Sabuurradii 107:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo badbaadiyaa dhibaatooyinkooda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 30:8-9 : 8 Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga. 9 Bal markaan yamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta? Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa? 10 Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow. 11 Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar, Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad, 12 Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin. Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahadnaqayaa.
  • Sab 34:4-6 : 4 Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay, Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan. 5 Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen, Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo. 6 Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay, Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.
  • Sab 78:34-35 : 34 Markii uu iyaga laayay ayay isaga dooneen, Oo haddiiba way soo noqdeen oo Ilaah goor hore doondooneen. 35 Oo waxay xusuusteen in Ilaah ahaa dhagaxoodii weynaa, Iyo in Ilaaha ugu sarreeyaa uu ahaa Bixiyahooda.
  • Sab 107:6 : 6 Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban, Oo isna wuu ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii.
  • Sab 107:13 : 13 Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban, Oo isna wuu ka badbaadiyey dhibaatooyinkoodii.
  • Sab 107:28 : 28 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda.
  • Sab 116:4-8 : 4 Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi. 5 Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay. 6 Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa, Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay. 7 Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey. 8 Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid.
  • Yer 33:3 : 3 I bari, waanan kuu jawaabi doonaa, oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalo waaweyn oo qarsoon oo aadan aqoon.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 94%

    12Sidaas daraaddeed ayuu qalbigoodii daal ku soo dejiyey, Wayna dheceen, mid iyaga caawiyaana ma jirin.

    13Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban, Oo isna wuu ka badbaadiyey dhibaatooyinkoodii.

    14Wuxuu ka soo dhex bixiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada, Silsiladihii ku xidhnaana wuu kala jejebiyey.

    15Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!

  • Sab 107:5-8
    4 aayado
    92%

    5Way gaajoodeen, wayna harraadeen, Oo naftoodiina way ku dhex taag darnaatay.

    6Markaasay Rabbiga u qayshadeen iyagoo dhibban, Oo isna wuu ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii.

    7Oo weliba wuxuu iyagii ku hoggaamiyey jid toosan, Si ay u tagaan magaalo ay degaan.

    8Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!

  • 91%

    26Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka, Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed.

    27Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan, Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan.

    28Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda.

  • 81%

    20Wuxuu soo diraa eraygiisa, wuuna bogsiiyaa iyaga, Oo wuxuu ka samatabbixiyaa halligaaddooda.

    21Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!

    22Iyagu allabariga mahadnaqidda ha bixiyeen, Oo shuqulladiisa gabay ha ku sheegeen.

  • Sab 34:17-19
    3 aayado
    80%

    17Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.

    18Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan, Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.

    19Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin, Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.

  • 6Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay, Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.

  • 1Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.

  • 76%

    17Nacasyadu waxay u dhibban yihiin xadgudubkooda aawadiis, Iyo xumaatooyinkooda aawadood.

    18Naftoodu waxay nacdaa cunto kasta, Oo waxay ku soo dhowaadaan irdaha dhimashada.

  • 19Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo, Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.

  • 44Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii, Markuu qayladoodii maqlay,

  • Sab 37:39-40
    2 aayado
    75%

    39Kuwa xaqa ahse badbaadadoodu waa xagga Rabbiga, Oo wakhtiga dhibaatada isagu waa qalcaddooda.

    40Oo Rabbigu iyaguu caawiyaa, wuuna samatabbixiyaa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa kuwa sharka leh, wuuna badbaadiyaa, Maxaa yeelay, isagay magangaleen.

  • 41Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya, Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.

  • 10Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii, Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.

  • 39Oo haddana way sii dhinmaan, oo waxay la foororsadaan Dulmi iyo dhib iyo murug.

  • 27Sidaas daraaddeed waxaad gacanta u gelisay cadaawayaashoodii, oo iyana way dhibeen; oo markii ay dhibtoodeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo naxariistaada badan aawadeed waxaad siisay badbaadshayaal cadaawayaashooda ka badbaadshay.

  • Sab 116:3-4
    2 aayado
    73%

    3Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.

    4Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.

  • 5Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.

  • 2Kuwa Rabbigu soo furtay sidaas ha yidhaahdeen, Waana kuwa uu isagu ka soo furtay gacantii cadowga,

  • 47Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

  • 26Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,

  • 10Kuwii dhex fadhiyey gudcurkii iyo hooskii dhimashada, Oo ku xidhnaa dhibaatada iyo birta,

  • 16Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.

  • 13Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,

  • 31Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!

  • 4laakiinse markay cidhiidhi galeen ayay u soo jeesteen oo doondooneen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, wayna heleen.

  • 14Rabbiyow, i bogsii, oo anna waan bogsan doonaa, i badbaadi, oo anna waan badbaadi doonaa, waayo, adigu waxaad tahay ammaantaydii.

  • 35Oo waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi, Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

  • 2Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.

  • 12Oo markaasaa magaalooyinka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganuba waxay u tegi oo u qayshan doonaan ilaahyadii ay fooxa u shidi jireen, laakiinse iyagu innaba ma ay badbaadin doonaan wakhtiga ay dhibaataysan yihiin.

  • 13Rabbiga u gabya, oo Rabbiga ammaana, waayo, isagaa naftii miskiinka ka samatabbixiyey gacantii xumaanfalayaasha.

  • 19Kuwa isaga ka cabsada waxay doonayaanba wuu siin doonaa, Oo weliba qayladoodana wuu maqli doonaa, wuuna badbaadin doonaa iyaga.

  • 17Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi.

  • 16¶ Rabbiyow, markay dhibaataysnaayeen way ku doondooneen, oo markaad edbinaysayna aad bay kuu baryeen.

  • 1Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.

  • 9Rabbiyow, ina badbaadi, Oo Boqorku ha inoo jawaabo markii aynu u qayshanno.