Tirintii 32:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo annagu guryahayaga ku soo noqon mayno ilamaa reer binu Israa'iil nin waluba dhaxalkiisa dhaxlo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 22:1-5 : 1 ¶ Markaasaa Yashuuca u yeedhay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis, 2 oo wuxuu ku yidhi, Waad xajiseen kulli wixii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray, oo codkaygana waad dhegaysateen oo waad yeesheen kulli wixii aan idinku amray. 3 Oo waagaas ilaa maantadan la joogo walaalihiin kama aydnaan tegin, laakiinse waad xajiseen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah. 4 Oo haatan Rabbiga Ilaahiinna ahu walaalihiin buu nasiyey, siduu markii hore kula hadlay; haddaba noqda, oo taga teendhooyinkiinnii, iyo dalkii hantida idiin ahaa, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa. 5 Laakiinse aad iyo aad u dadaala inaad yeeshaan amarkii iyo sharcigii uu addoonkii Rabbiga ee Muuse ahaa idinku amray, kuwaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad ku socotaan jidadkiisa oo dhan, oo aad amarradiisa xajisaan, oo aad isaga aad u sii xajisataan, oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ugu adeegtaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 32:19-22
    4 aayado
    85%

    19Waayo, annagu iyaga la dhaxli mayno Webi Urdun dhankiisa kale iyo xaggaas hore toona, maxaa yeelay, dhaxalkayagii wuxuu noogu dhacay Webi Urdun dhankiisan bari.

    20Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad waxan samaynaysaan, oo aad Rabbiga hortiisa hub ugu qaadanaysaan dagaalka,

    21oo aad raggiinna hubka leh oo dhammu Webi Urdun ku dhaafaysaan Rabbiga hortiisa ilamaa uu isagu cadaawayaashiisa ka wada eryo hortiisa,

    22oo dalkana Rabbiga hortiisa lagaga adkaado, markaas dabadeed idinku waad soo noqonaysaan, oo xagga Rabbiga iyo reer binu Israa'iilba waad ka eedla'aanaysaan, oo dalkanuna Rabbiga hortiisa hanti buu idiinku ahaan doonaa.

  • Tir 32:16-17
    2 aayado
    84%

    16Markaasay isagii u soo dhowaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu halkanaannu xoolahayaga xeryo uga oodaynaa, dhallaankayagana magaalooyin waannu uga dhisaynaa,

    17laakiinse annaga qudhayadu diyaar baannu ahaanaynaa annagoo hub leh, oo reer binu Israa'iil baannu hor kacaynaa ilamaa aannu iyaga geeyno meeshoodii, oo kuwa dhulka deggan aawadood dhallaankayagu waxay deganaanayaan magaalooyinka deyrarka leh.

  • Tir 32:30-32
    3 aayado
    82%

    30Laakiinse haddayan idinla gudbin iyagoo hub leh, waxay hanti ku yeelan doonaan dhexdiinna dalka reer Kancaan.

    31Markaasaa reer Gaad iyo reer Ruubeen u jawaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sidii Rabbigu nagu yidhi, annagoo addoommadaada ah, ayaannu yeelaynaa.

    32Annagoo hub leh ayaannu gudbaynaa oo Rabbiga hortiisa waxaannu galaynaa dalka reer Kancaan, oo hantidii aan dhaxalka u helnayna waxay noogu hadhaysaa Webi Urdun dhinacan.

  • 8Markaasaa dadkii oo dhammu isku mar isla kacay sidii nin qudha, oo waxay yidhaahdeen, Annaga midkayana tegi maayo teendhadiisii, oo midkayana ku leexan maayo gurigiisii.

  • Tir 32:26-27
    2 aayado
    75%

    26Haddaba dhallaankayaga, iyo afooyinkayaga, iyo idahayaga, iyo xoolahayaga oo dhammu halkaasay wada joogi doonaan xagga magaalooyinka Gilecaad;

    27laakiinse annagoo addoommadaada ah kulli intayada dagaalka hub u leh oo dhammu Webi Urdun waannu gudbaynaa, oo Rabbiga hortiisa ayaannu ku dagaal galaynaa sidaad tidhi, sayidkayagiiyow.

  • 8Oo dalkoodiina intaan qaadannay ayaan dhaxal u siinnay reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood.

  • 20ilaa uu Rabbigu nasiyo walaalihiin siduu idiin nasiyey oo kale, oo iyana ay hantiyaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu iyaga ka siinayo Webi Urdun shishadiisa, markaas ninkiin waluba ha ku soo noqdo hantidiisa aan siiyey.

  • 3Bal Rabbigu muxuu inoogu soo kexeeyey dalkan aynu seefta ku le'anayna? Naagaheenna iyo dhallaankeennu dhac bay noqonayaan. Sow inaynu Masar ku noqonno inooma roona?

  • Yash 1:14-15
    2 aayado
    72%

    14Dumarkiinna, iyo dhallaankiinna, iyo xoolihiinnuba waxay joogi doonaan dalkii Muuse idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa, laakiinse raggiinna xoogga leh oo hubka sita oo dhammu waa inay walaalahood ka hor gudbaan, oo ay caawiyaan iyaga,

    15ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.

  • 9Oo haddii ay inagu yidhaahdaan, Jooga halkiinna ilaa aannu idiin nimaadno, markaas waxaynu iska joogaynaa meesheenna, oo una tegi mayno.

