Sabuurradii 36:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga, Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 65:4 : 4 Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado, Inuu degganaado barxadahaaga. Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga, Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.
  • Sab 16:11 : 11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha, Hortaada farxad baa ka buuxda, Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.
  • Ish 25:6 : 6 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu dadyowga oo dhan buurtan ugu samayn doonaa diyaafad ah baruur miidhan, iyo khamri raagay, iyo waxyaalo baruur badan oo dhuux ka buuxo, iyo khamri raagay oo aad loo miiray.
  • Yer 31:12-14 : 12 Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan. 13 Oo markaasay bikraddu cayaarta ku dhex rayrayn doonta, oo barbaarrada iyo odayaashuba ay wada farxi doonaan, waayo, baroorashadoodii farxad baan ugu beddeli doonaa, waanan u qalbi qaboojin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay murugtoodii ka reyreeyaan. 14 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wadaaddada naftooda aad baan u dhergin doonaa, oo dadkayguna wanaaggaygay ka dhergi doonaan.
  • Sab 63:5 : 5 Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo, Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
  • Ish 58:11 : 11 Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin.
  • Mat 5:6 : 6 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan, waayo, way dhergi doonaan.
  • Ayuub 20:17 : 17 Oo ma uu fiirin doono webiyada, Iyo durdurrada la barwaaqaysan malabka iyo subagga.
  • Sab 46:4 : 4 Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah, Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.
  • Muj 22:1-9 : 1 ¶ Markaasay malaa'igtii i tustay webi ah biyaha nolosha, oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale, oo ka soo baxaya carshigii Ilaah iyo Wanka, 2 iyo jidkii magaalada dhexdiisa. Webiga dhankiisan iyo dhankiisaasba waxaa ku yiil geedkii nolosha oo dhalaya laba iyo toban cayn oo midho ah, oo midhihiisana dhalaya bil kasta; oo geedka caleemihiisuna waxay quruumaha u ahaayeen bogsiin. 3 Oo mar dambena naclad ma jiri doonto, oo waxaa halkaas ku jiri doona Ilaah iyo Wanka carshigooda; oo addoommadiisuna way u adeegi doonaan, 4 oo wejigiisay arki doonaan, oo magiciisuna wuxuu ugu oolli doonaa wejigooda. 5 Oo mar dambe habeen ma jiri doono, oo iyana uma baahnaan doonaan laambad iftiinkeed iyo iftiinka qorraxda toona; waayo, waxaa iyaga iftiimin doona Rabbiga Ilaaha ah, oo iyana waxay talin doonaan weligood iyo weligood. 6 ¶ Oo markaasay malaa'igtii waxay igu tidhi, Erayadanu waa aamin iyo run; oo Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada nebiyada ayaa malaa'igtiisii u soo diray inuu addoommadiisa tuso waxyaalaha waajibka ah inay dhowaan dhacaan. 7 Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba waxaa barakaysan kii xajiya erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray. 8 ¶ Anigoo Yooxanaa ah waxaan ahay kii maqlay oo arkay waxyaalahan. Oo markii aan maqlay oo aan arkay, ayaan ku hor dhacay cagihii malaa'igtii i tustay waxyaalahan, si aan u caabudo. 9 Oo haddana waxay igu tidhi, Iska jir oo saas ha yeelin, waayo, anigu waxaan addoon la ahay adiga iyo nebiyada walaalaha ah iyo kuwa xajiya erayada kitaabkan; haddaba Ilaah caabud. 10 ¶ Oo haddana waxay igu tidhi, Shaabad ha ku xidhin erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray, waayo, wakhtigii waa dhow yahay. 11 Oo kii xaqdaranu xaqdarro ha sii sameeyo; oo kii nijaas ahna nijaas ha laga sii dhigo; kii xaq ahuna xaqnimo ha sii sameeyo; kii quduus ahuna quduus ha laga sii dhigo. 12 Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa, oo abaalgudkaygiina waan wataa si aan nin walba ugu abaalgudo sida shuqulkiisu yahay. 13 Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, bilowgii iyo dhammaadka. 14 Haddaba waxaa barakaysan kuwa khamiisyadooda maydha, si ay amar ugu lahaadaan inay u yimaadaan geedka nolosha, oo ay magaalada irdaha ka soo galaan. 15 Haddaba dibadda waxaa jooga eeyihii, iyo saaxiriintii, iyo kuwa sinaysta, iyo gacankudhiiglayaashii, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo ku kasta oo been jecel ama sheega. 16 ¶ Oo anigoo Ciise ah ayaan malaa'igtaydii u soo diray inay waxyaalahan idiinku markhaati furto kiniisadaha aawadood. Anigu waxaan ahay xididkii iyo farcankii Daa'uud, iyo xiddigta waaberi oo dhalaalaysa. 17 ¶ Ruuxa iyo aroosadduba waxay yidhaahdaan, Kaalay. Oo kii maqlaana ha yidhaahdo, Kaalay. Oo kii harraadsanuna ha yimaado. Oo kii doonayaaba biyaha nolosha hadiyad ahaan ha u qaato.
  • Yoox 7:37 : 37 ¶ Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo.
  • Ish 43:20 : 20 Xayawaanka duurka, kuwaasoo ah dawacooyinka iyo gorayaduba way i sharfi doonaan; maxaa yeelay, cidladaan biyo uga siiyaa, oo lamadegaankaan webiyo uga jeexaa si aan u waraabiyo dadkayga aan doortay,
  • Ish 48:21 : 21 Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.
  • Sab 17:15 : 15 Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.
  • Hees 5:1 : 1 Walaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay. Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay, Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay, Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay,
  • Sak 9:17 : 17 Barwaaqadiisu badanaa oo quruxdiisu weynaan badanaa! Barbaarrada hadhuudh baa barwaaqayn doonaa, gabdhahana khamri cusub baa barwaaqayn doona.
  • Ish 55:1-2 : 1 ¶ Hoy, kuwiinna oomman oo dhammow, xagga biyaha kaalaya, xataa kii aan lacag haysanow, kaalaya, wax iibsada, oo wax cuna, kaalaya oo khamri iyo caano lacagla'aan iyo iibla'aan ku qaata. 2 Haddaba bal maxaad lacag ugu bixisaan wax aan cunto ahayn? Oo wixii aad ku hawshooteenna maxaad ugu bixisaan wax aan idin dherjinayn? Bal aad ii maqla, oo waxa wanaagsan cuna, oo naftiinnuna ha iskaga istareexdo barwaaqo miidhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 9Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa, Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.

