Tirintii 4:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jir dhammaan intii hawsha gasha si ay shuqulka teendhada shirka u sameeyaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 4:23 : 23 Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, kulli inta hawsha gasha si ay shuqulka teendhada shirka u sameeyaan.
  • Tir 4:30 : 30 Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, mid kasta oo hawsha gala si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo.
  • Tir 4:35 : 35 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd, ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo.
  • Tir 8:24-26 : 24 Tanu waa waxa reer Laawi intii shan iyo labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn ay leeyihiin inay sameeyaan. Iyagu ha galeen oo ha ka adeegeen hawsha teendhada shirka. 25 Oo markii ay konton jir gaadhaan waa inay ka joogsadaan hawsha ka-adeegiddeeda oo aanay mar dambe adeegin, 26 laakiinse walaalahood teendhada shirka ha kala adeegeen si ay amarka u hayaan laakiinse yaanay hawl dambe qaban. Sidaas waa inaad ka yeeshaa amarrada ku saabsan reer Laawi hawshooda.
  • Tir 16:9 : 9 Ma idinla yar tahay in Ilaaha reer binu Israa'iil idiinka soocay shirka reer binu Israa'iil inuu idin soo dhowaysto si aad u samaysaan hawsha taambuugga Rabbiga oo aad shirka hortiisa istaagtaan oo u adeegtaan,
  • 2 Boq 11:4-9 : 4 Oo sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac u cid diray oo isugu yeedhay boqol u taliyayaashii u taliyey reer Kaarii iyo askartii ordi jirtay, oo gurigii Rabbiga ayuu keensaday; markaasuu axdi la dhigtay oo iyagii gurigii Rabbiga gudihiisa ku dhaariyey, dabadeedna wuxuu tusay wiilkii boqorka. 5 Wuuna amray oo ku yidhi, Idinku sidan yeela: meeshiinna saddexaad ee sabtida gashaa waa inay guriga boqorka ilaaliyaan; 6 oo meel saddexaadna iridda Suur ha joogeen; meel saddexaadna ha joogeen iridda askartii ordi jirtay ka dambaysa; sidaas waa inaad guriga u ilaalisaan oo aad wax uga celisaan. 7 Oo labadiinna guuto oo ah kulli inta sabtida baxda oo dhanba waa inay guriga Rabbiga ilaaliyaan iyagoo boqorka ku wareegsan. 8 Oo idinku waxaad isku wareejisaan boqorka idinkoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo midkii safafka soo dhex gala ha la dilo, oo boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba. 9 Oo boqol u taliyayaashiina way yeeleen wixii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan; oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaa, oo waxay u yimaadeen wadaadkii Yehooyaadaac ahaa. 10 Markaasaa wadaadkii wuxuu boqol u taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Rabbiga yiil. 11 Markaasay askartii isagoo nin waluba hubkiisii gacanta ku haysto istaageen guriga dhankiisii midig iyo ilaa dhankiisii bidix iyo meeshii allabariga agteeda iyo guriga agtiisa, oo boqorkii bayna isku wareejiyeen. 12 Markaasuu wiilkii boqorka soo bixiyey, oo wuxuu madaxa u saaray taajkii, markhaatifurkiina wuu siiyey; oo waxay ka dhigeen boqor, wayna subkeen, kolkaasay u sacbiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.
  • 1 Taar 6:48 : 48 Oo walaalahood oo ahaa reer Laawina waxaa loo doortay inay ka adeegaan taambuuggii guriga Ilaah oo dhan.
  • 1 Taar 23:3-5 : 3 Markaasaa la tiriyey reer Laawi intoodii soddon sannadood jirtay ama ka sii weynayd, oo markii nin nin loo tiriyey, dhammaantood tiradoodii waxay noqotay siddeed iyo soddon kun oo nin. 4 Oo kuwaas afar iyo labaatan kun oo ka mid ahu waxay ahaayeen kuwo ilaaliya hawsha guriga Rabbiga, oo lix kunna waxay ahaayeen saraakiil iyo xaakinno, 5 oo afar kunna waxay ahaayeen iridjoogayaal, oo afar kunna waxay Rabbiga ku ammaani jireen alaabtii aan u sameeyey in isaga lagu ammaano ayuu Daa'uud yidhi.