  • Yer 42:13-14
    2 aayado
    72%

    13Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Annagu dalkan degganaan mayno, oo codka Rabbiga Ilaahaaga ahna addeeci mayno,

    14oo aad tidhaahdaan, Maya, laakiinse waxaannu tegaynaa dalka Masar, halkaasoo aannan dagaal arki doonin, amase aannan buunka dhawaaqiisa maqli doonin, oo aannan innaba kibis u gaajoon doonin, oo halkaasaannu degganaan doonnaa,

  • 7Sidaasaanu dhaxalka reer binu Israa'iil qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, reer binu Israa'iil nin waluba waa inuu sii xajiyaa dhaxalkii qabiilka awowayaashiis.

  • 11Hubaal dadkii Masar ka soo baxay intii labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn, midkoodna ma arki doono dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, maxaa yeelay, qalbiga igama ay wada raacin,

  • 14Oo wakhtigii u dhexeeyey waagii aan Qaadeesh Barneeca ka soo kacnay iyo markii aan durdurka Sered ka soo gudubnay wuxuu ahaa siddeed iyo soddon sannadood, ilamaa qarnigii dagaalyahannada ahaa oo dhan laga wada baabbi'iyey xerada dhexdeedii, sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay.

  • 9waayo, idinku weli ma aydaan gaadhin nasashada iyo dhaxalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo.

  • 17Waan ku baryayaaye, na daa aan dalkaaga dhex marnee. Kaa dhex mari mayno berrin ama beercanab, oo ceelasha biyahoodana ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa oo ugu leexan mayno xagga midigta ama xagga bidixda jeeraannu soohdintaada ka baxno.

  • 24Oo reer binu Israa'iilna markaasay halkaas ka tageen. Oo nin waluba wuxuu tegey qabiilkiisii iyo xaaskiisii, oo halkaas intay ka tageen ayaa nin waluba wuxuu u kacay dalkiisii dhaxalka ahaa.

  • 9Sidaasaanu dhaxalna qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, qabiilooyinka reer binu Israa'iil mid waluba waa inuu dhaxalkiisa sii xajiyaa.

  • 5Oo weliba waxay yidhaahdeen, Haddaad raalli naga tihiin, annagoo addoommadaada ah dalkan inaannu hantinno noo sii, oo Webi Urdun ha naga gudbin.

  • 2Oo reer binu Israa'iil dhexdooda waxaa ku hadhay toddoba qabiil oo aan weli helin qaybtii ay dhaxalka u lahaayeen.

  • 14Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno.

  • 25Waayo, Rabbigu wuxuu Webi Urdun ka dhigay soohdin inoo dhexaysa annaga iyo idinka, reer Ruubeen iyo reer Gaadow. Qayb kuma lihidin Rabbiga. Oo sidaasay carruurtiinnu carruurtayada uga joojin doonaan cabsida Rabbiga.

  • 11Bal eeg siday noogu abaalgudeen oo ay noogu soo baxeen iyagoo doonaya inay naga tuuraan hantidaadii aad dhaxal ahaan noo siisay.

  • 26Lo'dayaduna waa inay na raacdaa, oo waa inaan neef keliyahu dib nooga hadhin, waayo, iyada waa inaannu wax ka qaadannaa si aannu ugu adeegno Rabbiga ah Ilaahayaga. Annagu garan mayno wax aannu ugu adeegno Rabbiga jeeraannu tagno xaggaas.

  • 29oo ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.

  • 36Oo magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda, iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey.

  • 52Oo reer binu Israa'iilna markay teendhooyinkooda dhistaan, nin waluba tiisa xeradiisa ha ka dhisto, oo nin waluba calankiisa ha uga ag dhisto sida ciidammadoodu yihiin.

  • 18¶ Oo waagaas waxaan idinku amray oo idinku idhi, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan buu idiin siiyey inaad hantidaan. Raggiinna dagaalyahanka ah oo dhammu idinkoo hub wata walaalihiinna reer binu Israa'iil hor mara oo gudba.

  • 2Oo iyagu waa inayan walaalahood dhaxal ku dhex yeelan. Dhaxalkooda waxaa ah Rabbiga siduu u sheegay.

  • 22Na daa aan dalkaaga dhex marnee. Annagu gees ugu leexan mayno berrin ama beercanab, oo ceelashana biyo ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa jeeraannu soohdintaada ka baxno.

  • 9¶ Markaasaa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa noqday, oo ka tegey reer binu Israa'iil oo joogay Shiiloh taasoo ku taal dalkii Kancaan, inay u kacaan dalkii Gilecaad, kaasoo ahaa dalkii hantidooda ahaa, ee ay ku hantiyeen amarkii Rabbigu Muuse u soo dhiibay.

  • 31Laakiinse nimankii isaga raacay waxay yidhaahdeen, War innagu dadkaas kuma kici karno, waayo, way inaga xoog badan yihiin.

  • 16Waayo, kulli maalkii Ilaah ka qaaday aabbahayo waxaa leh annaga iyo carruurtayada; haddaba yeel wixii Ilaah kugu yidhi.

  • 35Hubaal dadka qarnigan sharka ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo,

  • 6Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

  • 10Markaad tagtaan waxaad u tegi doontaan dad ammaan ah, oo dalkuna waa ballaadhan yahay; waayo, Ilaah gacantuu idiin geliyey, oo waa meel aan waxba looga baahnayn waxa dhulka laga helo oo dhan.

  • 39Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan.

  • 31Waayo, waxaad ka gudubtaan Webi Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waadna hantiyi doontaan oo dhex degi doontaan.

  • 9iyo inaannan guryo aan ku degnona innaba dhisan, oo weliba annagu ma aannu lihin beercanab, ama beer kale, amase abuurba,

  • 6¶ Haddaba markii Yashuuca dadkii diray ayaa reer binu Israa'iil mid waluba u kacay dhaxalkiisii inuu hantiyo dalka.