4Oo fartiin caynkaas ah ayay afar jeer ii soo direen; oo anna isla sidii baan ugu jawaabay.

    5Oo haddana isla sidaas oo kale Sanballad wuxuu markii shanaad ii soo diray midiidinkiisii oo gacanta ku sida warqad furan.

    6Oo waxaa ku qornaa, Waxaa quruumaha dhexdooda laga sheegay, Gashmuuna uu leeyahay, in adiga iyo Yuhuudduba aad ku talo jirtaan inaad fallaagowdaan, oo waa taas daraaddeed waxaad derbiga u dhisaysaa, oo sida waafaqsan erayadan la soo sheegay waxaad doonaysaa inaad boqor u ahaatid.

    7Oo weliba waxaad dooratay nebiyo si ay wax kugu saabsan dadka Yeruusaalem ugu wacdiyaan, iyagoo leh, Dalka Yahuudah waxaa jooga boqor. Haddaba erayadan waxaa loo sheegi doonaa boqorka. Haddaba sidaas daraaddeed kaalay, oo aan tashannee.

    8Markaasaan u cid diray oo ku idhi, Waxaad leedahay oo kale halkan innaba laguma samayn, laakiinse adigaa qalbigaaga ka soo hindisay.

    9Waayo, dhammaantood waxay doonayeen inay na cabsiiyaan, oo waxay isyidhaahdeen, Shuqulkay ka daali doonaan, mana dhammayn doonaan. Laakiinse, Ilaahow, xoog ii yeel.

    10¶ Markaasaan tegey gurigii Shemacyaah ina Delaayaah oo ahaa ina Meheetabeel oo xidhnaa; oo wuxuu igu yidhi, Guriga Rabbiga oo ah macbudka dhexdiisa aan ku kulanno, oo aan xidhanno albaabbada macbudka, waayo, iyagu waxay u iman doonaan inay ku dilaan. Haah, oo habeennimada ayay u soo iman doonaan inay ku dilaan.

    11Aniguse waxaan ku idhi, Nin anigoo kale ahu miyuu cararaa? Bal waase kee, kan aniga ila mid ah oo macbudka u geli lahaa inuu naftiisa ku badbaadiyo? Geli maayo.

    12Markaasaan gartay inaan Ilaah isaga soo dirin, laakiinse hadal iga gees ah ayuu ugu hadlay sidii nebi oo kale, waayo, waxaa soo kiraystay Toobiyaah iyo Sanballad.

    13Oo taas aawadeed baa isaga loo soo kiraystay inaan cabsado oo saas yeelo oo aan dembaabo, iyo inay iyagu sabab u helaan war xun si ay iigu ceebeeyaan.

    14Haddaba Ilaahayow, sida shuqulladoodu yihiin u xusuuso Toobiyaah iyo Sanballad iyo weliba nebiyaddii Noocadyaah iyo nebiyadii kale oo damcay inay i cabsigeliyaan.

  • Nex 2:16-20
    5 aayado
    78%

    16Oo taliyayaashiina ma ay ogayn meel aan tegey iyo wixii aan sameeyey toona; oo weli waxba uma aan sheegin Yuhuuddii, iyo wadaaddadii, iyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo intii kaloo shuqulka samaysay toona.

    17Markaasaan ku idhi, War waad aragtaan xaalka xun oo aan ku jirno, iyo sida Yeruusaalem u baabba'day, iyo in irdaheedii dab lagu gubay. Haddaba kaalaya oo aan dhisno derbiga Yeruusaalem, si aynaan mar dambe u sii ceebaysnaan.

    18Oo waxaan iyagii wax uga sheegay gacantii Ilaahay oo korkayga ku wanaagsanayd, iyo weliba erayadii uu boqorku igula hadlay. Oo iyana waxay yidhaahdeen, Ina kiciya aan dhisnee. Sidaasay gacmahoodii shuqulkii wanaagsanaa ugu xoogeeyeen.

