Tirintii 3:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Qabiilka reer Laawi soo dhowee oo wadaadka Haaruun hortiisa keen inay isaga u adeegaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 32:26-29 : 26 ayuu Muuse istaagay xerada iriddeedii, oo wuxuu yidhi, Ku alla kii Rabbiga la gees ahow, ii kaalay. Markaasay reer Laawi oo dhammu agtiisa ku soo urureen. 27 Markaasuu wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidan buu leeyahay, Nin waluba seeftiisa dhinaca ha ku xidho, oo kulligiin irid ilaa irid xerada hore iyo dib u dhex qaada, oo nin waluba ha dilo walaalkiis, iyo saaxiibkiis, iyo deriskiisaba. 28 Oo reer Laawi waxay yeeleen hadalkii Muuse, oo maalintaas dadkii waxaa ka dhintay qiyaastii saddex kun oo nin. 29 Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi, Inuu maanta barako idinku soo dejiyo aawadeed, Rabbiga quduus isaga dhiga oo nin waluba ha ka gees noqdo wiilkiisa iyo walaalkiisba.
  • Tir 1:49-53 : 49 Qabiilka reer Laawi oo keliya waa inaadan tirin, oo reer binu Israa'iilna waa inaadan tiradooda ku dhex darin, 50 laakiinse reer Laawi waxaad u doorataa inay u taliyaan taambuugga maragga, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo waxa uu isagu leeyahay oo dhan. Iyagu waa inay taambuugga iyo alaabtiisa oo dhan sidaan, oo ay u adeegaan, oo ay taambuugga hareerihiisa degaan. 51 Oo markii taambuuggu hor u dhaqaaqayo reer Laawi waa inay furaan, markii taambuugga la dhisayona reer Laawi waa inay dhisaan, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa. 52 Oo reer binu Israa'iilna markay teendhooyinkooda dhistaan, nin waluba tiisa xeradiisa ha ka dhisto, oo nin waluba calankiisa ha uga ag dhisto sida ciidammadoodu yihiin. 53 Laakiinse reer Laawi waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan taambuugga maragga hareerihiisa, si aan cadho ugu soo degin shirka reer binu Israa'iil; oo reer Laawi waa inay u taliyaan taambuugga maragga.
  • Tir 2:17 : 17 ¶ Dabadeedna teendhada shirku waa inay baxdaa, iyadoo kooxda reer Laawi ku dhex jirta kooxaha kale, oo siday u degaan waa inay u baxaan, nin kasta oo meeshiis ku jira oo calankooda ag jooga.
  • Tir 2:33 : 33 Laakiinse reer Laawi laguma tirin reer binu Israa'iil, waayo, sidaas ayaa Rabbigu Muuse ku amray.
  • Tir 8:6-9 : 6 Reer Laawi ka dhex sooc reer binu Israa'iil oo iyaga daahiri. 7 Oo markaad daahirinaysid sidan iyaga ku samee: dushooda waxaad ku rushaysaa biyaha daahirinta, oo iyaguna timaha ha ka xiireen jidhkooda oo dhan, oo dharkoodana ha maydheen, hana isdaahiriyeen. 8 Oo markaas iyagu ha kaxaysteen dibi yar iyo qurbaankiisii hadhuudhka oo ah bur saliid lagu daray, oo dibi kale oo yarna waxaad u kaxaysaa qurbaan dembi. 9 Oo reer Laawi waa inaad hor taagtaa teendhada shirka, oo waa inaad soo shirisaa dadka reer binu Israa'iil oo dhan. 10 Oo reer Laawi waa inaad keentaa Rabbiga hortiisa, oo reer binu Israa'iilna waa inay gacmaha saaraan reer Laawi. 