Tirintii 1:47

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Laakiinse qabiilkii reer Laawi reer reer looma tirin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 2:33 : 33 Laakiinse reer Laawi laguma tirin reer binu Israa'iil, waayo, sidaas ayaa Rabbigu Muuse ku amray.
  • Tir 3:1-4:49 : 1 ¶ Haddaba kuwanu waxa weeye farcammadii Haaruun iyo Muuse waagii Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay. 2 Oo kuwanu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, Naadaab oo curadkii ahaa, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar. 3 Kuwaasu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, oo waa wadaaddadii la subkay oo uu gooni uga dhigay inay adeegaan shuqulka wadaadnimada. 4 Naadaab iyo Abiihuu waxay ku dhinteen Rabbiga hortiisa, markay dab qalaad ku bixiyeen Rabbiga hortiisa iyagoo cidlada Siinay jooga, oo iyagu carruurna ma ay lahayn. Markaasay Elecaasaar iyo Iitaamaar shuqulkii wadaadnimada kaga adeegi jireen aabbahood Haaruun hortiisa. 5 ¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 6 Qabiilka reer Laawi soo dhowee oo wadaadka Haaruun hortiisa keen inay isaga u adeegaan. 7 Oo iyagu waa inay amarkiisa iyo amarka shirka oo dhan ku yeelaan teendhada shirka horteeda si ay hawsha taambuugga u sameeyaan. 8 Oo waa inay dhawraan alaabta teendhada shirka oo dhan, iyo amarka reer binu Israa'iil, si ay hawsha taambuugga u sameeyaan. 9 Oo adigu waa inaad reer Laawi siisaa Haaruun iyo wiilashiisaba, oo iyaga dhammaantood waa la siiyey reer binu Israa'iil aawadood. 10 Oo waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa doorataa, oo iyagu waa inay dhawraan wadaadnimadooda, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa. 11 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 12 Oo bal eeg, anna waxaan reer Laawi kala dhex baxay reer binu Israa'iil intii aan ka qaadan lahaa curadyada reer binu Israa'iil ee maxalka furta oo dhan, oo reer Laawi waxay ahaanayaan kuwaygii, 13 waayo, curadyada oo dhan anigaa iska leh. Maalintii aan curadyadii Masar oo dhan wada laayay ayaan quduus ka wada dhigtay curadyada reer binu Israa'iil, dad iyo duunyoba, oo iyagu kuwaygay ahaanayaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 14 ¶ Oo haddana Rabbigu wuxuu Muuse kula hadlay cidlada Siinay, oo wuxuu ku yidhi, 15 Reer Laawi oo dhan u soo wada tiri reer reer iyo qolo qolo. Nin kasta oo bil jira ama ka sii weyn waa inaad tirisaa. 16 Markaasaa Muuse iyagii u tiriyey sidii eraygii Rabbigu ahaa oo uu isaga ugu amray. 17 Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Laawi magacyadoodii: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii. 18 Oo kuwanuna waa magacyadii wiilashii Gershoon siday qolooyinkoodu yihiin, Libnii iyo Shimcii. 19 Oo wiilashii Qohaad siday qolooyinkoodu yihiin waa Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel. 20 Oo wiilashii Meraariina siday qolooyinkoodu yihiin waa Maxlii iyo Mushii, kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi siday reerahoodu yihiin. 21 ¶ Oo Gershoon waxaa ka soo farcamay reer Libnii iyo reer Shimcii, kuwaasu waa qolooyinkii reer Gershoon. 22 Oo kuwii iyaga laga tiriyey siday ahayd tiradii kuwii lab ahaa oo dhan, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, kulli intoodii la tiriyey waxay ahaayeen toddoba kun iyo shan boqol. 23 Oo reer Gershoon qolooyinkoodii waa inay taambuugga dabadiisa xagga galbeedka teendhooyinkooda ka dhistaan. 24 Oo amiirka reer Gershoonna waa inuu ahaadaa Eliyaasaaf ina Laa'eel. 25 Oo reer Gershoonna waa inay teendhada shirka ugu taliyaan taambuuga, iyo Teendhada, iyo dedkeeda, iyo daaha iridda teendhada shirka, 26 iyo barxadda daahyadeeda, iyo daaha iridda barxadda oo taambuugga iyo meesha allabariga ku wareegsan iyo xadhkihii hawsha lagu qabto oo dhan. 27 ¶ Oo Qohaadna waxaa ka soo farcamay reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel; kuwaasu waa qolooyinkii reer Qohaad. 28 Siday ahayd tiradii kuwii lab ahaa oo dhan intii bil jirtay ama ka sii weynayd waxay ahaayeen siddeed kun iyo lix boqol, oo waxay u taliyeen meesha quduuska ah. 29 Oo qolooyinka reer Qohaad waa inay taambuugga dhankiisa koonfureed teendhooyinkooda ka dhistaan. 30 Oo amiirka reer Qohaadna waa inuu ahaadaa Eliisaafaan ina Cusii'eel. 31 Oo iyana waxay u talin doonaan sanduuqa, iyo miiska, iyo laambadda, iyo meelaha allabariga, iyo weelasha meesha quduuska ah oo ay ku adeegaan, iyo daaha, iyo hawsha oo dhan. 32 Oo Elecaasaar ina wadaadka Haaruun waa inuu ahaadaa amiirka amiirrada reer Laawi, oo wuxuu korka ka ilaalin doonaa kuwa u taliya meesha quduuska ah. 33 ¶ Oo Meraariina waxaa ka soo farcamay reer Maxlii iyo reer Mushii, kuwaasu waa qolooyinkii reer Meraarii. 34 Oo kuwoodii loo tiriyey siday ahayd tiradii kuwii labka ahaa oo dhan, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, waxay ahaayeen lix kun iyo laba boqol. 35 Oo qabiilka reer Meraarii amiirkoodii wuxuu ahaa Surii'eel ina Abiixayil, oo iyana waa inay taambuugga dhankiisa woqooyi teendhooyinkooda ka dhistaan. 36 Oo reer Meraarii waxaa loo amray inay u taliyaan taambuugga looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo hawshiisa oo dhan, 37 iyo tiirarka barxadda ku wareegsanna, iyo saldhigyadooda, iyo musaamiirtooda iyo xadhkahooda. 38 Oo kuwa teendhooyinkooda ka dhistaa taambuugga xaggiisa bari iyo teendhada shirka horteeda xagga qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxay reer binu Israa'iil ugu talinayaan meesha quduuska ah; oo shisheeyaha u soo dhowaadana waa in la dilaa. 39 Oo kulli intii reer Laawi ah ee la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay qolo qolo ugu tiriyeen amarkii Rabbiga, kuwii lab ahaa oo dhan oo bil jiray ama ka sii weynaa, waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun. 40 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tiri curadyada labka ah oo reer binu Israa'iil oo dhan, intii bil jirta ama ka sii weyn, oo magacyadooda ku soo xisaab. 41 Oo waa inaad ii qaaddaa reer Laawi intii aad ii qaadi lahayd curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, oo waa inaad xoolaha reer Laawina ii qaaddaa intii aad ii qaadi lahayd curadyada xoolaha reer binu Israa'iil oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 42 Markaasaa Muuse curadyadii reer binu Israa'iil oo dhan u tiriyey sidii Rabbigu ugu amray. 43 Oo curadyadii labka ahaa oo dhammu, sidii tirada magacyadoodu ahayd, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, kuwii iyaga laga soo tiriyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol iyo saddex iyo toddobaatan. 44 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 45 Reer Laawi ii qaad intii aad ii qaadi lahayd curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, oo xoolaha reer Laawina ii qaad intii aad ii qaadi lahayd xoolaha reer binu Israa'iil, oo reer Laawi kuwaygay ahaanayaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 46 Oo labada boqol iyo saddex iyo toddobaatanka curad oo reer binu Israa'iil oo ka sii badan reer Laawi, 47 madaxtiriskiiba waxaad iigu madax furataa shan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. (Sheqelku waa labaatan geeraah.) 48 Oo tiradooda dheeraadka ah lacagta lagu madax furtay waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa siisaa. 49 Markaasaa Muuse lacagtii ka qaaday kuwii ka sii badnaa kuwii lagu madax furtay reer Laawi. 50 Oo curadyadii reer binu Israa'iil ayuu ka qaaday lacagtii, oo ahayd kun iyo saddex boqol iyo shan iyo lixdan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. 51 Oo Muuse lacagtii madaxfurashada ahayd wuxuu u dhiibay Haaruun iyo wiilashiisii, siduu ahaa eraygii Rabbigu Muuse ku amray. 1 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Reer Qohaad qolo qolo iyo reer reer uga soo tiri reer Laawi, 3 intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jir dhammaan intii hawsha gasha si ay shuqulka teendhada shirka u sameeyaan. 4 Tanu waa hawshii reer Qohaad ee ku jirtay teendhada shirka. Waa inay waxyaalaha ugu wada quduusan ka adeegaan. 5 Markii dadkii xeradu ay guurayaan Haaruun iyo wiilashiisu waa inay galaan oo iyagu waa inay daaha ilxidhka ah soo dejiyaan oo ku daboolaan sanduuqa maragga. 6 Oo markaas dushooda waa inay ded ah harag adhidibadeed saaraan, oo ay ku kala dul bixiyaan maro kulligeed buluug ah, oo waa inay ulaha lagu qaado sudhaan. 7 Oo miiska kibista tusniintana waa inay ku kala bixiyaan maro buluug ah, oo ay dusheedana saaraan suxuunta, iyo malqacadaha, iyo maddiibadaha, iyo koobabka wax lagaga shubo, oo kibista joogtada ahuna waa inay saarnaataa, 8 oo markaas waa inay dushooda maro cas ku kala bixiyaan oo ay isla taasna dedka ah haragga adhidibadeedka ku daboolaan, oo ay markaas ulaha lagu qaado sudhaan. 9 Oo markaas waa inay maro buluug ah qaadaan oo ay ku daboolaan laambadda iftiinka, iyo laambadaheeda, iyo birqaabyadeeda, iyo alaabteeda lagu safeeyo, iyo weelasha saliidda oo dhan oo ay kaga adeegaan. 10 Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba waa inay dhex geliyaan harag adhidibadeed oo markaas waa inay usha lagu qaado sudhaan. 11 Oo meesha allabariga oo dahabka ahna waa inay maro buluug ah ku daboolaan, oo ay ku dedaan ded harag adhidibadeed ah, oo markaas waa inay ulaha lagu qaado sudhaan. 12 Oo waa inay qaadaan alaabta lagu adeego oo dhan oo ay kaga adeegaan meesha quduuska ah, waana inay maro buluug ah ku wada dhex ridaan oo ay ded ah harag adhidibadeed ku dedaan, oo ay usha lagu qaado sudhaan. 13 Oo waa inay meesha allabariga dambaska ka daadiyaan, oo ay maro guduudan ku kala dul bixiyaan. 14 Waana inay saaraan alaabteeda oo dhan oo ay kaga adeegaan, kuwaas oo ah idammada, iyo mudacyada, iyo majarafadaha, iyo maddiibadaha, iyo weelashii meesha allabariga oo dhan, oo markaas waa inay ku kala dul bixiyaan ded ah harag adhidibadeed, oo ay ulaha lagu qaado sudhaan. 15 Oo Haaruun iyo wiilashiisu markay dhammeeyaan inay dedaan meesha quduuska ah iyo alaabta meesha quduuska ah oo dhan, oo ay dadkii xeradu guurayaan, reer Qohaad ha yimaadeen oo ha qaadeen; laakiinse iyagu waa inaanay taaban waxyaalaha quduuska ah si aanay u dhiman. Waxyaalahaasu waa waxa teendhada shirka ku jira oo ay tahay in reer Qohaad qaadaan. 16 Oo wadaadka Haaruun ah wiilkiisa Elecaasaar ahuna waa inuu u taliyaa saliidda laambadda, iyo fooxa udgoon, iyo qurbaanka hadhuudhka oo joogtada ah, iyo saliidda lagu subkado, iyo shuqulka taambuugga oo dhan, iyo waxa ku jira oo dhan, kuwaasoo ah meesha quduuska ah iyo alaabteedaba. 17 ¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi, 18 Reer Qohaad qolooyinkooda ha ka gooynina reer Laawi dhexdooda, 19 laakiinse sidan ku sameeya si ay u noolaadaan oo aanay u dhiman markay u soo dhowaadaan waxyaalaha ugu wada quduusan. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gudaha galaan, oo ay iyaga u amraan hawshooda iyo waxqaadkooda, 20 laakiinse iyagu waa inaanay xataa daqiiqad u gelin inay waxyaalaha quduuska ah arkaan, yaanay dhimane. 21 ¶ Oo haddana Rabbigu Muusuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 22 Reer Gershoonna qolo qolo iyo reer reer u soo tiri. 23 Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, kulli inta hawsha gasha si ay shuqulka teendhada shirka u sameeyaan. 24 Tanu waa hawshii qolooyinka reer Gershoon oo ah adeegidda iyo waxqaadkaba. 25 Iyagu waa inay qaadaan daahyada taambuugga, iyo teendhada shirka, iyo dedkeeda, iyo dedka ah haragga adhidibadeedka oo kor saaran, iyo ilxidhka iridda teendhada shirka, 26 iyo daahyada barxadda, iyo ilxidhka iridda barxadda ku ag taal taambuugga iyo meesha allabariga ee ku wareegsan, iyo xadhkahooda, iyo alaabta hawshooda oo dhan, oo wax alla wixii iyaga lagu sameeyo oo dhan, xaggooda waa inay kaga adeegaan. 27 Oo reer Gershoon waa inay amarka Haaruun iyo wiilashiisa ku qabtaan waxa ay qaadaan iyo shuqulka ay qabtaan oo dhan; oo idinku waa inaad ku amartaan waxay qaadayaan. 28 Oo tanuna waa qolooyinka reer Gershoon hawshooda ku saabsan teendhada shirka; oo shuqulkooduna waa inuu ka hooseeyaa gacanta Iitaamaar ina Haaruun ee wadaadka ah. 29 ¶ Oo reer Meraariina waa inaad qolo qolo iyo reer reer u soo tirisaa. 