Sabuurradii 119:94

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 10:4-6 : 4 Ii kaalaya, oo i caawiya, oo ina keena aynu Gibecoon baabbi'innee; waayo, waxay la nabadday Yashuuca iyo reer binu Israa'iil. 5 Sidaas daraaddeed shantii boqor oo reer Amor waa iswada urursadeen, oo kuwaasu waxay ahaayeen boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon, iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish, iyo boqorkii Cegloon; iyaga iyo ciidammadooda oo dhammu kor bay u bixiyeen oo waxay hor degeen Gibecoon oo dagaal ku qaadeen. 6 Oo dadkii reer Gibecoon waxay u cid dirteen Yashuuca oo joogay xeradii Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen, Gacantaadu yay ka raagin addoommadaada, noo soo dhaqso, oo na badbaadi, oo na caawi: maxaa yeelay, boqorradii reer Amor oo buuraha degganaa oo dhammu way isu kaayo urursadeen.
  • Sab 86:2 : 2 Naftayda dhawr, waayo, waxaan ahay mid cibaado leh, Ilaahayow, i badbaadi anigoo ah addoonkaaga isku kaa halleeya.
  • Sab 119:27 : 27 Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.
  • Sab 119:40 : 40 Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.
  • Sab 119:173 : 173 Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso, Waayo, amarradaadaan doortay.
  • Ish 41:8-9 : 8 ¶ Laakiinse reer binu Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda, reer Yacquubkii aan doortayow, farcankii saaxiibkay Ibraahimow, 9 waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin. 10 Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, ha nixina, maxaa yeelay, Ilaahiinna baan ahay, waan idin xoogayn doonaa, waanan idin caawin doonaa, oo waxaan idinku tiirin doonaa midigtayda xaqa ah.
  • Ish 44:2 : 2 Rabbiga idin uumay, oo tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay, oo haddana ku caawin doona wuxuu leeyahay, Addoommadayda reer Yacquubow, iyo Yeshuruunkii aan doortayow, ha cabsanina.
  • Ish 44:5 : 5 Oo midba wuxuu odhan doonaa, Anigu waxaan ahay kii Rabbiga, oo mid kalena wuxuu isu bixin doonaa magicii Yacquub, oo mid kalena wuxuu gacantiisa ku kor qori doonaa, Waxaan ahay kii Rabbiga, oo wuxuu isku magacaabi doonaa magicii Israa'iil.
  • Ish 64:8-9 : 8 Laakiinse haatan, Rabbiyow, waxaad tahay Aabbahayaga. Annagu waxaannu nahay dhoobadii, oo adiguna dheryasameeyahayaga baad tahay, oo annana kulligayo shuqulkii gacantaada baannu nahay. 9 Rabbiyow, aad ha u cadhoon, oo xumaantana ilaa weligaa ha sii xusuusan. Bal eeg, oo na fiiri, waan ku baryaynaaye, waayo, kulligayo dadkaaga baannu nahay. 10 Magaalooyinkaagii quduuska ahaa cidlo bay noqdeen, Siyoon waxay noqotay cidlo oo kale, Yeruusaalemna waxay noqotay meel baabba' ah.
  • Saf 3:17 : 17 Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa.
  • Fal 27:23-24 : 23 Waayo, xalayto ayaa waxaa i soo ag istaagtay malaa'igtii Ilaaha i leh oo aan weliba u adeego. 24 Waxay igu tidhi, Bawlosow, ha cabsan; waayo, waa inaad Kaysar hortiisa istaagtaa; oo weliba bal eeg, Ilaah wuxuu adiga ku wada siiyey kuwa kula socda oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    145Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab, Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.

    146Waan kuu qayshaday ee i badbaadi, Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.

    147Waan ka soo hor maray waaga berigiisii, oo waan qayliyey, Oo waxaan rajo ku qabay erayadaada.

  • 78%

    173Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso, Waayo, amarradaadaan doortay.

    174Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.

  • 77%

    40Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.

    41Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.

  • 93Weligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.

  • 77%

    10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.

    11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.

    12Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

  • 95Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.

  • 159Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.

  • 134Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.

  • 75%

    86Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,

    87Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.

    88Raxmaddaada igu soo noolee, Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.

  • 125Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.

  • 74%

    56Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.

    57Rabbigu waa qaybtayda, Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.

    58Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato, Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.

  • 8Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.

  • 26Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,

  • 74%

    166Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.

    167Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.

    168Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.

  • 45Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.

  • 117Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.

  • 74%

    153Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi, Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.

    154Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo, Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.

  • 2Naftayda dhawr, waayo, waxaan ahay mid cibaado leh, Ilaahayow, i badbaadi anigoo ah addoonkaaga isku kaa halleeya.

  • 123Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.

  • 143Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.

  • 141Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.

  • 176Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon, Waayo, amarradaada ma aan illoobo.

  • 26Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.

  • 2Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli, Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.

  • 110Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.

  • 1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

  • 73%

    76Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.

    77Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado, Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.

  • 66Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.

  • 72%

    33Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.

    34Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.

  • 21Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.

  • 131Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.

  • 170Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.

  • 114Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.

  • 16Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi, Oo igu badbaadi raxmaddaada.

  • 129Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.