1

Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma, Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.

2

Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan, Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.

3

Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna, Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.

4

Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa, Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)

5

Ilaah qaylo buu la kacay, Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.

6

Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.

7

Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda, Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.

8

Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha, Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.

9

Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan, Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah. Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.