Sabuurradii 115:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 4:28 : 28 Oo halkaas waxaad u adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin.
  • Ish 46:6-7 : 6 Kuwa dahab kolayga ka soo qubaa, oo lacagna kafadaha ku miisaamaa waxay soo kiraystaan dahabtume, oo isna wax ilaah ah buu ka dhigaa, markaasay u sujuudaan oo caabudaan. 7 Garbahooday ku qaadaan, oo way xambaaraan, oo meeshiisay qotomiyaan. Isna wuu iska taagnaadaa, oo meeshiisana innaba kama dhaqaaqo. Oo dadku way u qayshan doonaa, laakiinse isagu uma uu jawaabi karo, oo dhibkoodana kama uu badbaadin karo.
  • Yer 10:3-5 : 3 Waayo, dadyowga caadooyinkoodu waxtar ma leh, maxaa yeelay, mid baa kaynta geed ka soo jara, waana wax ay nin saanac ah gacmihiisu faas ku sameeyaan. 4 Waxaa lagu sharraxaa lacag iyo dahab, oo waxaa lagu dhuujiyaa musmaarro iyo dubbayaal, si uusan u dhaqdhaqaaqin. 5 Sanamyadaas waa sida geed timireed oo toosan, laakiinse ma ay hadlaan, oo waxay u baahan yihiin in la qaado, maxaa yeelay, ma ay socon karaan. Iyaga ha ka baqina, waayo, wax xun idinkuma samayn karaan, oo weliba innaba wax san ma samayn karaan.
  • Fal 19:26 : 26 Waxaad arkaysaan oo aad maqlaysaan in Bawloskanu sasabay oo jeediyey dad badan, oo aan kuwii Efesos oo keliya ahayn, laakiin kuwii joogay Aasiya badidood, isagoo leh, Ilaahyo gacmo lagu sameeyo, ilaahyo ma aha.
  • Ish 40:19-20 : 19 Ninkii saanac ahu sanam xardhan buu shubaa, oo dahabtumuhuna dahab buu ku dahaadhaa, oo wuxuu u tumaa silsilado lacag ah. 20 Kii miskiin ah oo aan qurbaan awoodi karinuse wuxuu doortaa geed aan bololi karin, oo wuxuu doondoontaa nin saanac ah oo hagaajiya sanam xardhan oo aan dhaqaaqi karin.
  • Ish 44:10 : 10 Bal yaa wax ilaah ah sameeyey, amase shubay sanam xardhan oo aan waxba tarayn?
  • Ish 44:20 : 20 Isagu wuxuu cunaa dambas, oo qalbigiisa la khiyaaneeyey ayaa isaga leexiyey, oo naftiisana ma uu samatabbixin karo, mana uu odhan karo, Sow gacantayda midig beenu kuma jirto?
  • Ish 46:1-2 : 1 ¶ Beel baa foororsada, Nebona wuu dhacaa, sanamyadoodu waxay kor saarnaadaan xayawaanka iyo lo'da. Waxyaalihii aad sidan jirteen waxaa laga dhigay rar la saaray neefkii daallanaa. 2 Way foororsadaan, oo dhammaantood way wada dhacaan, iyagu rarka ma ay samatabbixin karaan, laakiinse xataa iyaga qudhooda maxaabbiisahaan baa loo kaxaystaa.
  • Ish 42:17 : 17 Kuwa sanamyada xardhan isku halleeya, oo sanamyada la shubay ku yidhaahda, Idinku ilaahyadayada baad tihiin, dib baa loo sii jeedin doonaa, oo aad loo ceebayn doonaa.
  • 2 Boq 19:18 : 18 oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen.
  • Sab 97:7 : 7 Kuwa sanamyada la qoray u adeega Iyo weliba kuwa sanamyada ku faana oo dhammu ha ceeboobeen, Ilaahyada oo dhammow, isaga caabuda.
  • Sab 135:15-18 : 15 Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen. 16 Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan, 17 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Oo afkoodana neefu kuma jirto. 18 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.
  • Ish 37:19 : 19 oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen.
  • Fal 19:35 : 35 ¶ Markuu karaanigii magaaladu aamusiiyey dadkii badnaa, ayuu ku yidhi, Nimankiinan reer Efesosow, ninkee baan oqoon in magaalada Efesos ay tahay ta ilaalisa macbudka Di'anada weyn iyo sanamkii Yubiter ka soo dhacay?
  • 1 Kor 10:19-20 : 19 Haddaba maxaan leeyahay? Wax sanam loo sadqeeyo waa wax? Ama, sanam baa wax ah? 20 Laakiin waxyaalaha ay dadka aan Yuhuudda ahayn sadqeeyaan, waxay u sadqeeyaan jinniyo, ee Ilaah uma sadqeeyaan. Dooni maayo inaad jinniyada wax la wadaagtaan.
  • Hos 8:6 : 6 Waayo, xataa dadka Israa'iil ayaa kanu ka yimid, oo nin saanac ahu baa sameeyey, oo Ilaah ma aha. Hubaal weysha Samaariya waa la burburin doonaa.
  • Xab 2:18-20 : 18 ¶ Bal muxuu taraa sanamka xardhan, oo muxuu kii sameeyey u xardhay? Oo muxuu taraa sanamka la shubay oo ah macallinka beenta bara, oo kii sameeyey muxuu haddana isugu halleeyaa, waayo, waa sanamyo carrab la'. 19 Waxaa iska hoogay kii qoriga ku yidhaahda, Toos! oo dhagax carrab la' ku yidhaahda, Sara joogso! Kanu miyuu wax bari doonaa? Bal eega, waxaa lagu dahaadhay dahab iyo lacag, laakiinse innaba neefu kuma jirto. 20 Laakiinse Rabbigu waa ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, haddaba inta dhulka joogta oo dhammu ha ku hor aamuseen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 91%

