Tirintii 11:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, War ma gacantii Rabbigaa gaabatay? Haddaba waad arki doontaa bal in eraygaygu rumoobayo iyo in kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 59:1 : 1 ¶ Bal eega, Rabbiga gacantiisu inay wax badbaadiso kama gaabna, oo dhegihiisuna inay wax maqlaan kama awdna,
  • Ish 50:2 : 2 Haddaba markaan imid, muxuu ninna u jirin? Oo markaan dhawaaqayse maxaa la iigu jawaabi waayay? Miyaa innaba gacantaydu gaaban tahay si ayan wax u furan karin? Amase miyaanan lahayn xoog aan wax ku samatabbixiyo? Bal eega, canaantayda ayaan badda ku engejiyaa, oo webiyaashana cidlo baan ka dhigaa. Kalluunkoodu biyola'aan aawadeed buu la soo uraa, oo oon buu u dhintaa.
  • Yex 12:25 : 25 Maxaa yeelay, anaa Rabbiga ah. Anigu waan hadli doonaa, oo eraygii aan ku hadlaana wuu oofi doonaa. Mar dambena dib looma sii dhigi doono waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reerka caasiyoobayow, wakhtigiinna ayaan erayga odhan doonaa, oo weliba waan oofin doonaa.
  • Yex 24:14 : 14 Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. Saasay noqon doontaa, oo taasaan samayn doonaa. Innaba dib ugama aan noqon doono, mana tudhi doono, oo innaba kama aan soo noqon doono. Siday jidadkaagu ahaayeen iyo siday falimahaagu ahaayeen ayay kuu xukumi doonaan ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Tir 23:19 : 19 Ilaah ma aha nin been sheego; Mana aha binu-aadmi qoomameeyo. Ma wuxuu yidhi buusan samaynayn? Ama ma wuxuu ku hadlay buusan yeelayn?
  • Mat 24:35 : 35 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
  • Luuk 1:37 : 37 Waayo, wax aan Ilaah kari doonin ma jiro.
  • Miik 2:7 : 7 Reer Yacquubow, ma waxaa la odhan doonaa, Ruuxii Rabbigu miyuu soo dulqaadasho yaraaday? Kuwanuse ma falimihiisii baa? Miyaan erayadaydu wax wanaagsan u tarin kii si qumman u socda?
  • Mat 19:26 : 26 Ciise intuu eegay ayuu ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, laakiin wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.
  • 2 Boq 7:2 : 2 Oo sirkaalkii gacantiisa boqorku ku tiirsanaa wuxuu ninkii Ilaah ugu jawaabay, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga ayaad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.
  • 2 Boq 7:17-19 : 17 Markaasaa boqorkii sirkaalkii uu gacantiisa ku tiirsanaa ku amray inuu iridda u taliyo; laakiinse dadkii baa ku tuntay isagoo iridda jooga, oo wuu dhintay sidii ninkii Ilaah sheegay kolkii boqorku isaga u soo dhaadhacay. 18 Oo waxay noqotay sidii ninkii Ilaah boqorkii ula hadlay isagoo leh, Berrito hadda oo kale Samaariya iriddeeda laba koombo oo shaciir ah waxaa lagaga iibin doonaa sheqel, koombo bur ahna waxaa lagaga iibin doonaa sheqel; 19 oo sirkaalkii baa wuxuu ugu jawaabay ninkii Ilaah, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga waad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.
  • Sab 78:41 : 41 Oo haddana way soo noqdeen oo waxay tijaabiyeen Ilaah, Oo waxay ka xanaajiyeen reer binu Israa'iil Kooda Quduuska ah.
  • Bil 18:14 : 14 Ma wax Rabbiga ku adag baa jira? Wakhtigii la ballamay baan kugu soo noqon doonaa, markii xilligu soo wareego, oo Saarah wiil bay dhali doontaa.
  • Yer 44:28-29 : 28 Oo kuwa seefta ka baxsada ayaa dalka Masar ka noqon doona oo waxay geli doonaan dalkii Yahuudah, waxayna ahaan doonaan qaar tiro yar, oo kuwa dadka Yahuudah ka hadhay oo dalka Masar u galay inay halkaas joogaan oo dhan waxay wada ogaan doonaan erayadayda iyo kuwooda kuwii rumooba. 29 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa calaamad idiin noqon doonta inaan meeshan idinku ciqaabi doona, si aad ku ogaataan in erayadaydu ay xaqiiqa ahaan idiinku rumoobi doonaan inaan masiibo idinku dejin doono.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 11:21-22
    2 aayado
    76%

    21Markaasaa Muuse yidhi, Dadka aan dhex joogaa waa lix boqol oo kun oo nin oo lug ah, oo adna waxaad tidhi, Waxaan iyaga siinayaa hilib ay bil dhan cunaan.

    22Ma waxaa loo qalaa ido iyo lo' si ay uga dhergaan? Mase kalluunka badda ku jira oo dhan baa loo soo ururiyaa si ay uga dhergaan?

  • 11Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu isagii ku yidhi,

  • 7Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • Bax 4:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Markaasaa Muuse jawaabay oo wuxuu yidhi, Laakiinse, bal ogow, ima ay rumaysan doonaan, codkaygana ma ay dhegaysan doonaan, waayo, waxay igu odhan doonaan, Rabbigu kuuma uu muuqanin.

    2Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxaas gacantaada ku jiraa? Oo wuxuu yidhi, Waa ul.