30 Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, mid kasta oo hawsha gala si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo. 31 Oo tanuna waa hawsha ay teendhada shirka ku leeyihiin ee ah waxa loo amray inay qaadaan: looxyada taambuugga, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa, 32 iyo tiirarka barxadda ku wareegsan, iyo saldhigyadooda, iyo musaamiirtooda, iyo xadhkahooda, iyo alaabtooda oo dhan, iyo hawshooda oo dhan. Oo magac magac waa inaad ugu amartaan alaabta ay qaadayaan. 33 Taasu waa hawshii qolooyinka reer Meraarii, sida ay tahay dhammaan hawshooda ku saabsan teendhada shirka, oo waxay ka hoosaysaa gacantii Iitaamaar ina Haaruun ee wadaadka ah. 34 ¶ Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii shirku waxay reer Qohaad u tiriyeen qolo qolo iyo reer reer, 35 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd, ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo. 36 Oo kuwoodii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol iyo konton. 37 Kuwanu waa kuwii qolooyinkii reer Qohaad ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay. 38 ¶ Oo kuwii reer Gershoon ee qolo qolo iyo reer reer loo soo tiriyey, 39 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo, 40 xataa kuwoodii qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo lix boqol iyo soddon. 41 Oo kuwanuna waa kuwii qolooyinkii reer Gershoon, ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay amarkii Rabbiga ku tiriyeen. 42 ¶ Oo kuwii qolooyinka reer Meraarii ee qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey, 43 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo, 44 xataa kuwii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen saddex kun iyo laba boqol. 45 Kuwanu waa kuwii qolooyinka reer Meraarii oo la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay. 46 ¶ Oo kulli intii reer Laawi ah oo la soo tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil ay qolo qolo iyo reer reer u soo tiriyeen, 47 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd xataa ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo u geli jiray si uu shuqulka hawsha u sameeyo, iyo si uu alaabta teendhada shirka u qaado, 48 xataa kuwoodii la tiriyey waxay ahaayeen siddeed kun iyo shan boqol iyo siddeetan. 49 Oo sidii amarka Rabbigu ahaa ayaa loogu tiriyey gacantii Muuse, mid walba sidii hawshiisu ahayd iyo sidii waxqaadkiisu ahaa, oo isagii sidaasuu iyagii u tiriyey sidii Rabbigu Muuse ugu amray.
  • Tir 26:57-62 : 57 ¶ Kuwii laga tiriyey reer Laawi iyo qolooyinkoodii waa kuwan: Gershoon oo dhalay qabiilka reer Gershoon, iyo Qohaad oo dhalay qabiilka reer Qohaad, iyo Meraarii oo dhalay qabiilka reer Meraarii. 58 Intanu waa qabiilooyinkii reer Laawi: qabiilkii reer Libnii, iyo qabiilkii reer Xebroon, iyo qabiilkii reer Maxlii, iyo qabiilkii reer Mushii, iyo qabiilkii reer Qorax. Oo Qohaadna wuxuu dhalay Camraam. 59 Oo Camraam naagtiisu waxay ahayd Yookebed ina Laawi, taasoo Laawi ugu dhalatay dalkii Masar. Oo iyana waxay Camraam u dhashay Haaruun iyo Muuse iyo walaashood Maryan. 60 Oo Haaruun waxaa u dhashay Naadaab iyo Abiihuu iyo Elecaasaar iyo Iitaamaar. 61 Oo Naadaab iyo Abiihuu way dhinteen markay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad. 62 Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo labaatan kun, mid kasta oo lab ah oo bil jira iyo intii ka sii weyn, waayo, iyaga laguma tirin reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, dhaxal laguma siin reer binu Israa'iil dhexdooda.
  • 1 Taar 6:1-9 : 1 ¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii. 2 Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel. 3 Ilmaha Camraamna waxay ahaayeen Haaruun, iyo Muuse, iyo Maryan. Wiilashii Haaruunna waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar. 4 Elecaasaar wuxuu dhalay Fiinexaas, Fiinexaasna wuxuu dhalay Abiishuuca, 5 Abiishuucana wuxuu dhalay Buqii, Buqiina wuxuu dhalay Cusii, 6 Cusiina wuxuu dhalay Seraxyaah, Seraxyaahna wuxuu dhalay Meraayood, 7 Meraayoodna wuxuu dhalay Amaryaah, Amaryaahna wuxuu dhalay Axiituub, 8 Axiituubna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Axiimacas, 9 Axiimacasna wuxuu dhalay Casaryaah, Casaryaahna wuxuu dhalay Yooxaanaan, 10 Yooxaanaanna wuxuu dhalay Casaryaah, (isagu wuxuu ahaa kii hawsha wadaadnimada ka qaban jiray gurigii Sulaymaan Yeruusaalem ka dhisay, ) 11 Casaryaahna wuxuu dhalay Amaryaah, Amaryaahna wuxuu dhalay Axiituub, 12 Axiituubna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Shalluum, 13 Shalluumna wuxuu dhalay Xilqiyaah, Xilqiyaahna wuxuu dhalay Casaryaah, 14 Casaryaahna wuxuu dhalay Seraayaah, Seraayaahna wuxuu dhalay Yehoosaadaaq, 15 Yehoosaadaaqna maxaabiis ahaan buu tegey waagii Rabbigu dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem uu gacantii Nebukadnesar ku kaxeeyey. 16 ¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoom, iyo Qohaad, iyo Meraarii. 17 Kuwanuna waa magacyadii wiilashii Gershoom, Libnii iyo Shimcii. 18 Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel. 19 Wiilashii Meraariina waxay ahaayeen Maxlii iyo Mushii. Oo intaasu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay reerahoodu ahaayeen. 20 Gershoom waxaa ka soo farcamay wiilkiisii Libnii oo dhalay Yaaxad, oo isna dhalay Simmaah, 21 oo isna dhalay Yoo'aax, oo isna dhalay Iddo, oo isna dhalay Serax, oo isna dhalay Ye'ateray. 22 Qohaadna waxaa ka soo farcamay wiilkiisii Cammiinaadaab, oo dhalay Qorax, oo isna dhalay Asiir, 23 oo isna dhalay Elqaanaah, oo isna dhalay Ebiyaasaaf, oo isna dhalay Asiir, 24 oo isna dhalay Taxad, oo isna dhalay Uurii'eel, oo isna dhalay Cusiyaah, oo isna dhalay Shaa'uul. 25 Wiilashii Elqaanaahna waxay ahaayeen Camaasay iyo Axiimood. 26 Oo xagga Elqaanaahna waxaa ka soo farcamay Soofay, oo dhalay Nahad, 27 oo isna dhalay Elii'aab, oo isna dhalay Yeroxaam, oo isna dhalay Elqaanaah. 28 Wiilashii Samuu'eelna waxay ahaayeen curadkiisii oo ahaa Yoo'eel, iyo kii labaad oo ahaa Abiiyaah. 29 Farcankii Meraariina wuxuu ahaa Maxlii, oo dhalay Libnii, oo isna dhalay Shimcii, oo isna dhalay Cuusaah, 30 oo isna dhalay Shimcaa, oo isna dhalay Xaggiyaah, oo isna dhalay Casaayaah. 31 ¶ Kuwanuna waa kuwii Daa'uud u sarraysiiyey hawshii gabayga oo gurigii Rabbiga ku dhex jirtay markii sanduuqii axdiga meeshaas la dhigay dabadeed. 32 Oo iyagu taambuugga teendhadii shirka horteeda ayay gabay kaga adeegi jireen, ilaa Sulaymaan uu Yeruusaalem ka dhex dhisay gurigii Rabbiga, oo iyana hawshooda waxay u qaban jireen siday u kala horhorreeyeen. 33 Oo intanu waa kuwii adeegi jiray iyo wiilashoodii. Kuwii ka mid ahaa reer Qohaad waxay ahaayeen Heemaan oo gabayaa ahaa, ina Yoo'eel, ina Samuu'eel, 34 ina Elqaanaah, ina Yeroxaam, ina Elii'eel, ina Too'ax, 35 ina Suuf, ina Elqaanaah, ina Maxad, ina Camaasay, 36 ina Elqaanaah, ina Yoo'eel, ina Casaryaah, ina Sefanyaah, 37 ina Taxad, ina Asiir, ina Ebiyaasaaf, ina Qorax, 38 ina Isehaar, ina Qohaad, ina Laawi, ina Israa'iil. 39 Walaalkiis Aasaaf oo gacantiisii midig istaagi jiray wuxuu ahaa Aasaaf ina Berekyaah, ina Shimcaa, 40 ina Miikaa'eel, ina Bacaseeyaah, ina Malkiiyaah, 41 ina Etnii, ina Serax, ina Cadaayaah, 42 ina Eetaan, ina Simmaah, ina Shimcii, 43 ina Yaxad, ina Gershoom, ina Laawi. 44 Oo iyaga gacantooda midigtana waxaa istaagi jiray walaalahood oo ahaa reer Meraarii, Eetaan oo ahaa ina Qiishii, ina Cabdii, ina Malluug, 45 ina Xashabyaah, ina Amasyaah, ina Xilqiyaah, 46 ina Amsii, ina Baanii, ina Shemer, 47 ina Maxlii, ina Mushii, ina Meraarii, ina Laawi. 48 Oo walaalahood oo ahaa reer Laawina waxaa loo doortay inay ka adeegaan taambuuggii guriga Ilaah oo dhan. 49 ¶ Laakiinse Haaruun iyo wiilashiisu waxay meesha allabariga la gubo iyo girgiraha fooxa wax ugu bixin jireen shuqulkii meesha ugu quduuska ah oo dhan iyo inay reer binu Israa'iil kafaaraggud ugu sameeyaan, sidii dhammaan addoonkii Ilaah ee Muuse ahaa amray. 50 Oo kuwanuna waa farcankii Haaruun, wiilkiisii Elecaasaar, oo dhalay Fiinexaas, oo isna dhalay Abiishuuca, 51 oo isna dhalay Buqii, oo isna dhalay Cusii, oo isna dhalay Seraxyaah, 52 oo isna dhalay Meraayood, oo isna dhalay Amaryaah, oo isna dhalay Axiituub, 53 oo isna dhalay Saadooq, oo isna dhalay Axiimacas. 54 ¶ Haddaba kuwanu waa meelahoodii ay degi jireen iyo sidii degmooyinkoodu ahaayeen kuwaasoo ku dhex yiil soohdimahooda. Reer Haaruun oo ah qolooyinka reer Qohaad, oo saamiga kowaad lahaa, 55 waxaa la siiyey Xebroon oo ku dhex tiil dalka reer Yahuudah, iyo agagaarkeedii ku wareegsanaa oo dhanba. 