Muujintii 16:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo tii lixaadna waxay fijaankeedii ku shubtay webiga weyn oo Yufraad; oo biyihiisiina way engegeen, in jidka loo diyaariyo boqorrada ka imanaya qorrax ka soo bax.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 9:14 : 14 oo ku lahaa malaa'igtii lixaad oo buunka haysatay, Fur afarta malaa'igood oo ku ag xidhan webiga weyn oo Yufraad.
  • Ish 44:27 : 27 Waxaan ahay kan moolka ku yidhaahda, Engeg noqo, oo anna webiyaashaada waan qallajin doonaa,
  • Ish 11:15 : 15 Oo Rabbigu wuxuu dhammaantiis wada baabbi'in doonaa carrabka badda Masar, oo gacantiisa oo dabayl xoog leh wadata ayuu ku kor ruxi doonaa Webiga, oo intuu wax ku dhufto ayuu toddoba faraq u kala qaybin doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa in dadku kabo kaga gudbaan.
  • Ish 41:25 : 25 ¶ Mid baan xagga woqooyi ka soo kiciyey, wuuna yimid, kaasoo tan iyo marka qorraxdu soo baxdo magacayga ku baryootama, oo wuxuu amiirro ugu dul tuman doonaa sida dhoobada malaasta ah loogu tunto oo kale, iyo sida dheryasameeyuhu dhoobada ugu tunto oo kale.
  • Yer 51:36 : 36 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu dacwadaada waan kuu qaadi doonaa, waanan kuu aari doonaa, oo baddeeda waan engejin doonaa, oo isheedana waan qallajin doonaa.
  • Yex 38:1-9 : 1 ¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 2 Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Juuj, oo dalka Maajuuj deggan oo ah amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubal, oo isaga wax ka sii sheeg. 3 Oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye. 4 Dib baan kuu soo celin doonaa, oo qabatooyin baan daamanka kaa sudhi doonaa, waanan soo bixin doonaa adiga, iyo ciidankaaga oo dhan, fardaha iyo fardooleydaba, iyagoo kulligood dhar dagaaleed xidhan, oo ah ciidan faro badan oo gaashaammo waaweyn iyo gaashaammo yaryar sita, oo kulligood seef sita, 5 iyagoo weliba ay la jiraan reer Faaris iyo reer Kuush iyo reer Fuud, oo kulligood gaashaan iyo koofiyad bir ah sita, 6 iyo reer Gomer iyo guutooyinkiisii oo dhan, iyo reer Togarmaah oo meelaha woqooyi ugu shisheeya deggan iyo guutooyinkiisii oo dhan, xataa dad faro badan oo kula jira. 7 Isdiyaari, oo adiga iyo ciidankaaga kugu soo ururay oo dhammu isdiyaariya, oo adigu madax iyaga u noqo. 8 Oo wakhti dheer dabadeed ayaa lagu soo booqan doonaa, oo sannadaha dambe waxaad iman doontaa dalkii seefta laga soo celiyey, oo dadyow badan laga soo dhex ururiyey oo buuraha reer binu Israa'iil ku dul yaal, kaasoo weligiisba cidla burbursan ahaan jiray, laakiinse iyagaa quruumaha laga soo dhex bixiyey, oo kulligoodna si ammaan ah ayay ku degganaan doonaan. 9 Adigu waad soo kici doontaa oo waxaad u iman doontaa sida duufaan oo kale, oo waxaad ahaan doontaa sida daruur dalka qarisa, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan, iyo dad faro badan oo kula jiraba. 10 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah, 11 oo waxaad odhan doontaa, Waxaan ku kici doonaa dalka tuulooyinka aan deyrnayn, oo waxaan ku kici doonaa kuwa xasilloon, oo ammaanka ku deggan, oo kulligood iska deggan iyagoo aan lahayn derbiyo ku deyran iyo qataarro iyo irdo, 12 inaan wax ka dhaco, oo aan wax ka boobo, si aad gacanta ugu dul fidisid meelihii cidlada ahaa haatanse la degay, iyo dadkii quruumaha laga soo dhex ururiyey, oo xoolo iyo alaabba helay, oo dhulka dhexdiisa deggan. 13 Shebaa, iyo Dedaan, iyo baayacmushtariyaasha Tarshiish, iyo libaaxyadooda yaryar oo dhan waxay kugu odhan doonaan, Ma waxaad u timid inaad wax dhacdid? Oo guutadaada ma waxaad u soo urursatay inaad wax boobtid, iyo inaad lacag iyo dahab iska qaadatid, oo aad xoolo iyo alaab iska kaxaysatid, iyo inaad wax badan dhacdid? 14 ¶ Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad Juuj ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markii dadkayga reer binu Israa'iil ay wakhtigaas si ammaan ah ku degganaadaan, sow taas ogaan maysid? 15 Markaasaad ka soo kici doontaa meeshaada woqooyi ugu shishaysa adiga iyo dad badan oo kula jira, oo kulligood fardo fuushan, oo ah guuto faro badan, iyo ciidan xoog leh. 16 Oo waxaad ku soo kici doontaa dadkayga reer binu Israa'iil inaad sida daruur oo kale dhulka u qarisid, oo ugu dambaysta waxay noqon doontaa inaan dalkayga kugu soo kiciyo, Juujow, si ay quruumuhu ii aqoonsadaan markii dhexdaada quduus layga dhigo iyagoo indhaha ku haya. 17 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu ma waxaad tahay kii aan waa hore addoommadaydii nebiyada reer binu Israa'iil ahaa kaga hadlay, kuwaas oo waayahaas sannado badan wax ku sii sheegayay inaan iyaga kugu soo kicin doono? 18 Laakiinse wakhtiga Juuj uu dalka reer binu Israa'iil ku soo kici doono ayaan aad iyo aad u cadhoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay. 19 Waayo, waxaan ku hadlay masayrkaygii iyo cadhadaydii kululayd, oo hubaal wakhtigaas waxaa dalka reer binu Israa'iil jiri doona gariir weyn, 20 oo kalluunka badda, iyo haadda samada, iyo dugaagga duurka, iyo waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, iyo dadka dhulka jooga oo dhammuba waxay ka wada gariiri doonaan hortayda, oo buuruhu way dumi doonaan, oo meelaha dheerdheeruna way wada dhici doonaan, oo derbi kastaana dhulkuu ku soo dhici doonaa. 21 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Seef baan buurahayga oo dhan ugaga yeedhi doonaa, oo nin kastaba seeftiisu waxay col ku noqon doontaa walaalkiis. 22 Oo waxaan isaga ku xukumi doonaa belaayo iyo dhiig; oo isaga, iyo guutooyinkiisa, iyo dadka badan oo isaga la jiraba waxaan ku soo kor dayn doonaa roob wax qarqinaya, iyo roob dhagaxyo waaweyn leh, iyo dab, iyo baaruud. 23 Oo anigu sidaasaan isu weynayn doonaa, oo aan quduus isaga dhigi doonaa, oo aan quruumo badan is-aqoonsiin doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
