1

Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee, Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.

2

Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq, Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.

3

Waayo, Rabbigu waa Ilaah weyn, Waana boqor weyn oo ilaahyada oo dhan ka wada sarreeya.

4

Dhulka meelihiisa ugu mool dheeru gacantiisay ku jiraan, Oo buuraha dheeraantoodana isagaa iska leh.

5

Baddana isagaa iska leh, oo isagaa sameeyey, Oo dhulka engeganna isagaa gacmihiisa ku sameeyey.

6

Haddaba kaalaya aynu isaga caabudnee oo u sujuudnee, Oo Rabbiga ina abuuray aan hortiisa ku jilba joogsanno,

7

Waayo, isagu waa Ilaaheen, Oo innaguna waxaynu nahay dadkii daaqsintiisa, iyo idaha gacantiisa ku jira. Bal maanta maad codkiisa maqashaan!

8

Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay, Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal,

9

Markay awowayaashiin i jirrabeen, Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen.

10

Dadkii qarnigaas afartan sannadood waan u cadhaysnaa, Oo waxaan idhi, Waa dad qalbigooda ka qaldama, Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii,

11

Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay Inaanay nasashadayda gelin.