Filiboy 3:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

inaan ogaado isaga iyo xoogga sarakiciddiisa iyo wadawadaagidda xanuunsigiisa, anigoo isaga xagga dhimashadiisa ugu ekaanaya,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 8:17 : 17 Oo haddaynu carruur nahay, de haddaba waxaynu nahay kuwo wax dhaxla, kuwo Ilaah dhaxla oo Masiix wax la dhaxla, haddii aynu isaga la xanuunsanno, in laynala ammaano isaga.
  • Room 6:3-9 : 3 Mise ma waydaan ogayn in kulli inteenna lagu baabtiisay Ciise Masiix dhexdiisa, lagu dhex baabtiisay dhimashadiisa? 4 Haddaba waxaynu isaga kula aasannay baabtiiska dhimashada dhexdeeda, in, sidii Masiixa kuwii dhintay loogaga sara kiciyey ammaanta Aabbaha, aan innaguna sidaas oo kale cusaybka nolosha ku dhex soconno. 5 Haddaynu isaga kula midownay dhimasho tiisa u eg, de sidaas oo kalena sarakicid tiisa u eg waynu kula midoobi doonnaa. 6 Waynu og nahay in dabiicaddeennii hore iskutallaabta lagula qodbay isaga, in jidhka dembigu baabba'o, si aynaan mar dambe addoommo ugu ahaan dembiga. 7 Waayo, kii dhintay dembi wuu ka xoroobay oo xaq baa laga dhigay. 8 Laakiinse haddaynu Masiixa la dhimannay, waxaynu rumaysan nahay inaynu haddana isaga la noolaan doonno. 9 Waynu og nahay in Masiixa oo kuwii dhintay ka sara kacay uusan mar dambe dhimanayn; dhimashadu mar dambe u talin mayso. 10 Waayo, dhimashaduu dhintay mar keliya ayuu xagga dembiga ka dhintay, laakiin noloshuu ku nool yahay, Ilaah buu u nool yahay. 11 Sidaas oo kalena idinku isku tiriya inaad dembiga u tihiin kuwo dhintay, oo aad Ilaah u tihiin kuwo nool xagga Ciise Masiix.
  • Gal 2:20 : 20 Waxaa iskutallaabta laygula qodbay Masiixa, laakiin weli waan noolahay. Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday.
  • Fil 3:8 : 8 Runtii anigu wax kasta ayaan khasaare ku tirinayaa wanaagga aqoonta aan aqaan Rabbigayga Ciise Masiix aawadiis, kaas oo aan aawadiis wax kasta ugu khasaaray, oo haatan waxaan ku tirinayaa inay yihiin qushaash inaan Masiix faa'iido ahaan u helo
  • 2 Tim 2:11-12 : 11 Hadalkanu waa dhab, Haddii aynu isaga la dhimannay, dee haddana waynu la noolaan doonnaa, 12 haddii aynu adkaysanno, dee haddana wax baynu la xukumi doonnaa; haddii aynu isaga inkirnona, dee isna wuu ina diidi doonaa;
  • 1 But 4:1-2 : 1 ¶ Mar haddii Masiixu jidhka ku xanuunsaday, idinkuna sidaas oo kale isu diyaariya, idinkoo isku maan ah; maxaa yeelay, kii jidhka ku xanuunsaday waa ka joogsaday dembiga, 2 si wakhtiga idiin hadhay oo aad jidhka ku nooshihiin aydnaan damacyada dadka mar dambe ugu noolaan, laakiinse aad ugu noolaataan doonista Ilaah.
  • 1 But 4:13-14 : 13 Laakiinse sidaad u tihiin kuwo ka qayb qaatay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsaday, farxa, inaad farxad aad u weyn ku faraxdaan marka ammaantiisa la muujiyo. 14 Haddii magaca Masiix aawadiis laydin caayo, waad barakaysan tihiin, maxaa yeelay, waxaa idin dul jooga Ruuxa ammaanta oo ah Ruuxa Ilaah.
  • Ef 1:19-21 : 19 iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa 20 ee uu kaga shaqeeyey Masiixii, goortuu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, oo uu fadhiisiyey meelaha jannada xagga midigtiisa. 21 Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya.
  • Kol 1:24 : 24 ¶ Haatan waxaan ku farxaa xanuunsigayga aan idiin xanuunsado, oo waxaan dhammaystiraa dhibaatooyinka Masiixa oo jidhkayga ku dhiman jidhkiisa aawadiis kaasoo ah kiniisadda.
  • 2 Kor 1:5 : 5 Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badan yahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogu badan yahay.
  • 2 Kor 4:10-13 : 10 Mar walba jidhkaannu ku sidnaa dhimashada Ciise in haddana nolosha Ciise ay jidhkayaga ka muuqato. 11 Waayo, annagoo nool waxaa weligayo lanoo bixiyaa dhimasho Ciise aawadiis, in haddana nolosha Ciise ka muuqato jidhkayaga dhimanaya. 12 Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa. 13 Waxaannu leennahay isku ruuxa ee rumaysadka, sida qoran, waan rumaystay, taas aawadeed ayaan u hadlay; annaguna waan rumaysannaa, taas aawadeedna waannu u hadallaa.
  • Room 8:29 : 29 Waayo, kuwuu hore u yiqiin wuxuu haddana hore ugu doortay inay u ekaadaan suuradda Wiilkiisa, inuu isagu curad ku noqdo walaalo badan dhexdood.
  • Yoox 11:25-26 : 25 Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa. 26 Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay?
  • 2 Kor 13:4 : 4 Waayo, isagoo itaaldaran ayaa iskutallaabta lagu qodbay, laakiin wuxuu ku nool yahay xoogga Ilaah. Annaguba isaga waannu la itaal yar nahay, laakiin isagaannu xaggiinna kula noolaan doonnaa xoogga Ilaah.
  • 1 Yoox 2:3 : 3 Oo taas ayaynu ku garanaynaa inaynu naqaan isaga, haddaynu qaynuunnadiisa adkayno.
  • 1 But 1:3 : 3 ¶ Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Naxariistiisa badan aawadeed ayuu mar kale ina dhalay inaynu rajo nool ku helno sarakiciddii Ciise Masiix ka soo sara kacay kuwii dhintay,
  • Kol 3:1 : 1 ¶ Haddaba haddii laydinla soo sara kiciyey Masiix, doondoona waxyaalaha korka yaal, meesha uu Masiixu joogo, isagoo fadhiya midigta Ilaah.
  • 1 Yoox 2:5 : 5 Laakiin kan ereygiisa adkeeya, runtii, Ilaah jacaylkiisu wuu ku dhan yahay isaga. Taas aynu ku garanaynaa inaynu isaga ku jirno.
  • Muj 1:18 : 18 iyo kan nool. Anigu waan dhintay, oo bal eeg, waan noolahay tan iyo weligayba, oo waxaan haystaa furayaasha dhimashada iyo Haadees.
  • Yoox 10:18 : 18 Ninna igama qaado, laakiin anaa iska bixiya. Waxaan leeyahay amar aan ku bixiyo, waanan leeyahay amar aan haddana ku soo qaato. Amarkan waxaan ka helay Aabbahay.
  • 2 Kor 1:10 : 10 Isagaa naga samatabbixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samatabbixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samatabbixin doono;
  • Ef 4:13 : 13 ilaa aynu wada gaadhno midnimada rumaysadka iyo aqoonta Wiilka Ilaah oo aynu noqonno dad waaweyn xagga qiyaasta koridda ee buuxnaanta Masiixa.
  • Yoox 17:3 : 3 Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.
