Tirintii 22:33

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo dameertuna anay i aragtay oo saddexdan jeerba hortayday ka leexatay. Oo haddaanay iga leexan, hubaal waan ku dili lahaa, iyadase waan badbaadin lahaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 14:37 : 37 nimankaas oo war xun dalkii ka keenay ayaa belaayadii ku dhintay Rabbiga hortiisa.
  • Tir 16:33-35 : 33 Haddaba iyagii iyo wixii ay lahaayeen oo dhammuba iyagoo noolnool ayay She'ool ku dhaadhaceen, markaasaa dhulkii ku dul xidhmay, oo iyana shirkii way ka halligmeen. 34 Markaasaa reer binu Israa'iilkii hareerahooda joogay waxay ka carareen qayladoodii, waayo, waxay isyidhaahdeen, War aarmaa dhulku innagana ina liqaa. 35 Markaasaa dab Rabbiga xaggiisa ka yimid oo baabbi'iyey laba boqol iyo kontonkii nin oo fooxa bixiyey.
  • 1 Boq 13:24-28 : 24 Oo markuu ka tegey ayaa libaax jidkii kaga hor yimid, wuuna dilay isagii; oo meydkiisiina waxaa lagu tuuray jidka dhexdiisa, oo dameerkiina wuu ag taagnaa; libaaxiina wuxuu dhinac taagnaa meydka. 25 Oo bal eeg, dad baa soo ag maray, oo waxay arkeen meydka jidka lagu tuuray iyo libaaxa meydka agtiisa taagan; oo waxay yimaadeen magaaladii nebiga duqa ahu degganaa, markaasay dadkii u sheegeen. 26 Oo nebigii isaga jidka ka soo celiyey markuu taas maqlay ayuu yidhi, Waa ninkii Ilaah oo ku caasiyoobay Rabbiga; oo sidaas daraaddeed ayuu Rabbigu isaga ugu gacan gashay libaaxa dildillaacsaday oo dilay, taasuna waa sidii uu ahaa erayguu Rabbigu kula hadlay. 27 Markaasuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Oo iyana way u kooreeyeen. 28 Kolkaasuu tegey oo wuxuu helay meydkiisii oo jidka dhex yaal, iyo dameerkii iyo libaaxii oo meydka ag taagan; libaaxiina meydkii ma cunin, dameerkiina ma dildillaacsan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 22:20-32
    13 aayado
    88%

    20Oo habeennimadii ayaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Haddii nimanku u yimaadeen inay kuu yeedhaan, kac oo iyaga raac; laakiinse waxaad yeeshaa aan kugula hadlo oo keliya.

    21¶ Oo subaxdii dambe ayaa Balcaam kacay oo dameertiisii kooraystay, kolkaasuu raacay amiirradii reer Moo'aab.

    22Oo Ilaah cadhadiisiina way kululaatay, maxaa yeelay, Balcaam baa tegey. Markaasaa malaa'igtii Rabbigu jidka istaagtay iyadoo cadow ku ah isaga. Haddaba isagu wuxuu iska fuushanaa dameertiisii, oo labadiisii addoonna way la socdeen.

    23Markaasaa dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga oo jidka taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Kolkaasay dameertii jidka ka leexatay oo berrinka gashay. Oo Balcaamna dameertii wax buu ku dhuftay si uu jidka ugu soo celiyo.

    24Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay istaagtay surun beercanabyada ku dhex yaal oo dhankan deyr ka yahay, dhanka kalena deyr ka yahay.

    25Oo haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay derbiga isku jiidday, oo Balcaam cagtiisii ayay derbigii kula qabatay, oo isna haddana wax buu ku dhuftay.

    26Markaasaa malaa'igtii Rabbigu hore u sii socotay oo waxay istaagtay meel cidhiidhi ah oo aan meel looga leexdo lahayn midig iyo bidix toona.

    27Oo haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay iska jiifsatay Balcaam hoostiisa, Balcaamna wuu cadhooday, oo dameertii usha ku dhuftay.

    28Markaasaa Rabbigu afka dameerta furay oo waxay Balcaam ku tidhi, War maxaan kugu sameeyey oo aad saddexdan jeer ii dishay?

    29Markaasaa Balcaam dameertii ku yidhi, Maxaa yeelay, adigu waad igu majaajilootay. Oo weliba waxaan jeclaan lahaa in seefu gacantayda ku jirto, waayo, waan ku dili lahaa hadda.