11 Haaruunna waa inuu reer Laawi Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa qurbaan la ruxruxo ahaan reer binu Israa'iil daraaddood, si ay u sameeyaan Rabbiga hawshiisa. 12 Oo reer Laawina waa inay gacmaha saaraan madaxa dibida, oo mid waxaad u bixisaa qurbaan dembi, kan kalena waxaad Rabbiga ugu bixisaa qurbaan la gubo, si aad reer Laawi ugu kafaaro guddid. 13 Oo reer Laawi waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa soo hor taagtaa, oo aad Rabbiga ugu bixisaa qurbaan la ruxruxo ahaan. 14 Oo waa inaad reer Laawi sidaas uga soocdaa reer binu Israa'iil, oo reer Laawina kuwaygay ahaan doonaan. 15 Oo markaas dabadeedna reer Laawi ha u galeen inay ka adeegaan teendhada shirka, oo waa inaad iyaga daahirisaa oo qurbaan la ruxruxo ahaan u bixisaa. 16 Waayo, iyaga dhammaantood ayaa la iiga soocay reer binu Israa'iil. Intii lay siin lahaa intii maxal furta oo dhan, kuwaasoo ah curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, ayaan iyaga qaatay. 17 Waayo, dad iyo duunyaba curadyada reer binu Israa'iil oo dhan anigaa iska leh. Waxaan iyaga quduus ka dhigtay maalintii aan wada laayay curadyadii dalka Masar oo dhan. 18 Oo waxaan qaatay reer Laawi intii aan qaadan lahaa curadyada reer binu Israa'iil oo dhan. 19 Oo reer Laawi ayaan reer binu Israa'iil ka soocay oo hadiyad ahaan u siiyey Haaruun iyo wiilashiisa inay reer binu Israa'iil uga adeegaan teendhada shirka iyo inay reer binu Israa'iil u kafaaro gudaan, si aan belaayo ugu dhicin reer binu Israa'iil markii reer binu Israa'iil ay u soo dhowaadaan meesha quduuska ah. 20 Oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu sidaasay ku sameeyeen reer Laawi. Wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen. 21 Oo reer Laawina dembi way iska daahiriyeen, oo dharkoodiina way maydheen, markaasaa Haaruun qurbaan la ruxruxo ahaan Rabbiga hortiisa iyaga ugu bixiyey, oo inuu iyaga daahiriyo aawadeed ayaa Haaruun u kafaaro guday. 22 Oo markaas dabadeed ayaa reer Laawi gudaha u galeen inay teendhada shirka kaga adeegaan Haaruun iyo wiilashiisa hortooda, oo wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray ayay ku sameeyeen. 23 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 24 Tanu waa waxa reer Laawi intii shan iyo labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn ay leeyihiin inay sameeyaan. Iyagu ha galeen oo ha ka adeegeen hawsha teendhada shirka. 25 Oo markii ay konton jir gaadhaan waa inay ka joogsadaan hawsha ka-adeegiddeeda oo aanay mar dambe adeegin, 26 laakiinse walaalahood teendhada shirka ha kala adeegeen si ay amarka u hayaan laakiinse yaanay hawl dambe qaban. Sidaas waa inaad ka yeeshaa amarrada ku saabsan reer Laawi hawshooda.
  • Tir 16:9-9 : 9 Ma idinla yar tahay in Ilaaha reer binu Israa'iil idiinka soocay shirka reer binu Israa'iil inuu idin soo dhowaysto si aad u samaysaan hawsha taambuugga Rabbiga oo aad shirka hortiisa istaagtaan oo u adeegtaan, 10 iyo inuu weliba idinka iyo walaalihiinna reer Laawi oo dhanba soo dhowaystay? Oo haddana ma waxaad doonaysaan wadaadnimada? 11 Haddaba adiga iyo guutadaada oo dhammu waxaad isu soo urursateen oo aad gees ka tihiin Rabbiga. Balse maxaa dhacay oo aad Haaruun ugu gunuustaan?
  • Tir 18:1-7 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adiga iyo wiilashaada iyo qabiilkaagu waxaad qaadi doontaan dembiga meesha quduuska ah, oo adiga iyo wiilashaada kula jiraa waxaad qaadi doontaan dembiga wadaadnimadiinna. 2 Oo walaalahaa oo ah qabiilka reer Laawi, qabiilkaas oo ah kan aabbahaa, la soo dhowow si ay kuugu darmadaan, oo ay kuugu adeegaan, laakiinse adiga iyo wiilashaada kula jiraa waa inaad teendhada maragga hor joogtaan. 3 Oo iyagu waa inay dhawraan amarkaaga iyo hawsha teendhada oo dhan, laakiinse waa inaanay u soo dhowaan alaabta meesha quduuska ah iyo meesha allabariga, yaanay iyaga iyo idinka toona dhimanine. 4 Oo iyagu ha idinku darmadeen oo ha dhawreen teendhada shirka, iyo hawsha teendhada loo sameeyo oo dhan; oo shisheeyena yaanu idiin soo dhowaan. 5 Oo inaan mar dambe cadho ku dhicin reer binu Israa'iil idiinku waa inaad dhawrtaan hawsha meesha quduuska ah iyo hawsha meesha allabariga. 6 Oo bal eeg, anna walaalihiin reer Laawi ayaan kala dhex baxay reer binu Israa'iil, oo waxay idiin yihiin hadiyad Rabbiga loo siiyey inay teendhada shirka ka adeegaan. 7 Oo adiga iyo wiilashaada kula joogaaba waa inaad wadaadnimadiinna u dhawrtaan waxyaalaha meesha allabariga oo dhan, iyo waxyaalaha daaha ka shisheeya oo dhan, oo waa inaad adeegtaan. Wadaadnimada ayaan idiin siiyey sida hawl hadiyad ah; oo shisheeyihii soo dhowaada waa in la dilaa.
  • Sharc 10:8 : 8 Oo waagaas ayaa Rabbigu qabiilka reer Laawi u soocay inay sanduuqa axdiga Rabbiga qaadaan, iyo inay Rabbiga hortiisa istaagaan oo ay isaga u adeegaan, iyo inay magiciisa ku duceeyaan, ilaa maantadan la joogo.
  • Sharc 33:8-9 : 8 Oo markuu Laawi u ducaynayayna wuxuu yidhi, Tummiimkaagii iyo Uuriimkaagii waxay la jiraan kaaga aad jeceshahay, Oo aad Masaah ku tijaabisay, Oo aad biyihii Meriibaah agtooda kula dirirtay, 9 Kii aabbihiis iyo hooyadiis yidhi, Anigu ma arag, Oo walaalihiisna aan aqoonsan, Oo carruurtiisiina aan aqoon, Waayo, iyagu erayadaadii way xajiyeen, Oo axdigaagiina way dhawreen.
  • Mal 2:4 : 4 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad ogaan doontaan inaan anigu amarkan idiin soo diray, si uu axdigaygu reer Laawi ula sii jiro.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 18:1-3
    3 aayado
    84%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adiga iyo wiilashaada iyo qabiilkaagu waxaad qaadi doontaan dembiga meesha quduuska ah, oo adiga iyo wiilashaada kula jiraa waxaad qaadi doontaan dembiga wadaadnimadiinna.