    19Laakiinse Sanballad oo ahaa reer Xoron, iyo addoonkii ahaa Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon, iyo Geshem oo ahaa Carab, markay taas maqleen ayay nagu qosleen, oo na quudhsadeen, oo waxay yidhaahdeen, War waxaad samaynaysaan waa maxay? Ma boqorkaad ku caasiyoobaysaan?

    20Markaasaan jawaabay oo ku idhi, Ilaaha samadu wuu na liibaanin doonnaa, oo sidaas daraaddeed annagoo addoommadiisa ah waannu kici doonnaa, wax baannuna dhisi doonnaa, laakiinse idinku Yeruusaalem kuma lihidin qayb, ama xaq, amase xusuus toona.

  • Nex 4:6-9
    4 aayado
    77%

    6Haddaba derbigii waannu dhisnay; oo derbigii oo dhan waa lays qabadsiiyey ilaa qotonkiisii badhkiis la gaadhsiiyey, waayo dadku waxay maanka ku hayeen inay shaqeeyaan.

    7¶ Laakiinse markii Sanballad, iyo Toobiyaah, iyo kuwii Carbeed, iyo reer Cammoon, iyo reer Ashdood ay maqleen in derbiyadii Yeruusaalem cusboonaysiintoodii ay hore u socotay iyo in la bilaabay in daldaloolladii la fureeyo ayay aad u cadhoodeen.

    8Markaasay dhammaantood shirqool ku wada arrinsadeen inay soo kacaan oo Yeruusaalem la diriraan, iyo inay dhexdeeda qas ka ridaan.

    9Laakiinse waxaannu barinnay Ilaahayo, oo iyaga aawadood ayaannu yeelnay waardiyayaal naga ilaaliya habeen iyo maalinba.

  • Nex 4:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Laakiinse markii Sanballad maqlay inaannu derbigii dhisaynay ayuu cadhooday, oo aad u dhirfay, oo Yuhuuddiina wuu ku majaajilooday.

    2Markaasuu ka hor hadlay walaalihiis iyo ciidankii Samaariya, oo wuxuu yidhi, War Yuhuuddan itaalka daranu waxay samaynayaan waa maxay? Iyaga ma la daynayaa? Oo miyey allabaryayaan? Oo ma maalin bay hawshaas ku dhammaynayaan? Oo dhagxantii miyey ka soo noolaynayaan tuulmooyinkii waxyaalaha baabba'ay oo gubtay?

    3Oo haddana Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon oo agtiisa taagnaa wuxuu yidhi, Waxa ay dhisayaan oo dhan xataa haddii dawaco fuusho way kala burburinaysaa derbigooda dhagaxa ah.

  • Nex 4:11-12
    2 aayado
    74%

    11Oo cadaawayaashayadiina waxay yidhaahdeen, Iyagu ma ay ogaan doonaan, mana ay arki doonaan jeeraan dhex tagno oo aan iyaga layno, oo shuqulkana aan joojinno.

    12Oo markii Yuhuuddii iyaga ag degganayd ay yimaadeen, waxay toban jeer nagu yidhaahdeen, Idinku waa inaad meel walba nooga soo noqotaan.

  • Nex 6:16-17
    2 aayado
    72%

    16Oo markii cadaawayaashayadii oo dhammu ay taas maqleen ayay kulli quruumihii hareerahayaga ku wareegsanaa oo dhammu wada cabsadeen, oo aad bay u ceeboobeen, waayo, waxay garteen in shuqulkan laga sameeyey Ilaahayaga xaggiisa.

    17Oo weliba waagaas kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah warqado badan bay u direen Toobiyaah, oo iyagana waxaa u yimid warqadihii Toobiyaah.

  • Nex 1:2-3
    2 aayado
    72%

    2waxaa yimid Xanaanii oo walaalahayga midkood ahaa, isaga iyo niman kale oo dalka Yahuudah ka yimid; oo markaasaan weyddiiyey wax ku saabsan Yuhuuddii baxsatay, oo maxaabiistii ka hadhay, iyo wax ku saabsan Yeruusaalem.