    30Markaasaa dameertii Balcaam ku tidhi, War sow ma ahi dameertaadii aad cimrigaaga oo dhan fuuli jirtay ilaa maantadan? Oo miyaan hore sidan oo kale weligay kugu sameeyey? Oo isna wuxuu ku yidhi, Maya.

    31Kolkaasaa Rabbigu Balcaam indhaha u furay oo wuxuu arkay malaa'igtii Rabbiga oo jidka dhex taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Markaasuu madaxa foororiyey oo sujuuday.

    32Kolkaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay isagii ku tidhi, War maxaad dameertaada u dishay saddexdan jeer? Bal eeg, anigu waxaan u soo baxay cadow ahaan, maxaa yeelay, jidkaagu hortayda waa ku qalloocan yahay.

  • Tir 22:34-35
    2 aayado
    80%

    34Oo Balcaam wuxuu malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Waan dembaabay, waayo, ma aan ogayn inaad jidka taagan tahay adigoo iga gees ah. Haddaba haddii sidaasu ku xumayso, dib baan u noqonayaa.

    35Markaasaa malaa'igtii Rabbigu Balcaam ku tidhi, Orod oo nimanka raac; laakiinse hadalkii aan kula hadlo oo keliya waa inaad ku hadashaa. Sidaas daraaddeed Balcaam wuxuu raacay amiirradii Baalaaq soo diray.

  • 16Laakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga.

  • Bax 23:4-5
    2 aayado
    72%

    4¶ Haddaad aragtid cadowgaaga dibigiisii ama dameerkiisii oo lumaya, waa inaad u celisaa.

    5Haddaad aragtid kan ku neceb dameerkiisii oo rar la dhacay, oo aanad doonayn inaad caawiso, hubaal waa inaad caawisaa.

  • 72%

    23Oo markuu kibis cunay oo biyo cabbay dabadeed ayuu dameerkiisii u kooreeyey nebigii uu soo celiyey.

    24Oo markuu ka tegey ayaa libaax jidkii kaga hor yimid, wuuna dilay isagii; oo meydkiisiina waxaa lagu tuuray jidka dhexdiisa, oo dameerkiina wuu ag taagnaa; libaaxiina wuxuu dhinac taagnaa meydka.

  • 71%

    27Markaasuu wiilashiisii la hadlay oo ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Oo iyana way u kooreeyeen.

    28Kolkaasuu tegey oo wuxuu helay meydkiisii oo jidka dhex yaal, iyo dameerkii iyo libaaxii oo meydka ag taagan; libaaxiina meydkii ma cunin, dameerkiina ma dildillaacsan.

  • Tir 23:11-12
    2 aayado
    71%

    11Kolkaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War waa maxay waxa aad igu samaysay? Waxaan ku soo watay inaad cadaawayaashayda habaartid, laakiinse bal eeg, waad u wada ducaysay.

    12Kolkaasuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Sow waajib iguma aha inaan isjiro si aan ugu hadlo wixii Rabbigu afkayga geliyo?

  • 34Waxaan ku dhaartay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo nool oo iga joojiyey inaan wax ku yeelo, waayo, hubaal haddii aadan degdegin oo iga hor iman, waaberiga Naabaal xataa wiil yaru uma uu hadheen.

  • 23Oo Abiigayilna markay Daa'uud aragtay ayay haddiiba dameerkeedii ka soo degtay, oo Daa'uud isku hor tuurtay, wayna sujuudday.

  • 10¶ Haddii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,

  • 24Markaasay dameer kooraysatay, oo midiidinkeedii waxay ku tidhi, Igu kaxee oo hore u soco, oo anigoo kugu amra mooyaane ha i raajin.

  • 10Laakiinse anigu Balcaam ma aanan dhegaysan; sidaas daraaddeed weliba wuu idiin sii duceeyey; oo sidaasaan gacantiisii idiinka samatabbixiyey.

  • 3Oo aroortii horaa Ibraahim kacay, oo wuxuu kooraystay dameerkiisii, oo wuxuu kaxaystay laba ka mid ah dhallinyaradiisii, iyo wiilkiisii Isxaaq; qoryihiina allabariga la gubo wuu u jeexjeexay, wuuna kacay, oo wuxuu tegey meeshii Ilaah u sheegay.

