1

Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.

2

Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi, Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.

3

Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda, Oo waxaan ku socday runtaada.

4

Lama aan fadhiisan waxmatarayaal, Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.

5

Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha, Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.

6

Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,

7

Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.

8

Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.

9

Naftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,

10

Gacmahooda belaayadu ku jirto, Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.

11

Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.

12

Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman, Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.