Tirintii 26:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

iyo Yaashuub oo dhalay qabiilka reer Yaashuub, iyo Shimroon oo dhalay qabiilka reer Shimroon.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 46:13 : 13 Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac iyo Fuwaah, iyo Yoob, iyo Shimroon.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 26:48-49
    2 aayado
    82%

    48¶ Oo wiilashii Naftaali iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Yaxse'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxse'eel, iyo Guunii oo dhalay qabiilka reer Guunii;

    49iyo Yeser oo dhalay qabiilka reer Yeser, iyo Shilleem oo dhalay qabiilka reer Shilleem.

  • Tir 26:38-39
    2 aayado
    79%

    38¶ Oo wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Belac oo dhalay qabiilka reer Belac, iyo Ashbeel oo dhalay qabiilka reer Ashbeel, iyo Axiiraam oo dhalay qabiilka reer Axiiraam,

    39iyo Shefuufaan oo dhalay qabiilka reer Shefuufaan, iyo Xuufaam oo dhalay qabiilka reer Xuufaam.

  • Tir 26:12-16
    5 aayado
    78%

    12¶ Wiilashii Simecoon iyo qabiilooyinkoodii ka soo farcamay waa kuwan: Nemuu'eel oo dhalay qabiilka reer Nemuu'eel, iyo Yaamiin oo dhalay qabiilka reer Yaamiin, iyo Yaakiin oo dhalay qabiilkii reer Yaakiin,

    13iyo Serax oo dhalay qabiilkii reer Serax, iyo Shaa'uul oo dhalay qabiilkii reer Shaa'uul.

    14Intaasu waa qabiilooyinkii reer Simecoon, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol.

    15¶ Wiilashii Gaad iyo qabiilooyinkii ka soo farcamay waa kuwan: Sefoon oo dhalay qabiilka reer Sefoon, iyo Xaggii oo dhalay qabiilka reer Xaggii, iyo Shuunii oo dhalay qabiilka reer Shuunii,

    16iyo Aasnii oo dhalay qabiilka reer Aasnii, iyo Ceerii oo dhalay qabiilka reer Ceerii,

  • Tir 26:25-27
    3 aayado
    78%

    25Intaasu waa qabiilooyinkii reer Isaakaar, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo saddex boqol.

    26¶ Oo wiilashii Sebulun iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Sered oo dhalay qabiilka reer Sered, iyo Eeloon oo dhalay qabiilka reer Eeloon, iyo Yaxle'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxle'eel.

    27Intaasu waa qabiilooyinkii reer Sebulun, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lixdan kun iyo shan boqol.

  • Tir 26:42-45
    4 aayado
    77%

    42¶ Oo wiilashii Daan iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Shuuxaam oo dhalay qabiilka reer Shuuxaam. Intaasu waa qabiilooyinkii reer Daan, siday qabiilooyinkoodii ahaayeen.

    43Oo qabiilooyinkii reer Shuuxaam oo dhan intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen afar iyo lixdan kun iyo afar boqol.

    44¶ Oo wiilashii Aasheer iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Yimnaah oo dhalay qabiilka reer Yimnaah, iyo Yishwii oo dhalay qabiilka reer Yishwii, iyo Beriicaah oo dhalay reer Beriicaah.

    45Oo wiilashii Beriicaah waxaa ka soo farcamay: Xeber oo dhalay qabiilka reer Xeber, iyo Malkii'eel oo dhalay qabiilka reer Malkii'eel.

  • 13Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac iyo Fuwaah, iyo Yoob, iyo Shimroon.

  • Tir 26:31-32
    2 aayado
    76%

    31iyo Asrii'eel oo dhalay qabiilka reer Asrii'eel, iyo Shekem oo dhalay qabiilka reer Shekem,

    32iyo Shemiidaac oo dhalay qabiilka reer Shemiidaac, iyo Heefer oo dhalay qabiilka reer Heefer.

  • Tir 26:20-23
    4 aayado
    75%

    20Oo wiilashii Yahuudah iyo qabiilooyinkoodiina waxay ahaayeen: Sheelaah oo dhalay qabiilka reer Sheelaah, iyo Feres oo dhalay qabiilka reer Feres, iyo Serax oo dhalay qabiilka reer Serax.