  • 7Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa! Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.

  • 11Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha, Hortaada farxad baa ka buuxda, Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.

  • 5Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo, Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan

  • 25Oo waxay qabsadeen magaalooyin deyr leh iyo dal barwaaqo leh, oo waxay hantiyeen guryo ay ka buuxaan wax kasta oo wanaagsanu, iyo berkedo qodan, iyo beero canab ah, iyo beero saytuun ah, iyo geedo midho leh oo faro badan. Haddaba wax bay cuneen oo dhergeen, wayna cayileen, oo waxay ku farxeen wanaaggaaga weyn.

  • 4Haddaba Rabbiga ku farax, Oo wuxuu ku siin doonaa waxa qalbigaagu doonayo.

  • 16Isagu dhibaato wuu kaa bixin lahaa, Oo wuxuu ku geeyn lahaa meel ballaadhan oo aan cidhiidhi ahayn, Oo miiskaaga waxa saaran oo dhammuna waxay ahaan lahaayeen baruur miidhan.

  • 7Waxaad qalbigayga gelisay farxad Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.

  • Sab 17:14-15
    2 aayado
    72%

    14Rabbiyow, waxaad dadka igaga samatabbixisaa gacantaada, Kuwaas oo ah dadka dunida, oo qaybtoodu ku jirto nolosha adduunkan, Oo aad calooshooda ka buuxisaa khasnaddaada, Iyagu waxay ka dhergeen carruur, Oo maalkooda hadhayna waxay uga tagaan dhallaankooda.

