Sabuurradii 19:9
Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa, Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa, Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
7Shuqullada gacmihiisu waa run iyo garsoorid, Oo amarradiisa oo dhammuna waa hubaal.
8Way sii adag yihiin weligood iyo weligoodba, Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.
9Wuxuu dadkiisa u soo diray furasho, Oo wuxuu amray in axdigiisu ahaado mid weligiisba waara, Magiciisu waa quduus, waana mid laga cabsado.
10Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba.
160Eraygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.
7Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa, Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
8Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan, Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
7Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor, Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.
8Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa. Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.
23Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha, Wuuna sii dheregsanaan doonaa, Oo sharna loo keeni maayo.
119Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
120Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.
137Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
5Rabbiyow, markhaatifurkaagu waa hubaal, Oo weligaaba waxaa gurigaaga ku habboon quduusnimo.
10Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda, Oo Kan quduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho.
142Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa, Oo sharcigaaguna waa run.
7Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ka cabsada, iska jira, oo saas yeela, waayo, xagga Rabbiga Ilaaheenna ah dembi ma jiro, dadkana looma kala eexdo, laaluushna lama qaato.
9Oo wuxuu iyagii amray oo ku yidhi, Saas yeela idinkoo Rabbiga ka cabsanaya oo aamin ah oo qalbigiinnu qumman yahay.
10Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah, Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
3Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad, Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.
9Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada, Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.
4Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay, Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.
5Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad, Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.
39Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi, Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.
1Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.
17Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,
4Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
7Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
89Rabbiyow, eraygaagu weligiisba Wuxuu taagan yahay samada.
17Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay, Oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.
28Waayo, Rabbigu wuxuu jecel yahay caddaaladda, Mana uu dayrsho quduusiintiisa, Laakiinse iyaga weligoodba waa la ilaashaa, Illowse kuwa sharka leh carruurtoodu way go'i doonaan.
29Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan, Oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.
16Rabbigu waa boqor weligiis iyo weligiisba, Oo quruumaha oo dhammuna dalkiisa way ka wada baabba'aan.
6Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah, Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray, Oo toddoba jeer la safeeyey.
7Rabbiyow, waad dhawri doontaa, Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.
14Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisiina waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
8Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen, Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.
13Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.
6Waxaa dembiga lagu kafaaraggudaa naxariis iyo run, Oo dadkuna waxay sharka kaga fogaadaan Rabbiga ka cabsashadiisa.
7Kaas oo ah Ilaaha ugu cabsida badan guddiga kuwa quduuska ah, Oo waajibka tahay in kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu ay ka cabsadaan.
27Rabbiga ka cabsashadiisu waa il nololeed, Si dabinnada dhimashada looga leexdo.
30Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira. Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.
11Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
140Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
2Waayo, naxariistiisu xaggeenna waa ku weyn tahay, Rabbiga runtiisuna weligeedba way waartaa. Rabbiga ammaana.
13Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.
144Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.
6Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah, Oo xukummadaaduna waa mool dheer, Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.
4Rabbiyow, bal ayaan kaa cabsan doonin oo aan magacaaga ammaani doonin? Waayo, adiga keligaa ayaa quduus ah; maxaa yeelay, quruumaha oo dhammu way iman oo hortaada ayay ku sujuudi doonaan; waayo, falimahaagii xaqa ahaa waa la muujiyey.
27Rabbiga ka cabsashadiisu cimrigay dheeraysaa, Laakiinse kuwa sharka leh cimrigoodu waa soo gaaban doonaa.