Tirintii 6:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu galo nidar khaas ah, kaasoo ah nidarka Nadiirka, inuu Rabbiga gooni isugu sooco,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 13:5 : 5 waayo, bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil, oo madaxiisana waa inaan mandiil la marin; waayo ilmuhu markuu dhasho iyo inta ka dambaysaba wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay; oo isagu wuxuu bilaabi doonaa inuu reer binu Israa'iil ka badbaadiyo gacanta reer Falastiin.
  • Aam 2:11-12 : 11 Oo wiilashiinnii waxaan ka kiciyey nebiyo, oo barbaarradiinniina waxaan ka kiciyey kuwa Nadiirrada ah ee Ilaah loo soocay. Dadka Israa'iilow, sow saas ma aha? ayaa Rabbigu leeyahay. 12 Laakiinse idinku Nadiirradii waxaad siiseen khamri ay cabbaan, oo nebiyadiina intaad amarteen ayaad ku tidhaahdeen, Innaba waxba ha sii sheegina.
  • Room 1:1 : 1 ¶ Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah addoonkii Ciise Masiix, oo loogu yeedhay inuu rasuul ahaado, oo gooni looga dhigay injiilka Ilaah.
  • 2 Kor 6:16 : 16 Macbudka Ilaah sidee buu ula mid yahay sanamyada? Waayo, innagu waxaynu nahay macbudka Ilaaha nool, siduu Ilaah yidhi, Iyaga waan dhex joogi doonaa, waanan dhex socon doonaa, Ilaahoodaan ahaan doonaa, oo iyaguna dadkaygay ahaan doonaan.
  • Gal 1:15 : 15 Laakiin Ilaaha uurkii hooyaday iga doortay, oo nimcadiisa iigu yeedhay, markuu ku farxay
  • Cib 7:27 : 27 kan aan u baahnayn inuu maalin walba allabari u bixiyo sida wadaaddadii sare, kolka hore dembiyadiisa aawadood, dabadeedna kuwa dadka aawadood; tan mar keliya ayuu sameeyey markuu isbixiyey.
  • Luuk 1:15 : 15 waayo, Rabbiga hortiisa nin weyn buu ku ahaan doonaa, mana cabbi doono khamri ama wax lagu sakhraamo. Waxaana xataa uurka hooyadiis kaga buuxsami doona Ruuxa Quduuskaa.
  • Fal 21:23-24 : 23 Sidaas darteed waxaannu kuu sheegayno yeel. Waxaa nala jooga afar nin oo nidar galay; 24 kuwaas kaxee oo isla daahiri oo kharashka iyaga ka bixi inay madaxa xiirtaan; markaasay dhammaan waxay wada ogaan doonaan inaanay waxba ahayn waxyaalihii lagaa sheegay, laakiin inaad adiga qudhaadu si hagaagsan u socotid oo aad sharciga dhawrtid.
  • Xaak 16:17 : 17 Oo markaasuu u sheegay wixii qalbigiisa ku jiray oo dhan oo ku yidhi, Madaxayga mandiil lama marin, waayo, tan iyo markaan dhashay waxaan ahaa Nadiir Ilaah loo soocay. Haddii la ii xiiro, xooggaygu waa iga tegayaa, oo waan taag yaraanayaa, oo waxaan noqonayaa sida dadka kale.
  • 1 Sam 1:28 : 28 sidaas daraaddeed waxaan isaga siiyey Rabbiga, oo intuu nool yahay oo dhan waxaa leh oo la siiyey Rabbiga. Oo isna halkaasuu Rabbiga ku caabuday.
  • Maah 18:1 : 1 Kii gooni isu soocaa, wuxuu doondoonaa damaciisa, Oo xigmadda oo dhanna wuu ku kacaa.
  • Bax 33:16 : 16 Waayo, sidee baa lagu garanayaa inaad raalli naga tahay, aniga iyo dadkaagaba? Miyaanay ahayn inaad nala socoto si aannu aniga iyo dadkaaguba uga duwanaanno dadka dhulka jooga oo dhan?
  • Laaw 20:26 : 26 Waa inaad quduus ii ahaataan, waayo, anigoo Rabbiga ahuba quduus baan ahay, oo dadyowgii baan idinka soocay, si aad kuwaygii u ahaataan.
  • Laaw 27:2 : 2 Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin nidar galo, qofafka waa inay Rabbiga ugu ahaadaan sidaad ugu qiimaysa.
  • Tir 6:5-6 : 5 Maalmaha uu nidarka isa-soociddiisa qabo oo dhan waa inaan mandiil madaxiisa la marin. Ilamaa uu dhammaystiro maalmihii uu Rabbiga goonida isugu soocay waa inuu quduus ahaadaa oo timaha madaxiisana waa inuu daystaa. 6 Oo maalmaha uu Rabbiga gooni isugu sooco oo dhan waa inuusan meyd u soo dhowaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Tir 6:18-22
    5 aayado
    81%

    18Oo Nadiirku waa inuu madaxii isa-soociddiisa ku xiiraa iridda teendhada shirka agteeda oo markaas waa inuu qaadaa timihii madaxii isa-soociddiisa, oo waa inuu ku shubaa dabka ka hooseeya allabariga qurbaannada nabaadiinada ah.

    19Oo markaas wadaadku waa inuu qaadaa wanka garabkiisa karsan, oo dambiishana ha ka soo bixiyo xabbad moofo ah oo aan khamiir lahayn iyo xabbad canjeero ah oo aan khamiir lahayn, oo iyaga ha saaro gacanta Nadiirka markuu madaxii isa-soociddiisa xiiro dabadeed.

    20Oo wadaadku waa inuu ruxruxaa iyaga inay ahaadaan qurbaan lagu ruxruxo Rabbiga hortiisa. Intaasu waa u quduus wadaadka oo sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaadona way raacaan, oo markaas dabadeed Nadiirku khamri wuu cabbi karaa.

    21Kaasu waa sharciga Nadiirkii nidar gala, iyo qurbaankiisa uu Rabbiga ugu bixiyo isa-soociddiisa, iyo weliba wixii uu isagu heli karo; oo isagu siduu nidarkiisa u nidray waa inuu u sameeyaa, sidii sharciga isa-soociddiisa.

    22¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • Tir 6:3-6
    4 aayado
    80%

    3waa inuu ka fogaadaa khamri iyo wax lagu sakhraamoba. Waa inuusan cabbin khamri khalkiis ama wax lagu sakhraamo khalkood, oo waa inuusan cabbin dheecaanka canabka, uusanna cunin canab cusub ama sabiib toona.

    4Maalmaha isa-soociddiisa oo dhan waa inuusan cunin innaba wax laga sameeyey canab tan iyo inta hoose iyo diirka sare.

    5Maalmaha uu nidarka isa-soociddiisa qabo oo dhan waa inaan mandiil madaxiisa la marin. Ilamaa uu dhammaystiro maalmihii uu Rabbiga goonida isugu soocay waa inuu quduus ahaadaa oo timaha madaxiisana waa inuu daystaa.

    6Oo maalmaha uu Rabbiga gooni isugu sooco oo dhan waa inuusan meyd u soo dhowaan.

  • Tir 6:12-13
    2 aayado
    76%

    12Oo waa inuu Rabbiga gooni isugu soocaa maalmaha isa-soociddiisa oo dhan, oo waa inuu qurbaan xadgudub u keenaa wan gu jir ah, laakiinse waa inaan maalmihii hore loo tirin, maxaa yeelay, isa-soociddiisii way nijaasowday.

    13¶ Oo kanu waa sharciga Nadiirka ku saabsan; markii maalmihii isa-soociddiisu ay dhammaystirmaan waa in isaga la keenaa iridda teendhada shirka,

  • Laaw 27:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin nidar galo, qofafka waa inay Rabbiga ugu ahaadaan sidaad ugu qiimaysa.

  • Tir 6:8-9
    2 aayado
    73%

    8Oo maalmaha isa-soociddiisa oo dhan ayuu quduus u yahay Rabbiga.

    9Oo haddii nin agtiisa kedis ugu dhinto oo uu isagu nijaaseeyo madaxiisii uu gooni u soocay, markaas waa inuu madaxiisa xiiraa maalinta daahirintiisa; maalinta toddobaad waa inuu xiiraa.

  • Tir 30:2-3
    2 aayado
    73%

    2Markii nin Rabbiga nidar u nidro, amase uu dhaar ugu dhaarto oo uu naftiisa sidaas ugu xidho, waa inuusan eraygiisa jebin. Waa inuu sameeyaa kulli wixii afkiisa ka soo baxay oo dhan.

    3Qof dumar ahuna markay Rabbiga nidar u nidarto oo ay sidaas nafteeda ugu xidho, oo ay gurigii aabbaheed joogto iyadoo dhallinyaro ah,

  • 7laakiinse wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil; oo haddaba ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo; wax aan nadiif ahaynna ha cunin; waayo, ilmuhu markuu dhasho iyo ilaa maalinta dhimashadiisa wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay.

  • Tir 5:5-6
    2 aayado
    71%

    5¶ Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    6Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu ay galaan dembi ay dadku galaan, oo ay Rabbiga ku xadgudbaan, oo ay naftaasu sidaas eed ku lahaato,

  • 6Oo hadday nin leedahay iyadoo ay kor saaran yihiin nidarradeedii iyo hadalkii degdegga ahaa oo bushimaheeda ka baxay oo ay nafteeda ku xidhay,

  • Xaak 13:4-5
    2 aayado
    70%

    4Haddaba sidaas daraaddeed iska jir, oo waan ku baryayaaye ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna ha cunin;

    5waayo, bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil, oo madaxiisana waa inaan mandiil la marin; waayo ilmuhu markuu dhasho iyo inta ka dambaysaba wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay; oo isagu wuxuu bilaabi doonaa inuu reer binu Israa'iil ka badbaadiyo gacanta reer Falastiin.

  • Aam 2:11-12
    2 aayado
    70%

    11Oo wiilashiinnii waxaan ka kiciyey nebiyo, oo barbaarradiinniina waxaan ka kiciyey kuwa Nadiirrada ah ee Ilaah loo soocay. Dadka Israa'iilow, sow saas ma aha? ayaa Rabbigu leeyahay.

    12Laakiinse idinku Nadiirradii waxaad siiseen khamri ay cabbaan, oo nebiyadiina intaad amarteen ayaad ku tidhaahdeen, Innaba waxba ha sii sheegina.

  • Tir 30:9-10
    2 aayado
    70%

    9Laakiinse carmal laga dhintay, amase tii la furay, nidarkeeda iyo xataa waxa kastoo ay nafteeda ku xidhayba way taagnaan doonaan.

    10Oo hadday nidar gasho ama ay nafteeda dhaar ku xidho iyadoo guriga ninkeeda joogta,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Tir 5:11-12
    2 aayado
    69%

    11¶ Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    12Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin naagtiis isaga ka tagto oo ay ku xadgudubto,

  • Laaw 12:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii naagu ilmo uuraysato oo ay wiil dhasho, markaas intii toddoba maalmood ah waa inay nijaas ahaataa, oo waxay u nijaasoobaysaa siday nijaasta u ahayd maalmihii dhiiggeeda.

  • 14Iyadu waa inaanay cunin wax ka soo baxa geedcanab, oo yaanay cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna yaanay cunin; oo kulli wixii aan ku amray oo dhan ha dhawrto.

  • 69%

    17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    18Waxaad la hadashaa Haaruun iyo wiilashiisa iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama dadka shisheeyayaasha ah ee reer binu Israa'iil dhex deggan, markay keenaan qurbaankooda ay Rabbiga ugu bixinayaan qurbaan la gubo aawadiis, hadduu yahay nidarradooda midkood amase qurbaannadooda ikhtiyaarka ah,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Laaw 15:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

    2Dadka reer binu Israa'iil la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Haddii qof leeyahay dheecaan jidhkiisa ka soo dareero, dheecaankiisa aawadiis isagu waa nijaas.

  • Laaw 19:1-2
    2 aayado
    67%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2La hadal ururka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waa inaad quduus ahaataan, waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ahuba quduus baan ahay.

  • 16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

  • 6oo waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaaddo ah, iyo quruun quduus ah. Kuwanu waa erayada aad reer binu Israa'iil kula hadli doonto.

  • 6Reer Laawi ka dhex sooc reer binu Israa'iil oo iyaga daahiri.

  • 12¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 6Iyagu waa inay Ilaahooda quduus u ahaadaan, oo ayan wax nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahooda, waayo, iyagu waxay bixiyaan qurbaannadii Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo ah cuntada Ilaahooda, oo sidaas daraaddeed waa inay quduus ahaadaan.

  • 6Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 22Oo waa inayan guursan carmal laga dhintay ama la furay, laakiinse waa inay guursadaan bikrado reer binu Israa'iil farcankooda ah amase carmal wadaad qabi jiray.