56 Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxaa la siiyey Kaaleeb oo ahaa ina Yefunneh. 57 Reer Haaruunna waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka oo ah Xebroon, iyo Libnaah iyo weliba agagaarkeed, iyo Yatiir, iyo Eshtemooca iyo agagaarkeedii, 58 iyo Xiileen iyo agagaarkeedii, iyo Debiir iyo agagaarkeedii, 59 iyo Caashaan iyo agagaarkeedii, iyo Beytshemesh iyo agagaarkeedii. 60 Oo dalkii qabiilka reer Benyaamiinna waxaa laga siiyey Gebac iyo agagaarkeedii, iyo Calemed iyo agagaarkeedii, iyo Canaatood iyo agagaarkeedii. Oo kulli magaalooyinkoodii oo qolooyinkooda oo dhan ku dhex yiil waxay ahaayeen saddex iyo toban magaalo. 61 Oo reer Qohaad intiisii hadhayna waxaa saami loo siiyey toban magaalo oo ay ka dhex heleen reerka qabiilka iyo qabiilka badhkiisii, kaasoo ah qabiilkii reer Manaseh badhkiis. 62 Oo reer Gershoomna sidii ay reerahoodu ahaayeen ayay saddex iyo toban magaalo uga heleen qabiilka reer Isaakaar, iyo qabiilka reer Aasheer, iyo qabiilka reer Naftaali, iyo qabiilka reer Manaseh oo Baashaan dhex deggan. 63 Oo reer Meraarii waxaa saami loogu siiyey siday reerahoodu ahaayeen laba iyo toban magaalo oo ay ka dhex heleen qabiilka reer Ruubeen, iyo qabiilka reer Gaad, iyo qabiilka reer Sebulun. 64 Oo reer binu Israa'iilna waxay reer Laawi siiyeen magaalooyinkii iyo agagaarkoodii oo dhan. 65 Oo saami ahaan ayay magaalooyinkan la magacaabay uga siiyeen qabiilka reer Yahuudah, iyo qabiilka reer Simecoon, iyo qabiilka reer Benyaamiin. 66 Reerihii Qohaad qaarkoodna waxay magaalooyin ku lahaayeen meelo soohdintooda ah oo ay ka heleen qabiilka reer Efrayim. 67 Oo iyaga waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka, oo waxayna ahaayeen Shekem oo ku dhex tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim iyo agagaarkeedii, iyo weliba Geser iyo agagaarkeedii, 68 iyo Yoqmecaam iyo agagaarkeedii, iyo Beytxooroon iyo agagaarkeedii, 69 iyo Ayaaloon iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii. 70 Oo qabiilkii reer Manaseh badhkiisna waxaa laga dhex siiyey Caaneer iyo agagaarkeedii, iyo Bilcaam iyo agagaarkeedii, reer Qohaad intooda hadhay aawadood. 71 Oo reer Gershoomna waxaa qabiilka reer Manaseh badhkiisii laga siiyey Goolaan oo Baashaan ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Cashtarod iyo agagaarkeedii. 72 Oo qabiilka reer Isaakaarna waxaa laga siiyey Qedesh iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii, 73 iyo Raamod iyo agagaarkeedii, iyo Caaneem iyo agagaarkeedii. 74 Oo qabiilkii reer Aasheerna waxaa laga siiyey Maashaal iyo agagaarkeedii, iyo Cabdoon iyo agagaarkeedii, 75 iyo Xuuqoq iyo agagaarkeedii, iyo Rexob iyo agagaarkeedii. 76 Oo qabiilkii reer Naftaalina waxaa laga siiyey Qedesh oo Galili ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Xammoon iyo agagaarkeedii, iyo Qiryaatayim iyo agagaarkeedii. 77 Oo reer Laawi intoodii hadhay oo ahayd reer Meraarii waxaa qabiilka reer Sebulun laga siiyey Rimmoonoo iyo agagaarkeedii, iyo Taaboor iyo agagaarkeedii. 78 Oo Webi Urdun shishadiisa oo ah Yerixoo agteeda oo ah Webi Urdun xaggiisa bari waxaa qabiilka reer Ruubeenna laga siiyey Beser oo cidlada ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Yahsaah iyo agagaarkeedii, 79 iyo Qedemood iyo agagaarkeedii, iyo Mefacad iyo agagaarkeedii. 80 Oo qabiilka reer Gaadna waxaa laga siiyey Raamod oo Gilecaad ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii, 81 iyo Xeshboon iyo agagaarkeedii, iyo Yacser iyo agagaarkeedii.
  • 1 Taar 21:6 : 6 Laakiinse isagu sooma uu tirin reer Laawi iyo reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Yoo'aab waa karaahiyeystay boqorka hadalkiisii.
  • Tir 8:1-9 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi, 2 Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad laambadaha shiddid, toddobada laambadood oo yaryar waa inay ka iftiimaan laambadda horteeda. 3 Oo Haaruunna sidaasuu yeelay, oo wuxuu wada shiday laambadaheedii si ay uga iftiimaan laambadda horteeda, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 4 Oo shuqulkii laambaddu wuxuu ahaa dahab la tumay. Tan iyo salkeeda ilaa ubaxeeda waxay wada ahayd dahab la tumay. Sidii Rabbigu Muuse u tusay ayuu laambaddii u sameeyey. 5 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 6 Reer Laawi ka dhex sooc reer binu Israa'iil oo iyaga daahiri. 7 Oo markaad daahirinaysid sidan iyaga ku samee: dushooda waxaad ku rushaysaa biyaha daahirinta, oo iyaguna timaha ha ka xiireen jidhkooda oo dhan, oo dharkoodana ha maydheen, hana isdaahiriyeen. 8 Oo markaas iyagu ha kaxaysteen dibi yar iyo qurbaankiisii hadhuudhka oo ah bur saliid lagu daray, oo dibi kale oo yarna waxaad u kaxaysaa qurbaan dembi. 9 Oo reer Laawi waa inaad hor taagtaa teendhada shirka, oo waa inaad soo shirisaa dadka reer binu Israa'iil oo dhan. 10 Oo reer Laawi waa inaad keentaa Rabbiga hortiisa, oo reer binu Israa'iilna waa inay gacmaha saaraan reer Laawi. 11 Haaruunna waa inuu reer Laawi Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa qurbaan la ruxruxo ahaan reer binu Israa'iil daraaddood, si ay u sameeyaan Rabbiga hawshiisa. 12 Oo reer Laawina waa inay gacmaha saaraan madaxa dibida, oo mid waxaad u bixisaa qurbaan dembi, kan kalena waxaad Rabbiga ugu bixisaa qurbaan la gubo, si aad reer Laawi ugu kafaaro guddid. 13 Oo reer Laawi waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa soo hor taagtaa, oo aad Rabbiga ugu bixisaa qurbaan la ruxruxo ahaan. 14 Oo waa inaad reer Laawi sidaas uga soocdaa reer binu Israa'iil, oo reer Laawina kuwaygay ahaan doonaan. 15 Oo markaas dabadeedna reer Laawi ha u galeen inay ka adeegaan teendhada shirka, oo waa inaad iyaga daahirisaa oo qurbaan la ruxruxo ahaan u bixisaa. 16 Waayo, iyaga dhammaantood ayaa la iiga soocay reer binu Israa'iil. Intii lay siin lahaa intii maxal furta oo dhan, kuwaasoo ah curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, ayaan iyaga qaatay. 17 Waayo, dad iyo duunyaba curadyada reer binu Israa'iil oo dhan anigaa iska leh. Waxaan iyaga quduus ka dhigtay maalintii aan wada laayay curadyadii dalka Masar oo dhan. 18 Oo waxaan qaatay reer Laawi intii aan qaadan lahaa curadyada reer binu Israa'iil oo dhan. 19 Oo reer Laawi ayaan reer binu Israa'iil ka soocay oo hadiyad ahaan u siiyey Haaruun iyo wiilashiisa inay reer binu Israa'iil uga adeegaan teendhada shirka iyo inay reer binu Israa'iil u kafaaro gudaan, si aan belaayo ugu dhicin reer binu Israa'iil markii reer binu Israa'iil ay u soo dhowaadaan meesha quduuska ah. 20 Oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu sidaasay ku sameeyeen reer Laawi. Wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen. 21 Oo reer Laawina dembi way iska daahiriyeen, oo dharkoodiina way maydheen, markaasaa Haaruun qurbaan la ruxruxo ahaan Rabbiga hortiisa iyaga ugu bixiyey, oo inuu iyaga daahiriyo aawadeed ayaa Haaruun u kafaaro guday. 22 Oo markaas dabadeed ayaa reer Laawi gudaha u galeen inay teendhada shirka kaga adeegaan Haaruun iyo wiilashiisa hortooda, oo wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray ayay ku sameeyeen. 23 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 24 Tanu waa waxa reer Laawi intii shan iyo labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn ay leeyihiin inay sameeyaan. Iyagu ha galeen oo ha ka adeegeen hawsha teendhada shirka. 25 Oo markii ay konton jir gaadhaan waa inay ka joogsadaan hawsha ka-adeegiddeeda oo aanay mar dambe adeegin, 26 laakiinse walaalahood teendhada shirka ha kala adeegeen si ay amarka u hayaan laakiinse yaanay hawl dambe qaban. Sidaas waa inaad ka yeeshaa amarrada ku saabsan reer Laawi hawshooda.
  • Tir 1:3 : 3 Oo waxaad tirisaa intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn. Inta reer binu Israa'iil oo dagaal u bixi karta oo dhan adiga iyo Haaruun waa inaad koox koox u tirisaan.
  • Tir 1:50 : 50 laakiinse reer Laawi waxaad u doorataa inay u taliyaan taambuugga maragga, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo waxa uu isagu leeyahay oo dhan. Iyagu waa inay taambuugga iyo alaabtiisa oo dhan sidaan, oo ay u adeegaan, oo ay taambuugga hareerihiisa degaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 2:32-33
    2 aayado
    86%

    32¶ Kuwaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil siday reerahoodu ahaayeen. Kulli intii xerooyinka laga tiriyey sidii ciidammadoodii ahaayeen waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun iyo shan boqol iyo konton.

    33Laakiinse reer Laawi laguma tirin reer binu Israa'iil, waayo, sidaas ayaa Rabbigu Muuse ku amray.

  • Tir 1:48-49
    2 aayado
    85%

    48Waayo, Rabbigu waa la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi,

    49Qabiilka reer Laawi oo keliya waa inaadan tirin, oo reer binu Israa'iilna waa inaadan tiradooda ku dhex darin,

  • Tir 4:44-46
    3 aayado
    81%

    44xataa kuwii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen saddex kun iyo laba boqol.

    45Kuwanu waa kuwii qolooyinka reer Meraarii oo la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay.

    46¶ Oo kulli intii reer Laawi ah oo la soo tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil ay qolo qolo iyo reer reer u soo tiriyeen,

  • Tir 1:44-46
    3 aayado
    77%

    44¶ Kuwaasu waa kuwii la tiriyey, oo ay tiriyeen Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil oo laba iyo toban nin ahaa oo midkood kastaba loo soocay reerkii aabbihiis.

    45Haddaba intii reer binu Israa'iil oo dhan ee reerihii aabbayaashood laga tiriyey, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan oo reer binu Israa'iil dhex joogtay,

    46xataa intii la tiriyey oo dhammu waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton.

  • 64Laakiinse kuwaas nin keliyuhu kagama jirin kuwii ay Muuse iyo wadaadkii Haaruun ahaa tiriyeen markay reer binu Israa'iil ku tiriyeen cidladii Siinay.

  • 31intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Sebulun waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.

  • Tir 3:15-17
    3 aayado
    75%

    15Reer Laawi oo dhan u soo wada tiri reer reer iyo qolo qolo. Nin kasta oo bil jira ama ka sii weyn waa inaad tirisaa.

    16Markaasaa Muuse iyagii u tiriyey sidii eraygii Rabbigu ahaa oo uu isaga ugu amray.

    17Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Laawi magacyadoodii: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 3Markaasaa la tiriyey reer Laawi intoodii soddon sannadood jirtay ama ka sii weynayd, oo markii nin nin loo tiriyey, dhammaantood tiradoodii waxay noqotay siddeed iyo soddon kun oo nin.

  • 57¶ Kuwii laga tiriyey reer Laawi iyo qolooyinkoodii waa kuwan: Gershoon oo dhalay qabiilka reer Gershoon, iyo Qohaad oo dhalay qabiilka reer Qohaad, iyo Meraarii oo dhalay qabiilka reer Meraarii.

  • 11Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 42¶ Oo kuwii qolooyinka reer Meraarii ee qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey,

  • 6Laakiinse isagu sooma uu tirin reer Laawi iyo reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Yoo'aab waa karaahiyeystay boqorka hadalkiisii.

  • Tir 4:36-38
    3 aayado
    73%

    36Oo kuwoodii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol iyo konton.

    37Kuwanu waa kuwii qolooyinkii reer Qohaad ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay.

    38¶ Oo kuwii reer Gershoon ee qolo qolo iyo reer reer loo soo tiriyey,

  • 40xataa kuwoodii qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo lix boqol iyo soddon.

  • 39Oo kulli intii reer Laawi ah ee la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay qolo qolo ugu tiriyeen amarkii Rabbiga, kuwii lab ahaa oo dhan oo bil jiray ama ka sii weynaa, waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun.

  • 21intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Ruubeen waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol.

  • 2Reer Qohaad qolo qolo iyo reer reer uga soo tiri reer Laawi,

  • 1¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 49Oo sidii amarka Rabbigu ahaa ayaa loogu tiriyey gacantii Muuse, mid walba sidii hawshiisu ahayd iyo sidii waxqaadkiisu ahaa, oo isagii sidaasuu iyagii u tiriyey sidii Rabbigu Muuse ugu amray.

  • 26Reer Laawina waxaa ka joogay afar kun iyo lix boqol.

  • 47ina Maxlii, ina Mushii, ina Meraarii, ina Laawi.

  • 62Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo labaatan kun, mid kasta oo lab ah oo bil jira iyo intii ka sii weyn, waayo, iyaga laguma tirin reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, dhaxal laguma siin reer binu Israa'iil dhexdooda.

  • 18Reer Qohaad qolooyinkooda ha ka gooynina reer Laawi dhexdooda,

  • 37intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Benyaamiin waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.

  • 27Oo Daa'uud dardaarankiisii ayaa reer Laawi lagu tiriyey, intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

  • 19Oo Muusena wuxuu iyagii cidlada Siinay ugu tiriyey sidii Rabbigu ku amray.

  • 26laakiinse walaalahood teendhada shirka ha kala adeegeen si ay amarka u hayaan laakiinse yaanay hawl dambe qaban. Sidaas waa inaad ka yeeshaa amarrada ku saabsan reer Laawi hawshooda.

  • 3Waayo, Muuse wuxuu laba qabiil iyo qabiil badhkiis dhaxal ka siiyey Webi Urdun shishadiisa: laakiinse reer Laawi innaba dhaxal ma uu siin.

  • 22Oo kuwii iyaga laga tiriyey siday ahayd tiradii kuwii lab ahaa oo dhan, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, kulli intoodii la tiriyey waxay ahaayeen toddoba kun iyo shan boqol.

  • 33Laakiinse qabiilkii reer Laawi Muuse dhaxal ma uu siin. Waxaa dhaxal u ah Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu kula hadlay iyaga.

  • 27intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Yahuudah waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.

  • 25intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Gaad waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol iyo konton.

  • 7Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.

  • 53Laakiinse reer Laawi waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan taambuugga maragga hareerihiisa, si aan cadho ugu soo degin shirka reer binu Israa'iil; oo reer Laawi waa inay u taliyaan taambuugga maragga.

  • 29¶ Oo reer Meraariina waa inaad qolo qolo iyo reer reer u soo tirisaa.

  • 36Oo kuwii reer Laawi oo reer Yahuudah ku dhex jiray qaybahoodii qaarkood ayaa ku darsamay reer Benyaamiin.

  • 24Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen, waana kuwii ahaa madaxdii reeraha kuwii la tiriyey, oo magacyadooda nin nin loo tiriyey, kuwaasoo samayn jiray shuqulkii hawsha guriga Rabbiga, waana intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

  • 8Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyeyna waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.