  • 20Oo siday dameerkeedii u soo fuushanayd ayay soo dhaadacday oo ag martay buurta meesheedii qarsoonayd, oo waxaa ka hor yimid Daa'uud iyo raggiisii, markaasay la kulantay.

  • 13Markaasuu wiilashiisii ku yidhi, War dameerka ii kooreeya. Dameerkiina way u kooreeyeen oo isna wuu fuulay.

  • Tir 24:10-12
    3 aayado
    69%

    10¶ Markaasaa Baalaaq aad ugu cadhooday Balcaam, oo gacmihiisuu isku dhuftay. Oo Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Waxaan kuugu yeedhay inaad cadaawayaashayda ii habaartid, oo bal eeg, saddexdan jeer baad u wada ducaysay.

    11Haddaba meeshaadii ku carar. Anigu waxaan damacsanaa inaan derejo weyn ku siiyo, laakiinse Rabbigu dib buu kaaga celiyey derejadii.

    12Kolkaasaa Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, War kuwii farriin kaa waday miyaanan u sheegin oo aanan ku odhan,

  • 3Kolkaasaa Balcaam Baalaaq ku yidhi, Allabarigaaga la gubo ah istaag, oo anna waan tegayaa, mindhaa Rabbigu waa iga hor iman doonaa, oo wax alla wixii uu i tuso waan kuu sheegi doonaa. Markaasuu meel sare oo bannaan tegey.

  • Tir 23:26-27
    2 aayado
    69%

    26Laakiinse Balcaam ayaa jawaabay oo wuxuu Baalaaq ku yidhi, Sow kuuma sheegin oo kuguma odhan, Wixii Rabbigu ku hadlo oo dhan waa inaan sameeyaa?

    27¶ Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Haddaba kaalay, meel kalaan ku geeynayaaye, mindhaa Ilaah waa ku farxi doonaa inaad iyaga halkaas iiga habaartid.

  • Tir 23:16-17
    2 aayado
    69%

    16Markaasaa Rabbigu ka hor yimid Balcaam, oo eray buu afka u geliyey, oo wuxuu ku yidhi, Baalaaq ku noqo, oo sidatan ula hadal.

    17Markaasuu isagii u yimid, oo wuxuu arkay isagoo ag taagan allabarigiisii la gubo, oo waxaa isaga la jiray amiirradii reer Moo'aab. Kolkaasaa Baalaaq isagii ku yidhi, War Rabbigu muxuu ku hadlay?

  • 18Markaasaa Balcaam jawaabay, oo wuxuu addoommadii Baalaaq ku yidhi, Haddii Baalaaq i siiyo gurigiisa oo lacag iyo dahab ka buuxo, anigu kama tallaabsan karo erayga Rabbiga Ilaahayga ah inaan sameeyo wax ka yar iyo wax ka badan toona.

  • 34iyo kow iyo lixdan kun oo dameer,

  • Tir 22:12-13
    2 aayado
    68%

    12Markaasaa Rabbigu wuxuu Balcaam ku yidhi, Waa inaanad iyaga raacin, oo waa inaanad dadka habaarin, waayo, iyagu waa barakaysan yihiin.

    13Aroortii dambe ayaa Balcaam kacay, oo wuxuu amiirradii Baalaaq ku yidhi, Dalkiinnii taga, waayo, Rabbigu fasax buu ii diidaa inaan idin raaco.

  • 4¶ Haddaad aragtid walaalkaa dameerkiisa ama dibigiisa oo jidka ku dhacay, waa inaadan ka dhuuman, laakiinse hubaal waa inaad isaga caawisaa oo la istaajisaa.

  • 3Markaasuu hadalkiisii watay oo wuxuu yidhi, Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay, Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay,

  • 1¶ Oo Balcaamna markuu arkay in Rabbigu ku farxay inuu reer binu Israa'iil barakeeyo, ma uu tegin sidii mararkii kale inuu sixir doondoono, laakiinse wuxuu wejigiisii u jeediyey xagga cidlada.

  • 39Oo dameerraduna waxay ahaayeen soddon kun iyo shan boqol, oo Rabbiga canshuurtiisii ka go'dayna waxay ahayd kow iyo lixdan neef.

  • 45iyo soddon kun iyo shan boqol oo dameerro ah,

  • 33¶ Oo haddii nin god daboolka ka qaado, ama haddii nin god qodo oo uu dabooli waayo, oo uu ama dibi ama dameer ku dhaco,