    15Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa, Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.

  • 14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wadaaddada naftooda aad baan u dhergin doonaa, oo dadkayguna wanaaggaygay ka dhergi doonaan.

  • 4Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado, Inuu degganaado barxadahaaga. Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga, Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga.

  • 4Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah, Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.

  • 5Waxaad ku quudisay kibistii ilmada, Oo ilmo aad u badanna ayaad cabsiisay.

  • 11si aad naaseheeda gargaarka ah u nuugtaan oo aad uga dheregtaan, iyo si aad sharafteeda badan uga maashaan oo aad ugu faraxdaan.

  • 4Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan, Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.

  • 7Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa, Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan.

  • 11Oo Rabbiguna had iyo goorba wuu ku hoggaamin doonaa, oo iyadoo abaar ah ayuu naftaada dherjin doonaa, lafahaagana wuu adkayn doonaa, oo adna waxaad noqon doontaa sida beer la waraabiyey, iyo sida il biya ah oo aan innaba biyeheedu gudhin.

  • 10Sidaasay maqsinnadaadu barwaaqo uga buuxsami doonaan, Macsarooyinkaaguna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri cusub.

  • 26Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow, Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan, Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.

  • 13Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa, Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.

  • 19Oo allabarigayga aan idiin qalay ayaad ilamaa aad ka dheregtaan baruur ka cuni doontaan, oo ilamaa aad ku sakhraantaan dhiig ka cabbi doontaan.

  • 9Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa, Oo aad baad u barwaaqaysaa, Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa, Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.

  • 15Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud, Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.

  • 11iyo guryo waxyaalo wanwanaagsanu ay ka buuxaan oo aydaan buuxin, iyo ceelal qodan oo aydaan qodan, iyo beero canab ah iyo geedo saytuun ah oo aydaan beeran, oo intaad wax ka cuntaan aad dheregtaan,

  • 29Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen, Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen.

  • 11Hadday isaga maqlaan oo ay u adeegaan, Cimrigooda waxay ku dhammaysan doonaan barwaaqo, Oo sannadahoodana waxay ku waari doonaan nimco.

  • Sab 23:5-6
    2 aayado
    70%

    5Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.

    6Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.

  • 7Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah, iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro.

  • 28Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan, Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.

  • 9Waayo, isagu wuxuu dhergiyaa nafta aad wax u doonaysa, Oo nafta gaajaysanna wuxuu ka dhergiyaa wanaagga.

  • 10Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan, Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.

  • 3Haddaba farxad baad biyo kaga dhaansan doontaan ceelasha badbaadada.

  • 16Oo weliba wuxuu iyaga ku quudin lahaa sarreenka ugu wanaagsan, Oo waxaan ka dhergin lahaa malabka dhagaxa ka soo baxa.

  • 6Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan, Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.

  • 3Quduusiinta dhulka joogtaa Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.

  • 12Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan.

  • 6Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu dadyowga oo dhan buurtan ugu samayn doonaa diyaafad ah baruur miidhan, iyo khamri raagay, iyo waxyaalo baruur badan oo dhuux ka buuxo, iyo khamri raagay oo aad loo miiray.

  • 19Iyagu ma ceeboobi doonaan wakhtiga shar jiro, Oo wakhtiga abaaru dhacdona way dhergi doonaan.

  • 16Maalinta oo dhan waxay ku reyreeyaan magacaaga, Oo waxay ku sara marayaan xaqnimadaada.

  • 11Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga, Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.

  • 14Aroorta naxariistaada naga dhergi, Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.

  • 5Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan, Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale.

  • 10Oo intaad wax cuntaan ayaad dhergi doontaan, oo markaasaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu mahadnaqi doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.

  • 13Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.

  • 21Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.

  • 15Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa, Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado, Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.

  • 2Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen, Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.

  • 17waayo, Wanka carshiga badhtankiisa jooga ayaa wuxuu ahaan doonaa adhijirkooda, oo wuxuu iyaga u hoggaamin doonaa ilaha biyaha nolosha; oo Ilaahna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa.