Sabuurradii 18:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo weliba samooyinka wuu soo foorarshay, oo hoos buu u soo degay, Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 5:22-23 : 22 ¶ Erayadaas wuxuu Rabbigu, isagoo buurta jooga, dab iyo daruur iyo gudcur qaro weyn dhexdooda shirkiinna oo dhan kagala hadlay cod weyn, wax kalena kuma uu darin. Oo wuxuu ku qoray laba loox oo dhagax ah, markaasuu i siiyey. 23 Markaad codka ka dhex maqasheen gudcurka, iyadoo buurta dab ka qaxmayo, ayaad ii soo dhowaateen idinkoo ah madaxdii qabiilooyinkiinna iyo duqowdiinnii oo dhanba,
  • Sharc 33:26 : 26 Yeshuruunow, wax Ilaah la mid ah ma jiro, Kaasoo samada u fuula, inuu ku caawiyo, Cirkana sharaftiisa u fuula.
  • 2 Sam 22:10 : 10 Oo samooyinkiina wuu soo foororshay, oo hoos buu u soo degay, Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.
  • Sab 68:4 : 4 Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya, Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala, Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya.
  • Sab 144:5-9 : 5 Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac, Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan. 6 Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi, Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi. 7 Gacantaada kor ka soo fidi, Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan, Iyo gacanta shisheeyayaasha, 8 Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed. 9 Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh. 10 Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa, Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh. 11 I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha, Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed. 12 Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray, Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka, 13 Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah, Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga, 14 Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan, Markaan la arag weerarid iyo qaxid, Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda, 15 Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay, Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.
  • Ish 51:6 : 6 Bal indhihiinna samooyinka ku taaga, oo haddana dhulka hoose fiiriya, waayo, samooyinku sida qiiq oo kale bay u libdhi doonaan, oo dhulkuna sida dhar buu u duugoobi doonaa, oo kuwa degganuna sidaas oo kalay u dhiman doonaan, laakiinse badbaadintaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo xaqnimadayduna weligeed ma dhammaan doonto.
  • Yoel 3:16 : 16 Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga hadli doonaa Yeruusaalem, oo kolkaasay samooyinka iyo dhulkuba gariiri doonaan, laakiinse Rabbigu wuxuu dadkiisa u ahaan doonaa magangal, oo reer binu Israa'iilna wuxuu u ahaan doonaa qalcad adag.
  • Mat 24:29 : 29 ¶ Laakiin dhibta wakhtigaas dabadeed, kolkiiba qorraxdu waa madoobaan doontaa, dayuxuna ma nuuri doono, xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirkana waa la gariirin doonaa.
  • Mark 15:33 : 33 ¶ Goortii saacaddii lixaad la gaadhay, dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa ilaa saacaddii sagaalaad.
  • Yoox 13:7 : 7 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan samaynaya, garan maysid imminka, laakiinse dabadeed waad garan doontaa.
  • Cib 12:26 : 26 kan codkiisii wakhtigaas gariiriyey dhulka; laakiin hadda wuu ballanqaaday isagoo leh, Weliba mar kale ayaan gariirin doonaa dhulka, dhulka oo keliyana ma aha ee xataa samadana waan gariirin doonaa.
  • 2 But 3:10 : 10 ¶ Laakiinse maalinta Rabbigu waxay u iman doontaa sida tuug oo kale; maalintaas oo ay samooyinku baabbi'i doonaan iyagoo sanqadh weynu ka yeedhayso, oo waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay baabbi'i doonaan. Dhulka iyo shuqullada ku jirana waa la gubi doonaa.
  • Muj 20:11 : 11 ¶ Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 97%

    8Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo samada aasaaskeediina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.

    9Oo dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya; Oo dhuxulaa ka shidmay isaga.

    10Oo samooyinkiina wuu soo foororshay, oo hoos buu u soo degay, Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.

    11Wuxuuna fuulay Keruub, wuuna duulay; Haah, oo waxaa lagu arkay isagoo fuushan dabaysha baalasheeda.

    12Oo gudcurkii wuxuu ka dhigay taambuug hareerihiisa ku wareegsan, Iyo biyo urursan, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.

    13Oo nuurka hortiisa yaal aawadiisna Dhuxulo dab ah ayaa shidmay.

    14Rabbiguna wuxuu ka onkoday samada, Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii.

  • Sab 18:10-13
    4 aayado
    83%

    10Oo wuxuu fuulay keruub, wuuna duulay, Haah, oo wuxuu si dheeraysa ugu duulay oo fuulay dabaysha baalasheeda.

    11Wuxuu gudcurka ka dhigtay meeshiisii dhuumashada, iyo taambuuggiisa hareerihiisa ku wareegsan, Iyo biyo gudcur ah, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.

    12Nuurkii hortiisa yiil aawadiis ayay daruurihii qarada waaweynaa tageen, Roobkii dhagaxyada lahaa iyo dhuxulihii dabka ahaana way carareen.

    13Rabbiguna wuxuu ka onkoday samooyinka, Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii, Oo soo daayay roob dhagaxyaale iyo dhuxulo dab ah.

  • Sab 18:7-8
    2 aayado
    78%

    7Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.

    8Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.

  • 5Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac, Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan.

  • Ayuub 26:8-9
    2 aayado
    74%

    8Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn; Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo.

    9Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa, Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa.

  • Miik 1:3-4
    2 aayado
    74%

    3¶ Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa.

