Maahmaahyadii 12:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Nin xaq ahu waa u tudhaa neefkiisa, Laakiinse kuwa sharka leh naxdintoodu waa naxariisla'aan oo keliya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 25:4 : 4 ¶ Waa inaadan dibiga af xidhin markuu sarreenka burburinayo.
  • Yoox 4:11 : 11 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waxaad biyo ku dhaansato ma haysatid, ceelkuna wuu dheer yahay. Haddaba xaggee baad ka helaysaa biyaha nool?
  • Yac 2:13-16 : 13 Xukunku naxariis uma leh kii aan dadka u naxariisan; naxariistu way ka faantaa xukunka. 14 ¶ Maxay tartaa, walaalahayow, haddii nin yidhaahdo, Rumaysad baan leeyahay, laakiin aanu shuqullo lahayn? Rumaysadku ma badbaadin karaa isaga? 15 Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin, 16 oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa?
  • 1 Yoox 3:17 : 17 Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga?
  • Yoox 19:31-32 : 31 ¶ Sidaa daraaddeed Yuhuuddii, inaan meydadku sabtida iskutallaabaha sii saarnaan, waxay Bilaatos ka baryeen in lugaha laga jebiyo oo meydadka la qaado, waayo, waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, oo maalinta sabtidaas waxay ahayd maalin weyn. 32 Haddaba askartii waa timid, oo ay lugaha ka jebiyeen kii hore iyo kii kale oo iskutallaabaha lagula qodbay isaga.
  • Xaak 1:7 : 7 Markaasaa Adonii Beseq wuxuu yidhi, Toddobaatan boqor oo suulashoodii gacmaha iyo kuwoodii lugahu ka go'an yihiin ayaa cuntadooda ka urursan jiray miiskayga hoostiisa; oo sidii aan yeelay ayaa Rabbigu ii abaalmariyey. Markaasay isagii keeneen Yeruusaalem, oo halkaasuu ku dhintay.
  • 1 Sam 11:2 : 2 Markaasaa Naaxaash oo ahaa reer Cammoon wuxuu iyagii ku yidhi, Sabab keliya ayaan axdi idinkula samaysanayaa, taasuna waa anigoo isha midigta idinka wada bixiya si aan u ceebeeyo reer binu Israa'iil oo dhan.
  • Bil 33:13-14 : 13 Markaasuu ku yidhi isagii, Sayidkaygiiyow, waad og tahay in carruurtu ay tabar daranyihiin, adhiga iyo lo'dana waa la nuugaa; oo haddii maalin keliya aad loo sii kaxeeyo, de adhigu waa wada dhimanayaa. 14 Sayidkaygiiyow, waan ku baryayaaye, iga hor mar anigoo addoonkaaga ah, oo anna aayar baan soo kaxayn, anoo fiirinaya tallaabada xoolaha i hor jooga, iyo tallaabada carruurta, ilaa aan Seciir kuugu imaado, sayidkaygiiyow.
  • Bil 37:26-28 : 26 Markaasuu Yahuudah ku yidhi walaalihiis, Maxaa faa'iido inoogu jirta, haddaynu walaalkeen dilno oo aynu dhiiggiisa qarinno? 27 Kaalaya, aynu reer Ismaaciil ka iibinnee, oo yeynan isaga far saarin, maxaa yeelay, isagu waa walaalkeen, waana jidhkeenna. Walaalihiisna way maqleen isagii. 28 Oo waxaa ag maray niman reer Midyaan ah, oo baayacmushtariyaal ah. Markaasay Yuusuf soo jiideen oo ceelkii ka soo bixiyeen, oo waxay Yuusuf kuwii reer Ismaaciil kaga iibiyeen labaatan xabbadood oo lacag ah. Oo iyana Yuusuf waxay keeneen Masar.
  • Tir 22:28-32 : 28 Markaasaa Rabbigu afka dameerta furay oo waxay Balcaam ku tidhi, War maxaan kugu sameeyey oo aad saddexdan jeer ii dishay? 29 Markaasaa Balcaam dameertii ku yidhi, Maxaa yeelay, adigu waad igu majaajilootay. Oo weliba waxaan jeclaan lahaa in seefu gacantayda ku jirto, waayo, waan ku dili lahaa hadda. 30 Markaasaa dameertii Balcaam ku tidhi, War sow ma ahi dameertaadii aad cimrigaaga oo dhan fuuli jirtay ilaa maantadan? Oo miyaan hore sidan oo kale weligay kugu sameeyey? Oo isna wuxuu ku yidhi, Maya. 31 Kolkaasaa Rabbigu Balcaam indhaha u furay oo wuxuu arkay malaa'igtii Rabbiga oo jidka dhex taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Markaasuu madaxa foororiyey oo sujuuday. 32 Kolkaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay isagii ku tidhi, War maxaad dameertaada u dishay saddexdan jeer? Bal eeg, anigu waxaan u soo baxay cadow ahaan, maxaa yeelay, jidkaagu hortayda waa ku qalloocan yahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 78%

    17Ninkii naxariis badanu naftiisuu wanaag u sameeyaa, Laakiinse kii aan naxariis lahaynu jidhkiisuu dhibaa.

    18Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah, Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.

  • 7Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.

