Tirintii 26:59

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Camraam naagtiisu waxay ahayd Yookebed ina Laawi, taasoo Laawi ugu dhalatay dalkii Masar. Oo iyana waxay Camraam u dhashay Haaruun iyo Muuse iyo walaashood Maryan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 6:20 : 20 Oo Camraam wuxuu guursaday Yookebed oo eeddadiis ahayd, oo waxay u dhashay Haaruun iyo Muuse. Oo Camraam cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood.
  • Bax 2:1-2 : 1 ¶ Markaasaa waxaa tegey nin reer Laawi ah, oo wuxuu guursaday gabadh reer Laawi iyana ah. 2 Markaasay naagtii uuraysatay oo waxay dhashay wiil; oo markay aragtay inuu ilmo wanaagsan yahay, ayay qarisay in saddex bilood ah.
  • Laaw 18:12 : 12 Waa inaadan qaawin cawrada eeddadaa, waayo, iyadu waa aabbahaa qaraabadiis u dhow.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 6:19-21
    3 aayado
    85%

    19Reer Meraariina waa Maxlii iyo Mushii. Kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay farcankoodii kala ahaayeen.

    20Oo Camraam wuxuu guursaday Yookebed oo eeddadiis ahayd, oo waxay u dhashay Haaruun iyo Muuse. Oo Camraam cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood.

    21Reer Isehaarna waa Qorax, iyo Nefeg, iyo Sikrii.

  • 1 Taar 6:1-3
    3 aayado
    81%

    1¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

    2Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel.

    3Ilmaha Camraamna waxay ahaayeen Haaruun, iyo Muuse, iyo Maryan. Wiilashii Haaruunna waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.

  • Tir 26:57-58
    2 aayado
    78%

    57¶ Kuwii laga tiriyey reer Laawi iyo qolooyinkoodii waa kuwan: Gershoon oo dhalay qabiilka reer Gershoon, iyo Qohaad oo dhalay qabiilka reer Qohaad, iyo Meraarii oo dhalay qabiilka reer Meraarii.

    58Intanu waa qabiilooyinkii reer Laawi: qabiilkii reer Libnii, iyo qabiilkii reer Xebroon, iyo qabiilkii reer Maxlii, iyo qabiilkii reer Mushii, iyo qabiilkii reer Qorax. Oo Qohaadna wuxuu dhalay Camraam.

  • Bax 2:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Markaasaa waxaa tegey nin reer Laawi ah, oo wuxuu guursaday gabadh reer Laawi iyana ah.

    2Markaasay naagtii uuraysatay oo waxay dhashay wiil; oo markay aragtay inuu ilmo wanaagsan yahay, ayay qarisay in saddex bilood ah.

  • 60Oo Haaruun waxaa u dhashay Naadaab iyo Abiihuu iyo Elecaasaar iyo Iitaamaar.

  • 23Haaruunna wuxuu guursaday Eliishebac ina Cammiinaadaab oo ahayd Naxshoon walaashiis; oo waxay u dhashay Naadaab iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.

  • Bax 6:25-27
    3 aayado
    73%

    25Markaasaa Elecaasaar oo ahaa ina Haaruun wuxuu guursaday gabdhihii Fuutii'eel middood, oo waxay u dhashay Fiinexaas. Kuwanu waa madaxdii reer Laawi, iyo qolooyinkoodii siday kala ahaayeen.

    26Kuwanu waa Haaruun iyo Muuse kuwii Rabbigu ku yidhi, Reer binu Israa'iil ka soo wada dalka Masar sida ay dadkooda guutooyinkoodu yihiin.

    27Kuwanuna waa kuwii la hadlay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, inuu dalka Masar ka bixiyo reer binu Israa'iil. Iyagu waa Muusahaas iyo Haaruunkaas.

  • 1¶ Oo Maryan iyo Haaruunna waxay Muuse u xanteen naagtii reer Kuush oo uu guursaday, maxaa yeelay, isagu wuxuu guursaday naag reer Kuush.

  • 11Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 70%

    17Ilmaha Cesraahna waxay ahaayeen Yeter, iyo Mered, iyo Ceefer, iyo Yaaloon, oo iyana waxay dhashay Maryan, iyo Shammay, iyo Yishbax oo ahaa Eshtemooca aabbihiis.

    18Naagtiisii Yahuudiyadda ahaydna waxay dhashay Yered oo ahaa Gedoor aabbihiis, iyo Xeber oo ahaa Sookoo aabbihiis, iyo Yequutii'eel oo ahaa Saanoo'ax aabbihiis. Oo kuwanuna waa wiilashii Bityaah oo ahayd ina Fircoon oo uu Mered guursaday.

  • Tir 3:19-20
    2 aayado
    70%

    19Oo wiilashii Qohaad siday qolooyinkoodu yihiin waa Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel.

    20Oo wiilashii Meraariina siday qolooyinkoodu yihiin waa Maxlii iyo Mushii, kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi siday reerahoodu yihiin.

  • 70%

    18Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel.

    19Wiilashii Meraariina waxay ahaayeen Maxlii iyo Mushii. Oo intaasu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay reerahoodu ahaayeen.

  • 69%

    12¶ Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen afar, waana Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon iyo Cusii'eel.

    13Wiilashii Camraamna waxay ahaayeen Haaruun iyo Muuse, oo Haaruun waxaa gooni looga dhigay inay isagii iyo wiilashiisuba weligood quduus ka dhigaan waxyaalaha ugu wada quduusan iyo inay Rabbiga hortiisa foox ku shidaan, oo ay u adeegaan oo ay weligoodba magiciisa ku duceeyaan.

    14Laakiinse Muuse oo ahaa nin Ilaah wiilashiisii waxaa lagu tiriyey qabiilka reer Laawi.

  • 1¶ Haddaba kuwanu waxa weeye farcammadii Haaruun iyo Muuse waagii Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay.

  • 16¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoom, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 27¶ Oo Qohaadna waxaa ka soo farcamay reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel; kuwaasu waa qolooyinkii reer Qohaad.

  • 17Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Laawi magacyadoodii: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 46¶ Oo kulli intii reer Laawi ah oo la soo tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil ay qolo qolo iyo reer reer u soo tiriyeen,

  • 47ina Maxlii, ina Mushii, ina Meraarii, ina Laawi.

  • 6Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigoo ah Yetroo soddoggaa waan kuu imid aniga iyo naagtaada iyadoo wadata labadeedii wiilba.

  • 6Oo bal eeg, mid reer binu Israa'iil ah ayaa walaalihiis ula yimid naag reer Midyaan ah Muuse hortiisa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda iyagoo ku ooyaya iriddii teendhadii shirka horteeda.

  • 34Oo haddana mar kalay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, waxayna tidhi, Haatan ninkayga ayaa ila jiri doona, maxaa yeelay, saddex wiil baan u dhalay isaga; sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Laawi.

  • 38ina Isehaar, ina Qohaad, ina Laawi, ina Israa'iil.

  • 1¶ Haddaba wadaadkii Midyaan oo Yetroo ahaa, Muusena soddog u ahaa, ayaa wuxuu maqlay kulli wixii Rabbigu u sameeyey Muuse iyo dadkiisa reer binu Israa'iil, iyo sidii Rabbigu reer binu Israa'iil uga soo bixiyey dalkii Masar.

  • 4Waayo, dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo guriga addoonsiga waan idinka soo furtay, oo waxaan idin hor mariyey Muuse, iyo Haaruun iyo Maryan.