Muujintii 15:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaan arkay wax u eg bad muraayad ah oo dab ku dhex qasan yahay iyo kuwii iyagoo guulaysan ka yimid xaggii bahalkii iyo xaggii sanamkiisii iyo xaggii nambarkii magiciisa, oo dul taagan baddii muraayadda ahayd iyagoo haysta kataaradihii Ilaah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 4:6 : 6 Oo carshigii hortiisana waxaa yiil wax la mid ah bad muraayad ah oo u eg madarad, oo carshiga badhtankiisa iyo carshiga hareerihiisa waxaa joogay afar xayawaan oo hor iyo dibba indho miidhan ah.
  • Muj 5:8 : 8 Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta.
  • Muj 12:11 : 11 Oo waxay isagii kaga adkaadeen dhiiggii Wanka iyo eraygii markhaatifuriddooda; oo iyagu naftoodii kalama ay lexejeclaabin xataa dhimasho.
  • Muj 19:1-7 : 1 ¶ Oo waxyaalahaas ka dib waxaan maqlay wax u eg cod weyn oo maqluuq badan oo samada ku jira, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya; badbaado iyo ammaan iyo xoog waxaa leh Ilaahayaga; 2 waayo, waxaa run iyo xaq ah xukummadiisa, maxaa yeelay, isagu wuu xukumay dhilladii weynayd ee dhulka ku hallaysay sinadeedii; oo dhiiggii addoommadiisiina gacanteeda wuu ka aaray. 3 Oo haddana mar labaad ayay yidhaahdeen, Halleeluuya. Oo qiiqeeduna kor buu u baxaa weligiis iyo weligiis. 4 Markaasaa afar iyo labaatankii oday iyo afartii xayawaan ayaa sujuuday, oo waxay caabudeen Ilaaha carshiga ku fadhiya iyagoo leh, Aamiin, Halleeluuya. 5 ¶ Markaasaa cod baa ka soo baxay carshigii, oo wuxuu yidhi, Ilaaheenna ammaana, addoommadiisa oo dhammow, kuwiinna isaga ka cabsadow, yar iyo weynba. 6 Oo haddana waxaan maqlay wax u eg maqluuq badan codkood, iyo biyo badan codkood, iyo onkod xoog weyn codkiis, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya, waayo, waxaa wax xukuma Rabbiga Ilaahayaga oo Qaadirka ah. 7 Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay.
  • Muj 21:18 : 18 Oo derbigeediina waxaa laga dhisay yasbid, oo magaaladuna waxay ahayd dahab saafi ah oo u eg muraayad saafi ah.
  • 1 But 1:7 : 7 Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo.
  • Muj 13:14-14:5 : 14 Oo kuwa dhulka deggan wuxuu ku khiyaaneeyey calaamooyinkii isaga loo siiyey inuu ku sameeyo bahalkii hortiisa; isagoo kuwa dhulka deggan ku leh, Waa inaad sanam u samaysaan bahalka seefta nabarkeedii ku yaal ee soo noolaaday. 15 Oo haddana waxaa isagii la siiyey xoog uu neef ku geliyo sanamkii bahalka, in sanamkii bahalku hadlo oo uu ka dhigo in la dilo in alla intii aan caabudin sanamkii bahalka. 16 Oo haddana wuxuu ka dhigay in kulli, yar iyo weyn, iyo taajir iyo faqiir, iyo xor iyo addoonba sumad lagaga dhigo gacanta midigta ama wejiga; 17 iyo inaanu ninna awoodin inuu wax iibiyo ama iibsado, kii sumadda leh mooyaane, taasoo ah magaca bahalka ama nambarka magiciisa. 18 Xigmaddii waa tan. Kii waxgarasho lahu ha tiriyo nambarka bahalka; waayo, waxa weeye nin nambarkiis, oo nambarkiisuna waxa weeye lix boqol iyo lix iyo lixdan. 1 ¶ Oo bal eeg, waxaan arkay Wankii oo ku dul taagan Buur Siyoon, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo afar iyo afartan kun oo qof, oo waxaa wejiga ugu qornaa isaga magiciisa iyo magaca aabbihiis. 2 Markaasaan samada ka maqlay cod u eg biyo badan codkood iyo onkod weyn codkiis; oo codkii aan maqlayna wuxuu u ekaa kataaraley ka dhawaajinaysa kataaradahooda; 3 markaasay carshiga hortiisa iyo afartii xayawaan iyo odayaasha hortoodii waxay ku gabyeen gabay cusub; oo gabaygaas ninna ma baran karin, boqol iyo afar iyo afartanka kun oo dunida laga soo iibsaday mooyaane. 4 Kuwanu waa kuwii aan naagaha ku nijaasoobin; waayo, iyagu waa daahir; kuwanu waa kuwa Wanka u raaca meel alla meeshuu tagoba. Kuwan waxaa laga soo iibsaday dadka inay midhaha ugu horreeya u noqdaan Ilaah iyo Wankaba. 5 Oo afkooda innaba been lagama helin, iinna ma leh.
  • Muj 11:11-12 : 11 Oo saddex maalmood iyo badh dabadeed waxaa iyaga soo gashay neeftii nolosha oo xagga Ilaah ka timid, markaasay cagahoodii ku istaageen; oo kuwii iyaga daawadayna waxaa ku soo degtay cabsi weyn. 12 Oo waxay samada ka maqleen cod weyn oo ku leh, Halkan soo fuula. Markaasay samada tegeen iyagoo daruur ku dhex jira, oo cadaawayaashoodiina way arkeen.
  • Mat 3:11 : 11 Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.
  • 1 But 4:12 : 12 ¶ Gacaliyayaalow, ha la yaabina jirrabaadda dabka ah oo idinku dhex dhacday in laydiin tijaabiyo sida iyadoo ay idinku dhaceen wax la yaab lihi.
  • Ish 4:4-5 : 4 markii Sayidku maydho wasakhda dadka Siyoon, oo uu Yeruusaalem dhiiggeeda dhexdeeda kaga nadiifiyo ruuxa caddaaladda, iyo ruuxa wax guba. 5 Oo meel kasta oo la deggan yahay oo Buur Siyoon ku taal, iyo shirarkeeda oo dhanba Rabbigu wuxuu ku kor abuuri doonaa maalintii daruur iyo qiiq, habeenkiina dab ololaya iftiinkiis, oo ammaanta oo dhanna waxaa ka sarrayn doona dabool.
  • Yex 22:30-31 : 30 Oo anigu waxaan dhexdooda ka doondoonay nin heeraarka kor u dhisa oo hortayda ku soo istaaga meesha dunsan dalka aawadiis, si aanan u baabbi'in, laakiinse midna ma aan helin. 31 Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 3Oo iyana waxay ku gabyeen addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run.