    15Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen.

    16Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,

    17Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Oo afkoodana neefu kuma jirto.

    18Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.

  • 8¶ Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa sanamyo, oo waxay caabudaan shuqulkii gacmahooda, iyo wixii ay farahoodu sameeyeen.

  • Sab 115:7-8
    2 aayado
    80%

    7Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan, Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan, Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan.

    8Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.

  • 5Waxay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,

  • Ish 40:18-19
    2 aayado
    79%

    18Haddaba bal yaad Ilaah u ekaysiinaysaan? Amase masaalkee baad isaga kala mid dhigaysaan?

    19Ninkii saanac ahu sanam xardhan buu shubaa, oo dahabtumuhuna dahab buu ku dahaadhaa, oo wuxuu u tumaa silsilado lacag ah.

  • Ish 44:9-10
    2 aayado
    78%

    9Sanamyada la qoray kuwa sameeya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn, oo waxyaalaha ay jeclaadaanna faa'iido ma yeelan doonaan, oo markhaatiyaashooduna waxba ma arkaan, waxna ma oga, saas darteed way ceeboobi doonaan.

    10Bal yaa wax ilaah ah sameeyey, amase shubay sanam xardhan oo aan waxba tarayn?

  • 19oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen.

  • 6Kuwa dahab kolayga ka soo qubaa, oo lacagna kafadaha ku miisaamaa waxay soo kiraystaan dahabtume, oo isna wax ilaah ah buu ka dhigaa, markaasay u sujuudaan oo caabudaan.

  • Yer 10:14-15
    2 aayado
    77%

    14Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh.

    15Iyagu waa wax aan waxtar lahayn iyo shuqul lagu majaajilowdo, oo wakhtiga ciqaabiddoodana way wada baabbi'i doonaan.

  • 7Waayo, maalintaas nin kastaaba wuxuu iska xoori doonaa sanamyadiisii lacagta ahaa iyo sanamyadiisii dahabka ahaa oo ay gacmihiinnu dembi idiinku sameeyeen.

  • 18oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen.

  • Yer 51:17-18
    2 aayado
    76%

    17Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh.

    18Iyagu waa wax aan waxtar lahayn iyo shuqul lagu majaajilowdo, oo wakhtiga ciqaabiddoodana way wada baabbi'i doonaan.

  • Sab 115:2-3
    2 aayado
    76%

    2Bal maxay quruumuhu u odhanayaan, Haddaba Ilaahoodu meeh?

    3Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa, Oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.

  • 4Boqorray boqradeen, laakiinse iyagu ma aha kuwa aan amray, waxayna doorteen amiirro laakiinse anigu ma aan aqoonsan. Lacagtoodii iyo dahabkoodiiba ayay sanamyo ka samaysteen, oo sidaas darteed ayaa loo baabbi'in doonaa.

  • 28Oo halkaas waxaad u adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin.

  • 5Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.

  • 41Markaasay waxay wakhtigaas sameeyeen weyl, oo sanamkii waxay u keeneen allabari, oo waxay ku farxeen shuqulkii gacmahoodu sameeyeen.

  • Ish 44:17-18
    2 aayado
    75%

    17Oo intii ka hadhana wuxuu ka samaystaa wax ilaah ah oo ah xataa sanamkiisa xardhan, oo wuu u sujuudaa oo caabudaa, wuuna baryaa, oo wuxuu yidhaahdaa, I samatabbixi, waayo, adigu waxaad tahay ilaahayga.

    18Iyagu ma ay aqoon, mana ay garanayn, waayo, indhahoodii waa la xidhay si ayan waxba u arkin, oo qalbigoodiina si ayan waxba u garan.

  • 26Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.

  • 17waanad aragteen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa iyo sanamyadoodii ahaa qoryaha, iyo dhagaxa, iyo lacagta, iyo dahabka, oo iyaga dhex yiil,)

  • Xab 2:18-19
    2 aayado
    75%

    18¶ Bal muxuu taraa sanamka xardhan, oo muxuu kii sameeyey u xardhay? Oo muxuu taraa sanamka la shubay oo ah macallinka beenta bara, oo kii sameeyey muxuu haddana isugu halleeyaa, waayo, waa sanamyo carrab la'.

    19Waxaa iska hoogay kii qoriga ku yidhaahda, Toos! oo dhagax carrab la' ku yidhaahda, Sara joogso! Kanu miyuu wax bari doonaa? Bal eega, waxaa lagu dahaadhay dahab iyo lacag, laakiinse innaba neefu kuma jirto.

  • Yer 10:8-9
    2 aayado
    75%

    8Laakiinse iyagu dhammaantood waa doqonno iyo nacasyo, cilmigoodu waa wax aan waxtar lahayn, waayo, waa qori uun.

    9Lacag la tumay baa Tarshiish laga keenaa, oo dahabna Uufaas, waana nin saanac ah shuqulkiis, iyo wixii lacagshubuhu uu gacmihiisa ku sameeyey, oo dharkooduna waa buluug iyo guduud, oo dhammaantoodna waa nin saanac ah shuqulkiis.

  • 19Oo waxay Ilaahii Yeruusaalem uga hadleen siday uga hadleen ilaahyadii dadadka dunida, kuwaasoo ah wax dad gacanta ku sameeyey.

  • 8Oo isagu ma uu fiirin doono meelaha allabariga ee uu gacmihiisa ku sameeyey, umana uu jeedsan doono wixii ay farihiisu sameeyeen, kuwaasoo ah geedaha Asheeraah, iyo sanamyada qorraxda.

  • 29Bal eega, kulligood shuqulladoodu waa wax aan waxba ahayn, waana baabba' oo sanamyadooda la shubayna waa dabayl iyo wax aan micne lahayn.

  • 20Bal nin miyuu samaysan karaa ilaahyo aan Ilaah ahayn?

  • 2Oo haatan aad bay u sii dembaabaan, oo waxay lacagtooda ka samaysteen taswiiro la shubay kuwaasoo ah xataa sanamyo ay u samaysteen sida ay waxgarashadoodu tahay, oo dhammaantoodna waxaa weeye nin saanac ah sancadiis, oo waxay ka sheegaan, Dadka allabariga bixiya weylaha sanamyada ah ha dhunkadeen.

  • 20Oo maalintaas dadku sanamyadooda lacagta ah iyo sanamyadooda dahabka ah oo ay u samaysteen inay caabudaan waxay u tuuri doonaan jiirarka iyo fiidmeeraha,

  • 7Kuwa sanamyada la qoray u adeega Iyo weliba kuwa sanamyada ku faana oo dhammu ha ceeboobeen, Ilaahyada oo dhammow, isaga caabuda.

  • 4Waxaa lagu sharraxaa lacag iyo dahab, oo waxaa lagu dhuujiyaa musmaarro iyo dubbayaal, si uusan u dhaqdhaqaaqin.

  • 20¶ Oo dadkii hadhay oo aan lagu dilin saddexdaas belaayo, kama ay toobadkeenin shuqulladii gacmahooda, si ayan u caabudin jinniyo, iyo sanamyo dahab ah, iyo kuwo lacag ah, iyo kuwo naxaas ah, iyo kuwo dhagax ah, iyo kuwo qoryo ah, oo aan wax arki karin, waxna maqli karin, soconna karin;

  • 17Kuwa sanamyada xardhan isku halleeya, oo sanamyada la shubay ku yidhaahda, Idinku ilaahyadayada baad tihiin, dib baa loo sii jeedin doonaa, oo aad loo ceebayn doonaa.

  • 13Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna.

  • 18Oo sanamyaduna dhammaantood way wada baabbi'i doonaan.

  • 4Kolkaasuu gacmahooda ka guddoomay, oo wuxuu ku xardhay alaabta wax lagu xardho, wuxuuna ka sameeyey weyl dahab la shubay ah; oo waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.

  • 16Iyagu dhammaantood way ceeboobi doonaan oo giddigoodna way sharafjabi doonaan, oo kuwa sanamyo sameeya oo dhammu way wada qasmi doonaan.

  • 4Khamri bay cabbeen, oo waxay ammaaneen ilaahyadii dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta iyo qoryaha, iyo dhagaxa ahaa.