Tirintii 16:41

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Laakiinse subaxdii dambe shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu way u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo waxay ku yidhaahdeen, Idinku dadkii Rabbiga waad layseen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 14:2 : 2 Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo shirkii oo dhammu waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa inoo roonayd inaynu dalkii Masar ku dhimanno! Amase inaynu cidladan ku dhimanno!
  • Tir 16:1-7 : 1 ¶ Haddaba Qorax ina Isehaar oo ahaa ina Qohaad, oo ka sii ahaa reer Laawi, isaga iyo Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab, iyo Oon oo ahaa ina Feled oo reer Ruubeen ahaa ayaa rag watay, 2 oo waxay ku hor kaceen Muuse iyaga iyo reer binu Israa'iil qaarkood oo ahaa laba boqol iyo konton amiir oo shirka loo doortay oo wada caan ahaa. 3 Oo iyana way wada urureen oo gees ka noqdeen Muuse iyo Haaruun, oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku filan, maxaa yeelay, shirka oo dhan qof kastaaba waa quduus, oo Rabbiguna waa dhex joogaa iyaga. Haddaba maxaad Rabbiga ururkiisa isaga sara marisaan? 4 Oo Muusena markuu taas maqlay ayuu wejiga dhulka dhigay. 5 Markaasuu la hadlay Qorax iyo guutadiisii oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Berri subax ayaa Rabbigu muujin doonaa kuwa ah kuwiisa iyo kii quduus ah, wuuna soo dhowayn doonaa; oo kii uu isagu dooranayana wuu isu soo dhowayn doonaa. 6 Haddaba Qorax iyo guutadiisa oo dhammay, sidan yeela, oo waxaad qaadataan idammo, 7 oo berrito Rabbiga hortiisa iyaga dab ku shuba oo foox ku shida, oo kolkaas ninkii Rabbigu doorto, wuxuu ahaan doonaa quduus. Idinku filan reer Laawiyow.
  • 2 Sam 16:7-8 : 7 Oo Shimcii markuu habaartamayay wuxuu lahaa, Naga tag, nin yahow dhiigga qabaa, oo naga tag, nin yahow waxmataraha ihi! 8 Rabbigu waa ku kor saaray reer Saa'uul dhiiggoodii oo dhan, Saa'uulkaasoo aad meeshiisii xukumayso; oo Rabbigu boqortooyadii gacantuu u geliyey wiilkaaga Absaaloom; oo bal eeg, adiga belaayadaadii baa kula tagtaye, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dhiig qaba.
  • 1 Boq 18:17 : 17 Oo markuu Axaab arkay Eliiyaah ayuu ku yidhi, War ma adigii baa kii dadkii Israa'iil dhibayayow?
  • Sab 106:13 : 13 Haddiiba way illoobeen shuqulladiisii, Oo taladiisiina ma ay sugin,
  • Sab 106:23 : 23 Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Waan baabbi'inayaa. Laakiinse Muuse oo ahaa kii uu doortay ayaa hortiisa u istaagay xidhiidhla'aantii u dhexaysay, Inuu Ilaah cadhadiisa ka leexiyo aawadeed si aanu iyaga u baabbi'in.
  • Sab 106:25-48 : 25 Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen, Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga. 26 Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga, Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo, 27 Iyo inuu farcankooda ku afgembiyo quruumaha dhexdooda, Oo uu iyaga ku kala firdhiyo dalalka. 28 Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor, Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay. 29 Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen, Markaasay belaayadu ka dhex dillacday. 30 Markaasaa waxaa istaagay Fiinexaas, oo wuxuu ku soo dejiyey xukun, Oo sidaasaa belaayada lagu joojiyey. 31 Oo taas waxaa isagii loogu tiriyey xaqnimo U sii waaraysa qarni kasta iyo weligeedba. 32 Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda, Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood, 33 Maxaa yeelay, iyagu waxay ku caasiyoobeen ruuxiisii, Kolkaasuu fiirola'aan u hadlay. 34 Dadyowgiina uma ay baabbi'in, Sidii Rabbigu ugu amray iyaga, 35 Laakiinse iyagu waxay ku dhex qasmeen quruumihii, Shuqulladoodiina way barteen, 36 Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii, Kuwaasoo iyaga dabin u noqday, 37 Haah, oo waxay wiilashoodii iyo gabdhahoodii allabari ahaan ugu qaleen jinniyo, 38 Oo waxay daadiyeen dhiig aan eed lahayn, kaasoo ah dhiiggii wiilashooda iyo kii gabdhahooda Oo ay allabari ahaan ugu qaleen sanamyadii reer Kancaan, Oo dalkiina wuxuu ku nijaasoobay dhiig. 