85Oo miisaanka saxan kastaa oo lacag ah wuxuu ahaa boqol iyo soddon sheqel, oo kan maddiibad kastaana wuxuu ahaa toddobaatan sheqel, oo weelasha oo dhan lacagtoodu waxay ahayd laba kun iyo afar boqol oo sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.
86Oo laba iyo tobanka malqacadood oo dahabka ahna waxaa ka wada buuxay foox, oo mid kastaaba waxay ahayd toban sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah, oo malqacadaha oo dhan dahabkoodu wuxuu ahaa boqol iyo labaatan sheqel.
87Oo dibidii qurbaanka la gubo loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen laba iyo toban dibi, wanankuna waxay ahaayeen laba iyo toban wan oo waaweyn, iyo laba iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, waxaana la keenay qurbaankoodii hadhuudhka ahaa. Oo qurbaankii dembigana orgidii loo bixiyey waxay ahaayeen laba iyo toban,
88oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinada dibidii loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen afar iyo labaatan, wananka waaweynuna waxay ahaayeen lixdan, orgiduna waxay ahaayeen lixdan, wananka yaryar oo wada gu jirka ahuna waxay ahaayeen lixdan. Intaasu waa wixii daahirinta meesha allabariga loo bixiyey markii la subkay dabadeed.