Tirintii 22:36

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Baalaaq markuu maqlay in Balcaam yimid ayuu u baxay inuu isaga ku qaabbilo magaaladii Moo'aab oo ku taal soohdinta Arnoon oo ah soohdinta darafkeeda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 14:17 : 17 Markuu ka soo noqday layntii Kedorlaacomer iyo boqorradii la jiray ka dib ayaa boqorkii Sodom Aabraam kaga hor tegey Dooxo Shaweh oo ahayd Dooxadii Boqorka.
  • Bil 18:2 : 2 Oo indhihiisii buu kor u taagay oo eegay, oo wuxuu arkay saddex nin oo hortiisa taagan: oo kolkuu arkay, ayuu ka orday iriddii teendhada inuu ka hor tago iyagii, kolkaasuu dhulka ku sujuuday,
  • Bil 46:29 : 29 Yuusufna wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo aabbihiis Israa'iil ayuu kaga hor tegey Goshen; oo markuu isagii arkay ayuu qoortiisii dhab yidhi, qoortiisana wuxuu ku dul ooyay wakhti dheer.
  • Bax 18:7 : 7 Markaasaa Muuse dibadda u baxay inuu ka hor tago soddoggiis, kolkaasuu u sujuuday oo dhunkaday, markaasaa intay iswaraysteen ayay teendhadii soo galeen.
  • Tir 21:13-14 : 13 Halkaasna way ka guureen, oo waxay deggeen Webi Arnoon dhankiisa kale, kaasoo cidlada ku yaal oo soohdinta reer Amor ka soo baxa, waayo, Webi Arnoon waa soohdinta reer Moo'aab oo wuxuu u dhexeeyaa reer Moo'aab iyo reer Amor. 14 Haddaba kitaabkii dagaalladii Rabbiga waxaa ku qoran, Waaheeb oo Suufaah ku taal, Iyo dooxooyinka Arnoon,
  • Sharc 2:24 : 24 ¶ Haddaba kaca oo guura, oo waxaad ka gudubtaan dooxada Arnoon. Bal eeg, waxaan gacantaada soo geliyey boqorka Xeshboon oo Siixon ah oo reer Amor iyo dalkiisaba. Haddaba waxaad bilowdaa inaad dalka hantidid oo aad isaga la dagaallantaa.
  • Sharc 3:8 : 8 Oo waagaas ayaynu dalka kala baxnay farihii labadii boqor oo reer Amor oo degganaa Webi Urdun shishadiisa tan iyo dooxada Arnoon iyo ilaa Buur Xermoon.
  • Xaak 11:18 : 18 Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab.
  • 1 Sam 13:10 : 10 Oo markuu dhammeeyey bixintii uu bixinayay allabariga la gubo, waxaa yimid Samuu'eel; markaasaa Saa'uul u baxay inuu ka hor tago oo soo salaamo.
  • Ish 16:2 : 2 Waayo, sidii shimbir wareegaysa oo buulkeedii laga tuuray ayaa gabdhaha Moo'aab ku ahaan doonaan meelaha Webi Arnoon laga gudbo.
  • Yer 48:20 : 20 Moo'aab waa la ceebeeyey, waayo, wuu baabba'ay. Haddaba ooya oo qayliya, oo Arnoon ka sheega in Moo'aab baabba'ay.
  • Fal 28:15 : 15 Oo halkaasna walaalihii markii ay maqleen warkayagii, ayay u soo baxeen inay naga hor yimaadaan, oo waxay soo gaadheen tan iyo Suuqa Abbiyus iyo Saddexdii Makhaayadood. Oo Bawlosna markuu arkay iyagii ayuu Ilaah ku mahadnaqay oo sii dhiirranaaday.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 23:15-18
    4 aayado
    84%

    15Oo markaasuu Baalaaq ku yidhi, Halkan allabarigaaga la gubo ag istaag intaan Rabbiga xaggaas shishe kaga hor tegayo.

    16Markaasaa Rabbigu ka hor yimid Balcaam, oo eray buu afka u geliyey, oo wuxuu ku yidhi, Baalaaq ku noqo, oo sidatan ula hadal.

    17Markaasuu isagii u yimid, oo wuxuu arkay isagoo ag taagan allabarigiisii la gubo, oo waxaa isaga la jiray amiirradii reer Moo'aab. Kolkaasaa Baalaaq isagii ku yidhi, War Rabbigu muxuu ku hadlay?

    18Markaasuu hadalkiisii sii watay, oo wuxuu yidhi, Baalaaq, kac oo maqal, Bal aniga i dhegayso, ina Sifoorow.

  • Tir 22:37-41
    5 aayado
    82%

    37Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War sow degdeg dad kuuguma soo dirin inay kuu yeedhaan? Maxaad iigu iman weyday? Miyaanan awoodin inaan derejo weyn ku siiyo?

    38Kolkaasaa Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Haddaba waa i kan oo waan kuu imid. War anigu ma waxaan leeyahay awood aan wax kaga hadlo innaba ha ahaatee? Ereygii Ilaah afkayga geliyo ayaan ku hadli doonaa.

    39Markaasaa Balcaam raacay Baalaaq, oo waxay yimaadeen Qiryad Xusood.

    40Markaasaa Baalaaq allabari u bixiyey dibi iyo ido, oo wax buu u diray Balcaam iyo amiirradii isaga la joogay.

    41Oo subaxdii dambe ayaa Baalaaq kaxaystay Balcaam, oo wuxuu keenay meelihii sare oo Bacal, oo halkaas wuxuu ka arkay dadka darafkii ugu shisheeya.

  • Tir 22:4-21
    18 aayado
    81%

    4Markaasaa reer Moo'aab waxay ku yidhaahdeen odayaashii reer Midyaan, Sida dibi u dhammaysto cawska berrinka ayaa dadkan faraha badanu waxa hareerahayaga ku wareegsan oo dhan u dhammaysanayaan. Oo wakhtigaas waxaa reer Moo'aab boqor u ahaa Baalaaq ina Sifoor.

    5Oo wargeeyayaal buu u diray Balcaam ina Becoor oo joogay Fetoor oo Webiga ku ag taal oo ah dalkii dadkiisa si ay ugu yeedhaan oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, halkan waxaa jooga dad Masar ka yimid, oo dhulkii oo dhan way qarinayaan, oo waxay deggan yihiin hortayda.

    6Haddaba waan ku baryayaaye kaalay oo dadkan ii habaar, waayo, way iga xoog badan yihiin, oo mindhaa waan ka adkaanayaa si aannu ugu layno, oo dalka uga erinno, waayo, waan ogahay in kii aad u ducaysaa wuu ducaysan yahay, kii aad habaartaana wuu habaaran yahay.

    7Markaasaa odayaashii reer Moo'aab iyo odayaashii reer Midyaan waxay gacantooda ku qaadeen abaalgudkii habaaridda, oo waxay u tageen Balcaam, oo isagay kula hadleen erayadii Baalaaq.

    8Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Caawa halkan ku barya oo anna war dambaan idiinka keenayaa wixii Rabbigu igula hadlo. Markaasay amiirradii reer Moo'aab la hoydeen Balcaam.

    9Markaasaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, War nimanka kula joogaa yay yihiin?

    10Markaasaa Balcaam wuxuu Ilaah ku yidhi, Baalaaq ina Sifoor oo ah boqorkii reer Moo'aab ayaa ii soo diray oo yidhi,

    11Bal eeg, dadka Masar ka yimid waxay qarinayaan dhulka oo dhan, haddaba kaalay oo ii habaar, oo mindhaa waan karayaa inaan iyaga la diriro oo aan eryado.

    12Markaasaa Rabbigu wuxuu Balcaam ku yidhi, Waa inaanad iyaga raacin, oo waa inaanad dadka habaarin, waayo, iyagu waa barakaysan yihiin.

    13Aroortii dambe ayaa Balcaam kacay, oo wuxuu amiirradii Baalaaq ku yidhi, Dalkiinnii taga, waayo, Rabbigu fasax buu ii diidaa inaan idin raaco.

    14Markaasaa amiirradii reer Moo'aab kaceen, oo Baalaaq u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Balcaam waa diiday inuu na soo raaco.

    15Oo Baalaaq haddana wuxuu diray amiirro kale oo kuwii hore ka sii badan oo ka sii derejo weyn.

    16Oo iyana Balcaam bay u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Baalaaq ina Sifoor wuxuu kugu leeyahay, Waan ku baryayaaye inaad ii timaado yaanay waxba kaa hor joogsan.

    17Waxaan ku siinayaa derejo sharaf ah, oo wax alla wixii aad igu tidhaahdona waan samaynayaa. Haddaba waan ku baryayaaye kaalay oo dadkan ii habaar.

    18Markaasaa Balcaam jawaabay, oo wuxuu addoommadii Baalaaq ku yidhi, Haddii Baalaaq i siiyo gurigiisa oo lacag iyo dahab ka buuxo, anigu kama tallaabsan karo erayga Rabbiga Ilaahayga ah inaan sameeyo wax ka yar iyo wax ka badan toona.

    19Haddaba waan idin baryayaaye, Bal caawa halkan isaga hoyda, bal aan soo ogaado waxa kaloo Rabbigu igula hadlee.

    20Oo habeennimadii ayaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Haddii nimanku u yimaadeen inay kuu yeedhaan, kac oo iyaga raac; laakiinse waxaad yeeshaa aan kugula hadlo oo keliya.

    21¶ Oo subaxdii dambe ayaa Balcaam kacay oo dameertiisii kooraystay, kolkaasuu raacay amiirradii reer Moo'aab.

  • Tir 23:2-7
    6 aayado
    80%

    2Markaasaa Baalaaq sameeyey sidii Balcaam ku hadlay, oo Baalaaq iyo Balcaam meel kasta oo allabariba waxay ku dul bixiyeen dibi iyo wan.

    3Kolkaasaa Balcaam Baalaaq ku yidhi, Allabarigaaga la gubo ah istaag, oo anna waan tegayaa, mindhaa Rabbigu waa iga hor iman doonaa, oo wax alla wixii uu i tuso waan kuu sheegi doonaa. Markaasuu meel sare oo bannaan tegey.

    4Kolkaasaa Ilaah Balcaam ka hor yimid, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan diyaariyey toddobada meelood oo allabari, oo meel kastaba waxaan ku dul bixiyey dibi iyo wan.

    5Markaasaa Rabbigu eray Balcaam afka u geliyey, oo wuxuu ku yidhi, Baalaaq ku noqo oo sidatan ula hadal.

    6Oo isna markaasuu ku noqday, oo wuxuu arkay isagoo ag taagan allabarigiisii la gubo, isagii iyo amiirradii reer Moo'aab oo dhan.

    7Markaasuu hadalkiisii bilaabay oo wuxuu yidhi, Baalaaq oo ah boqorkii reer Moo'aab oo ka yimid xagga buuraha bariga Ayaa iga keenay Araam, oo yidhi, Kaalay oo reer Yacquub ii habaar, Oo kaalay, cadhadaadu reer binu Israa'iil ha ku dhacdo.

  • Tir 23:25-28
    4 aayado
    80%

    25Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War iyaga hana habaarin, hana u ducayn innaba.

    26Laakiinse Balcaam ayaa jawaabay oo wuxuu Baalaaq ku yidhi, Sow kuuma sheegin oo kuguma odhan, Wixii Rabbigu ku hadlo oo dhan waa inaan sameeyaa?

    27¶ Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Haddaba kaalay, meel kalaan ku geeynayaaye, mindhaa Ilaah waa ku farxi doonaa inaad iyaga halkaas iiga habaartid.

    28Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam geeyey Buur Fecoor dhaladeeda taasoo lamadegaanka hoos u soo fiirisa.

  • 35Markaasaa malaa'igtii Rabbigu Balcaam ku tidhi, Orod oo nimanka raac; laakiinse hadalkii aan kula hadlo oo keliya waa inaad ku hadashaa. Sidaas daraaddeed Balcaam wuxuu raacay amiirradii Baalaaq soo diray.

  • Tir 23:11-13
    3 aayado
    79%

    11Kolkaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War waa maxay waxa aad igu samaysay? Waxaan ku soo watay inaad cadaawayaashayda habaartid, laakiinse bal eeg, waad u wada ducaysay.

    12Kolkaasuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Sow waajib iguma aha inaan isjiro si aan ugu hadlo wixii Rabbigu afkayga geliyo?

    13¶ Markaasaa Baalaaq isagii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, Kaalay, oo meel kale ii raac inaad halkaas iyaga ka aragtid. Waxaad arki doontaa darafkooda, oo kulligood ma arki doontid; haddaba halkaas iiga habaar.

  • 2Oo Baalaaq ina Sifoor wuxuu arkay kulli wixii ay reer binu Israa'iil ku sameeyeen reer Amor.

  • 9Dabadeedna waxaa kacay boqorkii Moo'aab oo ahaa Baalaaq ina Sifoor, oo wuxuu la diriray reer binu Israa'iil, markaasuu u yeedhay oo idiinku soo diray inuu idin habaaro Balcaam ina Becoor.

  • 25Markaasaa Balcaam kacay oo ku noqday meeshiisii; Baalaaqna wuu iska tegey.

  • 1¶ Oo Balcaamna markuu arkay in Rabbigu ku farxay inuu reer binu Israa'iil barakeeyo, ma uu tegin sidii mararkii kale inuu sixir doondoono, laakiinse wuxuu wejigiisii u jeediyey xagga cidlada.

  • 12Kolkaasaa Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, War kuwii farriin kaa waday miyaanan u sheegin oo aanan ku odhan,

  • 4maxaa yeelay, markaad jidka soo socoteen, idinkama ay hor keenin kibis iyo biyo toona markaad Masar ka soo baxdeen, oo weliba waxay idiin soo kiraysteen Balcaam ina Becoor oo ka yimid Fetoor oo ku taal Mesobotamiya inuu idin habaaro aawadeed.