39 Haddaba sidaasay shuqulladoodii ugu nijaasoobeen, Oo falimahoodii ayay ku caasiyoobeen sidii dhillo oo kale. 40 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday, Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa. 41 Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha, Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey. 42 Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay, Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen. 43 Marar badan ayuu samatabbixiyey, Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii, Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii. 44 Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii, Markuu qayladoodii maqlay, 45 Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii, Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday. 46 Oo weliba wuxuu ka dhigay inay Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan. 47 Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno. 48 Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Tan iyo weligiis iyo weligiisba. Oo dadka oo dhammu ha yidhaahdo, Aamiin. Rabbiga ammaana.
  • Ish 26:11 : 11 ¶ Rabbiyow, gacantaadu kor bay u taagan tahay, laakiinse iyagu ma ay arkaan illowse waxay arki doonaan dadaalkaaga aad dadka u dadaashid, wayna ceeboobi doonaan, oo cadaawayaashaadana dab baa baabbi'in doona.
  • Yer 37:13-14 : 13 Oo markuu iriddii reer Benyaamiin joogay waxaa isna halkaas joogay sirkaal waardiyayaasha madax u ahaa, oo magiciisa la odhan jiray Yiriyaah ina Shelemyaah, oo ahaa ina Xananyaah, oo isna Yeremyaah buu qabtay oo wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad u gelaysaa reer Kaldayiin. 14 Markaas Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Taasu waa been, anigu reer Kaldayiin u geli maayo. Laakiinse isagu innaba ma uu dhegaysan, sidaas daraaddeed Yiriyaah wuxuu soo qabtay Yeremyaah, oo amiirradii u keenay.
  • Yer 38:4 : 4 Markaas amiirradii waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, Ninkan ha la dilo, waayo, erayadan uu iyaga kula hadlayo aawadood ayuu ku daciifinayaa gacmihii ragga dagaalka ee magaaladan ku hadhay iyo gacmihii dadka kale oo dhanba, waayo, isagu dadkan waxyeelladiisa mooyaane wanaaggiisa dooni maayo.
  • Yer 43:3 : 3 laakiinse Baaruug ina Neeriiyaah ayaa nagu soo kaa diray, si uu gacanta reer Kaldayiin noogu rido inay na laayaan, oo ay maxaabiis ahaan Baabuloon noogu kaxaystaan.
  • Aam 7:10 : 10 ¶ Markaasaa Amasyaah oo ahaa wadaadkii Beytel farriin u diray Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Caamoos shirqool buu kuugu dhigay dadka Israa'iil dhexdooda, oo dadka dhulkuna erayadiisa oo dhan ma qaadi karaan.
  • Mat 5:11 : 11 Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday.
  • Fal 5:28 : 28 oo yidhi, Waxaannu aad idiinku amarnay inaydnaan magacan wax ku barin; laakiin bal eega, waxaad Yeruusaalem ka buuxiseen waxbariddiinnii, oo weliba waxaad damacsan tihiin inaad ninkan dhiiggiisii dusha naga saartaan.
  • Fal 21:28 : 28 iyagoo qaylinaya oo leh, Nimankii reer binu Israa'iilow, na caawiya. Kanu waa ninka bara dadka oo dhan oo meel kasta jooga inay ka gees noqdaan dadka iyo sharciga iyo meeshan. Weliba wuxuu macbudka keenay dad Gariig ah, meeshan quduuska ahna xaaraan buu ka dhigay.
  • 2 Kor 6:8 : 8 haddii lana maamuuso iyo haddii lana maamuus jebiyoba, haddii war xun lanaga sheego, iyo haddii war wanaagsan lanaga sheegoba, sida annagoo ah khaa'inno laakiin kuwa runta ah;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2Markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu cidladii Muuse iyo Haaruun ugu gunuuseen.

  • Bax 16:7-9
    3 aayado
    82%

    7oo subaxdana waxaad arki doontaan ammaantii Rabbiga, waayo, wuu maqlayaa gunuuskiinna aad Rabbiga u gunuusaysaan. Oo annagu maxaannu nahay oo aad noogu gunuusaysaan?

    8Markaasaa Muuse wuxuu yidhi; Rabbigu makhribka wuxuu idin siin doonaa hilib aad cuntaan, subaxdana wuxuu idin siin doonaa kibis aad ka dheregtaan; maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu maqlayaa gunuuskiinna aad isaga u gunuusaysaan. Bal maxaannu annagu nahay? Annaga noo gunuusi maysaane, ee waxaad u gunuusaysaan Rabbiga.

    9Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Shirka reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga hortiisa ku soo dhowaada; waayo, wuu maqlay gunuuskiinnii.

  • 11Haddaba adiga iyo guutadaada oo dhammu waxaad isu soo urursateen oo aad gees ka tihiin Rabbiga. Balse maxaa dhacay oo aad Haaruun ugu gunuustaan?

  • Tir 14:26-27
    2 aayado
    80%

    26¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

    27Ilaa goormaan u adkaysanayaa shirkan sharka ah oo ii gunuusa? Waxaan maqlay gunuuskii ay reer binu Israa'iil ii gunuuseen.

  • 42Oo kolkii shirkii oo dhammu ay soo urureen oo ay Muuse iyo Haaruun gees ka noqdeen, waxay soo fiiriyeen teendhadii shirka xaggeedii, oo bal eeg, daruurtii baa qarisay, oo waxaa muuqatay Rabbiga ammaantiisii.

  • Tir 16:19-21
    3 aayado
    80%

    19Markaasaa Qorax soo shirsaday shirkii oo dhan oo iyaga ka gees ah, oo wuxuu soo tubay iridda teendhadii shirka. Oo shirkii oo dhan waxaa u muuqatay ammaantii Rabbiga.

    20¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    21Idinku shirkan dhan isaga sooca aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee.

  • Tir 14:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Oo shirkii oo dhammuna codkoodii bay kor u qaadeen oo qayliyeen, oo dadkiina habeenkaas way ooyeen.

    2Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo shirkii oo dhammu waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa inoo roonayd inaynu dalkii Masar ku dhimanno! Amase inaynu cidladan ku dhimanno!

  • 16Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Berrito adiga iyo guutadaaduba Rabbiga hortiisa kaalaya, adiga iyo iyaga iyo Haaruunba.

  • Tir 16:44-46
    3 aayado
    79%

    44Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    45Adigu shirkan ka soo kac, aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee. Oo iyana markaasay wejiga dhulka dhigeen.

    46Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War idankaaga qaad oo meesha allabariga dab kaga soo shubo, oo foox ku rid, oo haddiiba shirka u qaad, oo iyaga u kafaaro gud, waayo, cadho ayaa Rabbiga ka soo baxday, oo belaayadii way bilaabatay.

  • 3Oo iyana way wada urureen oo gees ka noqdeen Muuse iyo Haaruun, oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku filan, maxaa yeelay, shirka oo dhan qof kastaaba waa quduus, oo Rabbiguna waa dhex joogaa iyaga. Haddaba maxaad Rabbiga ururkiisa isaga sara marisaan?

  • 1¶ Oo dadkuna waxay ahaayeen sidii kuwo gunuunac badan, oo wax shar ah ayay Rabbiga dhegihiisa maqashiiyeen. Oo markii Rabbigu maqlay ayaa cadhadiisii kululaatay, oo dabkii Rabbiguna dhexdooduu ka qaxmay, oo xerada meesheedii ugu dambaysay ayuu baabbi'iyey.

  • 3Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa?

  • 23Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 36¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 11Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu isagii ku yidhi,

  • 27Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.

  • 40inay taasu reer binu Israa'iil xusuus u noqoto, si uusan shisheeye aan Haaruun farcankiisa ahaynu Rabbiga hortiisa ugu soo dhowaan inuu foox u bixiyo, si uusan u noqon sidii Qorax iyo guutadiisa, sidii Rabbigu isaga ugula hadlay Muuse.

  • 36Oo nimankii Muuse u diray inay dalka soo basaasaan oo soo noqday oo shirka oo dhan ka dhigay inay isaga u gunuusaan markay dalkii war xun ka keeneen,

  • 24Markaasay dadkii Muuse u gunuuseen, oo waxay yidhaahdeen, Bal maxaannu cabnaa?

  • 41Kolkaasaa Muuse yidhi, War Rabbiga amarkiisa maxaad ugu xadgudbaysaan, waayo, taasu faa'iido idiinma lahaan doonto?

  • Tir 27:14-15
    2 aayado
    76%

    14maxaa yeelay, eraygayga baad kaga caasideen cidladii Sin markay dadka shirku dirireen ee aad aniga quduus igaga dhigi weydeen biyaha agtooda, iyagoo u jeeda. (Kuwaasu waa biyihii Meriibaah oo ku yaal Qaadeesh oo ah cidlada Sin.)

    15Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 10Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Usha Haaruun dib ugu celi maragga hortiisa in iyada loo haysto calaamo ka gees ah dadka caasiya, inaad iga joojisid gunuuskooda ay ii gunuusaan, yaanay iyagu dhimane.

  • 10¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 18inaad maanta ka leexataan inaad Rabbiga la socotaan? Oo caasinimadii aad maanta Rabbiga ku caasiyowdeen aawadeed ayuu berrito ugu cadhoon doonaa shirka reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 1¶ Oo markii Haaruun labadiisii wiil ay Rabbiga hortiisa u soo dhowaadeen oo ay dhinteen dabadeed ayaa Rabbigu Muuse la hadlay,

  • 21Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War maxaa dadkanu kugu sameeyey oo aad dembi weyn ugu keentay?

  • Tir 20:2-3
    2 aayado
    75%

    2Oo shirkiina biyo ma haysan, oo markaasay Muuse iyo Haaruun u wada shireen.

    3Kolkaasaa dadkii Muuse la dirireen, wayna la hadleen oo ku yidhaahdeen, Waxaa noo roonayd inaannu walaalahayo iskala dhimanno markay Rabbiga hortiisa ku dhinteen!

  • Tir 14:10-11
    2 aayado
    75%

    10Laakiinse shirkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Iyaga ha la dhagxiyo. Markaasaa ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil oo dhan uga muuqatay teendhadii shirka.

    11¶ Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Dadkanu ilaa goormay i quudhsanayaan? Oo ilaa goormay i rumaysan waayayaan in kastoo aan dhexdooda calaamooyinka oo dhan ku sameeyey?

  • 8Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Haddaba maqla reer Laawiyow.

  • 16Bal eeg, taladii Balcaam aawadeed kuwanu waxay reer Israa'iil ka dhigeen inay Rabbiga kaga xadgudbaan xaalkii Fecoor, oo sidaas daraaddeed belaayadaa uga dhex dhacday shirkii Rabbiga.

  • 16Oo weliba waxay xerada dhexdeedii kaga hinaaseen Muuse Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii quduuska ahaa.

  • 5Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay ku hor dheceen ururkii shirka reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 24Haaruun wuxuu ku darman doonaa dadkiisii, waayo, isagu geli maayo dalkii aan siiyey reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, hadalkaygii waad ku caasideen markaad biyihii Meriibaah ag joogteen.

  • 13¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 37¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 39Markaasaa Muuse hadalkaas reer binu Israa'iil oo dhan u sheegay, kolkaasaa dadkii aad u baroorteen.

  • 16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 25Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen, Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.

  • 29Meydadkiinnu waxay ku dhici doonaan cidladan, oo kulli kuwiinna la tiriyey sidii tiradiinnu ahayd oo ah intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd oo aniga ii gunuusay,