  • Fal 2:31-38 : 31 wuxuu hore u arkay oo ka hadlay Masiixa sarakiciddiisa inaan isaga Haadees lagu dayn, jidhkiisuna qudhun arag. 32 Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay. 33 Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan. 34 Maxaa yeelay, Daa'uud samooyinka kor uma aadin; laakiin isaga qudhiisaa leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso 35 Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo. 36 ¶ Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen. 37 ¶ Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa? 38 Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.
  • Mat 20:23 : 23 Wuxuu ku yidhi, Runtii koobkayga waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa, laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu malihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa Aabbahay u diyaargareeyey.
  • 1 Kor 15:21-23 : 21 Dhimashadu nin bay ku timid, saas aawadeed sarakicidda kuwii dhintayna nin bay ku timid. 22 Siday dhammaan Aadan ugu wada dhintaan, sidaas oo kalaa dhammaan Masiixa loogu wada noolayn doonaa, 23 laakiin mid kasta markiisa, Masiixa midhaha ugu horreeya, markaas kuwa Masiixana wakhtiga imaatinkiisa.
  • Room 8:10-11 : 10 Oo haddii Masiixu idinku dhex jiro, jidhku waa meyd dembiga aawadiis; laakiinse ruuxu waa nolosha xaqnimada aawadeed. 11 Laakiin haddii Ruuxii kii Ciise kuwii dhintay ka soo sara kiciyey idinku dhex jiro, kii Ciise Masiix kuwii dhintay ka soo sara kiciyey, jidhkiinna dhimanayana wuxuu ku noolayn doonaa Ruuxiisa idinku dhex jira.
  • Yoox 5:21-29 : 21 Sida Aabbuhu kuwa dhintay u kiciyo oo u nooleeyo ayuu Wiilkuna sidaas oo kale u nooleeyaa kuwuu doonayo. 22 Aabbuhu ninna ma xukumo, laakiin xukunka oo dhan wuxuu siiyey Wiilka, 23 in dadka oo dhammu Wiilka maamuuso siday Aabbaha u maamuusaan. Kii aan Wiilka maamuusi, ma maamuuso Aabbaha soo diray. 24 ¶ Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii ereygayga maqla oo rumaysta kii i soo diray, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, xukunna geli maayo, laakiin dhimashadii ayuu ka soo gudbay oo nolosha u soo gudbay. 25 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Saacaddu waa imanaysaa, waana joogtaa, markii kuwii dhintay codkii Wiilka Ilaah ay maqli doonaan, oo kuwa maqlaana way noolaan doonaan. 26 Sida Aabbuhu nolol isugu leeyahay, sidaasuu Wiilka u siiyey inuu nolol isugu lahaado. 27 Wuxuuna siiyey amar uu wax ku xukumo, maxaa yeelay, waa Wiilka Aadanaha. 28 Taas ha la yaabina, waayo, saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan, 29 wayna ka soo bixi doonaan, kuwa wanaagga falay ilaa sarakicidda nolosha, kuwa sharka falayna ilaa sarakicidda xukunka.
  • Kol 2:13 : 13 Idinkoo ku dhintay xadgudubyadiinnii iyo buuryoqabnimadii jidhkiinna ayuu weliba isaga idinla soo noolaysiiyey, isagoo inaga cafiyey xadgudubyadeennii oo dhan.
  • 1 Tes 4:14-15 : 14 Waayo, haddaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay Ilaah la keeni doonaa isaga. 15 Waayo, tan waxaannu idiinku leennahay ereyga Rabbiga in kuweenna nool oo hadha ilaa imaatinka Rabbiga, sinaba ugama hor mari doonno kuwii dhintay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fil 3:11-15
    5 aayado
    85%

    11si kasta ha ahaatee haddii aan gaadhi karo sarakicidda kuwii dhintay.

    12Mana aha inaan hore u helay amase hore la ii kaamilay, laakiinse waan ku sii dadaalayaa inaan qabsado wixii Ciise Masiix ii qabtay.

    13Walaalahayow, anigu ku tirin maayo inaan aniga qudhaydu weli qabsaday, laakiinse wax keliya ayaan samaynayaa, waxyaalihii iga dambeeyey intaan illoobo ayaan waxaan laacayaa waxyaalaha iga horreeya.

    14Anigu waxaan dadaal ugu roorayaa xagga goolka iyo ilaa abaalgudka yeedhista sare oo Ilaah oo ah xagga Ciise Masiix.

    15Sidaas daraaddeed in alla inteennii kaamil ahu aan sidaas ku fikirno, oo haddii aad si kala duwan wax kaga fikirtaan, xataa waxaas Ilaah baa idiin muujin doona.

  • Fil 3:7-9
    3 aayado
    79%

    7Habase yeeshee waxyaalihii faa'iidada ii ahaa kuwaas Masiixa aawadiis ayaan khasaare ku tiriyey.

    8Runtii anigu wax kasta ayaan khasaare ku tirinayaa wanaagga aqoonta aan aqaan Rabbigayga Ciise Masiix aawadiis, kaas oo aan aawadiis wax kasta ugu khasaaray, oo haatan waxaan ku tirinayaa inay yihiin qushaash inaan Masiix faa'iido ahaan u helo

    9oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo,

  • 30idinkoo ku dadaalaya isku dadaalkii aad igu aragteen oo haatanna aad igu maqashaan.

  • Ef 3:18-19
    2 aayado
    73%

    18inaad jacayl xidid iyo aasaas ku yeelataan, iyo inaad u xoogaysataan si aad quduusiinta oo dhan ula garataan waxa ay yihiin ballaadhka iyo dhererka iyo korudheerida iyo hoosudheerida,

    19iyo inaad ogaataan jacaylka Masiixa oo aqoonta dhaafa, si ay idiinka buuxsanto Ilaah buuxnaantiisa oo dhammu.

  • Room 6:3-5
    3 aayado
    73%

    3Mise ma waydaan ogayn in kulli inteenna lagu baabtiisay Ciise Masiix dhexdiisa, lagu dhex baabtiisay dhimashadiisa?

    4Haddaba waxaynu isaga kula aasannay baabtiiska dhimashada dhexdeeda, in, sidii Masiixa kuwii dhintay loogaga sara kiciyey ammaanta Aabbaha, aan innaguna sidaas oo kale cusaybka nolosha ku dhex soconno.

    5Haddaynu isaga kula midownay dhimasho tiisa u eg, de sidaas oo kalena sarakicid tiisa u eg waynu kula midoobi doonnaa.

  • 23Wax kasta waxaan u sameeyaa injiilka aawadiis, si aan u noqdo mid injiilka la qaybsada iyaga.

  • Fil 1:19-23
    5 aayado
    72%

    19Waayo, waxaan ogahay in taasu badbaado ay iigu noqonayso xagga ducadiinna iyo caawimaadda Ruuxa Ciise Masiix,

    20sida aan aad iyo aad u filanayo oo u rajaynayo, inaanan waxba ku ceeboobin, laakiinse siday weligeed ahaan jirtay in haddeerna dhiirranaan oo dhan Masiixa lagu ammaano jidhkayga, hadday tahay nolol iyo hadday tahay dhimashoba.

    21¶ Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa'iido.

    22Laakiinse inaan jidhka ku sii noolaado, hadday taasu tahay midhaha hawshayda, waxaan doorto garan maayo.

    23Laakiinse anigu labada dhexdoodaan ku dhibtoonayaa, oo waxaan jeclahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay iigu roon tahay,

  • 24¶ Haatan waxaan ku farxaa xanuunsigayga aan idiin xanuunsado, oo waxaan dhammaystiraa dhibaatooyinka Masiixa oo jidhkayga ku dhiman jidhkiisa aawadiis kaasoo ah kiniisadda.

  • Gal 2:19-20
    2 aayado
    72%

    19Anigu sharcigaan ugu dhintay xagga sharciga inaan Ilaah u noolaado.

    20Waxaa iskutallaabta laygula qodbay Masiixa, laakiin weli waan noolahay. Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday.

  • Fil 1:10-13
    4 aayado
    72%

    10inaad waxyaalaha wanaagsan tijaabisaan, oo aad daacad iyo ceeb ka saliin ahaataan ilamaa maalinta Masiixa,

    11idinkoo ay midhaha xaqnimadu idinka buuxaan, kuwaas oo Ciise Masiix ku yimaada, oo Ilaah u ah ammaan iyo mahad.

