Sabuurradii 119:47
Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.
Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
48Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday, Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
14Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga, Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.
15Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
16Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.
143Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
32Waxaan ku ordi doonaa jidka amarradaada Markii aad qalbigayga ballaadhisid.
33Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
34Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
35Igu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.
127Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
97Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
166Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.
167Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
174Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
8Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada, Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.
159Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
77Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado, Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.
10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.
11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.
12Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
66Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
162Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa Sidii mid booli badan helay.
163Beenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
45Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
6Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
7Markaan barto xukummadaada xaqa ah Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.
40Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.
111Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya, Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.
112Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo, Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.
113Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
1Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.
140Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
34Fikirkaygu isaga ha u macaanaado, Rabbigaan ku rayrayn doonaa.
60Waan u degdegay, oo kama aan raagin Inaan amarradaada dhawro.
131Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
56Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.
4Haddaba Rabbiga ku farax, Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.
24Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya, Waana lataliyayaashayda.
4Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.
73Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
74Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan, Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.
171Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
172Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.
69Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.
1Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.
129Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
52Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.
7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,
119Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
27Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.