Tirintii 12:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo daruurtiina way ka tagtay teendhada korkeedii; oo Maryanna waxaa ku dhacay baras, oo waxay u caddaatay sida barafka cad oo kale. Markaasaa Haaruun fiiriyey Maryan oo wuxuu arkay inay baras qabto.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 24:9 : 9 Bal xusuusta wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu ku sameeyey Maryan, markaad jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen.
  • 2 Boq 5:27 : 27 Haddaba waxaa adiga iyo farcankaagaba idinku dhegi doona weligiin Nacamaan baraskiisii. Oo wuxuu hortiisii ka tegey isagoo baras qaba oo u cad sida baraf cad oo kale.
  • 2 Boq 15:5 : 5 Oo boqorkiina Rabbigaa wax ku dhuftay, haddaba tan iyo maalintii uu dhintay wuxuu ahaa barasle, oo guri gaar ah buu degay. Oo Yootam oo ahaa ina boqor ayaa reerka u talin jiray, isagoo dadkii dalka degganaa u gar qaybinaya.
  • 2 Taar 26:19-21 : 19 Markaasaa Cusiyaah cadhooday, oo gacantana waxaa ugu jiray idan uu doonayay inuu foox ku shido; oo markuu wadaaddadii u cadhooday ayaa baras wejiga ka soo baxay, isagoo wadaaddadii hor jooga oo guriga Rabbiga ku jira oo girgirihii fooxa dhiniciisa taagan. 20 Markaasaa Casaryaah oo ahaa wadaadka sare iyo wadaaddadii oo dhammu isagay fiiriyeen, oo waxay arkeen inuu wejigiisa baras ku leeyahay, markaasay haddiiba halkaas ka saareen, oo isaga qudhiisiina wuu isdedejiyey inuu baxo, maxaa yeelay, Rabbigaa wax ku dhuftay. 21 Oo Boqor Cusiyaahna tan iyo maalintii uu dhintay wuxuu ahaa barasle, oo isagoo baras qaba ayuu joogi jiray guri gaar ah, waayo, wuu ka go'ay gurigii Rabbiga, oo wiilkiisii Yootam ayaa reerka boqorka u talin jiray, isagoo dadkii dalka degganaa u gar qaybinaya.
  • Yex 10:4-5 : 4 Markaasaa ammaantii Rabbigu keruubkii marinkii guriga uga kacday, oo gurigiina waxaa ka buuxsantay daruurtii, oo barxaddiina waxaa ka buuxsamay dhalaalkii ammaanta Rabbiga. 5 Oo sanqadhii baalashii keruubiimtana waxaa laga maqlay tan iyo xataa barxaddii dibadda, sidii markuu Ilaaha Qaadirka ahu hadlo.
  • Yex 10:18-19 : 18 Markaasaa ammaantii Rabbigu marinka gurigay ka kacday oo waxay istaagtay meel keruubiimtii ka korraysa. 19 Oo keruubiimtiina baalashooday kor u qaadeen oo anigoo indhaha ku haya ayay dhulka kor isaga qaadeen, oo markay bexeen giraangirihiina way dhinac socdeen, oo waxay ag istaageen albaabkii iridda bari ee guriga Rabbiga, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ammaantiisiina iyagay ka korraysay.
  • Hos 9:12 : 12 In kastoo ay carruurtooda koriyaan haddana waan gablamin doonaa si aan ninna u hadhin aawadeed, oo weliba iyagaa iska hoogay markii aan ka tago!
  • Mat 25:41 : 41 ¶ Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey.
  • Bax 4:6 : 6 Oo Rabbigu wuxuu kaloo ku sii yidhi isagii, Bal gacanta laabta saar, markaasuu gacanta laabta saaray, oo markii uu ka qaaday, bal eeg, gacantii baras bay yeelatay oo waxay u caddaatay sida baraf cad.
  • Bax 33:7-9 : 7 ¶ Haddaba Muuse wuxuu qaadi jiray taambuugga oo uu ka dhisi jiray xerada dibaddeeda, meel xerada ka durugsan; oo wuxuu u bixiyey Taambuuggii shirka. Oo mid kasta oo Rabbiga doonay, wuxuu u baxay taambuuggii shirka oo xerada dibaddeeda ahaa. 8 Oo markii Muuse Taambuuggii u baxay, dadkii oo dhammu way wada keceen, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeda ayuu istaagay, oo waxay eegayeen Muuse ilaa uu Taambuuggii galay. 9 Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay. 10 Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen tiirkii daruurta ahaa oo Taambuugga iriddiisii hor qotoma; kolkaasay dadkii oo dhammu wada kaceen oo Ilaah caabudeen, nin walba oo teendhadiisa iriddeeda ag jooga.
  • Laaw 13:2-9 : 2 Haddii qof jidhkiisa lagu arko barar, ama qolof, ama bar dhalaalaysa, oo ay jidhkiisa ku noqoto cudurkii baraska, markaas waa in loo keenaa wadaadka Haaruun ah, amase wiilashiisa wadaaddada ah midkood, 3 oo wadaadku waa inuu fiiriyaa cudurka jidhka ku yaal, oo haddii meesha cudurka leh timaheedu ay caddaadeen, oo cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, markaas waa cudurkii baraska, oo wadaadku waa inuu fiiriyaa oo yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay. 4 Laakiinse haddii barta dhalaalaysaa ay jidhka sare ka cad dahay, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, oo meeshaas timaheeduna ayan caddaan, markaas waa in wadaadku qofkaas cudurka qaba karantiilaa intii toddoba maalmood ah. 5 Oo haddana wadaadku maalinta toddobaad waa inuu isaga fiiriyaa, oo bal eeg, hadduu indhihiisa ku arko in cudurku joogsaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas waa in wadaadku qofkaas sii karantiilaa toddoba maalmood oo kale. 6 Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii yaraaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa daahir, oo meeshu waa qolof keliya, oo isna dharkiisa ha maydho oo daahir ha ahaado. 7 Laakiinse qoloftu hadday jidhka ku sii faafto markii u daahirintiisa aawadeed wadaadka isu tuso dabadeed, waa inuu wadaadka mar kale istusaa. 8 Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii qoloftu ay jidhka ku faafto, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa baras. 9 ¶ Oo haddii nin cudurka baraska qabo waa in wadaadka loo keenaa, 10 oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii dubka sare barar cadu ku yaal, oo meeshaas timaheeduna ay caddaadeen, oo bararkana haddii boog xun ku dhex taal, 11 kaasu waa baras gaboobay oo dubka jidhka ku dhex jira, oo wadaadku kaas waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, oo isaga waa inuusan karantiilin, waayo, isagu waa nijaas. 12 Oo haddii barasku dubka ku faafo, oo uu barasku kan cudurka qaba dubkiisa oo dhan qariyo tan iyo madaxiisa iyo ilaa cagihiisa, in alla intii wadaadka u muuqata, 13 markaas wadaadku waa inuu qofkaas fiiriyaa, oo bal eeg, haddii barasku jidhkiisa oo dhan ku faafay, markaas isagu kan cudurka qaba waa inuu ku yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, isagu wuu wada caddaaday oo waa daahir. 14 Laakiinse mar alla markii boog xumu isaga ka muuqdo, waa inuu nijaas ahaadaa. 15 Oo wadaadku waa inuu boogtii xumayd fiiriyaa oo waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, boogta xumu waa nijaas oo waa baras. 16 Oo boogta xumu hadday mar kale beddelanto oo caddaato, markaas isagu waa inuu wadaadka u yimaadaa, 17 oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii caddaaday, markaas wadaadku kan cudurka qabi jiray ha ku yidhaahdo, Waa daahir, isagu waa daahir. 18 ¶ Oo haddii jidhku kasoobax ku leeyahay dubka sare oo uu bogsaday, 19 oo kasoobaxa meeshuu ku yaal haddii lagu arko barar cad ama bar dhalaalaysa oo ah guduud caddaan ku jiro, markaas waa in wadaadka la tusaa. 20 Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii muuqashadeedu hoos u sii dhaafsiisan tahay dubka sare oo meeshaas timaheeduna ay caddaadeen, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, taasu waa cudurkii baraska oo soo baxay. 21 Laakiinse haddii wadaadku fiiriyo, oo meeshaas timo cad laga waayo, oo nabarkuna uusan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, illowse uu sii yaraaday, markaas waa in wadaadku karantiilaa intii toddoba maalmood ah, 22 oo haddii cudurku dubka sare ku sii faafo, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudur. 23 Laakiinse bartii dhalaalaysay hadday meesheedii ku joogsatay oo ayan sii faafin, markaas waa astaantii kasoobaxii ka hadhay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir. 24 ¶ Amase haddii dubka jidhku dab ku gubto oo jidhkii gubtay uu noqdo bar dhalaalaysa oo ah guduud caddaan ku jiro, amase caddaan, 25 markaas wadaadku waa inuu meeshaas fiiriyaa, oo bal eeg, barta dhalaalaysa timaheedu hadday caddaadeen oo nabarka muuqashadiisuna ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, waa baras kaasu, oo wuxuu ka soo dhex baxay meeshii gubatay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska. 26 Laakiinse haddii wadaadku fiiriyo, oo barta dhalaalaysa laga waayo timo cad, oo nabarkuna uusan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn laakiinse uu yaraaday, markaas wadaadku waa inuu qofkaas karantiilaa intii toddoba maalmood ah. 27 Oo maalinta toddobaad waa in wadaadku qofkaas fiiriyaa, oo haddii nabarku dubka sare ku faafay, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska. 28 Laakiinse bartii dhalaalaysay hadday meesheedii ku joogsatay, oo ayan dubka sare ku sii faafin, illowse ay yaraatay, markaas waa bararkii meeshii gubatay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, taasu waa astaantii gubashada. 29 ¶ Haddii nin ama naagu ay cudur ku yeeshaan madaxa amase gadhka, 30 markaas wadaadku waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, oo meeshaasna ay ku yaalliin timo casuur ah oo khafiif ah, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, taasu waa cambaar oo waa baraskii madaxa iyo gadhka. 31 Oo wadaadku hadduu fiiriyo cudurka cambaarta ah, oo bal eeg, haddii muuqashadeedu ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, oo aan timo madoobu meeshaas ku oollin, markaas wadaadku waa inuu karantiilaa kan cudurka cambaarta ah qaba intii toddoba maalmood ah. 32 Oo maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cambaartii ayan sii faafin, oo aan lagu arag timo casuur ah, oo cambaarta muuqashadeedu ayan dubka sare ka sii dhaafsiisnayn, 33 markaas isagu waa inuu xiirto, laakiinse meesha cambaarta leh yuusan xiirin, oo wadaadku waa inuu qofkaas karantiilaa toddoba maalmood oo kale. 34 Oo haddana maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cambaartii fiiriyaa, oo bal eeg, cambaartu haddii ayan dubka sare ku sii faafin, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, oo isna waa inuu dharkiisa maydhaa oo uu daahir ahaadaa. 35 Laakiinse cambaartii haddii ay dubka sare ku sii faafto daahirintiisa dabadeed, 36 markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cambaartu ay dubka sare ku sii faaftay wadaadku yuusan sii doondoonin timo casuur ah, waayo, ninkanu waa nijaasaysan yahay. 37 Laakiinse cambaartu hadday indhihiisa la ahaato inay joogsatay oo timo madoobuna ay ka bexeen, markaas cambaartu waa bogsatay, oo ninkaasuna waa daahir, oo wadaadkuna waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir. 38 ¶ Oo haddii nin ama naagu ay dubka jidhkooda ku yeeshaan baro dhaldhalaalaya, oo ah baro cadcad oo dhaldhalaalaya, 39 markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii baraha dhaldhalaalaya oo dubka jidhkooda ku yaallaa ay yihiin caddaan khafiif ah, taasu waa xaajiin jidhka ka soo baxday, oo qofkaasu waa daahir. 40 ¶ Oo haddii nin madaxiisa ay timahu ka dhammaadaan, isagu wuxuu leeyahay bidaar, hase ahaatee waa daahir. 41 Oo haddii timihiisu ay foodda hore ka dhammaadaanna, isagu foodda horuu bidaar ku leeyahay, hase ahaatee waa daahir. 42 Laakiinse madaxa bidaarta leh ama foodda bidaarta leh haddii lagu arko cudur guduudan oo caddaan ku jiro, markaas waa baras ka soo baxay madaxiisii bidaarta lahaa ama fooddiisii bidaarta lahayd. 43 Markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, cudurka bararkiisu hadduu yahay mid guduudan oo caddaan ku jiro, oo ku yaal madaxiisa bidaarta leh, ama fooddiisa bidaarta leh, sidii ay tahay muuqashada baraska oo dubka jidhkiisa ku taal, 44 isagu waa nin baras qaba, oo waa nijaasaysan yahay, oo sida xaqiiqada ah wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay; oo cudur buu madaxa ka qabaa. 45 ¶ Oo qofkii cudurka baraska qaba dharkiisu wax jeexjeexan ha ahaadeen, oo timaha madaxiisuna ha bannaanaadeen, oo bushintiisa sarena ha daboolo, oo ha ku qayliyo, Waan nijaasaysnahay, waan nijaasaysnahay! 46 Oo in alla intuu cudurkaas qabo oo dhan isagu waa inuu nijaasaysnaadaa, waayo, isagu waa nijaasaysan yahay, oo waa inuu keligiis meel ku hoydaa, oo hoygiisuna waa inuu ahaadaa xerada dibaddeeda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 9Markaasaa Rabbigu iyagii aad ugu cadhooday, wuuna ka tegey.

  • Tir 12:14-15
    2 aayado
    80%

    14Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddii aabbeheed wejiga kaga candhuufo sow ma ay ceebowdeen intii toddoba maalmood ah? Haddaba xerada ha laga saaro intii toddoba maalmood ah, oo markaas dabadeedna ha la soo celiyo.

    15Kolkaasaa Maryan xerada dibadda looga xidhay, oo dadkiina ma guurin ilamaa Maryan mar kale la soo celiyey.

  • Tir 12:4-5
    2 aayado
    78%

    4Markaasaa Rabbigu dhaqso ula hadlay Muuse iyo Haaruun iyo Maryan, oo wuxuu ku yidhi, Saddexdiinnuba kaalaya teendhada shirka. Oo saddexdoodiiba way soo bexeen.

    5Markaasaa Rabbigu ku soo degtay tiir daruur ah oo istaagay iriddii teendhadii shirka, oo wuxuu u yeedhay Haaruun iyo Maryan, kolkaasaa labadoodiiba soo bexeen.

  • Sharc 24:8-9
    2 aayado
    77%

    8Xagga cudurka baraska ah waa inaad isjirtaan, oo waa inaad dhawrtaan oo yeeshaan wax alla wixii wadaaddada reer Laawi ay idin baraan oo dhan, oo sidaan iyaga ugu amray, idinku waa inaad saas u dhawrtaan oo u yeeshaan.

    9Bal xusuusta wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu ku sameeyey Maryan, markaad jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen.

  • 11Markaasaa Haaruun Muuse ku yidhi, Sayidkaygiiyow, waan ku baryayaaye, wixii aannu nacasnimada u samaynay iyo wixii aannu ku dembaabnay aawadood dembi ha noo saarin.

  • Laaw 13:1-4
    4 aayado
    75%

    1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

    2Haddii qof jidhkiisa lagu arko barar, ama qolof, ama bar dhalaalaysa, oo ay jidhkiisa ku noqoto cudurkii baraska, markaas waa in loo keenaa wadaadka Haaruun ah, amase wiilashiisa wadaaddada ah midkood,

    3oo wadaadku waa inuu fiiriyaa cudurka jidhka ku yaal, oo haddii meesha cudurka leh timaheedu ay caddaadeen, oo cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, markaas waa cudurkii baraska, oo wadaadku waa inuu fiiriyaa oo yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay.

    4Laakiinse haddii barta dhalaalaysaa ay jidhka sare ka cad dahay, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, oo meeshaas timaheeduna ayan caddaan, markaas waa in wadaadku qofkaas cudurka qaba karantiilaa intii toddoba maalmood ah.

  • 10Intii Haaruun la hadlayay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan waxay eegeen xaggii cidlada, oo bal eeg, ammaantii Rabbiga ayaa daruurtii ka dhex muuqatay.

  • Tir 16:42-44
    3 aayado
    73%

    42Oo kolkii shirkii oo dhammu ay soo urureen oo ay Muuse iyo Haaruun gees ka noqdeen, waxay soo fiiriyeen teendhadii shirka xaggeedii, oo bal eeg, daruurtii baa qarisay, oo waxaa muuqatay Rabbiga ammaantiisii.

    43Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay yimaadeen teendhadii shirka horteeda.

    44Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 33¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 73%

    24¶ Amase haddii dubka jidhku dab ku gubto oo jidhkii gubtay uu noqdo bar dhalaalaysa oo ah guduud caddaan ku jiro, amase caddaan,

    25markaas wadaadku waa inuu meeshaas fiiriyaa, oo bal eeg, barta dhalaalaysa timaheedu hadday caddaadeen oo nabarka muuqashadiisuna ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, waa baras kaasu, oo wuxuu ka soo dhex baxay meeshii gubatay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska.

    26Laakiinse haddii wadaadku fiiriyo, oo barta dhalaalaysa laga waayo timo cad, oo nabarkuna uusan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn laakiinse uu yaraaday, markaas wadaadku waa inuu qofkaas karantiilaa intii toddoba maalmood ah.

    27Oo maalinta toddobaad waa in wadaadku qofkaas fiiriyaa, oo haddii nabarku dubka sare ku faafay, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska.

  • 6Oo Rabbigu wuxuu kaloo ku sii yidhi isagii, Bal gacanta laabta saar, markaasuu gacanta laabta saaray, oo markii uu ka qaaday, bal eeg, gacantii baras bay yeelatay oo waxay u caddaatay sida baraf cad.

  • Laaw 13:8-13
    6 aayado
    72%

    8Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii qoloftu ay jidhka ku faafto, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa baras.

    9¶ Oo haddii nin cudurka baraska qabo waa in wadaadka loo keenaa,

    10oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii dubka sare barar cadu ku yaal, oo meeshaas timaheeduna ay caddaadeen, oo bararkana haddii boog xun ku dhex taal,

    11kaasu waa baras gaboobay oo dubka jidhka ku dhex jira, oo wadaadku kaas waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, oo isaga waa inuusan karantiilin, waayo, isagu waa nijaas.

    12Oo haddii barasku dubka ku faafo, oo uu barasku kan cudurka qaba dubkiisa oo dhan qariyo tan iyo madaxiisa iyo ilaa cagihiisa, in alla intii wadaadka u muuqata,

    13markaas wadaadku waa inuu qofkaas fiiriyaa, oo bal eeg, haddii barasku jidhkiisa oo dhan ku faafay, markaas isagu kan cudurka qaba waa inuu ku yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, isagu wuu wada caddaaday oo waa daahir.

  • 27Haddaba waxaa adiga iyo farcankaagaba idinku dhegi doona weligiin Nacamaan baraskiisii. Oo wuxuu hortiisii ka tegey isagoo baras qaba oo u cad sida baraf cad oo kale.

  • 30Oo markay Haaruun iyo reer binu Israa'iil oo dhammu Muuse arkeen, bal eeg, dubka wejigiisu waa dhalaalayay, wayna ka cabsadeen inay u dhowaadaan.

  • 1¶ Oo reer binu Israa'iil, xataa shirkii oo dhammu waxay cidladii Sin yimaadeen bishii kowaad. Markaasaa dadkii waxay degeen Qaadeesh, oo Maryanna halkaasay ku dhimatay, oo halkaasaa lagu aasay.

  • 1¶ Oo Maryan iyo Haaruunna waxay Muuse u xanteen naagtii reer Kuush oo uu guursaday, maxaa yeelay, isagu wuxuu guursaday naag reer Kuush.

  • 3Oo wadaadku waa inuu xerada dibadda uga baxaa, oo waa inuu qofkaa fiiriyaa, oo bal eeg, cudurkii barasku hadduu ka bogsaday qofkii baraska qabay,

  • 71%

    19oo kasoobaxa meeshuu ku yaal haddii lagu arko barar cad ama bar dhalaalaysa oo ah guduud caddaan ku jiro, markaas waa in wadaadka la tusaa.

    20Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii muuqashadeedu hoos u sii dhaafsiisan tahay dubka sare oo meeshaas timaheeduna ay caddaadeen, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, taasu waa cudurkii baraska oo soo baxay.

    21Laakiinse haddii wadaadku fiiriyo, oo meeshaas timo cad laga waayo, oo nabarkuna uusan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, illowse uu sii yaraaday, markaas waa in wadaadku karantiilaa intii toddoba maalmood ah,

  • 70%

    42Laakiinse madaxa bidaarta leh ama foodda bidaarta leh haddii lagu arko cudur guduudan oo caddaan ku jiro, markaas waa baras ka soo baxay madaxiisii bidaarta lahaa ama fooddiisii bidaarta lahayd.

    43Markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, cudurka bararkiisu hadduu yahay mid guduudan oo caddaan ku jiro, oo ku yaal madaxiisa bidaarta leh, ama fooddiisa bidaarta leh, sidii ay tahay muuqashada baraska oo dubka jidhkiisa ku taal,

  • 6Markaasay Muuse iyo Haaruun ururka hortiisii uga tageen iriddii teendhadii shirka, kolkaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxaa iyagii u muuqatay ammaantii Rabbiga.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 17oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii caddaaday, markaas wadaadku kan cudurka qabi jiray ha ku yidhaahdo, Waa daahir, isagu waa daahir.

  • 26¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

  • 34Markay xerada ka bexeen ayaa daruurtii Rabbigu maalinnimada oo dhan dul joogtay.

  • 20¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 10Laakiinse shirkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Iyaga ha la dhagxiyo. Markaasaa ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil oo dhan uga muuqatay teendhadii shirka.

  • 36Oo markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan,

  • 39markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii baraha dhaldhalaalaya oo dubka jidhkooda ku yaallaa ay yihiin caddaan khafiif ah, taasu waa xaajiin jidhka ka soo baxday, oo qofkaasu waa daahir.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,