    12¶ Haddaba, walaalayaalow, waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan in waxyaalihii igu dhacay ay injiilka horumar u noqdeen,

    13sidaas daraaddeed waxaa askartii boqorka iyo kuwa kale oo dhanba u wada muuqday inaan Ciise Masiix aawadiis u xidhnahay.

  • 21Isagu wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado jidhkiisa ammaanta leh, oo wuxuu ku beddelayaa xoogga uu isagu ku awoodo inuu wax kastaba isaga hoosaysiiyo.

  • 8oo markuu nin u ekaaday, ayuu is-hoosaysiiyey oo addeecay inuu dhinto, xataa inuu iskutallaabta ku dhinto.

  • 13Sidaas daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaydnaan ku qalbi jabin dhibaatooyinkayga aan daraaddiin u maray, waayo, taasu waa idiin ammaan.

  • 10inaad u socotaan si Rabbiga istaahisha oo aad wax kasta isaga kaga farxisaan, idinkoo midho ku soo saaraya shuqul kasta oo wanaagsan oo ku sii kordhaya aqoonta Ilaah.

  • 3Waayo, idinku waad dhimateen, oo noloshiinnuna Masiixay kula qarsoon tahay Ilaah.

  • 10Mar walba jidhkaannu ku sidnaa dhimashada Ciise in haddana nolosha Ciise ay jidhkayaga ka muuqato.

  • Ef 3:3-4
    2 aayado
    71%

    3iyo sida qarsoodigii laygu ogeysiiyey wixii la ii muujiyey, sidii aan mar hore dhawr eray idiinku soo qoray.

    4Markaad akhridaan waxaad ogaan karaysaan garashadayda xagga qarsoodiga Masiixa,

  • 10¶ Laakiinse adigu waxaad raacday waxbariddayda, iyo socodkayga, iyo qasdigayga, iyo rumaysadkayga, iyo dulqaadashadayda, iyo jacaylkayga, iyo samirkayga,

  • 13Wax walba waan ku samayn karaa gargaarkiisa kan i xoogeeya.

  • 4in kastoo aan aniga qudhayduba jidhka ku kalsoonahay, haddii nin u malaynayo inuu jidhka ku kalsoon yahay anigu waan ka sii daranahay.

  • 27¶ Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka,

  • 10Sidaa aawadeed waxaan ku farxaa itaaldarrooyin iyo hadallo cay ah iyo baahiyo iyo silecyo iyo dhibaatooyin Masiix aawadiis, waayo, markaan itaal daranahay, ayaan xoog badnahay.

  • 13Laakiinse sidaad u tihiin kuwo ka qayb qaatay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsaday, farxa, inaad farxad aad u weyn ku faraxdaan marka ammaantiisa la muujiyo.

  • 14Laakiinse yaanay noqon inaan wax kale ku faano iskutallaabta Rabbigeenna Ciise Masiix mooyaane, tan dunidu iigu musmaarantay, anna aan dunida ugu musmaarmay.

  • 29Taas ayaan u hawshoodaa anigoo aad u dadaalaya sida uu yahay shuqulkiisa si xoog leh igaga dhex shaqeeyaa.

  • 18¶ Waxaan ku tirinayaa in waxyaalaha wakhtigan la joogo lagu xanuunsadaa ayan istaahilin in lala simo ammaanta iman doonta oo laynoo muujin doono.

  • 10Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah,

  • 31Faanka aan idiin qabo xagga Rabbigeenna Ciise Masiix ayaan ku caddaynayaa, walaalayaalow, inaan maalin walba dhinto.

  • 8Sidaas daraaddeed ha ka xishoon u markhaatifuridda Rabbigeenna ama aniga oo isaga maxbuus u ah, laakiinse dhibaatada injiilka kaga qayb qaado xoogga Ilaah.

  • 17in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.

  • 3Oo waxaan garanayaa ninkaas, laakiin inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan.

  • 10Haddaba wax walba waxaan ugu adkaystaa kuwa la doortay aawadood inay iyana helaan badbaadada ammaanta weligeeda leh oo ku jirta Ciise Masiix.