Sabuurradii 33:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya, Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 32:11 : 11 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya, Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.
  • Sab 147:1 : 1 Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
  • Fil 4:4 : 4 ¶ Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa.
  • Maah 15:8 : 8 Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa.
  • Room 3:10 : 10 Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba;
  • Room 5:19 : 19 Waayo, sida nin keliya caasinimadiisii kuwa badan dembilayaal looga dhigay, sidaas oo kalena nin keliya addeeciddiis ayaa kuwa badan xaq looga dhigi doonaa.
  • Sab 50:14-16 : 14 Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa, Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi, 15 Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa. 16 Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa, Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa, Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?
  • Sab 78:36-37 : 36 Laakiinse waxay isaga ku faansheen afkooda, Oo carrabkoodana been bay ugu sheegeen. 37 Waayo, qalbigoodu xaggiisa kuma hagaagsanayn, Oo axdigiisiina daacad uma ay ahayn.
  • Sab 97:12 : 12 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa, Oo magiciisa quduuska ah ku mahadnaqa.
  • Sab 118:15 : 15 Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
  • Sab 135:3 : 3 Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.
  • 1 Kor 1:30-31 : 30 Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada, 31 in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya, Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.

  • Sab 97:11-12
    2 aayado
    81%

    11Waxaa kuwa xaqa ah loo beeray iftiin, Kuwa qalbigoodu qumman yahayna, farxad.

    12Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa, Oo magiciisa quduuska ah ku mahadnaqa.

  • 1Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.

  • 10Kuwa xaqa ahu waxay ku farxi doonaan Rabbiga, oo isagay isku hallayn doonaan, Oo inta qalbigoodu toosan yahay oo dhammuna way faani doonaan.

  • Sab 33:2-4
    3 aayado
    80%

    2Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.

    3Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.

    4Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay, Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.

  • Sab 68:3-4
    2 aayado
    78%

    3Laakiinse kuwa xaqa ahu ha farxeen, oo Ilaah hortiisa ha ku reyreeyeen, Haah, oo farxad ha ku reyreeyeen.

    4Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya, Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala, Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya.

  • 3Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.

  • 13Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahadnaqi doonaan magacaaga, Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.

  • 3Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.

  • 7Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay, Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.

  • Sab 149:1-3
    3 aayado
    75%

    1Rabbiga ammaana. Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.

    2Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen, Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.

    3Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen, Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.

  • 1Rabbiga ammaana. Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahadnaqi doonaa Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.

  • 1Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.

  • 10Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.

  • Sab 34:2-3
    2 aayado
    74%

    2Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga, Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.

    3Rabbiga ila weyneeya, Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.

  • 27Kuwa xaqnimadayda jecelu farxad ha ku dhawaaqeen, oo ha farxeen, Oo had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo, Waayo, isagu wuxuu ku farxaa barwaaqada addoonkiisa.

  • 17Rabbiga waan ugu mahadnaqayaa sida ay xaqnimadiisu tahay, Oo waxaan u ammaanayaa magaca Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya.

  • 42Kuwa qummanuna way arki doonaan, wayna ku farxi doonaan, Oo kolkaas xumaanta oo dhammu afkeeday xidhi doontaa.

  • 3Dhawaaqa buunka ku ammaana, Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.

  • 1Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.

  • 9Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen, Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.

  • 16Maalinta oo dhan waxay ku reyreeyaan magacaaga, Oo waxay ku sara marayaan xaqnimadaada.

  • 15Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

  • 12Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.

  • 1Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo, Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.

  • 1Rabbiga ammaana. Ammaana magaca Rabbiga, Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,

  • 1Rabbiga ammaana. Naftaydoy, Rabbiga ammaan.

  • Sab 98:4-5
    2 aayado
    73%

    4Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.

    5Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.

  • 1Rabbiga ammaana. Rabbiga addoommadiisow, ammaana. Rabbiga magiciisa ammaana.

  • Sab 100:1-2
    2 aayado
    73%

    1Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.

    2Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.

  • 5Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen, Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.

  • 1Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,

  • 1Rabbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana.

  • 6Ninkii shar ah xadgudubkiisa waxaa ku jira dabin, Laakiinse kii xaq ahu waa iska heesaa oo reyreeyaa.

  • 11Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.

  • 11Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,

  • 1Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.

  • 7Rabbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,

  • 1Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,

  • 21Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon. Rabbiga ammaana.

  • 31Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo quruumaha dhexdooda ha laga yidhaahdo, Rabbigu waa boqor.