1

Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.

2

Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya, Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.

3

Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.

4

Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga, Oo waxaan magangeli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)

5

Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay, Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.

6

Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa, Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.

7

Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa, Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.

8

Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa, Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.