Tirintii 22:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wargeeyayaal buu u diray Balcaam ina Becoor oo joogay Fetoor oo Webiga ku ag taal oo ah dalkii dadkiisa si ay ugu yeedhaan oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, halkan waxaa jooga dad Masar ka yimid, oo dhulkii oo dhan way qarinayaan, oo waxay deggan yihiin hortayda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 23:4 : 4 maxaa yeelay, markaad jidka soo socoteen, idinkama ay hor keenin kibis iyo biyo toona markaad Masar ka soo baxdeen, oo weliba waxay idiin soo kiraysteen Balcaam ina Becoor oo ka yimid Fetoor oo ku taal Mesobotamiya inuu idin habaaro aawadeed.
  • Yash 24:9 : 9 Dabadeedna waxaa kacay boqorkii Moo'aab oo ahaa Baalaaq ina Sifoor, oo wuxuu la diriray reer binu Israa'iil, markaasuu u yeedhay oo idiinku soo diray inuu idin habaaro Balcaam ina Becoor.
  • Miik 6:5 : 5 Dadkaygiiyow, bal haatan soo xusuusta wixii uu Baalaaq oo ahaa boqorkii Moo'aab ku tashaday, iyo wixii u Balcaam ina Becoor ugu jawaabay, bal soo xusuusta wixii dhacay tan iyo Shitiim iyo ilaa Gilgaal, si aad ku ogaataan falimaha xaqa ah ee Rabbiga.
  • Yuud 1:11 : 11 Waa u hoog iyaga, waayo, waxay raaceen jidkii Qaabiil, oo faa'iido aawadeed ayay Balcaam qaladkiisii ugu yaaceen, oo waxay ku halligmeen fallaagadii Qorax.
  • Muj 2:14 : 14 Laakiinse dhawr waxyaalood baan kuu haystaa, maxaa yeelay, halkaas waxaad ku haysataa kuwo xajiya waxbariddii Balcaam, kaas oo baray Baalaaq inuu reer binu Israa'iil hortooda ku tuuro dhagax lagu turunturoodo, inay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey iyo inay sinaystaan.
  • Tir 23:7 : 7 Markaasuu hadalkiisii bilaabay oo wuxuu yidhi, Baalaaq oo ah boqorkii reer Moo'aab oo ka yimid xagga buuraha bariga Ayaa iga keenay Araam, oo yidhi, Kaalay oo reer Yacquub ii habaar, Oo kaalay, cadhadaadu reer binu Israa'iil ha ku dhacdo.
  • Yash 13:22 : 22 Weliba faaliyaha Balcaam oo ahaa ina Becoor ayay reer binu Israa'iil seef kula dileen dadkii kaloo ay laayeen.
  • Bil 13:16 : 16 Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.
  • Bax 1:7-9 : 7 Oo reer binu Israa'iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen, wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen. 8 ¶ Haddaba Masar waxaa ka kacay boqor cusub oo aan Yuusuf aqoonin. 9 Markaasuu wuxuu dadkiisii ku yidhi, Bal eega, dadkii reer binu Israa'iil waa inaga badan yihiin, wayna inaga xoog weyn yihiin. 10 Kaalaya, aynu si caqli ah ula macaamiloonnee; waaba intaasoo ay tarmaan, oo ay markuu dagaal dhaco cadaawayaasheenna inoogu darmadaan, oo intay inala diriraan ay dalka ka baxaane.
  • 2 But 2:15-16 : 15 Jidkii qummanaa ayay ka leexdeen oo way ambadeen, waxayna raaceen jidkii Balcaam ina Becoor oo jeclaaday abaalgudka xaqdarrada. 16 Laakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga.
  • Nex 13:1-2 : 1 ¶ Oo maalintaas ayay kitaabkii Muuse akhriyeen iyadoo dadkii maqlayo; oo waxaa laga helay oo ku qornaa inayan shirka Ilaah weligood soo gelin mid reer Cammoon ah iyo mid reer Moo'aab ah toona; 2 maxaa yeelay, iyagu reer binu Israa'iil kalama ayan hor iman cunto iyo biyo toona, laakiinse waxay u soo kiraysteen Balcaam inuu habaaro aawadeed, habase ahaatee Ilaaheennu habaarkii wuxuu u beddelay duco.
  • Sab 105:24 : 24 Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey, Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 22:6-17
    12 aayado
    85%

    6Haddaba waan ku baryayaaye kaalay oo dadkan ii habaar, waayo, way iga xoog badan yihiin, oo mindhaa waan ka adkaanayaa si aannu ugu layno, oo dalka uga erinno, waayo, waan ogahay in kii aad u ducaysaa wuu ducaysan yahay, kii aad habaartaana wuu habaaran yahay.

    7Markaasaa odayaashii reer Moo'aab iyo odayaashii reer Midyaan waxay gacantooda ku qaadeen abaalgudkii habaaridda, oo waxay u tageen Balcaam, oo isagay kula hadleen erayadii Baalaaq.

    8Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Caawa halkan ku barya oo anna war dambaan idiinka keenayaa wixii Rabbigu igula hadlo. Markaasay amiirradii reer Moo'aab la hoydeen Balcaam.

    9Markaasaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, War nimanka kula joogaa yay yihiin?

    10Markaasaa Balcaam wuxuu Ilaah ku yidhi, Baalaaq ina Sifoor oo ah boqorkii reer Moo'aab ayaa ii soo diray oo yidhi,

    11Bal eeg, dadka Masar ka yimid waxay qarinayaan dhulka oo dhan, haddaba kaalay oo ii habaar, oo mindhaa waan karayaa inaan iyaga la diriro oo aan eryado.

    12Markaasaa Rabbigu wuxuu Balcaam ku yidhi, Waa inaanad iyaga raacin, oo waa inaanad dadka habaarin, waayo, iyagu waa barakaysan yihiin.

    13Aroortii dambe ayaa Balcaam kacay, oo wuxuu amiirradii Baalaaq ku yidhi, Dalkiinnii taga, waayo, Rabbigu fasax buu ii diidaa inaan idin raaco.

    14Markaasaa amiirradii reer Moo'aab kaceen, oo Baalaaq u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Balcaam waa diiday inuu na soo raaco.

    15Oo Baalaaq haddana wuxuu diray amiirro kale oo kuwii hore ka sii badan oo ka sii derejo weyn.

    16Oo iyana Balcaam bay u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Baalaaq ina Sifoor wuxuu kugu leeyahay, Waan ku baryayaaye inaad ii timaado yaanay waxba kaa hor joogsan.

    17Waxaan ku siinayaa derejo sharaf ah, oo wax alla wixii aad igu tidhaahdona waan samaynayaa. Haddaba waan ku baryayaaye kaalay oo dadkan ii habaar.

  • 7Markaasuu hadalkiisii bilaabay oo wuxuu yidhi, Baalaaq oo ah boqorkii reer Moo'aab oo ka yimid xagga buuraha bariga Ayaa iga keenay Araam, oo yidhi, Kaalay oo reer Yacquub ii habaar, Oo kaalay, cadhadaadu reer binu Israa'iil ha ku dhacdo.

  • 9Dabadeedna waxaa kacay boqorkii Moo'aab oo ahaa Baalaaq ina Sifoor, oo wuxuu la diriray reer binu Israa'iil, markaasuu u yeedhay oo idiinku soo diray inuu idin habaaro Balcaam ina Becoor.

  • Tir 22:35-41
    7 aayado
    81%

    35Markaasaa malaa'igtii Rabbigu Balcaam ku tidhi, Orod oo nimanka raac; laakiinse hadalkii aan kula hadlo oo keliya waa inaad ku hadashaa. Sidaas daraaddeed Balcaam wuxuu raacay amiirradii Baalaaq soo diray.

    36Oo Baalaaq markuu maqlay in Balcaam yimid ayuu u baxay inuu isaga ku qaabbilo magaaladii Moo'aab oo ku taal soohdinta Arnoon oo ah soohdinta darafkeeda.

    37Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War sow degdeg dad kuuguma soo dirin inay kuu yeedhaan? Maxaad iigu iman weyday? Miyaanan awoodin inaan derejo weyn ku siiyo?

    38Kolkaasaa Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Haddaba waa i kan oo waan kuu imid. War anigu ma waxaan leeyahay awood aan wax kaga hadlo innaba ha ahaatee? Ereygii Ilaah afkayga geliyo ayaan ku hadli doonaa.

    39Markaasaa Balcaam raacay Baalaaq, oo waxay yimaadeen Qiryad Xusood.

    40Markaasaa Baalaaq allabari u bixiyey dibi iyo ido, oo wax buu u diray Balcaam iyo amiirradii isaga la joogay.

    41Oo subaxdii dambe ayaa Baalaaq kaxaystay Balcaam, oo wuxuu keenay meelihii sare oo Bacal, oo halkaas wuxuu ka arkay dadka darafkii ugu shisheeya.

  • Tir 23:15-18
    4 aayado
    81%

    15Oo markaasuu Baalaaq ku yidhi, Halkan allabarigaaga la gubo ag istaag intaan Rabbiga xaggaas shishe kaga hor tegayo.

    16Markaasaa Rabbigu ka hor yimid Balcaam, oo eray buu afka u geliyey, oo wuxuu ku yidhi, Baalaaq ku noqo, oo sidatan ula hadal.

    17Markaasuu isagii u yimid, oo wuxuu arkay isagoo ag taagan allabarigiisii la gubo, oo waxaa isaga la jiray amiirradii reer Moo'aab. Kolkaasaa Baalaaq isagii ku yidhi, War Rabbigu muxuu ku hadlay?

    18Markaasuu hadalkiisii sii watay, oo wuxuu yidhi, Baalaaq, kac oo maqal, Bal aniga i dhegayso, ina Sifoorow.

  • 4maxaa yeelay, markaad jidka soo socoteen, idinkama ay hor keenin kibis iyo biyo toona markaad Masar ka soo baxdeen, oo weliba waxay idiin soo kiraysteen Balcaam ina Becoor oo ka yimid Fetoor oo ku taal Mesobotamiya inuu idin habaaro aawadeed.

  • Tir 22:2-4
    3 aayado
    80%

    2Oo Baalaaq ina Sifoor wuxuu arkay kulli wixii ay reer binu Israa'iil ku sameeyeen reer Amor.

    3Oo reer Moo'aab dadka bay ka cabsadeen, maxaa yeelay, iyagu aad bay u badnaayeen, oo reer Moo'aab aad iyo aad bay u welweleen reer binu Israa'iil aawadood.

    4Markaasaa reer Moo'aab waxay ku yidhaahdeen odayaashii reer Midyaan, Sida dibi u dhammaysto cawska berrinka ayaa dadkan faraha badanu waxa hareerahayaga ku wareegsan oo dhan u dhammaysanayaan. Oo wakhtigaas waxaa reer Moo'aab boqor u ahaa Baalaaq ina Sifoor.

  • Tir 23:27-28
    2 aayado
    79%

    27¶ Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Haddaba kaalay, meel kalaan ku geeynayaaye, mindhaa Ilaah waa ku farxi doonaa inaad iyaga halkaas iiga habaartid.

    28Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam geeyey Buur Fecoor dhaladeeda taasoo lamadegaanka hoos u soo fiirisa.

  • 13¶ Markaasaa Baalaaq isagii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, Kaalay, oo meel kale ii raac inaad halkaas iyaga ka aragtid. Waxaad arki doontaa darafkooda, oo kulligood ma arki doontid; haddaba halkaas iiga habaar.

  • 20Oo habeennimadii ayaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Haddii nimanku u yimaadeen inay kuu yeedhaan, kac oo iyaga raac; laakiinse waxaad yeeshaa aan kugula hadlo oo keliya.

  • 3Kolkaasaa Balcaam Baalaaq ku yidhi, Allabarigaaga la gubo ah istaag, oo anna waan tegayaa, mindhaa Rabbigu waa iga hor iman doonaa, oo wax alla wixii uu i tuso waan kuu sheegi doonaa. Markaasuu meel sare oo bannaan tegey.

  • 5Markaasaa Rabbigu eray Balcaam afka u geliyey, oo wuxuu ku yidhi, Baalaaq ku noqo oo sidatan ula hadal.

  • 5Dadkaygiiyow, bal haatan soo xusuusta wixii uu Baalaaq oo ahaa boqorkii Moo'aab ku tashaday, iyo wixii u Balcaam ina Becoor ugu jawaabay, bal soo xusuusta wixii dhacay tan iyo Shitiim iyo ilaa Gilgaal, si aad ku ogaataan falimaha xaqa ah ee Rabbiga.

  • 12Kolkaasaa Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, War kuwii farriin kaa waday miyaanan u sheegin oo aanan ku odhan,

  • Tir 24:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Oo Balcaamna markuu arkay in Rabbigu ku farxay inuu reer binu Israa'iil barakeeyo, ma uu tegin sidii mararkii kale inuu sixir doondoono, laakiinse wuxuu wejigiisii u jeediyey xagga cidlada.

    2Markaasaa Balcaam indhaha kor u qaaday, oo wuxuu arkay reer binu Israa'iil oo qabiil qabiil u deggan, kolkaasaa waxaa isagii ku soo degay ruuxii Ilaah.

  • 2maxaa yeelay, iyagu reer binu Israa'iil kalama ayan hor iman cunto iyo biyo toona, laakiinse waxay u soo kiraysteen Balcaam inuu habaaro aawadeed, habase ahaatee Ilaaheennu habaarkii wuxuu u beddelay duco.

  • 11Kolkaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War waa maxay waxa aad igu samaysay? Waxaan ku soo watay inaad cadaawayaashayda habaartid, laakiinse bal eeg, waad u wada ducaysay.

  • 25Markaasaa Balcaam kacay oo ku noqday meeshiisii; Baalaaqna wuu iska tegey.

  • 25Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War iyaga hana habaarin, hana u ducayn innaba.

  • 16Bal eeg, taladii Balcaam aawadeed kuwanu waxay reer Israa'iil ka dhigeen inay Rabbiga kaga xadgudbaan xaalkii Fecoor, oo sidaas daraaddeed belaayadaa uga dhex dhacday shirkii Rabbiga.