  • 1 Taar 23:24-32 : 24 Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen, waana kuwii ahaa madaxdii reeraha kuwii la tiriyey, oo magacyadooda nin nin loo tiriyey, kuwaasoo samayn jiray shuqulkii hawsha guriga Rabbiga, waana intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd. 25 Waayo, Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil dadkiisuu nasiyey, oo weligiis wuxuu deggan yahay Yeruusaalem. 26 Weliba reer Laawina mar dambe uma baahan doonaan inay qaadaan taambuugga iyo weelashiisa lagaga adeego oo dhan. 27 Oo Daa'uud dardaarankiisii ayaa reer Laawi lagu tiriyey, intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd. 28 Waayo, shuqulkoodu wuxuu ahaa inay reer Haaruun amarkooda ku adeegaan oo ay qabtaan hawshii guriga Rabbiga, iyo inay ka adeegaan barxadaha iyo qowladaha, iyo inay daahiriyaan waxyaalaha quduuska ah oo dhan, kaasu wuxuu ahaa shuqulka hawsha guriga Rabbiga. 29 Oo weliba waxay kala hagaajin jireen kibistii tusniinta iyo burkii laga dhigi jiray qurbaan jidhiidh ah, hadduu ahaa kibis aan khamiir lahayn ama tii digsiga lagu dubi jiray, amase tii la qoyn jiray, iyo cayn kasta oo ah qiyaas iyo miisaan, 30 iyo inay subax kasta u istaagaan inay Rabbiga ku mahadnaqaan oo ammaanaan, oo haddana habeenkiina saasoo kalay yeeli jireen. 31 Oo haddana waxay had iyo goor Rabbiga hortiisa ku bixin jireen qurbaanno la gubo oo dhan, waxayna bixin jireen sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha, waxayna u bixin jireen si waafaqsan tiradoodii qaynuunka ku qornayd, 32 wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.
  • 1 Taar 28:12-13 : 12 Oo wuxuu kaloo siiyey kulli wixii uu ruuxii ku hayay tilmaantoodii oo dhan, kuwaasoo ah barxadihii guriga Rabbiga, iyo qolalkii ku wareegsanaa oo dhan, iyo khasnadihii guriga Ilaah, iyo khasnadihii alaabta quduuska ah la dhigi lahaa, 13 iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan,
  • 2 Taar 23:1-9 : 1 ¶ Haddaba sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac xoog isgeliyey oo wuxuu soo kaxaystay oo axdi la dhigtay boqol-u-taliyayaashii ahaa Casaryaah ina Yeroxaam, iyo Ismaaciil ina Yehooxaanaan, iyo Casaryaah ina Coobeed, iyo Macaseeyaah ina Cadaayaah, iyo Eliishaafaad ina Sikrii. 2 Oo iyana waxay ku soo wada wareegeen dalkii Yahuudah, oo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan waxay ka soo wada urursadeen kuwii reer Laawi iyo madaxdii qolooyinka dadka Israa'iil oo waxay wada yimaadeen Yeruusaalem. 3 Markaasaa shirkii oo dhammu axdi boqorkii kula dhigtay guriga Ilaah, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Bal eega, boqorka wiilkiisu isagaa boqor noqon doonee, sidii Rabbigu uu kaga hadlay farcanka Daa'uud. 4 Haddaba idinku sidan yeela: qaybtiinna saddexaad ee sabtida gasha oo ah reer Laawi iyo wadaaddadu, waa inay ahaadaan iridjoogayaal albaabbada jooga, 5 oo meel saddexaadna waa inay guriga boqorka joogaan, meel saddexaadna ha joogeen iridda aasaaska agteeda, oo dadka oo dhammuna waa inay ku wada jiraan guriga Rabbiga barxadihiisa. 6 Laakiinse guriga Rabbiga gudihiisa yuusan ninna soo gelin wadaaddada iyo kuwa reer Laawi oo adeegaya mooyaane, iyagu ha soo galeen, waayo, iyagu waa quduus, laakiinse dadka oo dhammu waa inay Rabbiga amarkiisa dhawraan. 7 Oo reer Laawi boqorka ha isku wareejiyeen iyadoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo ku alla kii guriga gudihiisa soo gala ha la dilo, oo idinku boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba. 8 Sidaas daraaddeed reer Laawi iyo dadkii Yahuudah oo dhammuba way wada yeeleen wixii uu wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan, oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaaba, maxaa yeelay, wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ma uu kala dirin guutooyinkii. 