Maahmaahyadii 15:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kan xaqa ah qalbigiisu wuxuu ka fikiraa sida loo jawaabo, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu wuxuu shubaa waxyaalo shar ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 But 3:15 : 15 Rabbiga Masiixa ah qalbiyadiinna quduus kaga dhiga, oo mar kasta diyaar u ahaada inaad u jawaabtaan nin alla ninkii wax idinka weyddiiya sabab ku saabsan rajada aad leedihiin, laakiinse qabow iyo cabsi ugu jawaaba,
  • Maah 15:2 : 2 Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.
  • Maah 16:23 : 23 Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.
  • Maah 29:11 : 11 Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.
  • Maah 29:20 : 20 Ma aragtay nin hadalkiisa ku degdega? Kaas waxaa ka rajo roon nacas.
  • Wacd 5:2 : 2 Afkaaga ha ku degdegin, oo inaad Ilaah hortiisa wax kaga hadashid ha u dhaqsan, waayo, Ilaah samaduu joogaa, adna dhulkaad joogtaa, haddaba hadalkaagu ha yaraado.
  • Wacd 5:6 : 6 Afkaaga ha u oggolaan inuu jidhkaaga dembaajiyo, oo malaa'igta horteedana ha ka odhan, Qalad bay ahaayeen. Bal maxaad Ilaah codkaaga ugu cadhaysiisaa si uu shuqulka gacmahaaga u baabbi'iyo?
  • Wacd 10:12-14 : 12 Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan. 13 Erayada afkiisa bilowgoodu waa nacasnimo, oo dhammaadka hadalkiisuna waa waalli baas. 14 Nacasku hadalkiisa wuu badiyaa, waxa ahaan doona binu-aadmigu garan maayo, oo waxa dabadiis dhici doonana bal yaa u sheegi kara?
  • Mat 12:34 : 34 Dhal jilbisay, sidee baad wax wanaagsan ugu hadli karaysaan idinkoo shar leh? Waayo, afku wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.
  • Titus 1:10-11 : 10 ¶ Waayo, waxaa jira caasiyiin badan, iyo kuwa hadal xun ku hadla, iyo khaa'inno, oo khusuusan waa kuwa gudan. 11 Kuwaas afkooda waa in la xidho, maxaa yeelay, waa kuwa reero dhan gembiya iyagoo faa'iidada ceebta ah aawadeed u baraya waxyaalo aan waajib ahayn inay baraan.
  • Yac 3:6-8 : 6 Carrabkuna waa dab, waana dunida xaqdarrada. Carrabku wuxuu ku dhex jiraa xubnaheenna, waana kan wasakheeya jidhka oo dhan oo ololiya orodka abuurista, oo jahannamadu isagay ololisaa. 7 Cayn walba oo ah dugaag, iyo haad, iyo waxa bogga ku gurguurta, iyo waxa badda ku jiraba waa la rabbeeyaa, oo waxaa lagu rabbeeyey dabiicadda dadka. 8 Laakiin ninna ma rabbayn karo carrabka; waa shar rogrogmada, oo waxaa ka buuxda sunta wax disha.
  • 2 But 2:18 : 18 Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta;
  • 1 Boq 3:23-28 : 23 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Midu waxay leedahay, Kan noolu waa wiilkaygii, kan dhintayna waa wiilkaagii; tan kalena waxay leedahay, Maya, laakiinse wiilkaagii waa kan dhintay, wiilkaygiise waa kan nool. 24 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal seef ii keena. Kolkaasay boqorkii seef u keeneen. 25 Oo haddana boqorkii wuxuu yidhi, Ilmaha nool laba u kala qaybiya, oo middood badh siiya, badhka kalena tan kale siiya. 26 Markaasaa naagtii wiilka nool lahayd boqorkii la hadashay oo ku tidhi, Sayidow, wiilka nool iyada sii, laakiinse sinaba ha u dilin, waayo, waxay u calool jilicsanaatay wiilkeeda. Laakiinse tii kale waxay tidhi, Anigu yeelan maayo, adna yeelan maysid ee qaybi. 27 Markaasaa boqorkii wuxuu ku jawaabay, Wiilka nool iyada siiya oo hana dilina, maxaa yeelay, iyadu waa hooyadiis. 28 Oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuna way wada maqleen xukunkii boqorku wax ku xukumay, wayna ka baqeen boqorkii; maxaa yeelay, waxay arkeen in xigmaddii Ilaah ku jirto si uu wax u xukumo.
  • Maah 10:19 : 19 Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.
  • Maah 13:16 : 16 Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 30Kan xaqa ah afkiisu wuxuu ka hadlaa xigmadda, Carrabkiisuna wuxuu ku hadlaa caddaaladda.

  • 79%

    31Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.