  • Daan 11:43-45 : 43 Laakiinse xoog buu u yeelan doonaa khasnadaha dahabka iyo lacagta ah, iyo waxyaalaha qaaliga ah ee Masar oo dhan. Oo weliba dadka Liibiya, iyo dadka Itoobiyana tallaabooyinkiisay daba geli doonaan. 44 Laakiinse warar bari iyo woqooyi ka yimid ayaa ka welwelin doona isaga, markaasuu isagoo aad u cadhaysan u soo bixi doonaa inuu kuwo badan baabbi'iyo oo idleeyo. 45 Oo wuxuu teendhooyinkiisii boqornimo ka taagi doonaa meel u dhaxaysa badda iyo buurta qurxoon oo quduuska ah; laakiin mar buu dhammaadkiisu iman doonaa; oo ninna ma caawin doono.
  • Muj 7:2 : 2 Oo waxaan arkay malaa'ig kale oo ka soo baxaysa qorrax ka soo baxa oo haysata shaabadda Ilaaha nool; oo cod weyn bay ugu dhawaaqday afartii malaa'igood oo amarka lagu siiyey inay wax yeelaan dhulka iyo badda, oo waxay ku tidhi,
  • Ish 42:15 : 15 Waxaan baabbi'in doonaa buuro iyo kuro, oo geedaha yaryar oo dhanna waan wada qallajin doonaa, oo durdurradana waxaan ka dhigi doonaa gasiirado, oo balliyadana waan engejin doonaa.
  • Ish 41:2-3 : 2 Waa kuma kan mid xagga bari ka soo kiciyey, oo isaga xaqnimo ugu yeedhay inuu raaco? Quruumaha hortiisuu ku siiyaa, oo isaga ka dhigaa inuu boqorro u taliyo. Iyaga wuxuu seeftiisa kaga dhigaa sida boodh oo kale, oo qaansadiisana wuxuu kaga dhigaa sida xaab bidaya oo kale. 3 Isagu wuu eryadaa iyaga, oo ammaan buu ku dhaafaa jid uusan mar hore marin.
  • Ish 46:11 : 11 Waxaan xagga bari uga yeedhayaa haad aad u gaajaysan oo ah ninka taladayda oofinaya oo aan waddan fog uga yeedhayo. Waan ku hadlay, oo weliba waan oofin doonaa. Waan u qasdiyey, oo weliba waan samayn doonaa.
  • Yer 50:38-40 : 38 Biyaheedana abaar baa u diyaar ah, wayna wada gudhi doonaan, waayo, kanu waa dal ay taswiiro xardhanu ka buuxaan, oo dadkuna sanamyo bay ka daba waashaan. 39 Sidaas daraaddeed dugaagga lamadegaanku waxay halkaas la degganaan doonaan yeyda, oo weliba gorayooyinka ayaa halkaas ku hoyan doona, oo weligeedna mar dambe lama degi doono, oo tan iyo ab ka abna dhexdeeda innaba laguma hoyan doono. 40 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaaba ayaan ciduna halkaas u joogi doonin oo uusan innaba binu-aadmina halkaas degganaan doonin.
  • Muj 11:14 : 14 ¶ Oo hooggii labaadna wuu dhammaaday; oo bal eeg, hooggii saddexaadna dhaqsuu u imanayaa.
  • Muj 17:15 : 15 ¶ Markaasay waxay igu tidhi, Biyihii aad aragtay oo ay dhilladu ku dul fadhiday waxa weeyaan dadad iyo maqluuqyo iyo quruumo iyo afaf.
  • Ish 8:7 : 7 haddaba sidaas daraaddeed Sayidku wuxuu ku soo dayn doonaa biyaha Webiga ee xoogga iyo badnaanta leh, kuwaasoo ah boqorka Ashuur iyo sharaftiisa oo dhan, oo isna faraqyadiisa oo dhan wuu soo buuxin doonaa, oo qararkiisa oo dhanna wuu buuxdhaafin doonaa,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 16:1-6
    6 aayado
    80%