  • 11¶ Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Dadkanu ilaa goormay i quudhsanayaan? Oo ilaa goormay i rumaysan waayayaan in kastoo aan dhexdooda calaamooyinka oo dhan ku sameeyey?

  • 13Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.

  • 15Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 26¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

  • 41Kolkaasaa Muuse yidhi, War Rabbiga amarkiisa maxaad ugu xadgudbaysaan, waayo, taasu faa'iido idiinma lahaan doonto?

  • 11Oo Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Maxaad anoo addoonkaaga ah sida xun iigu gashay? Oo maxaan raallinimadaada u heli waayay, oo maxaad ii kor saaraysaa dadkan oo dhan culaabtiisa?

  • 24Markaasaa Muuse baxay oo dadkii u soo sheegay ereygii Rabbiga, oo wuxuu soo ururiyey toddobaatan nin oo reer binu Israa'iil waayeello u ah, oo Teendhada hareeraheedii ayuu isugu keenay.

  • 11Markaasaa Muuse baryay Rabbiga Ilaahiis ah oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad aad ugu cadhoonaysaa dadkaaga aad dalkii Masar kaga soo bixisay itaal weyn iyo gacan xoog leh?

  • 13¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 23Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 10¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, isagoo leh,

  • 11Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Kan dadka afkiisa sameeyey waa ayo? Yaase dadka carrab tira, ama dhego tira, ama wax tusa, ama indho tira? Sow anigan Rabbiga ah ma aha?

  • Tir 11:15-17
    3 aayado
    72%

    15Haddaad sidaas ii gashid, waan ku baryayaaye, i dil, haddaad raalli iga tahay, oo yaanan dandarradayda arkin.

    16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad ii soo ururisaa toddobaatan nin oo ah waayeelladii reer binu Israa'iil oo aad garanaysid inay dadka waayeello u yihiin iyo saraakiil u talisa, oo waxaad iyaga keentaa teendhada shirka inay halkaas kula istaagaan.

    17Oo anna waan soo degan doonaa, oo halkaasaan kugula hadli doonaa, oo waxaan qaadi doonaa ruuxa ku kor jooga, markaasaan iyaga saari doonaa, oo waxay kula qaadi doonaan culaabta dadka, si aanad keligaa u qaadin.

  • 28Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Ilaa goormaad diidaysaan inaad dhawrtaan amarradayda iyo qaynuunnadayda?

  • 22¶ Markaasaa Muuse mar kale Rabbiga u jeestay, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiyow, maxaad dadkan si xun ugula macaamilootay? Oo maxaad aniga ii soo dirtay?

  • 5Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal dadka ka hor mar, oo waxaad kaxaysataa waayeellada reer binu Israa'iil, ushaadii aad webiga ku dhufatayna gacanta ku qabso oo tag.

  • 9¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon hadalkaaga dhegaysan maayo, inay cajaa'ibyadaydu dalka Masar ku sii bataan aawadeed.

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

  • 30Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Rabbiga, Bal eeg, anigu bushimaha kama xalaalaysni, de haddaba sidee buu Fircoon ii maqlayaa?

  • 31Oo markii Muuse arkay ayuu wuxuu arkay la yaabay, oo intuu u soo dhowaanayay inuu arko, ayaa waxaa u yimid codkii Rabbiga oo leh,

  • 23¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 10¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 17Haddaba waan ku baryayaaye, Sayidow, xooggaagu wax weyn ha ahaado, sidaad u hadashay oo aad tidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu haddana Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 12¶ Muusena wuxuu Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, waxaad i leedahay, Dadkan kaxee, oo imana aad ogeysiin kan aad ila diraysid. Laakiin waxaad igu tidhi, Magacaaga waan kugu aqaan, oo raalli baan kaa ahay.

  • 44Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 9Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigu dadkan waan arkay oo waa dad madax adag,

  • 21Rabbiguna wuxuu Muuse ku yidhi, Markii aad Masar ku noqotid, cajaa'ibyadii aan gacantaada ku riday oo dhan Fircoon hortiisa ku samee, laakiinse anigu qalbigiisaan qallafin doonaa, oo dadka ma uu sii dayn doono inay tagaan.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 28Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Tanaad ku ogaanaysaan in Rabbigu ii soo diray inaan waxyaalahan oo dhan sameeyo, waayo, anigu maankayga uun kama samayn.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 7Markaasaa Muuse yimid oo wuxuu u yeedhay waayeelladii dadka oo dhan, kolkaasuu erayadii Rabbigu isaga ku amray oo dhan hortooda wada dhigay.

  • 2Oo iyagu waxay yidhaahdeen, War Rabbigu ma Muuse keliyuhuu la hadlay? Miyuusan annagana nala hadlin? Oo Rabbigu taas wuu maqlay.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 9Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal ogow, waxaan kuugu iman doonaa daruur qaro weyn dhexdeed, inay dadku maqlaan markii aan kula hadlayo, iyo weliba inay weligood adiga ku rumaystaan. Markaasaa Muuse Rabbiga u sheegay erayadii dadka.

  • 11Markaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal yaan ahay anigu, markaan Fircoon u tegayo, oo aan reer binu Israa'iil ka soo bixinayo dalka Masar?

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 8Isaga bayaan baan afkayga ugula hadlayaa, oo hadal gudcur ah kula hadli maayo, oo wuxuu arki doonaa Rabbiga qaabkiisa. Haddaba maxaad uga cabsan weydeen inaad addoonkayga Muuse wax ka sheegtaan?