    21Feres wiilashiisiina waxay ahaayeen: Xesroon oo dhalay qabiilka reer Xesroon, iyo Xaamuul oo dhalay qabiilka reer Xaamuul.

    22Intaasu waa qabiilooyinkii reer Yahuudah oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo toddobaatan kun iyo shan boqol.

    23¶ Oo wiilashii Isaakaar iyo qabiilooyinkoodii waa kuwan: Toolac oo dhalay qabiilka reer Toolac, iyo Fuwaah oo dhalay qabiilka reer Fuwaah,

  • 1¶ Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac, iyo Fuwaah, iyo Yaashuub, iyo Shimroon, afar bay ahaayeen.

  • 22Reer Isehaarna waxaa ka joogay Shelomoo, wiilashii Shelomoodna waxaa ka joogay Yaaxad.

  • 73%

    24¶ Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Nemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Yaariib, iyo Serax, iyo Shaa'uul

    25oo dhalay Shalluum, oo isna dhalay Mibsam, oo isna dhalay Mishmaac.

    26Mishmaac farcankiisuna wuxuu ahaa Xamuu'eel oo dhalay Sakuur, oo isna dhalay Shimcii.

  • 15Reer Simecoonna waa kuwan, Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ahaa wiilkii ay naag reer Kancaan ah dhashay. Kuwanu waa qolooyinkii reer Simecoon.

  • 24Wiilashii Cusii'eelna waxaa ka joogay Miikaah, wiilashii Miikaahna waxaa ka joogay Shaamiir.

  • 6Reer Simecoonna waxaa ka iman Shelumii'eel ina Suuriishadday.

  • 25Waxaana la jiray walaalihiis ahaa reer Eliiceser, kuwaasoo ahaa wiilkiisii Rexabyaah, iyo isagii wiilkiisii Yeshacyaah, iyo isagii wiilkiisii Yooraam, iyo isagii wiilkiisii Sikrii, iyo isagii wiilkiisii Shelomood.

  • 24Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxse'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shilleem.

  • 23Oo waxaana jiray reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel.

  • 21iyo Cadaayaah, iyo Beraayaah, iyo Shimraad, oo wada ahaa wiilashii Shimcii,

  • 10Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ay naag reer Kancaan ihi dhashay.

  • 6iyo Xesroon oo dhalay qabiilkii reer Xesroon, iyo Karmii oo dhalay qabiilkii reer Karmii.

  • 24Kii toddoba iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Yaashbeqaashaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 36Intanuna waa wiilashii Shuutelax: Ceeraan oo dhalay qabiilka reer Ceeraan.

  • 20Qabiilka reer Simecoonna, Shemuu'eel ina Cammiihuud.

  • 22iyo Yooqiim, iyo dadka reer Kosebaa, iyo Yoo'aash, iyo Saaraaf oo u talin jiray Moo'aab, iyo Yaashubilexem. Oo taariikhduna waa wax aad u gaboobay.

  • 10Oo waxaa wiilashii Shimcii ahaa Yaaxad, iyo Siinaa, iyo Yecuush, iyo Beriicaah. Afartaasuba waxay ahaayeen wiilashii Shimcii.

  • 20Wiilashii Shiimoonna waxay ahaayeen Cammoon, iyo Rinnaah, iyo Benxaanaan, iyo Tiiloon. Wiilashii Yishciina waxay ahaayeen Sooxeed iyo Bensooxeed.

  • 21¶ Oo Gershoon waxaa ka soo farcamay reer Libnii iyo reer Shimcii, kuwaasu waa qolooyinkii reer Gershoon.

  • 7Wiilashii Shemacyaahna waxay ahaayeen Cotnii, iyo Refa'eel, iyo Coobeed, iyo Elsaabaad, walaalahoodna oo ah Eliihuu iyo Semakiyaah waxay ahaayeen rag xoog badan.

  • 69%

    25iyo Yifdeyaah, iyo Fenuu'eel, oo wada ahaa wiilashii Shaashaq,

    26iyo Shamsheray, iyo Shexaryaah, iyo Catalyaah,

  • 33Wiilashii Xaashumna, Matenay, iyo Matataah, iyo Saabaad, iyo Eliifeled, iyo Yereemay, iyo Manaseh, iyo Shimcii.