    1¶ Markaasaan maqlay cod weyn oo macbudkii ka yeedhaya, oo toddobadii malaa'igood ku leh, Taga, oo toddobada fijaan oo cadhada Ilaah ku jirto dhulka ku shuba.

    2¶ Markaasaa waxaa tagtay middii kowaad, oo waxay fijaankeedii ku shubtay dhulka, oo wuxuu dadkii sumaddii bahalka lahaa oo caabuday sanamkiisii u noqday boog xun oo halis ah.

    3¶ Oo tii labaadna fijaankeedii waxay ku shubtay badda; markaasay baddii noqotay sidii nin dhintay dhiiggiis oo kale, oo waxyaalihii ku noolaa oo dhammu way wada dhinteen.

    4¶ Oo tii saddexaadna waxay fijaankeedii ku shubtay webiyaashii iyo ilihii biyaha ahaa; oo waxay noqdeen dhiig.

    5Kolkaasaan maqlay malaa'igtii biyaha oo leh, kan jira oo jirayow, adigu xaq baad tahay, adiga Quduuska ahow, maxaa yeelay, sidaasaad wax u xukuntay;

    6waayo, iyagu waxay daadiyeen dhiiggii quduusiintii iyo nebiyadii, oo adiguna waxaad ka waraabisay dhiig; waayo, way istaahilaan.

  • Muj 9:13-15
    3 aayado
    79%

    13¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal,

    14oo ku lahaa malaa'igtii lixaad oo buunka haysatay, Fur afarta malaa'igood oo ku ag xidhan webiga weyn oo Yufraad.

    15Markaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel.

  • Muj 16:8-11
    4 aayado
    75%

    8¶ Oo tii afraadna waxay fijaankeedii ku shubtay qorraxda; oo waxaa qorraxdii la siiyey amar ay dadka ku gubto.

    9Markaasaa dadkii waxaa lagu gubay kulayl weyn, oo waxay caayeen magicii Ilaaha belaayooyinka u taliya, oo ma ay toobadkeenin inay isaga ammaanaan.

    10¶ Oo tii shanaadna waxay fijaankeedii ku shubtay carshigii bahalka; boqortooyadiisiina way madoobaatay, oo iyana xanuun aawadiis ayay carrabkoodii la ruugeen,

    11oo xanuunkoodii iyo nabrahoodii aawadood waxay caayeen Ilaaha samada, oo shuqulladoodiina kama ay toobadkeenin.

  • Muj 16:16-19
    4 aayado
    73%

    16Oo iyana waxay boqorradii ku soo ururiyeen meesha afka Cibraaniga lagu yidhaahdo Armageddoon.

    17¶ Oo tii toddobaadna waxay fijaankeedii ku shubtay hawada; markaasaa macbudkii waxaa ka soo baxay cod weyn oo ka yimid carshiga xaggiisa, wuxuuna lahaa, Way dhammaatay.

    18Markaasaa waxaa dhacay hillaac iyo codad iyo onkod; oo waxaa dhacay dhulgariir weyn oo aan weligiis isagoo kale la arag intii dad dhulka joogay, oo wuxuu ahaa dhulgariir aad u weyn oo aad u xoog badan.

    19Oo magaaladii weynaydna waxaa loo kala qaybiyey saddex meelood, oo magaalooyinkii quruumuhuna way wada dumeen; oo Baabuloontii weynaydna waxaa laga xusuustay Ilaah hortiisa in iyada la siiyo koobkii khamriga xanaaqa cadhadiisa.

  • Muj 16:13-14
    2 aayado
    72%

    13Markaasaan arkay saddex jinni oo nijaas ah oo ka soo baxaya masduulaagii afkiisii, iyo bahalka afkiisii, iyo nebigii beenta ahaa afkiisii, oo waxay u ekaayeen rahyo;

    14waayo, waxay ahaayeen ruuxyo jinniyo oo calaamooyin samaynaya, kuwaas oo u taga boqorrada dunida oo dhan inay u soo ururiyaan dagaalka maalinta weyn oo Ilaaha Qaadirka ah.

  • Ish 19:5-6
    2 aayado
    72%

    5Oo biyuhuna badda way ka madhan doonaan, oo webiguna wuu gudhi doonaa oo engegi doonaa.

    6Oo webiyaashuna way qudhmi doonaan oo durdurrada Masarna way madhan doonaan oo engegi doonaan, oo cawsduurka iyo dareemaduna way wada qallali doonaan.

  • Muj 8:10-12
    3 aayado
    71%

    10¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii saddexaad, markaasaa waxaa samada ka soo dhacday xiddig weyn oo sidii laambadeed u ololaysa, oo waxay ku dul dhacday webiyaasha saddex meelood oo meel, iyo ilihii biyaha ahaa;

    11oo xiddigta magaceedana waxaa la yidhaahdaa Qadhaadh; oo biyihiina saddex meelood oo meel baa qadhaadh noqotay; dad badanuna wuxuu ku dhintay biyihii, maxaa yeelay, qadhaadh baa laga dhigay.

    12¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii afraad, markaasaa waxaa wax lagu dhuftay qorraxda saddex meelood oo meel, iyo dayaxa saddex meelood oo meel, iyo xiddigaha saddex meelood oo meel, in saddex meelood oo meeli ay gudcur noqoto, iyo in maalinta saddex meelood oo meeli aanay iftiimin, habeenkuna uu noqdo sidaas oo kale.

  • Muj 12:15-16
    2 aayado
    71%

    15Oo maskiina wuxuu afkiisa ka tufay oo naagtii ka daba tuuray biyo ah sidii webi, si uu durdurku u qaado.

    16Markaasaa dhulku naagtii caawiyey, oo afka kala qaaday, oo wuxuu liqay webigii masduulaagu afkiisa ka soo tuuray.

  • Muj 11:6-7
    2 aayado
    71%

    6Kuwanu waxay leeyihiin amar ay samada ku xidhaan, si aan roob u di'in inta ay wax sii sheegayaan, oo waxay kaloo leeyihiin amar ay biyaha dhiig kaga dhigaan oo ay dhulkana ugu soo dejiyaan belaayo kasta mar alla markii ay doonayaan.

    7¶ Oo markii ay dhammeeyaan markhaatifuridda waxaa la diriri doonaa bahalka yamayska ka soo bixi doona, oo wuu ka adkaan doonaa, wuuna dili doonaa iyaga.

  • Muj 14:18-20
    3 aayado
    70%

    18Oo haddana malaa'ig kale oo dabka xukunta ayaa waxay ka soo baxday meeshii allabariga; oo waxay cod weyn ugu dhawaaqday tii manjada afka badan haysatay iyadoo ku leh, Manjadaada afka badan soo dir, oo waxaad ururisaa canabka dhulka rucubyadiisa; maxaa yeelay, canabkii waa bislaaday.

    19Markaasaa malaa'igtii waxay manjadeedii ku soo tuurtay dhulka, oo waxay soo ururisay canabka dhulka, oo waxay ku tuurtay macsaraddii canabka oo weyn oo cadhada Ilaah.

    20Oo canabkiina waxaa lagu tuntay magaalada dibaddeeda, oo waxaa macsaraddii ka soo baxay dhiig, wuxuuna gaadhay tan iyo fardaha xakamahooda, ilaa kun iyo lix boqol oo istaadiyon.

  • 1¶ Markaasaa waxaa timid toddobadii malaa'igood oo toddobada fijaan haystay middood, oo way ila hadashay, waxayna igu tidhi, Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa xukunka dhillada weyn oo biyaha badan ku dul fadhida,

  • Muj 15:6-8
    3 aayado
    70%

    6Markaasaa macbudkii waxaa ka soo baxay toddobadii malaa'igood oo haystay toddobada belaayo, oo waxay qabeen dhar daahir ah oo dhalaalaya, oo laabtana waxaa ugu xidhnaa suuman dahab ah.

    7Oo afartii xayawaan midkood ayaa wuxuu toddobadii malaa'igood siiyey toddoba fijaan oo dahab ah oo ay ka buuxdo cadhadii Ilaaha weligiis iyo weligiisba nool.

    8Markaasaa macbudkii waxaa ka buuxsamay qiiq ka yimid xagga ammaanta Ilaah iyo xagga xooggiisa; oo ninna ma uu geli karin macbudkii ilamaa la dhammeeyo toddobadii belaayo oo ay toddobadii malaa'igood haysteen.

