Sabuurradii 132:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Indhahayga seexasho isugu qaban maayo, Il iyo baalna isu keeni maayo,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 6:4 : 4 Indhahaaga hurdo ha isugu keenin, Oo indhahaaga daboolkoodana lulo ha isugu qaban.
  • Ruud 3:18 : 18 Oo iyana markaasay tidhi, Gabadhaydiiyey, iska fadhiiso ilaa aad ogaatid sida arrintu u dhacayso, waayo, ninku nasan maayo ilaa uu maanta xaalkaas dhammeeyo.
  • Bil 24:33 : 33 Cuntona waa la hor dhigay inuu cuno: laakiinse wuxuu yidhi, Cuni maayo ilaa aan sheego farriintayda. Kolkaasuu yidhi, Sheeg.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 132:2-3
    2 aayado
    87%

    2Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay, Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,

    3Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga, Sariirtaydana fuuli maayo,

  • 4Indhahaaga hurdo ha isugu keenin, Oo indhahaaga daboolkoodana lulo ha isugu qaban.

  • 5Ilaa aan meel u helo Rabbiga, Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.

  • Sab 121:3-4
    2 aayado
    79%

    3Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono.

    4Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa Ma gam'i doono, mana seexan doono.

  • 4Indhahaygii waad soo jeedisay, Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.

  • Sab 13:3-4
    2 aayado
    76%

    3Rabbiyow Ilaahayow, waxaas u fiirso, oo ii jawaab, Indhahayga iftiimi, yaanan hurdadii geerida seexanine,

    4Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday, Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.

  • 148Indhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeennimo, Si aan eraygaaga uga fikiro.

  • 26Markaasaan toosay, oo wax baan fiiriyey, oo hurdadaydiina way ii macaanayd.

  • Sab 3:5-6
    2 aayado
    74%

    5Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday, Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.

    6Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa, Oo gees kasta iga hareereeyey.

  • 13Habeenkii markay riyooyinku fikirro kiciyaan, Oo ay dadku hurdo weyn ku fogaadaan,

  • Ish 62:6-7
    2 aayado
    73%

    6¶ Yeruusaalemay, derbiyadaada waxaan dul saaray waardiyayaal, oo iyana habeen iyo maalin toona ma ay aamusi doonaan. Kuwiinna Rabbiga xusuustow, ha aamusina,

    7oo isaga ha nasinina jeeruu Yeruusaalem dhiso oo ammaan dhulka kaga dhigo,

  • Sab 6:6-7
    2 aayado
    73%

    6Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.

    7Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.

  • 40Maalintii kulayl baa i dili jiray, habeenkiina dhaxan; hurdadiina waa iga tagtay. Oo sidaasaan ahaan jiray.

  • 4Haddaba markaan jiifsado waxaan idhaahdaa, Bal goormaan kici doonaa? Laakiinse habeenku waa dheer yahay Oo tan iyo waaberiga waan rogrogmadaa.

  • 2Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan, Oo aad kibista dhibka cuntaan, Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.

  • 1¶ Jeeray xaqnimadeedu sida nuur u soo dhalaasho, oo ay badbaadadeeduna sida laambad baxaysa u soo dhalaasho, anigu Siyoon daraaddeed aamusi maayo, oo innaba Yeruusaalem daraaddeed nasan maayo.

  • 8Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa, Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.

  • 33Weliba in yar baad seexanaysaa, oo in yar baad gam'aysaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo u laabaysaa,

  • 12Sidaas oo kalaa dadku u jiifsada oo mana uu kaco, Oo jeeray samooyinku wada baabba'aan iyagu sooma toosi doonaan, Oo hurdadoodana kama kici doonaan.

  • 10Weliba, in yar baad seexataa, in yar baad lulootaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo aawadeed u laabataa,

  • 2Shareerad iyo kataaradow, toosa, Aroorta hore waan toosi doonaa.

  • 6Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.

  • 14Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba, Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.

  • 13Markaan idhaahdo, Sariirtaydaa ii raxayn doonta, Oo gogoshaydaa cabatinkayga iga sahali doonta,

  • 16¶ Markaan qalbigayga u soo jeedshay inaan xigmad garto, iyo inaan arko hawsha dhulka lagu sameeyo (waayo, waxaa jira mid aan habeen iyo maalin toona indhihiisa hurdo saarin),

  • 13Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye. Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa.

  • 1Goor habeennimo ah ayaan sariirtayda ka doondoonay kan naftaydu jeceshahay. Waan doondoonay, laakiinse ma aanan helin.

  • 16Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin, Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.

  • 2Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.

  • 15Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.

  • 27Midkoodna ma daali doono, mana kufi doono, oo midkoodna ma gam'i doono, mana seexan doono, dhex-xidhkuna ma furmi doono, yeelmaha kabahooduna ma go'i doono.

  • 1Waxaan axdi la dhigtay indhahayga, Haddaba bal sidee baan gabadh u fiirinayaa?

  • 15Riyada iyo muujinta habeennimo, Markii hurdo weynu dadka ku soo degto, Oo sariirta lagu gam'o,

  • 1Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana, Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn, Ama waxyaalihii igu yaab badan.

  • 17Habeenkii lafahaygaa i muda, Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.

  • 1Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?

  • 49Indhahaygu had iyo goorba way qubtaan oo innaba ma joogsadaan

  • 1Kaaga samooyinka dhex fadhiyow, Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa.

  • 4Waxay u ordaan oo isu diyaariyaan wax aanan eed ku lahayn, Dartay u kac inaad i caawiso oo aad i eegto.

  • 8Naftaydoy, toos, shareerad iyo kataaradoy, toosa, Aniga qudhayduna waxaan toosi doonaa aroor hore.

  • 16Wejigaygii oohin buu la beddelmay, Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,

  • 3Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono, Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda, Oo innaba iguma dhegi doono.

  • 6Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.

  • 3Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay, Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin, Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.