Sabuurradii 102:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Carruurta addoommadaadu way sii jiri doonaan, Oo farcankooduna hortaaday ku xoogaysan doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 45:16-17 : 16 Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada, Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto. 17 Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto, Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.
  • Sab 69:35-36 : 35 Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa, Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan. 36 Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa, Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.
  • Sab 89:4 : 4 Farcankaaga weligayba waan sii adkayn doonaa, Oo carshigaaguna wuu dhisnaan doonaa tan iyo ka ab ka ab. (Selaah)
  • Sab 90:16-17 : 16 Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada, Ammaantaaduna carruurtooda. 17 Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto, Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga, Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
  • Ish 53:10 : 10 ¶ Habase ahaatee waxaa Rabbigu raalli ka noqday inuu isaga nabareeyo. Wuxuu isaga ku riday xanuun. Markaad naftiisa qurbaan dembi ka dhigtid ayuu arki doonaa farcankiisii, cimrigiisuna waa dheeraan doonaa, oo Rabbiga doonistiisuna gacantiisay ku liibaani doontaa.
  • Ish 59:20-21 : 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bixiye baa u iman doona Siyoon iyo kuwa reer Yacquub ee xadgudubka ka leexdaba. 21 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa axdigayga aan iyaga la dhigan doono. Ruuxayga ku kor jooga iyo erayadaydii aan afkaaga ku riday innaba afkaaga, iyo afka farcankaaga, iyo afka farcankaaga farcankiisa toona hadda ka dib iyo tan iyo weligeedba kama tegi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Ish 65:22 : 22 Si uu mid kale u dego, guryo ma ay dhisi doonaan, oo si uu mid kale u cuno, beero ma ay beeran doonaan, waayo, dadkayga cimrigiisu wuxuu ahaan doonaa sidii geed cimrigiis, oo kuwayga aan doortayna wakhti dheer ayay shuqulka gacmahooda ku farxi doonaan.
  • Ish 66:22 : 22 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida samooyinka cuscusub iyo dhulka cusub oo aan samayn doono ay hortayda ugu raagi doonaan, ayaa farcankiinna iyo magiciinnuba hortayda ugu raagi doonaan.
  • Sab 22:30-31 : 30 Farcan baa isaga u adeegi doona, Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona. 31 Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    25Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay, Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga.

    26Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa, Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale, Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan,

    27Laakiinse adigu isku si uun baad tahay had iyo goorba, Oo sannadahaaguna ma idlaan doonaan.

  • 4Farcankaaga weligayba waan sii adkayn doonaa, Oo carshigaaguna wuu dhisnaan doonaa tan iyo ka ab ka ab. (Selaah)

  • 78%

    10Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.

    11Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.

    12Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono, De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.

  • Sab 89:28-29
    2 aayado
    76%

    28Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda, Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.

    29Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara, Carshigiisana sida wakhtiga samada.

  • Sab 89:36-37
    2 aayado
    76%

    36Farcankiisu weligiisuu waari doonaa, Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa.

    37Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa, Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)

  • 6Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

  • 12Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa, Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.

  • 30Farcan baa isaga u adeegi doona, Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.

  • 16Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada, Ammaantaaduna carruurtooda.

  • 16Oo reerkaaga iyo boqortooyadaadaba waxaa laga dhigi doonaa kuwo weligood hortaada ku raaga, oo carshigaaguna weligiis wuu dhisnaan doonaa.

  • 25Oo waxay dhex degganaan doonaan dalkii aan addoonkaygii Yacquub siiyey, oo ay awowayaashiin degganaan jireen, oo weligoodba halkaasay degganaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, iyo carruurtooda carruurtooduba, oo addoonkaygii Daa'uudna weligiis amiirkoodii buu ahaan doonaa.

  • 2Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka, Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.

  • Sab 45:16-17
    2 aayado
    74%

    16Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada, Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.

    17Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto, Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.

  • 73%

    23Haddaba Rabbow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah, oo ku saabsanaa reerkayga, weligaa adkee oo sidaad ku hadashay yeel.

    24Oo magacaaguna ha xoogaysto oo ha weynaado weligiis, hana la yidhaahdo, Rabbiga ciidammadu waa Ilaaha reer binu Israa'iil, isagu wuxuu Ilaah u yahay reer binu Israa'iil, oo anoo addoonkaaga Daa'uud ah reerkaygu hortaaduu ku dhisan yahay.

  • 72%

    25Haddaba, Rabbow Ilaahow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah oo ku saabsanaa reerkayga weligaa adkee oo sidaad ugu hadashay yeel.

    26Oo magacaaguna ha weynaado weligiis, hana la yidhaahdo, Rabbiga ciidammadu waa Ilaaha u taliya reer binu Israa'iil, oo anoo addoonkaaga Daa'uud ah reerkayguna wuu ku dhismi doonaa hortaada.

  • 8Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa, Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin.

  • 6Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa, Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.

  • 13Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah, Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.

  • 36Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa, Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.

  • 17Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,

  • 2Carshigaagu wuxuu dhismay waa hore, Oo adiguna waxaad jirtay tan iyo weligaa.

  • 9Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee, Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.

  • 71%

    24Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay siday maantadan tahay.

    25Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan, oo ay hortayda ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.

  • 71%

    90Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab; Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.

    91Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan, Waayo, wax waluba waa addoommadaada.

  • 14laakiinse waxaan isaga dhex taagi doonaa weligiisba gurigayga iyo boqortooyadayda, oo carshigiisuna weligiis wuu dhisnaan doonaa.

  • 7Rabbiyow, waad dhawri doontaa, Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.

  • 4inuu Rabbigu oofiyo eraygiisii uu igaga hadlay, isagoo leh, Carruurtaadu hadday jidkooda dhawraan, oo ay qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhanba si run ah hortayda ugu socdaan, waayi maysid nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista.

  • 13Rabbiyow, magacaagu weligiisba wuu waaraa, Rabbiyow, xusuustaadu waxay gaadhaa qarni kasta.

  • 14Rabbigu aad iyo aad ha idiin kordhiyo, Idinka iyo carruurtiinnaba.

  • 7Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.

  • 71%

    11Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad awowayaashaa la jiri doonto sida waajibka ah, ayaan sara kicin doonaa farcankaaga kaa dambeeya oo wiilashaada midkood ahaan doona, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.

    12Oo isna guri buu ii dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshigiisa weligiis.

  • 12Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad la seexato awowayaashaa, farcankaaga kaa dambeeya oo kaa soo bixi doona ayaan sara kicin doonaa, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.

  • 19Rabbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa, Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa.

  • 29Haddaba, Sayidow, Rabbow, waan ku baryayaaye, anoo addoonkaaga ah, barakee reerkayga inuu weligiisba hortaada ku sii raago, waayo, adigaa taas ku hadlay, oo reerkayguna weligiis ha barakaysnaado.

  • 16Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin kaa dhasho oo carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan oo ay sharcigayga ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.

  • 18Tan waxaa loo qori doonaa farcanka soo socda, Oo dad la abuuri doono ayaa Rabbiga ammaani doona.

  • 19oo farcankiinnuna wuxuu ahaan lahaa sidii cammuudda oo kale, oo carruurtiinnuna waxay ahaan lahayd sidii ciidda oo kale. Magacooda lama gooyeen oo hortaydana lagama baabbi'iyeen.

  • 20Oo carruurtooduna waxay noqon doonaan sidii waayihii hore, oo ururkooduna hortayduu ku dhismi doonaa, oo kuwa iyaga dulma oo dhanna waan wada ciqaabi doonaa.