  • 2Oo waxaan arkay malaa'ig kale oo ka soo baxaysa qorrax ka soo baxa oo haysata shaabadda Ilaaha nool; oo cod weyn bay ugu dhawaaqday afartii malaa'igood oo amarka lagu siiyey inay wax yeelaan dhulka iyo badda, oo waxay ku tidhi,

  • 1¶ Oo haddana waxaan samada ku arkay calaamo kale oo weyn oo cajaa'ib leh, waxayna ahayd toddoba malaa'igood oo haysta toddoba belaayo, oo ahaa kuwii ugu dambeeyey, waayo, waxaa iyaga ku dhex dhammaatay cadhadii Ilaah.

  • 15Oo Rabbigu wuxuu dhammaantiis wada baabbi'in doonaa carrabka badda Masar, oo gacantiisa oo dabayl xoog leh wadata ayuu ku kor ruxi doonaa Webiga, oo intuu wax ku dhufto ayuu toddoba faraq u kala qaybin doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa in dadku kabo kaga gudbaan.

  • 10Waayo, taasu waa maalintii Sayidka ah Rabbiga ciidammada, waana maalin aarsasho, oo uu cadaawayaashiisa ka aarsan doono. Seeftuna way wada baabbi'in doontaa, wayna ka dhergi doontaa, oo dhiiggooday ku sakhraami doontaa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu qurbaan ku samaynayaa dalka woqooyi Webi Yufraad agtiisa.

  • 7Yuu yahay kan u soo kaca sida Webi Niil, oo biyihiisu ay sida webiyaasha u rogrogmadaan?

  • 12¶ Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale;

  • 10isna wuxuu ka cabbi doonaa khamriga cadhada Ilaah oo lagu shubay koobka cadhadiisa isagoo aan badhxanayn; oo waxaa isaga lagu silcin doonaa dab iyo baaruud malaa'igaha quduuska ah hortooda iyo Wanka hortiisa.

  • 15¶ Markaasay waxay igu tidhi, Biyihii aad aragtay oo ay dhilladu ku dul fadhiday waxa weeyaan dadad iyo maqluuqyo iyo quruumo iyo afaf.

  • 8Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii labaad, markaasaa waxaa badda lagu tuuray wax le'eg buur weyn oo dab ka ololayo; markaasaa baddii saddex meelood oo meel baa dhiig noqotay;

  • 6¶ Markaasaa toddobadii malaa'igood oo toddobada buun haystay waxay isu diyaariyeen inay ka dhawaajiyaan.

  • 1¶ Markaasay malaa'igtii i tustay webi ah biyaha nolosha, oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale, oo ka soo baxaya carshigii Ilaah iyo Wanka,

  • 8Oo markaasuu igu yidhi, Biyahanu waxay u baxayaan xagga dalka bari, oo waxay u dhacayaan tan iyo lamadegaanka Caraabaah la yidhaahdo, iyo xagga badda, biyihii baxayayna badday gelayaan oo biyuhuna way bogsan doonaan.

  • 18Oo quruumihiina way cadhoodeen, oo waxaa yimid cadhadaadii iyo wakhtigii kuwii dhintay la xukumi lahaa iyo wakhtigii abaalgudkooda la siin lahaa nebiyada addoommadaada ah iyo quduusiinta iyo kuwa magacaaga ka cabsada, yaryar iyo waaweynba, oo la baabbi'in lahaa kuwa dhulka baabbi'iya.

  • 8¶ Oo malaa'ig kale oo labaad ayaa soo raacday, oo waxay lahayd, Waxaa dhacday oo dhacday Baabuloontii weynayd, taasoo quruumaha oo dhan ka waraabisay khamrigii cadhada sinadeeda.

  • 1¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii shanaad, markaasaan arkay xiddig samada ka timid oo dhulka ku soo dhacday; oo waxaa iyadii la siiyey furihii ceelka yamayska.