9 Markaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa boqol-u-taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii waaweynaa iyo gaashaammadii yaryaraa oo Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Ilaah yiil. 10 Oo dadkii oo dhanna wuxuu ka dhigay in nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto oo ay istaagaan guriga dhankiisa midig ilaa dhankiisa bidix iyo tan iyo meesha allabariga agteeda iyo guriga agtiisa, oo boqorkii bayna isku wareejiyeen. 11 Markaasay wiilka boqorka soo bixiyeen, oo waxay u saareen taajkii, markhaatifurkiina way siiyeen, oo waxay ka dhigeen boqor, oo Yehooyaadaac iyo wiilashiisiina intay isagii subkeen ayay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.
  • Cesr 3:8 : 8 ¶ Haddaba markay yimaadeen guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal sannaddii labaad bisheedii labaad ayay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, shuqulkii bilaabeen, iyaga iyo intii kale oo ahayd wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli intii maxaabiista ka soo baxday oo Yeruusaalem timid, oo kuwii reer Laawi intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weyn ayay u doorteen inay shuqulkii guriga Rabbiga u sarreeyaan.
  • Luuk 3:23 : 23 ¶ Oo Ciise markuu bilaabay inuu wax baro, wuxuu ahaa qiyaas soddon jir, isagoo ahaa (sida loo moodayay) ina Yuusuf, kan ahaa ina Heli,
  • 2 Kor 10:3-4 : 3 Maxaa yeelay, in kastoo aannu jidhka ku soconno, sida jidhka uma dagaallanno, 4 waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo.
  • Ef 6:10-18 : 10 ¶ Ugu dambaysta waxaan idinku leeyahay, Ku xoogaysta Rabbiga iyo xoogga itaalkiisa. 11 Oo hubka Ilaah oo dhan qaata, si aad u awooddaan inaad sirta Ibliiska hor istaagtaan. 12 Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira. 13 Haddaba sidaas daraaddeed hubka Ilaah qaata si aad u awooddaan inaad maalinta sharka iyaga is-hor taagtaan, oo markaad saas oo dhan yeeshaan aad awooddaan inaad istaagtaan. 14 Haddaba istaaga idinkoo runta dhexda ku xidhan, oo laabtana laabdhawrka xaqnimada ku xidhan, 15 oo cagahana gashan isu-diyaarinta injiilka nabadda, 16 oo weliba waxaa kaloo aad qaadataan gaashaanka rumaysadka, kaas oo aad ku awoodaysaan inaad ku wada demisaan kan sharka leh fallaadhihiisa ololaya oo dhan. 17 Oo waxaad qaadataan koofiyada badbaadada iyo seefta Ruuxa oo ah erayga Ilaah. 18 Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan.
  • 1 Tim 1:18 : 18 ¶ Wiilkaygii Timoteyosow, waxaan kugu ammaanaynayaa amarkan oo ah sidii waxyaalihii hore laguugu sheegay, inaad iyaga dagaal wanaagsan ku dagaallantid,
  • 1 Tim 3:1 : 1 ¶ Hadalku waa run, Haddii nin doonayo shuqulka hoggaamiyaha kiniisadda, shuqul wanaagsan buu doonayaa.
  • 1 Tim 3:6 : 6 Waa inuusan ahaan mid dhowaan rumaystay, waaba intaasoo intuu kibro uu Ibliiska xukunkiisa ku dhacaaye.
  • Bil 41:46 : 46 Yuusufna soddon sannadood buu jiray markuu hor istaagay Fircoon oo ahaa boqorkii Masar. Markaasaa Yuusuf Fircoon hortiisii ka tegey, oo wuxuu wada maray dalkii Masar oo dhan.
  • Tir 3:7-8 : 7 Oo iyagu waa inay amarkiisa iyo amarka shirka oo dhan ku yeelaan teendhada shirka horteeda si ay hawsha taambuugga u sameeyaan. 8 Oo waa inay dhawraan alaabta teendhada shirka oo dhan, iyo amarka reer binu Israa'iil, si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 4:34-44
    11 aayado
    96%