    2Oo walaalahaa oo ah qabiilka reer Laawi, qabiilkaas oo ah kan aabbahaa, la soo dhowow si ay kuugu darmadaan, oo ay kuugu adeegaan, laakiinse adiga iyo wiilashaada kula jiraa waa inaad teendhada maragga hor joogtaan.

    3Oo iyagu waa inay dhawraan amarkaaga iyo hawsha teendhada oo dhan, laakiinse waa inaanay u soo dhowaan alaabta meesha quduuska ah iyo meesha allabariga, yaanay iyaga iyo idinka toona dhimanine.

  • Tir 3:7-11
    5 aayado
    84%

    7Oo iyagu waa inay amarkiisa iyo amarka shirka oo dhan ku yeelaan teendhada shirka horteeda si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.

    8Oo waa inay dhawraan alaabta teendhada shirka oo dhan, iyo amarka reer binu Israa'iil, si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.

    9Oo adigu waa inaad reer Laawi siisaa Haaruun iyo wiilashiisaba, oo iyaga dhammaantood waa la siiyey reer binu Israa'iil aawadood.

    10Oo waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa doorataa, oo iyagu waa inay dhawraan wadaadnimadooda, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.

    11¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Tir 8:9-11
    3 aayado
    81%

    9Oo reer Laawi waa inaad hor taagtaa teendhada shirka, oo waa inaad soo shirisaa dadka reer binu Israa'iil oo dhan.

    10Oo reer Laawi waa inaad keentaa Rabbiga hortiisa, oo reer binu Israa'iilna waa inay gacmaha saaraan reer Laawi.

    11Haaruunna waa inuu reer Laawi Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa qurbaan la ruxruxo ahaan reer binu Israa'iil daraaddood, si ay u sameeyaan Rabbiga hawshiisa.

  • Tir 8:13-15
    3 aayado
    81%

    13Oo reer Laawi waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa soo hor taagtaa, oo aad Rabbiga ugu bixisaa qurbaan la ruxruxo ahaan.

    14Oo waa inaad reer Laawi sidaas uga soocdaa reer binu Israa'iil, oo reer Laawina kuwaygay ahaan doonaan.

    15Oo markaas dabadeedna reer Laawi ha u galeen inay ka adeegaan teendhada shirka, oo waa inaad iyaga daahirisaa oo qurbaan la ruxruxo ahaan u bixisaa.

  • Tir 16:8-10
    3 aayado
    80%

    8Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Haddaba maqla reer Laawiyow.

    9Ma idinla yar tahay in Ilaaha reer binu Israa'iil idiinka soocay shirka reer binu Israa'iil inuu idin soo dhowaysto si aad u samaysaan hawsha taambuugga Rabbiga oo aad shirka hortiisa istaagtaan oo u adeegtaan,

    10iyo inuu weliba idinka iyo walaalihiinna reer Laawi oo dhanba soo dhowaystay? Oo haddana ma waxaad doonaysaan wadaadnimada?

  • Tir 8:22-23
    2 aayado
    80%

    22Oo markaas dabadeed ayaa reer Laawi gudaha u galeen inay teendhada shirka kaga adeegaan Haaruun iyo wiilashiisa hortooda, oo wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray ayay ku sameeyeen.

    23¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 5¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 6Oo bal eeg, anna walaalihiin reer Laawi ayaan kala dhex baxay reer binu Israa'iil, oo waxay idiin yihiin hadiyad Rabbiga loo siiyey inay teendhada shirka ka adeegaan.

  • 1¶ Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun.

  • 50laakiinse reer Laawi waxaad u doorataa inay u taliyaan taambuugga maragga, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo waxa uu isagu leeyahay oo dhan. Iyagu waa inay taambuugga iyo alaabtiisa oo dhan sidaan, oo ay u adeegaan, oo ay taambuugga hareerihiisa degaan.

  • Tir 4:17-19
    3 aayado
    78%

    17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

    18Reer Qohaad qolooyinkooda ha ka gooynina reer Laawi dhexdooda,

    19laakiinse sidan ku sameeya si ay u noolaadaan oo aanay u dhiman markay u soo dhowaadaan waxyaalaha ugu wada quduusan. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gudaha galaan, oo ay iyaga u amraan hawshooda iyo waxqaadkooda,

  • 8Oo waagaas ayaa Rabbigu qabiilka reer Laawi u soocay inay sanduuqa axdiga Rabbiga qaadaan, iyo inay Rabbiga hortiisa istaagaan oo ay isaga u adeegaan, iyo inay magiciisa ku duceeyaan, ilaa maantadan la joogo.