    4Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.

  • Xab 3:3-6
    4 aayado
    74%

    3Ilaah wuxuu ka yimid Teemaan, Kii Quduuska ahaana wuxuu ka yimid Buur Faaraan. (Selaah) Sharaftiisii waxay ku fidday samooyinka, Oo dhulkiina waxaa ka buuxsamay ammaantiisii.

    4Oo dhalaalkiisiina wuxuu ahaa sida nuurka, Wuxuuna lahaa iftiin gacantiisa ka soo baxaya. Oo waxaa halkaas ku qarsoonaa xooggiisa.

    5Waxaa hortiisa socday belaayo, Oo waxaa daba socday xummad.

    6Wuu istaagay, oo dhulkuu qiyaasay, Wax buu fiiriyey, oo quruumihii buu kala eryay. Kolkaasaa buurihii weligood ahaa kala firdheen, Oo kurihii daa'imiska ahaana way wada foororsadeen. Socodkiisuna wuxuu ahaa sidii waagii hore.

  • 74%

    13Oo adna waxaad leedahay, War Ilaah muxuu yaqaan? Oo gudcurka qarada leh miyuu wax ku dhex xukumi karaa?

    14Waxaa isaga ku wareegsan daruuro qaro waaweyn, si uusan wax u arag, Oo isagu wuxuu ku socdaa wareegga samada.

  • Sab 104:2-3
    2 aayado
    73%

    2Waxaad sida maro u huwataa nuur, Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.

    3Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda, Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras, Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,

  • Sab 97:2-4
    3 aayado
    72%

    2Isaga waxaa ku wareegsan daruuro iyo gudcur, Oo carshigiisana waxaa aasaas u ah xaqnimo iyo garsoorid.

    3Waxaa hortiisa socda dab, Oo wuxuu wada gubaa cadaawayaashiisa ku wareegsan.

    4Hillaaciisii ayaa dunida iftiimiyey, Dhulkuna wuu arkay, wuuna gariiray.

  • 3Markaad waxyaalo cabsi badan oo aannan filanayn samaysay, hoos baad u soo dhaadhacday, oo buurihiina hortaaday ku gariireen.

  • Sab 77:17-18
    2 aayado
    72%

    17Daruuruhuna biyay soo daayeen, Cirkuna wuxuu diray dhawaaq, Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.

    18Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta, Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida, Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.

  • 9Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay, Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,

  • 1¶ Maad samooyinka soo jeexdid, oo maad hoos u soo dhaadhacdid, si ay buuruhu hortaada uga gariiraan

  • 8Isagoo keliya ayaa samooyinka kala bixiya, Oo wuxuu ku dul socdaa hirarka badda.

  • 18Oo Buur Siinay dhammaanteed way qiiqaysay, maxaa yeelay, Rabbi baa dusheeda ku soo degay, isagoo dab ku dhex jira, oo qiiqeediina kor buu u baxay sida qiiq foorno oo kale, oo buurtii oo dhammuna aad bay u gariirtay.

  • 23Laakiin isagu wuxuu amray cirka sare Oo albaabbadii samadana wuu furay;

  • 8Dhulku waa gariiray, Samooyinkuna waxay ku de'een Ilaah hortiisa, Xataa Buur Siinay nafteedu waxay ka gariirtay Ilaah hortiisa, kaasoo ah Ilaaha Israa'iil.

  • 5Buuruhu way ka gariiraan isaga, oo kuruhuna way dhalaalaan, oo dhulka xataa dunida iyo waxa deggan oo dhammuba way ku rogmadaan hortiisa.

  • 11Oo idinkuna waad soo dhowaateen oo waxaad istaagteen buurta hoosteedii, oo buurtiina waxaa ka qaxmayay dab samada ku tolan, oo waxaa jiray madow, iyo daruur, iyo gudcur qaro weyn.

  • 69%

    9Haddaba, kor buu u baxay, micneheedu waa maxay haddayan ahayn inuu isagu hoos ugu degtay meelaha dhulka ugu hooseeya?

  • 32Gacmihiisuu hillaac ku daboolaa, Oo wuxuu ku amraa inuu ku dhaco calaamadda uu ku liishaamay.

  • 6Isagu wuxuu u soo degi doonaa sida roob caws la jaray ku dul hoora, Iyo sida tiixyo dhulka biyeeya.

  • 3Wuxuu taas u diraa inta samada ka hoosaysa oo dhan, Oo hillaaciisana wuxuu u diraa dhulka darfihiisa oo dhan.

  • 4Rabbiyow, markaad Seciir ka baxday, Iyo markaad ku socotay berrinkii Edom, Ayaa dhulku gariiray, oo samadiina waa soo da'day, Daruurihiina biyay soo daadsheen.

  • 25Oo cod baa ka yeedhay cirkii madaxooda ka korreeyey, oo markay istaageen baalashooda bay dejiyeen.

  • 3Samooyinka madow baan huwiyaa, oo dhar joonyad ah ayaan go' uga dhigaa.

  • 6Oo hoos u eega Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba?

  • 2Oo xataa hadday hoos u qodaan ilaa She'ool, gacantaydaa halkaas ka soo saari doonta, oo xataa hadday samada fuulaan anigaa ka soo dejin doona halkaasna.

  • 29Ninna miyuu garan karaa daruuraha kala faafintooda, Iyo onkodyada taambuuggiisa?