    34¶ Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii shirku waxay reer Qohaad u tiriyeen qolo qolo iyo reer reer,

    35intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd, ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo.

    36Oo kuwoodii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol iyo konton.

    37Kuwanu waa kuwii qolooyinkii reer Qohaad ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay.

    38¶ Oo kuwii reer Gershoon ee qolo qolo iyo reer reer loo soo tiriyey,

    39intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo,

    40xataa kuwoodii qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo lix boqol iyo soddon.

    41Oo kuwanuna waa kuwii qolooyinkii reer Gershoon, ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay amarkii Rabbiga ku tiriyeen.

    42¶ Oo kuwii qolooyinka reer Meraarii ee qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey,

    43intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo,

    44xataa kuwii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen saddex kun iyo laba boqol.

  • Tir 4:30-31
    2 aayado
    95%

    30Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, mid kasta oo hawsha gala si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo.

    31Oo tanuna waa hawsha ay teendhada shirka ku leeyihiin ee ah waxa loo amray inay qaadaan: looxyada taambuugga, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,

  • Tir 4:22-24
    3 aayado
    94%

    22Reer Gershoonna qolo qolo iyo reer reer u soo tiri.

    23Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, kulli inta hawsha gasha si ay shuqulka teendhada shirka u sameeyaan.

    24Tanu waa hawshii qolooyinka reer Gershoon oo ah adeegidda iyo waxqaadkaba.

  • Tir 4:46-48
    3 aayado
    93%

    46¶ Oo kulli intii reer Laawi ah oo la soo tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil ay qolo qolo iyo reer reer u soo tiriyeen,

    47intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd xataa ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo u geli jiray si uu shuqulka hawsha u sameeyo, iyo si uu alaabta teendhada shirka u qaado,

    48xataa kuwoodii la tiriyey waxay ahaayeen siddeed kun iyo shan boqol iyo siddeetan.

  • Tir 8:23-26
    4 aayado
    81%

    23¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    24Tanu waa waxa reer Laawi intii shan iyo labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn ay leeyihiin inay sameeyaan. Iyagu ha galeen oo ha ka adeegeen hawsha teendhada shirka.

    25Oo markii ay konton jir gaadhaan waa inay ka joogsadaan hawsha ka-adeegiddeeda oo aanay mar dambe adeegin,

    26laakiinse walaalahood teendhada shirka ha kala adeegeen si ay amarka u hayaan laakiinse yaanay hawl dambe qaban. Sidaas waa inaad ka yeeshaa amarrada ku saabsan reer Laawi hawshooda.

  • 3Oo waxaad tirisaa intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn. Inta reer binu Israa'iil oo dagaal u bixi karta oo dhan adiga iyo Haaruun waa inaad koox koox u tirisaan.

  • Tir 4:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Reer Qohaad qolo qolo iyo reer reer uga soo tiri reer Laawi,

  • 4Tanu waa hawshii reer Qohaad ee ku jirtay teendhada shirka. Waa inay waxyaalaha ugu wada quduusan ka adeegaan.

  • 2Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya reer reer, intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn, kuwaas oo ah inta reer binu Israa'iil ee dagaal u bixi karta oo dhan.

  • 76%

    16oo weliba waxaa qayb la siiyey kuwii lagu tiriyey abtiriskii laboodka, intii saddex sannadood jirtay ama ka sii weynaydba, iyo xataa mid kasta oo guriga Rabbiga sidii maalin kasta hawsheeda loo doonayay u geli jiray adeegidda loo amray iyaga sidii kooxahoodii ay kala ahaayeen,

    17oo waxaa qayb la siiyey kuwii abtiriskooda lagu tiriyey reerihii wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo jiray labaatan sannadood ama ka sii weynaa sidii shuqulkooda loo amray iyo kooxahoodii ay kala ahaayeen,

  • 45Haddaba intii reer binu Israa'iil oo dhan ee reerihii aabbayaashood laga tiriyey, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan oo reer binu Israa'iil dhex joogtay,

  • 4Oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka inta labaatan sannadood jirta iyo inta ka sii weyn soo tiriya, sidii Rabbigu ku amray Muuse iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dalkii Masar ka soo baxay.

  • 14Oo mid kasta oo u gudba kuwa la tiriyey oo ah inta jirta labaatan sannadood iyo wixii ka sii weyn, waa inuu bixiyaa Rabbiga wixiisa.

  • 3Markaasaa la tiriyey reer Laawi intoodii soddon sannadood jirtay ama ka sii weynayd, oo markii nin nin loo tiriyey, dhammaantood tiradoodii waxay noqotay siddeed iyo soddon kun oo nin.

  • 27Oo Daa'uud dardaarankiisii ayaa reer Laawi lagu tiriyey, intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

  • 50laakiinse reer Laawi waxaad u doorataa inay u taliyaan taambuugga maragga, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo waxa uu isagu leeyahay oo dhan. Iyagu waa inay taambuugga iyo alaabtiisa oo dhan sidaan, oo ay u adeegaan, oo ay taambuugga hareerihiisa degaan.

  • 28Siday ahayd tiradii kuwii lab ahaa oo dhan intii bil jirtay ama ka sii weynayd waxay ahaayeen siddeed kun iyo lix boqol, oo waxay u taliyeen meesha quduuska ah.

  • 24Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen, waana kuwii ahaa madaxdii reeraha kuwii la tiriyey, oo magacyadooda nin nin loo tiriyey, kuwaasoo samayn jiray shuqulkii hawsha guriga Rabbiga, waana intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

  • 15Reer Laawi oo dhan u soo wada tiri reer reer iyo qolo qolo. Nin kasta oo bil jira ama ka sii weyn waa inaad tirisaa.

  • 19laakiinse sidan ku sameeya si ay u noolaadaan oo aanay u dhiman markay u soo dhowaadaan waxyaalaha ugu wada quduusan. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gudaha galaan, oo ay iyaga u amraan hawshooda iyo waxqaadkooda,

  • 39Oo kulli intii reer Laawi ah ee la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay qolo qolo ugu tiriyeen amarkii Rabbiga, kuwii lab ahaa oo dhan oo bil jiray ama ka sii weynaa, waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun.

  • 3Oo inta labka ah oo jirta labaatan sannadood iyo ilaa lixdan sannadood qiimayntooda aad qiimayso waa inay ahaataa konton sheqel oo lacag ah oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.

  • 15Oo Haaruun iyo wiilashiisu markay dhammeeyaan inay dedaan meesha quduuska ah iyo alaabta meesha quduuska ah oo dhan, oo ay dadkii xeradu guurayaan, reer Qohaad ha yimaadeen oo ha qaadeen; laakiinse iyagu waa inaanay taaban waxyaalaha quduuska ah si aanay u dhiman. Waxyaalahaasu waa waxa teendhada shirka ku jira oo ay tahay in reer Qohaad qaadaan.

  • Tir 3:7-8
    2 aayado
    71%

    7Oo iyagu waa inay amarkiisa iyo amarka shirka oo dhan ku yeelaan teendhada shirka horteeda si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.

    8Oo waa inay dhawraan alaabta teendhada shirka oo dhan, iyo amarka reer binu Israa'iil, si ay hawsha taambuugga u sameeyaan.

  • 30¶ Oo reer Sebulunna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 31Oo iyana waxay u talin doonaan sanduuqa, iyo miiska, iyo laambadda, iyo meelaha allabariga, iyo weelasha meesha quduuska ah oo ay ku adeegaan, iyo daaha, iyo hawsha oo dhan.

  • 14Oo wakhtigii u dhexeeyey waagii aan Qaadeesh Barneeca ka soo kacnay iyo markii aan durdurka Sered ka soo gudubnay wuxuu ahaa siddeed iyo soddon sannadood, ilamaa qarnigii dagaalyahannada ahaa oo dhan laga wada baabbi'iyey xerada dhexdeedii, sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay.

  • 32wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.

  • 26¶ Oo reer Yahuudahna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,