Sabuurradii 119:19
Socotaan dhulka ku ahay, Haddaba amarradaada ha iga qarin.
Socotaan dhulka ku ahay, Haddaba amarradaada ha iga qarin.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.
11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.
12Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
18Indhahayga fur Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
12Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig, Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin, Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.
20Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.
176Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon, Waayo, amarradaada ma aan illoobo.
114Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.
115Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.
143Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
17Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah, Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.
66Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
8Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.
39Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi, Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.
40Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.
15Kuwa reerkayga ku hoyda, iyo gabdhaha addoommahayga ahuba waxay igu tiriyaan shisheeye, Oo hortooda waxaan ku ahay ajanabi.
141Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.
33Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
34Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
35Igu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.
4Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.
5Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro!
6Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
22Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,
9Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.
43Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.
120Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.
159Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
20Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn, Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo.
27Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.
54Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.
131Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
60Waan u degdegay, oo kama aan raagin Inaan amarradaada dhawro.
19Kuwaasoo dalka keligood la siiyey, Oo uusan shisheeye innaba dhex mari jirin.)
73Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
86Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
87Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.
134Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
9Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin, Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin, Caawimaad baad ii ahayde, Ha i xoorin, hana i dayrin.
37Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi, Oo jidadkaaga igu noolee.
16Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.
29Jidka beenta iga fogee, Oo si raxmad leh sharcigaaga ii sii.
125Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
153Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi, Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.
64Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
101Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.
19Haddaba sidaas daraaddeed idinku shisheeyaha jeclaada, maxaa yeelay, idinba shisheeyayaal baad ku ahaydeen dalkii Masar.
109Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar, Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.
110Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.
19Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.