  • Sharc 18:6-7
    2 aayado
    77%

    6¶ Oo haddii mid reer Laawi ahu uu ka soo baxo magaalooyinkiinna middood, taasoo ah meeshuu dalka Israa'iil ka degganaa, oo isagoo aad u doonaya inuu yimaado meesha Rabbigu uu dooranayo,

    7markaas waa inuu ku adeegaa magaca Rabbiga Ilaahiisa ah siday wada yeelaan walaalihiisa reer Laawi oo Rabbiga hortiisa taagan oo dhammu.

  • 1¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • Tir 8:19-20
    2 aayado
    75%

    19Oo reer Laawi ayaan reer binu Israa'iil ka soocay oo hadiyad ahaan u siiyey Haaruun iyo wiilashiisa inay reer binu Israa'iil uga adeegaan teendhada shirka iyo inay reer binu Israa'iil u kafaaro gudaan, si aan belaayo ugu dhicin reer binu Israa'iil markii reer binu Israa'iil ay u soo dhowaadaan meesha quduuska ah.

    20Oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu sidaasay ku sameeyeen reer Laawi. Wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.

  • 26laakiinse walaalahood teendhada shirka ha kala adeegeen si ay amarka u hayaan laakiinse yaanay hawl dambe qaban. Sidaas waa inaad ka yeeshaa amarrada ku saabsan reer Laawi hawshooda.

  • 6Reer Laawi ka dhex sooc reer binu Israa'iil oo iyaga daahiri.

  • 30Oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • 75%

    48Oo walaalahood oo ahaa reer Laawina waxaa loo doortay inay ka adeegaan taambuuggii guriga Ilaah oo dhan.

    49¶ Laakiinse Haaruun iyo wiilashiisu waxay meesha allabariga la gubo iyo girgiraha fooxa wax ugu bixin jireen shuqulkii meesha ugu quduuska ah oo dhan iyo inay reer binu Israa'iil kafaaraggud ugu sameeyaan, sidii dhammaan addoonkii Ilaah ee Muuse ahaa amray.

  • 41Oo waxaad dharkaas u lebbistaa walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa la joogaba; oo waa inaad iyaga subagtaa, oo daahirisaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada.

  • 5Ka qaad iyaga inay u ahaadaan wax hawsha teendhada shirka lagu sameeyo, oo waxaad siisaa reer Laawi, nin walba sidii hawshiisu tahay.

  • 3Kuwaasu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, oo waa wadaaddadii la subkay oo uu gooni uga dhigay inay adeegaan shuqulka wadaadnimada.

  • 32wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.

  • 53Laakiinse reer Laawi waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan taambuugga maragga hareerihiisa, si aan cadho ugu soo degin shirka reer binu Israa'iil; oo reer Laawi waa inay u taliyaan taambuugga maragga.

  • 5Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen.

  • 13Oo Haaruun waa inaad u gelisaa dharkii quduuska ahaa; oo waa inaad isaga u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

  • 10iyo dharka adeegidda, iyo dharka quduuska ah oo wadaadka Haaruun ah, iyo dharka wiilashiisaba, inay ka adeegaan hawsha wadaadnimada,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 16Meeshayda quduuska ah way soo geli doonaan, oo miiskayga way ugu soo dhowaan doonaan inay ii adeegaan, oo adeegiddaydana way xajin doonaan.

  • 46¶ Oo kulli intii reer Laawi ah oo la soo tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil ay qolo qolo iyo reer reer u soo tiriyeen,

  • 16¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoom, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 32Oo Elecaasaar ina wadaadka Haaruun waa inuu ahaadaa amiirka amiirrada reer Laawi, oo wuxuu korka ka ilaalin doonaa kuwa u taliya meesha quduuska ah.