Sabuurradii 136:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kan cunto siiya wax kastoo jidh leh, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 104:27 : 27 Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan, Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.
  • Sab 145:15 : 15 Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan, Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
  • Sab 147:9 : 9 Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 26Ku mahadnaqa Ilaaha samada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

  • Sab 136:1-24
    24 aayado
    83%

    1Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    2Ku mahadnaqa Ilaaha ilaahyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    3Ku mahadnaqa Sayidka sayidyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    4Kan keligiis sameeya yaabab waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    5Kan samada waxgarashada ku sameeyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    6Kan dhulka biyaha korkooda ku goglay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    7Kan sameeyey iftiimmo waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    8Qorraxdu inay maalinta xukunto, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    9Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    10Kan Masar curadyadii ka laayay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    11Oo reer binu Israa'iilna ka soo dhex saaray, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    12Kan kaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    13Kan Badda Cas kala qaybiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    14Oo reer binu Israa'iilna dhex marshay iyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    15Laakiinse Fircoon iyo ciidankiisiiba wuu ku afgembiyey Badda Cas dhexdeeda, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    16Kan dadkiisa cidlada dhex hoggaamiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    17Kan boqorro waaweyn wax ku dhuftay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    18Oo laayay boqorro caan ah, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    19Kuwaas oo ahaa Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    20Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    21Oo dalkoodiina u bixiyey dhaxal ahaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    22Kaasoo ahaa dhaxalkii uu siiyey addoonkiisii Israa'iil, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    23Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    24Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

  • 29Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.

  • Sab 118:1-4
    4 aayado
    81%

    1Rabbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.

    2Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.

    3Oo reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.

    4Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.

  • 34Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna way sii waartaa weligeedba.

  • 1Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa.

  • 1Rabbiga ammaana. Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.

  • 2Waayo, naxariistiisu xaggeenna waa ku weyn tahay, Rabbiga runtiisuna weligeedba way waartaa. Rabbiga ammaana.

  • Sab 111:3-5
    3 aayado
    75%

    3Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad, Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.

    4Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan, Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.

    5Wuxuu cunto siiyey kuwa isaga ka cabsada, Oo weligiisna wuxuu xusuusnaan doonaa axdigiisii.

  • 5Waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, naxariistiisuna weligeed way sii waartaa, Aaminnimadiisuna tan iyo ka ab ka ab.

  • 27Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan, Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.

  • 50Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa, Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday, Kaasoo ah Daa'uud, iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.

  • 17Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,

  • 15Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan, Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.

  • 41Oo wuxuu kaloo la reebay Heemaan iyo Yeduutuun iyo kuwii kaloo la doortay oo loo magacaabay inay Rabbiga ku mahadnaqaan, maxaa yeelay, naxariistiisu weligeedba way waartaa.

  • 6Oo sameeyey cirka iyo dhulka, Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, Oo runtana dhawra weligiisba,

  • 21Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaanta Rabbiga, Oo inta jidh leh oo dhammuna magiciisa quduuska ah ha ammaaneen weligood iyo weligoodba.

  • 9Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay, Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.

  • 31Waayo, isagu kuwaasuu dadyowga ku xukumaa, Oo cunto badanna wuu siiyaa.

  • 51Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa, Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday, Kaasoo ah Daa'uud iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.

  • 6Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.

  • 13Rabbiyow, magacaagu weligiisba wuu waaraa, Rabbiyow, xusuustaadu waxay gaadhaa qarni kasta.