  • 10¶ Haddii nin deriskiisa ammaano ugu dhiibto dameer ama dibi, ama lax amase neef uun, markaas hadduu dhinto, ama wax gaadhaan, ama la kaxaysto iyadoo aan la arkayn,

  • 18Oo ku alla kii neef xoolo ah dilaana waa inuu magaa, oo neef neef ku gudaa.

  • 12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

  • 10Kii shar leh waxaa ku dhici doona waxyaalo badan oo murug leh, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waxaa ku wareegsanaan doona naxariis.

  • 16Kuwa xaqa ah hawshoodu waxay u waddaa nolol, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa, dembi bay u sii kexeeyaan.

  • 4Ilaa goormuu dalku sii barooranayaa, oo uu waddanka oo dhan dooggiisu engegayaa? Xumaanta kuwa dhex deggan aawadeed ayaa xayawaankii iyo shimbirrihiiba wada baabbe'een, maxaa yeelay, dadku waxay yidhaahdeen, Isagu ugudambaystayada ma uu arki doono.

  • 6Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado, Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.

  • 32Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah, Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.

  • 71%

    26Kan xaqa ahu deriskiisuu hanuuniyaa, Laakiinse kuwa sharka leh jidkoodu wuu ambiyaa iyaga.

    27Ninkii caajis ahu ma dubto wuxuu soo ugaadhsaday, Laakiinse ninkii dadaala maalkiisu waa qaali.

    28Jidka xaqnimada nolol baa taal; Oo waddadeedana dhimasho kuma jirto.

  • Maah 10:2-3
    2 aayado
    71%

    2Qasnadaha sharnimadu faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.

    3Kii xaq ah naftiisu inay gaajooto Rabbigu u oggolaan maayo, Laakiinse doonista kuwa sharka leh ayuu ridaa.

  • 21Kii shar lahu wax buu amaahdaa, mana bixiyo mar dambe, Laakiinse kan xaqa ahu wuu naxariistaa, waxna wuu bixiyaa.

  • 71%

    31Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.

    32Kii shar leh waxaa lagu afgembiyaa sharnimadiisa, Laakiinse kan xaqa ahu rajuu leeyahay markuu dhinto.

  • 2Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa. Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa.

  • 21Kii xaqnimo iyo naxariis raacaa Wuxuu helaa nolol iyo xaqnimo iyo sharaf.

  • 10Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa, Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa, Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.

  • 11Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

  • 70%

    11Kii dhulkiisa beertaa cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa waa garaad daranyahay.

    12Kan sharka lahu wuxuu damcaa dabinka xumaanfalayaasha, Laakiinse xididka kuwa xaqa ahu midhuu dhalaa.

  • 23Kuwa xaqa ah waxay doonayaan wanaag keliya, Laakiinse kuwa sharka ah filashadoodu waa cadho.

  • 10Kii shar leh naftiisu xumaan bay doonaysaa, Oo deriskiisuna raallinimo kama helo hortiisa.

  • 23Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga, Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.

  • 10Dhiigyocabyadu kii kaamil ah way neceb yihiin, Laakiinse kuwa qumman waxay doondoonaan inay naftiisa badbaadshaan.

  • 15Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.

  • 1Kuwa sharka lahu waxay cararaan iyadoo aan ciduna eryanayn, Laakiinse kuwa xaqa ahu waxay u dhiirran yihiin sida libaax oo kale.

  • 9Kii la fudaydsado oo midiidin lahu Waa ka wanaagsan yahay kii isweyneeya oo cunto u baahan.

  • 12Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah, Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.

  • 7Laakiinse haatan bal xayawaanka wax weyddii, oo iyana wax bay ku bari doonaan, Iyo haadka hawada, oo iyana wax bay kuu sheegi doonaan,

  • 5Kuwa xaqa ah fikirradoodu waa qumman yihiin, Laakiinse kuwa sharka leh taladoodu waa khiyaano.

  • 18Waxaan qalbigayga iska idhi, Waxaa Ilaah doonaya inuu binu-aadmiga u tijaabiyo inay ogaadaan inay xayawaan yihiin.

  • 16Inta yar oo mid xaq ahu haystaa Way ka sii wanaagsan tahay kuwa sharka leh maalkooda badan.

  • 16Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan, Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.

  • 26Waxaa jira kuwo maalinta oo dhan si hunguri weyn wax u damca, Laakiinse kii xaq ahu wax buu bixiyaa oo ma ceshado.

  • 10Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa, Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.

  • 10Oo isagu waa inuusan doorin, ama waa inuusan neef fiican mid xun ku beddelin, ama neef xun mid fiican ku beddelin, oo hadduu neef neef kale ku beddelo, markaas neefkii hore iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan.

  • 6Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

  • 21Kii deriskiisa quudhsadaa wuu dembaabaa, Laakiinse kii miskiinka u naxariistaa waa barakaysan yahay.

  • 21Oo kii neef xoolo ah dilaa waa inuu isagu magaa, kii qof dilase waa in isagana la dilaa.

  • 9Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.

  • 5Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya, Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.

  • 1¶ Kan xaqa ah wuu halligmaa, oo ninna qalbiga ma geliyo. Cibaadalaawayaashana waa la kexeeyey, oo ciduna ma garato in kan xaqa ah belaayada soo socota laga waday.

  • 10Waxaad sheegtaan inuu kan xaqa ah barwaaqaysnaan doono, waayo, iyagu waxay cuni doonaan midhihii falimahooda.

  • 25Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto, Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.

  • 9Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.