    32Kan xaqa ah bushimahiisu waxay yaqaaniin waxa la aqbali karo, Laakiinse kan sharka leh afkiisu qallooc buu ku hadlaa.

  • 11Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

  • 20Kii xaq ah carrabkiisu waa sida lacag la doortay, Laakiinse kuwa sharka leh qalbigoodu waa qiimo yar yahay.

  • Maah 15:1-2
    2 aayado
    77%

    1Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa, Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.

    2Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.

  • Maah 12:5-6
    2 aayado
    76%

    5Kuwa xaqa ah fikirradoodu waa qumman yihiin, Laakiinse kuwa sharka leh taladoodu waa khiyaano.

    6Kuwa sharka leh erayadoodu waa gabbasho ay u gabbadaan si ay dhiig u daadiyaan, Laakiinse kuwa qumman afkooda ayaa samatabbixin doona.

  • Maah 15:6-7
    2 aayado
    76%

    6Kan xaqa ah gurigiisa khasnad weyn baa taal, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa waa dhib.

    7Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.

  • 29Rabbigu kuwa sharka leh wuu ka fog yahay, Laakiinse kuwa xaqa ah baryadooduu maqlaa.

  • 23Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.

  • 4Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.

  • 28Markhaatigii waxmatare ahu gartuu quudhsadaa, Oo kan sharka leh afkiisuna wuxuu liqaa xumaan.

  • 6Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

  • 7Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.

  • 2Waayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad, Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.

  • 14Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa, Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.

  • Mat 12:34-35
    2 aayado
    73%

    34Dhal jilbisay, sidee baad wax wanaagsan ugu hadli karaysaan idinkoo shar leh? Waayo, afku wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.

    35Ninka wanaagsani wuxuu maalka wanaagsan ka soo saaraa wax wanaagsan, kan sharka lihina wuxuu maalka sharka leh ka soo saaraa wax shar ah.

  • 23Kuwa xaqa ah waxay doonayaan wanaag keliya, Laakiinse kuwa sharka ah filashadoodu waa cadho.

  • 12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

  • 29Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.

  • 45Ninka wanaagsan wuxuu maalka wanaagsan oo qalbiga ku jira ka soo saaraa wax wanaagsan; kan sharka lehna wuxuu sharka ka soo saaraa wax shar ah; waayo, afkiisu wuxuu ku hadlaa waxa qalbiga ku badan.

  • Maah 8:6-7
    2 aayado
    72%

    6I maqla, waayo, waxaan ku hadlayaa waxyaalo wanaagsan, Oo waxaan bushimaha u kala qaadayaa waxyaalo qumman.

    7Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa; Oo bushimahayguna shar bay karhaan.

  • 26Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa, Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.

  • 20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

  • 1Qalbiga qasdiyadiisa dadkaa leh, Laakiinse carrabka jawaabtiisu xagga Rabbigay ka timaadaa.

  • 72%

    12Kan sharka lahu wuxuu damcaa dabinka xumaanfalayaasha, Laakiinse xididka kuwa xaqa ahu midhuu dhalaa.

    13Kan sharka leh waxaa u dabin ah xadgudubka bushimihiisa, Laakiinse kan xaqa ahu dhibaatada wuu ka bixi doonaa.

  • 23Ninkii shar lahu laabtuu laaluush ka qaataa, Si uu jidadka garta u qalloociyo.

  • 18Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa, Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega, Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.

  • 30Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.

  • 32Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah, Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.

  • 21Kii shar lahu wax buu amaahdaa, mana bixiyo mar dambe, Laakiinse kan xaqa ahu wuu naxariistaa, waxna wuu bixiyaa.

  • 13Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan, Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.

  • 5Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay, Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.

  • 25Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto, Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.

  • 18Kan sharka lahu wuxuu shaqaystaa mushahaaro khiyaano miidhan ah, Laakiinse kii xaqnimada beeraa wuxuu heli doonaa abaalgud la hubo.

  • 3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.

  • 28Markii kuwa sharka lahu kacaan dadku waa dhuuntaa, Laakiinse markay halligmaan, kuwa xaqa ahu way sii kordhaan.

  • 18Laakiin waxa afka ka soo baxaa, qalbigay ka yimaadaan; oo kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa.

  • 26Waxaa jira kuwo maalinta oo dhan si hunguri weyn wax u damca, Laakiinse kii xaq ahu wax buu bixiyaa oo ma ceshado.

  • 27Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa, Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.

  • 21Sharna kan xaqa ah ku dhici maayo, Laakiinse kuwa sharka leh xumaan baa ka buuxsami doonta.

  • 12Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah, Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.

  • 17Kii runta ku hadlaa wuxuu muujiyaa xaqnimada, Laakiinse markhaatiga beenta ahu wuxuu muujiyaa khiyaanada.

  • 26Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale.