Tirintii 21:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim oo cidlada ku dhex taal oo ah Moo'aab horteeda oo xagga qorrax ka soo baxa ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 33:43-49
    7 aayado
    88%

    43Oo Fuunonna way ka guureen, oo waxay degeen Obod.

    44Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim, oo ku taal soohdinta dalka Moo'aab.

    45Oo Ciyiimna way ka guureen, oo waxay degeen Diibon Gaad.

    46Oo Diibon Gaadna way ka guureen, oo waxay degeen Calmoon Diblaatayimaah.

    47Oo Calmoon Diblaatayimaahna way ka guureen, oo waxay degeen buuraha Cabaariim oo Neboo ku hor yaal.

    48Oo haddana buurihii Cabaariim way ka guureen, oo waxay degeen bannaanka dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhow ee Yerixoo ka soo hor jeeda.

    49Oo haddana waxay degeen Webi Urdun agtiisa tan iyo Beytyeshimood iyo xataa tan iyo Aabeel Shitiim oo ku yaal bannaanka dalka Moo'aab.

  • 10¶ Markaasaa reer binu Israa'iil soo guureen, oo waxay degeen Obod.

  • 1¶ Markaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • Tir 21:12-13
    2 aayado
    80%

    12Oo halkaasna way ka guureen, oo waxay degeen dooxadii Sered,

    13Halkaasna way ka guureen, oo waxay deggeen Webi Arnoon dhankiisa kale, kaasoo cidlada ku yaal oo soohdinta reer Amor ka soo baxa, waayo, Webi Arnoon waa soohdinta reer Moo'aab oo wuxuu u dhexeeyaa reer Moo'aab iyo reer Amor.

  • 18Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab.

  • Tir 33:31-37
    7 aayado
    75%

    31Oo Mooseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Bini Yacaqaan.

    32Oo Bini Yacaqaanna way ka guureen, oo waxay degeen Xor Haggidgaad.

    33Oo Xor Haggidgaadna way ka guureen, oo waxay degeen Yaatbaataah.

    34Oo haddana Yaatbaataah way ka guureen, oo waxay degeen Cabronaah.

    35Oo Cabronaahna way ka guureen, oo waxay degeen Cesyoon Geber.

    36Oo Cesyoon Geberna way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Sin (taasoo ah Qaadeesh).

    37Oo Qaadeeshna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Xor oo ku taal dalka reer Edom darafkiisa.

  • Tir 21:19-20
    2 aayado
    75%

    19Oo Mataanaahna waxay uga guureen xagga Naxalii'eel; Naxalii'eelna waxay uga guureen xagga Baamood.

    20Oo Baamoodna waxay uga guureen xagga dooxadii ku taal bannaanka Moo'aab, iyo Buur Fisgaah dhaladeeda oo cidlada hoos u soo fiirisa.

  • Tir 33:15-17
    3 aayado
    74%

    15Oo Refiidiimna way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidladii Siinay.

    16Oo cidladii Siinayna way ka guureen, kolkaasay degeen Qibrood Xatawaah.

    17Oo Qibrood Xatawaahna way ka guureen, kolkaasay degeen Xaseerood.

  • 22Oo Risaahna way ka guureen, oo waxay degeen Qeheelaataah.

  • 7Oo halkaasna waxay uga guureen Gudgodaah, oo waxay Gudgodaahna uga guureen Yaatbaataah oo ah dal leh durdurro biyo ah.

  • 20Oo waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda.

  • 12oo waxay Saariid uga leexatay xagga bari ee qorraxdu ka soo baxdo, ilaa soohdinta Kislod Taabor, kolkaasay waxay u baxday xagga Daberad, oo haddana kor ugu baxday Yaafiica,

  • 15Iyo dhaadhaca dooxooyinka Oo u dadban xagga rugta Caar, Oo u dhow soohdinta reer Moo'aab.

  • Sharc 1:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Kuwanu waa erayadii Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay joogeen Webi Urdun shishadiisa cidlada dhexdeeda, oo ah Caraabaah oo ka soo hor jeedda Suuf, meel u dhexaysa Faaraan, iyo Tofel, iyo Laabaan, iyo Xaseerood, iyo Diisaahaab.

    2Oo koob iyo toban maalmood ayaa looga socdaa Xoreeb xagga Buur Seciir ilaa tan iyo Qaadeesh Barneeca.

  • 2Oo markay ka soo keceen Refiidiim oo ay yimaadeen cidladii Siinay ayay teendhooyinkoodii cidladii ka dhisteen, oo reer binu Israa'iil halkaasay degeen buurta horteeda.

  • 28Sidaasay reer binu Israa'iil u sodcaaleen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo hore bay u bexeen.

  • 8Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber. Markaasaynu leexannay oo waxaynu soo marnay jidka cidlada Moo'aab.

  • 1¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo Shitiim way ka guureen, oo Webi Urdun yimaadeen, isagii iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo halkaasay degeen intaanay gudbin ka hor.

  • 41Oo waxay ka guureen Buur Xor, kolkaasay degeen Salmonaah.

  • 22¶ Oo Qaadeesh way ka guureen, oo reer binu Israa'iil xataa shirkii oo dhammu waxay yimaadeen Buur Xor.

  • 18oo waxay sii martay dhinaca ka soo hor jeeda Caraabaah xaggeeda woqooyi, oo waxay ku dhaadhacday Caraabaah;

  • 16laakiinse markii ay ka yimaadeen Masar, reer binu Israa'iil waxay soo mareen cidlada ilaa xagga Badda Cas, oo dabadeedna waxay yimaadeen Qaadeesh;

  • 24Oo markay yimaadeen xeradii dadka Israa'iil ayaa dadka Israa'iil ku kaceen oo laayeen reer Moo'aab; iyana way ka carareen hortooda, oo dadka Israa'iilna dhulkii bay hore u galeen iyagoo reer Moo'aab laynaya.

  • 30War sow iyagu kama shisheeyaan Webi Urdun xagga jidka dambe oo qorrax-u-dhaca, oo ah dalka reer Kancaanka Caraabaah deggan, oo ka soo hor jeedda Gilgaal, oo ku dhinac yaal geedaha Moreh?

  • Tir 33:6-7
    2 aayado
    71%

    6Oo Sukodna way ka guureen, oo waxay degeen Eetaam oo ku taal cidlada darafkeeda.

    7Oo haddana Eetaam bay ka guureen, oo waxay dib ugu noqdeen Fiihaahiirod oo ku hor taal Bacal Sefoon; kolkaasay degeen Migdol horteeda.

  • 5Oo waxay ka gudbeen Webi Urdun, oo degeen Carooceer, oo ku taal xagga midigta oo magaalada ku dhex taal dooxadii Gaad, iyo tan iyo Yacser,

  • 21Oo marmarna daruurtu waxay joogtay fiidkii ilamaa subaxdii; oo markii daruurta subaxdii la qaado ayay guuri jireen; oo hadday habeen iyo maalin sii joogtana, markii daruurta la qaado ayay guuri jireen.

  • 27oo waxay u leexatay xagga qorraxdu ka soo baxdo, ee ah Beytdaagoon, oo waxay gaadhay tan iyo Sebulun, iyo dooxadii Yiftax'eel xaggeeda woqooyi iyo ilaa Beytcemeq iyo Necii'eel, oo waxay u baxday xagga bidix ee ah Kabuul,