    3Oo iyana waxay igu yidhaahdeen, Kuwii maxaabiista ka hadhay oo gobolkii jira waxay ku jiraan dhibaato weyn iyo ceeb; oo derbigii Yeruusaalemna waa la dumiyey, oo irdaheediina dab baa lagu gubay.

  • 19Oo weliba waxay hortayda kaga hadleen falimihiisii wanaagsanaa, oo hadalkaygana isagay u sheegeen. Toobiyaahna warqaduu iigu soo diray inuu i cabsiiyo.

  • 15Haddaba markii cadaawayaashayadii ay maqleen inaannu taas ogaannay, oo uu Ilaah taladoodii kala riday, ayaannu kulligayo ku noqonnay derbigii oo mid waluba wuxuu qabtay shuqulkiisii.

  • 7Markaasaan Yeruusaalem imid oo waxaan gartay sharkii uu Eliyaashiib u sameeyey Toobiyaah markuu qowlad uga diyaarshay barxadihii guriga Ilaah.

  • 1¶ Haddaba cadaawayaashii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin markay maqleen inay kuwii maxaabiistii ahaan jiray macbud u dhisayeen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

  • Cesr 5:3-4
    2 aayado
    71%

    3Oo isla markaasba waxaa u yimid Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay iyo saaxiibbadood, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa amar idin siiyey inaad gurigan dhistaan, iyo inaad derbigan dhammaysaan?

    4Markaasaannu sidan kula hadalnay, oo ku nidhi, Nimanka dhismahan dhisaya magacyadooda maxaa la yidhaahdaa?

  • Cesr 4:12-13
    2 aayado
    71%

    12Boqorow, bal ogow, in Yuhuuddii kaa soo kacday ay Yeruusaalem noogu yimaadeen, oo ay dhisayaan magaaladii caasiga ahayd oo xumayd, oo derbiyadii way dhammeeyeen, aasaaskiina way hagaajiyeen.

    13Haddaba boqorow bal ogow, in haddii magaaladan la dhiso, oo derbiyadeeda la dhammeeyo, ayan iyagu markaas bixin doonin gabbaro, canshuur, amase baad, ugudambaystana boqorraday wax yeeli doontaa.

  • 19Oo waxaan ku idhi kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadka intiisii kaleba, Shuqulku waa weyn yahay, wuuna ballaadhan yahay, annana derbiga dushiisa waannu ku kala firidhsan nahay, oo midba midka kale wuu ka fog yahay.

  • 16Oo weliba waxaan hore u sii waday shuqulkii derbigan, oo annagu waxba dhul ma aannu iibsan. Oo midiidinnadaydii oo dhammuna halkaasay shuqulka aawadiis ku soo wada urureen.

  • Cesr 6:6-7
    2 aayado
    69%

    6Haddaba sidaas daraaddeed Tatenay, oo ah taliyaha dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadiinna reer Afarsekaayee oo webiga shishadiisa joogow, idinku halkaas iskaga fogaada,

    7oo gurigan Ilaah shuqulkiisa faraha ka qaada, oo taliyaha Yuhuudda iyo odayaasha Yuhuuddu gurigan Ilaah meeshiisii ha ka dhiseen.

  • 9¶ Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

  • 7Oo weliba waxaan boqorkii ku idhi, Boqorow, haddaad raalli ka tahay, ha lay siiyo warqado aan u geeyo taliyayaasha webiga ka shisheeya, si ay igu oggolaadaan inaan dhex maro dalkooda ilaa aan gaadho dalka Yahuudah;

  • 21Markaasaan iyagii u digay oo ku idhi, War maxaad derbiga hareerihiisa ugu hoyataan? Haddaad mar dambe saas yeeshaan gacan baan idin saarayaa. Oo ayaantaas ka dib mar dambe ma ay iman maalin sabti ah.

  • 9Oo weliba waxaan idhi, War waxaad samaysaan ma wanaagsana. Sow waajib idinkuma aha inaad ku socotaan ka cabsashada Ilaaheenna cayda quruumaha cadaawayaasheenna ah aawadeed?