  • Muj 14:1-3
    3 aayado
    77%

    1¶ Oo bal eeg, waxaan arkay Wankii oo ku dul taagan Buur Siyoon, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo afar iyo afartan kun oo qof, oo waxaa wejiga ugu qornaa isaga magiciisa iyo magaca aabbihiis.

    2Markaasaan samada ka maqlay cod u eg biyo badan codkood iyo onkod weyn codkiis; oo codkii aan maqlayna wuxuu u ekaa kataaraley ka dhawaajinaysa kataaradahooda;

    3markaasay carshiga hortiisa iyo afartii xayawaan iyo odayaasha hortoodii waxay ku gabyeen gabay cusub; oo gabaygaas ninna ma baran karin, boqol iyo afar iyo afartanka kun oo dunida laga soo iibsaday mooyaane.

  • 1¶ Oo haddana waxaan samada ku arkay calaamo kale oo weyn oo cajaa'ib leh, waxayna ahayd toddoba malaa'igood oo haysta toddoba belaayo, oo ahaa kuwii ugu dambeeyey, waayo, waxaa iyaga ku dhex dhammaatay cadhadii Ilaah.

  • 4¶ Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.

  • 6Oo carshigii hortiisana waxaa yiil wax la mid ah bad muraayad ah oo u eg madarad, oo carshiga badhtankiisa iyo carshiga hareerihiisa waxaa joogay afar xayawaan oo hor iyo dibba indho miidhan ah.

  • 1¶ Oo wuxuu isku dul taagay cammuuddii badda.

  • Muj 17:14-15
    2 aayado
    74%

    14Kuwaasu waxay la diriri doonaan Wanka, oo Wankuna wuu ka adkaan doonaa, maxaa yeelay, isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada; oo haddana kuwa isaga la jira waa kuwa loo yeedhay, oo la doortay, oo aaminiinta ah.

    15¶ Markaasay waxay igu tidhi, Biyihii aad aragtay oo ay dhilladu ku dul fadhiday waxa weeyaan dadad iyo maqluuqyo iyo quruumo iyo afaf.

  • Muj 19:1-3
    3 aayado
    73%

    1¶ Oo waxyaalahaas ka dib waxaan maqlay wax u eg cod weyn oo maqluuq badan oo samada ku jira, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya; badbaado iyo ammaan iyo xoog waxaa leh Ilaahayaga;

    2waayo, waxaa run iyo xaq ah xukummadiisa, maxaa yeelay, isagu wuu xukumay dhilladii weynayd ee dhulka ku hallaysay sinadeedii; oo dhiiggii addoommadiisiina gacanteeda wuu ka aaray.

    3Oo haddana mar labaad ayay yidhaahdeen, Halleeluuya. Oo qiiqeeduna kor buu u baxaa weligiis iyo weligiis.

  • Muj 14:9-12
    4 aayado
    72%

    9¶ Oo haddana waxaa soo raacday malaa'ig kale oo saddexaad, iyadoo cod weyn ku leh, Haddii nin caabudo bahalka iyo sanamkiisa, ama uu aqbalo sumad in lagaga dhigo wejiga ama gacanta,

    10isna wuxuu ka cabbi doonaa khamriga cadhada Ilaah oo lagu shubay koobka cadhadiisa isagoo aan badhxanayn; oo waxaa isaga lagu silcin doonaa dab iyo baaruud malaa'igaha quduuska ah hortooda iyo Wanka hortiisa.

    11Oo qiiqa caddibaaddooda kor buu u baxayaa weligiis iyo weligiis, oo kuwa caabuda bahalka iyo sanamkiisa, iyo ku alla kii aqbala sumadda magiciisa nasasho heli maayaan habeen iyo maalin toona.

    12Waa kaa samirkii quduusiinta, kuwaas oo ah kuwa xajiya amarrada Ilaah iyo iimaanka Ciise.

  • Muj 5:11-12
    2 aayado
    72%

    11¶ Oo anna carshigii iyo xayawaanadii iyo odayaasha hareerahoodii waxaan ku arkay oo ka maqlay malaa'igo badan codkood, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun;

    12oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad.

  • Muj 19:19-20
    2 aayado
    72%

    19¶ Oo markaasaan arkay bahalkii iyo boqorradii dhulka iyo ciidammadoodii oo u soo wada ururay inay la diriraan kii faraska fuushanaa iyo ciidankiisii.

    20Markaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay;

  • 8Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta.

  • 5¶ Oo waxyaalahaas dabadood waxaan arkay macbudkii taambuugga markhaatifuridda oo samada ku jira oo la furay.

  • 2oo gacanteedana waxay ku haysatay buug yar oo furan. Oo cagteedii midig waxay saartay badda, teedii bidixdana waxay saartay dhulka,

  • 15Sidaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa.

  • 4markaasay masduulaagii caabudeen, maxaa yeelay, wuxuu amarkiisii siiyey bahalkii; iyaguna waxay caabudeen bahalkii, waxayna yidhaahdeen, Bal yaa bahalka la mid ah? Oo bal yaa awooda inuu la diriro?

  • 9¶ Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed.

  • 6¶ Oo carshiga badhtankiisii iyo afarta xayawaan iyo odayaasha badhtankoodii waxaan ku arkay Wan taagan oo ah sida mid la gowracay oo leh toddoba gees iyo toddoba indhood oo ah toddobada Ruux oo Ilaah, oo loo soo diray dunida oo dhan.

  • Muj 5:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo anna kii carshiga ku fadhiyey gacantiisa midigta waxaan ku arkay kitaab wax kaga qoran yihiin dul iyo hoosba, oo waxaa ku shaabadaysnaa toddoba shaabadood.

    2Oo waxaan arkay malaa'ig xoog weyn oo ku naadinaysa cod weyn, oo leh, Bal yaa istaahila inuu kitaabka kala bixiyo oo uu furo shaabadihiisa?

  • 4oo wejigiisay arki doonaan, oo magiciisuna wuxuu ugu oolli doonaa wejigooda.

  • 1¶ Oo waxaan arkay samo cusub iyo dhul cusub; waayo, samadii hore iyo dhulkii hore way dhammaadeen; oo baddiina mar dambe ma ay jirin.

  • 11Oo waxay isagii kaga adkaadeen dhiiggii Wanka iyo eraygii markhaatifuriddooda; oo iyagu naftoodii kalama ay lexejeclaabin xataa dhimasho.

  • 2¶ Markaasaa waxaa tagtay middii kowaad, oo waxay fijaankeedii ku shubtay dhulka, oo wuxuu dadkii sumaddii bahalka lahaa oo caabuday sanamkiisii u noqday boog xun oo halis ah.

  • 7¶ Oo markii ay dhammeeyaan markhaatifuridda waxaa la diriri doonaa bahalka yamayska ka soo bixi doona, oo wuu ka adkaan doonaa, wuuna dili doonaa iyaga.

  • Muj 15:7-8
    2 aayado
    71%

    7Oo afartii xayawaan midkood ayaa wuxuu toddobadii malaa'igood siiyey toddoba fijaan oo dahab ah oo ay ka buuxdo cadhadii Ilaaha weligiis iyo weligiisba nool.

    8Markaasaa macbudkii waxaa ka buuxsamay qiiq ka yimid xagga ammaanta Ilaah iyo xagga xooggiisa; oo ninna ma uu geli karin macbudkii ilamaa la dhammeeyo toddobadii belaayo oo ay toddobadii malaa'igood haysteen.

  • 1¶ Markaasay malaa'igtii i tustay webi ah biyaha nolosha, oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale, oo ka soo baxaya carshigii Ilaah iyo Wanka,

  • Muj 17:5-6
    2 aayado
    71%

    5oo waxaa wejiga ugu qornaa magac ah qarsoodi, oo ah Baabuloonta weyn ee hooyada u ah dhillooyinka iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dunida.

    6Markaasaan arkay naagtii oo ku sakhraantay dhiiggii quduusiinta iyo dhiiggii kuwii Ciise u markhaati furay. Oo markaan iyadii arkay ayaan aad ula yaabay.

  • Muj 19:14-15
    2 aayado
    70%

    14Oo ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah.

    15Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa.

  • 14Oo kuwa dhulka deggan wuxuu ku khiyaaneeyey calaamooyinkii isaga loo siiyey inuu ku sameeyo bahalkii hortiisa; isagoo kuwa dhulka deggan ku leh, Waa inaad sanam u samaysaan bahalka seefta nabarkeedii ku yaal ee soo noolaaday.

  • 5Oo afkooda innaba been lagama helin, iinna ma leh.

  • 9¶ Oo haddana markuu furay shaabaddii shanaad waxaan meeshii allabariga hoosteeda ku arkay nafihii kuwii loo dilay eraygii Ilaah aawadiis, iyo markhaatigii ay fureen aawadiis,

  • 17Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud.

  • 3¶ Markaasay waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay cidlada; markaasaan arkay naag fuushan bahal guduudan oo ay ka buuxaan magacyo cay ahu, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees.

  • 5¶ Markaasaa malaa'igtii aan arkay oo ku taagnayd badda iyo dhulka ayaa gacanteedii midig samada kor ugu taagtay,

  • 7iyadoo cod weyn ku leh, Ilaah ka cabsada, oo isaga ammaana, waayo, saacaddii xukunkiisu way timid. Oo caabuda kii sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo ilaha biyaha ah.

  • 6Oo haddana waxaan maqlay wax u eg maqluuq badan codkood, iyo biyo badan codkood, iyo onkod xoog weyn codkiis, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya, waayo, waxaa wax xukuma Rabbiga Ilaahayaga oo Qaadirka ah.