Tirintii 26:46

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Aasheer gabadhiisii magaceediina wuxuu ahaa Serax.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 46:17 : 17 Wiilashii Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo walaashood Serax; wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber iyo Malkii'eel.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 17Wiilashii Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo walaashood Serax; wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber iyo Malkii'eel.

  • 80%

    30¶ Ilma Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo Serax oo ahayd walaashood.

    31Wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber, iyo Malkii'eel oo ahaa Birsaawid aabbihiis.

  • 47Oo intaasu waa qabiilooyinkii reer Aasheer, oo intii iyaga laga tiriyeyna waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.

  • 13Oo Lee'ahna waxay tidhi, Waan faraxsanahay! waayo, naaguhu waxay iigu yeedhi doonaan tan faraxsan. Magiciisiina waxay u bixisay Aasheer.

  • Tir 26:44-45
    2 aayado
    72%

    44¶ Oo wiilashii Aasheer iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Yimnaah oo dhalay qabiilka reer Yimnaah, iyo Yishwii oo dhalay qabiilka reer Yishwii, iyo Beriicaah oo dhalay reer Beriicaah.

    45Oo wiilashii Beriicaah waxaa ka soo farcamay: Xeber oo dhalay qabiilka reer Xeber, iyo Malkii'eel oo dhalay qabiilka reer Malkii'eel.

  • Tir 1:40-41
    2 aayado
    70%

    40¶ Oo reer Aasheerna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    41intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Aasheer waxay ahaayeen kow iyo afartan kun iyo shan boqol.

  • 40Oo kulli intaas oo dhammuna waxay wada ahaayeen ilma Aasheer oo ah madaxdii reerahooda, oo waxay ahaayeen rag xoog badan oo la doortay, oo weliba waxay ahaayeen madaxdii amiirrada. Oo tiradoodii abtiriska loogu tiriyey hawsha dagaalka waxay ahayd lix iyo labaatan kun oo nin.

  • Tir 26:31-33
    3 aayado
    69%

    31iyo Asrii'eel oo dhalay qabiilka reer Asrii'eel, iyo Shekem oo dhalay qabiilka reer Shekem,

    32iyo Shemiidaac oo dhalay qabiilka reer Shemiidaac, iyo Heefer oo dhalay qabiilka reer Heefer.

    33Oo Selaafexaad oo ahaa ina Heefer wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane. Oo Selaafexaad gabdhihiisa magacyadoodu waxay ahaayeen Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.

  • 26Addoontii Lee'ah oo Silfah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Gaad iyo Aasheer. Kuwanu waa wiilashii Yacquub oo isaga ugu dhashay Fadan Araam.

  • 1 Taar 4:5-6
    2 aayado
    69%

    5Oo Ashxuur oo ahaa Teqooca aabbihiisna wuxuu qabay laba naagood, oo waxay ahaayeen Xelaah iyo Nacaraah.

    6Oo Nacaraah waxay isagii u dhashay Axuusaam, iyo Heefer, iyo Teemnii, iyo Haa'axashtaarii. Intaasu waxay ahaayeen Nacaraah wiilasheedii.

  • 13Oo reer Aasheerna waxaa ka iman Fagcii'eel ina Cokraan.

  • 24Oo gabadhiisana waxaa la odhan jiray She'eraah, oo iyadu waxay dhistay Beytxooroon tan hoose iyo tan sareba, iyo weliba Useen She'eraah.

  • 27Qabiilka reer Aasheerna waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Axiihuud ina Shelomii.

  • 4Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.

  • 13iyo Serax oo dhalay qabiilkii reer Serax, iyo Shaa'uul oo dhalay qabiilkii reer Shaa'uul.

  • 13Oo qabiilkii reer Aasheerna Setuur ina Miikaa'eel.

  • 23oo isna dhalay Elqaanaah, oo isna dhalay Ebiyaasaaf, oo isna dhalay Asiir,

  • 31Oo intaasu waa dhaxalkii ay qabiilkii reer Aasheer u heleen sidii reerahoodii ahaayeen, iyo xataa magaalooyinkan iyo tuulooyinkooduba

  • 14Wiilashii Sebulunna waxay ahaayeen Sered, iyo Eeloon, iyo Yaxle'eel.

  • 15Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Naagtaada Saarayna magaceeda waa inaadan ugu yeedhin Saaray, laakiinse magaceedu wuxuu ahaan doonaa Saarah.

  • 30Oo waxay qabiilkii reer Aasheerna ka heleen Mishaal iyo agagaarkeedii, iyo Cabdoon iyo agagaarkeedii,

  • 24¶ Oo saamigii shanaadna wuxuu u soo baxay reer Aasheer sidii reerahoodii ahaayeen.

  • 74Oo qabiilkii reer Aasheerna waxaa laga siiyey Maashaal iyo agagaarkeedii, iyo Cabdoon iyo agagaarkeedii,

  • 16iyo Bacanaa ina Xuushay oo wakiil ka ahaa Aasheer iyo Becaalood;

  • 24Oo markuu Aasheer u ducaynayayna wuxuu yidhi, Aasheer ku wiilasha ku dhex barakaysan ha ahaado, Oo hana ahaado kan walaalihiis u bogaan, Oo cagtiisana saliid ha daro.

  • 24Reer Qoraxna waa Asiir, iyo Elqaanaah, iyo Abii'aasaaf. Kuwanu waa qolooyinkii reer Qorax.

  • 16Wiilashii Yehaleleelna waxay ahaayeen Siif iyo Siifaah, iyo Tiiryaa, iyo Asareel.

  • 26¶ Oo wiilashii Sebulun iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Sered oo dhalay qabiilka reer Sered, iyo Eeloon oo dhalay qabiilka reer Eeloon, iyo Yaxle'eel oo dhalay qabiilka reer Yaxle'eel.

  • 38¶ Oo wiilashii Benyaamiin iyo qabiilooyinkoodiina waa kuwan: Belac oo dhalay qabiilka reer Belac, iyo Ashbeel oo dhalay qabiilka reer Ashbeel, iyo Axiiraam oo dhalay qabiilka reer Axiiraam,