Sabuurradii 32:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaa barakaysan ninkii aanu Rabbigu dembi ku tirin, Oo ruuxiisa aanay khiyaano ku jirin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 1:47 : 47 Ciise wuxuu arkay Nataana'el oo ku soo socda, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, kanu waa mid reer Israa'iil oo run ah oo aan khiyaano lahayn.
  • Room 5:13 : 13 waayo, dembigu duniduu ku jiray intaan sharcigu iman, laakiin dembi lama tiriyo markii aan sharci jirin.
  • 2 Kor 1:12 : 12 ¶ Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.
  • 2 Kor 5:19-21 : 19 taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada. 20 ¶ Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya. 21 Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.
  • 1 But 2:1-2 : 1 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed iska wada fogeeya xumaan oo dhan, iyo khiyaano oo dhan, iyo labawejiilenimo, iyo hinaaso, iyo cay oo dhan, 2 oo sida carruur dhallaan ah u jeclaada caanaha ruuxa ee saafiga ah, si aad ugu kortaan xagga badbaadada,
  • Muj 14:5 : 5 Oo afkooda innaba been lagama helin, iinna ma leh.
  • Laaw 17:4 : 4 isagoo aan iridda teendhada shirka keenin inuu Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixiyo taambuugga Rabbiga hortiisa, ninkaas waxaa lagu xisaabi doonaa mid uu dhiig saaran yahay, waayo, isagu dhiig buu daadiyey, oo qofkaas waa in dadkiisa dhexdooda laga gooyaa,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey, oo dembigiisa la daboolay.

  • Room 4:5-8
    4 aayado
    86%

    5Laakiin kii aan shaqayn illowse rumaysta kan xaq ka dhiga kuwa aan cibaadada lahayn, rumaysadkiisa waxaa lagu tiriyaa xaqnimo.

    6Sida Daa'uudna uga sheegayo barakadii ninkii Ilaah xaq u tiriyo shuqullola'aantood, isagoo leh,

    7Waxaa barakaysan kuwa xadgudubyadooda la cafiyey, Oo dembiyadooda la daboolay.

    8Waxaa barakaysan ninkii Rabbigu uusan dembi u tirinayn.

  • 9Anigu nadiif baan ahay, oo xadgudubna ma lihi, Xaq ma qabo, oo xumaanuna iguma jirto innaba.

  • 4Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.

  • Sab 24:4-5
    2 aayado
    73%

    4Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.

    5Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako, Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.

  • 2Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla.

  • 5Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin, Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga, Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga. (Selaah)

  • 1Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh, Oo aan istaagin jidka dembilayaasha, Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.

  • 22Isagu ma uu dembaabin, khiyaanona afkiisa lagama helin.

  • 3Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow?

  • 10Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen, Oo inooguma uu abaalmarin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.

  • 14Haddii xumaanu gacantaada ku jirto iska fogee, Oo xaqdarrona yaanay teendhooyinkaaga degin.

  • 5Waxaa barakaysan ninkii xooggiisu xaggaaga ka yimaado, Oo ay jidadka sare oo Siyoon qalbigiisa ku jiraan.

  • 9Wejigaaga ka qari dembiyadayda, Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.

  • 7Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.

  • 3Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen, Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.

  • 20Waayo, dhulka laguma arag nin xaq ah oo wanaag fala, oo aan dembaabin.

  • 22Oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan midna looma soo xusuusan doono. Wuxuu ku noolaan doonaa xaqnimadiisii uu sameeyey.

  • 16Oo dembiyadiisii uu sameeyey midkoodna looma xusuusan doono. Wuxuu sameeyey wax xaq ah oo qumman, oo hubaal wuu noolaan doonaa.

  • 2Anoo addoonkaaga ah xukun ha i gelin, Waayo, inta nool oo dhan ma jiro nin hortaada lagu caddayn doonaa inuu xaq yahay.

  • 11Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya, Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.

  • 22Oo waxyaalahaas oo dhan Ayuub innaba kuma uu dembaabin, oo Ilaahna eed kama uu sheegin.

  • 2Xumaantayda iga wada maydh, Oo iga nadiifi dembigayga.

  • 8Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto.

  • 18Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen,

  • 4Adiga keliya ayaan kugu dembaabay, Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun, Inaad xaq ahaatid markaad hadashid, Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.

  • Sab 36:1-2
    2 aayado
    70%

    1Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa, Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.

    2Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin Oo aan la nebcaanayn.

  • 27Isagu dadka hortiisa buu ku gabyaa, oo wuxuu leeyahay, Waan dembaabay, oo waxaan qalloociyey wixii qummanaa, Oo taasuna layguma abaalgudin.

  • 10Haddaynu nidhaahno, Ma aynu dembaabin, waxaynu Ilaah ka dhignaa beenaaleh, oo ereygiisa inaguma jiro.

  • 13Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono, Laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.

  • 2Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa. Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa.

  • 9Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey, Oo dembigayga waan ka daahirsanahay?

  • Sab 19:12-13
    2 aayado
    69%

    12Bal yaa qaladdadiisa garan kara? Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.

    13Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro, Oo yaanay ii talin, Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa, Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.

  • 24Oo kan halkaas deggan ma odhan doono, Waan bukaa, oo dadka dhexdeeda degganna xumaantooda waa laga cafiyi doonaa.

  • 10Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba;

  • 13waayo, dembigu duniduu ku jiray intaan sharcigu iman, laakiin dembi lama tiriyo markii aan sharci jirin.

  • 1Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil, Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.

  • 15Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.

  • 3Waxaa iga adkaada xumaatooyin, Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.

  • 32Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?

  • 14Haddaan dembaabo waad iska kay fiirsataa, Oo ma aad caddaysid inaan dembi la'ahay.

  • 18Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa.