Muujintii 18:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo iyana intay madaxa boodh ku shubteen ayay qayliyeen oo ooyeen oo baroorteen, oo waxay yidhaahdeen, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaaladii weynayd oo kulli inta badda doonniyaha ku lahu ay dhexdeeda kaga taajireen maalkeedii, waayo, iyadii saacad keliya bay baabba'day.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 7:6 : 6 Markaasaa Yashuuca intuu dharkiisii jeexjeexay ayuu wejiga dhulka saaray oo wuxuu ku hor sujuuday sanduuqii Rabbiga tan iyo fiidkii, isaga iyo waayeellada reer binu Israa'iilba; oo waxay madaxa iska mariyeen boodh.
  • Muj 18:10 : 10 iyagoo meel fog la taagan cabsida caddibaaddeeda, oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn oo Baabuloon, taasoo ah magaalada xoogga badan! Waayo, xukunkaagu saacad keliya buu ku yimid.
  • Ayuub 2:12 : 12 Oo markay isagii meel fog ka arkeen oo ay aqoon waayeen ayay codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, oo midkood waluba wuxuu jeexjeexay huwiskiisii, oo intay boodh xagga samada u tuureen ayay madaxa isaga shubeen.
  • Yex 27:30 : 30 Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.
  • Muj 17:16 : 16 Oo tobankii gees oo aad aragtay iyo bahalkii waxay nebcaan doonaan dhillada, oo iyada way bi'in doonaan oo qaawin doonaan, oo hilibkeedana way cuni doonaan, oo kulligeedna waxay ku gubi doonaan dab.
  • Muj 18:3 : 3 Waayo, quruumihii oo dhammu waxay ku dhaceen khamrigii cadhada sinadeeda; oo boqorradii dhulka oo dhammuna iyaday ka sinaysteen, oo baayacmushtariyadii dunidu waxay ku taajireen xooggii barwaaqadeeda.
  • Muj 18:8 : 8 Sidaas daraaddeed maalin keliya waxaa iyada u iman doona belaayooyinkeeda, kuwaas oo ah dhimasho iyo murug iyo abaar; oo iyada kulligeed waxaa lagu gubi doonaa dab, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo iyada xukumay waa xoog badan yahay.
  • 1 Sam 4:12 : 12 ¶ Oo ciidankii waxaa ka orday nin reer Benyaamiin ah, oo isla maalintiiba wuxuu yimid Shiiloh isagoo dharkiisu jeexjeexan yahay, oo madaxana ciid ku leh.
  • 2 Sam 13:19 : 19 Markaasaa Taamaar waxay madaxa ku shubatay dambas, oo ay jeexjeexday dharkii midabyada kala duwan lahaa oo ay qabtay; madaxayna gacmaha saartay, wayna iska tagtay iyadoo aad u ooyaysa.
  • Nex 9:1 : 1 ¶ Haddaba bisha afar iyo labaatankeedii ayaa reer binu Israa'iil soo shireen iyagoo sooman oo dhar joonyad ah guntan oo ciid isku shubay.
  • Muj 18:15-17 : 15 Oo baayacmushtariyadii alaabtaas lahaa oo iyada taajir ku noqday, waxay meel fog la istaagi doonaan cabsida caddibaaddeeda iyagoo ooyaya oo barooranaya; 16 oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn, tii qabi jirtay dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo dhar cas, oo ku sharraxnaan jirtay dahab, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul. 17 Waayo, maalka saas u badanu saacad keliya buu ku baabba'ay. Oo waxaa meel fog istaagay naakhude kasta, iyo mid kasta oo dhoofa, iyo ragga baxriyiinta ah, iyo in alla inta badda ka faa'iidaysata,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 18:14-18
    5 aayado
    91%

    14Oo midhihii naftaadu ay damacday way kaa tageen, oo waxyaalihii fiicanaa oo dhalaalayay oo dhammuna way kaa baabbe'een, oo mar dambena lama heli doono.

    15Oo baayacmushtariyadii alaabtaas lahaa oo iyada taajir ku noqday, waxay meel fog la istaagi doonaan cabsida caddibaaddeeda iyagoo ooyaya oo barooranaya;

    16oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn, tii qabi jirtay dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo dhar cas, oo ku sharraxnaan jirtay dahab, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul.

    17Waayo, maalka saas u badanu saacad keliya buu ku baabba'ay. Oo waxaa meel fog istaagay naakhude kasta, iyo mid kasta oo dhoofa, iyo ragga baxriyiinta ah, iyo in alla inta badda ka faa'iidaysata,

    18oo way qayliyeen markii ay arkeen qiiqii gubashadeeda, waxayna yidhaahdeen, Bal magaaladee baa la mid ah magaalada weyn?

  • Muj 18:7-12
    6 aayado
    85%

    7Oo intii ay isfaanisay iyo intii ay raaxaysatay oo kale, waxaad iyada siisaan caddibaad iyo murug; waayo, iyadu waxay qalbigeeda iska tidhaahdaa, Anigoo boqorad ah ayaan iska fadhiyaa, oo carmalna ma ihi, oo sinaba murug u arki maayo.

    8Sidaas daraaddeed maalin keliya waxaa iyada u iman doona belaayooyinkeeda, kuwaas oo ah dhimasho iyo murug iyo abaar; oo iyada kulligeed waxaa lagu gubi doonaa dab, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo iyada xukumay waa xoog badan yahay.

    9Oo boqorradii dunida oo iyada ka sinaystay oo la raaxaystay ayaa u ooyi doona oo u barooran doona markii ay arkaan qiiqa gubashadeeda,

    10iyagoo meel fog la taagan cabsida caddibaaddeeda, oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn oo Baabuloon, taasoo ah magaalada xoogga badan! Waayo, xukunkaagu saacad keliya buu ku yimid.

    11¶ Oo baayacmushtariyadii duniduna iyaday u ooyaan oo u baroortaan, waayo, ninna hadda ka dib iibsan maayo shixnaddoodii;

    12shixnaddaas oo ah dahab, iyo lacag, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul, iyo dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo xariir, iyo dhar cas, iyo alwaax kasta oo tu'inos ah, iyo weel kasta oo foolmaroodi laga sameeyey, iyo weel kasta oo alwaax qaali ah laga sameeyey, iyo kuwa laga sameeyey naxaas, iyo bir, iyo marmar,

  • Muj 18:20-24
    5 aayado
    81%

    20Haddaba iyada ku farxa, samaday, iyo quduusiintay, iyo rasuulladow, iyo nebiyadow, waayo, Ilaah xukunkiinnii iyaduu ku xukumay.

    21¶ Markaasaa malaa'ig xoog weynu waxay kor u qaadatay dhagax u eg dhagaxshiid weyn, oo waxay ku dhex tuurtay badda, oo waxay tidhi, Magaalada weyn oo Baabuloon sidaas oo kale xoog baa hoos loogu tuuri doonaa, oo hadda ka dibna lama heli doono.

    22Oo mar dambe dhexdaada lagama maqli doono codka kataaralayda, iyo muusikalayda, iyo kuwa biibiilaha ka dhawaajiya, iyo kuwa turumbada ka dhawaajiya; oo dhexdaada innaba lagama heli doono sancalow sanco kasta ha qabtee; oo sanqadha dhagaxshiidkana dhexdaada innaba lagama maqli doono mar dambe;

    23oo laambad iftiinkeedna mar dambe dhexdaada innaba kama ifi doono, oo codkii arooska iyo aroosaddana dhexdaada innaba mar dambe lagama maqli doono, waayo, baayacmushtariyadaadu waxay ahaayeen amiirradii dhulka, maxaa yeelay, saaxirnimadaadii ayaa quruumaha oo dhan lagu khiyaaneeyey.

    24Oo dhexdeeda waxaa laga helay dhiiggii nebiyadii iyo quduusiintii iyo dhiiggii kuwii dhulka lagu dilay oo dhan.

  • Yex 26:17-18
    2 aayado
    79%

    17Oo baroor ayay kor kuugu qaylin doonaan, oo waxay kugu odhan doonaan, Magaaladii caanka ahayd, oo dadka badaha maraa ay degganaayeen, oo badaha ku xoog badnayd iyada iyo dadkeeda degganuba, oo kuwa ku hareeraysan oo dhan ka cabsiin jirtayay, sidee baad u ba'day!

    18Haddaba maalinta dhiciddaada gasiiraduhu way wada gariiri doonaan, hubaal gasiiradaha badda ku dhex yaallaa bixitinkaaga aawadiis ayay la argaggixi doonaan.

  • Yex 27:30-34
    5 aayado
    79%

    30Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.

    31Oo adiga daraaddaa ayay isu xiiri doonaan, oo joonyado bay guntan doonaan, oo waxay kuugu ooyi doonaan qalbi murugaysan iyo baroor qadhaadh.

    32Oo intay ooyayaan ayay baroor kuu qaadi doonaan, oo waxay ku barooran doonaan iyagoo leh, Turosta badda dhexdeeda ku baabba'day, bal magaaladee baa la mid ah?

    33Markay alaabtaadu badda ka soo baxday dad faro badan baad dhergin jirtay, oo boqorradii dunidana hodan baad maalkaagii badnaa iyo baayacmushtarkaagii kaga dhigtay.

    34Wakhtigii badaha lagugu jebiyey biyaha moolka dheer dhexdooda ayaa baayacmushtarkaagii iyo guutadaadii oo dhammuba kugu wada dhex baabbi'iyeen.

  • Muj 16:19-20
    2 aayado
    77%

    19Oo magaaladii weynaydna waxaa loo kala qaybiyey saddex meelood, oo magaalooyinkii quruumuhuna way wada dumeen; oo Baabuloontii weynaydna waxaa laga xusuustay Ilaah hortiisa in iyada la siiyo koobkii khamriga xanaaqa cadhadiisa.

    20Oo gasiirad kastaaba way carartay, buurihiina lama helin.

  • Muj 18:2-5
    4 aayado
    77%

    2Markaasay ku dhawaaqday cod xoog weyn, oo waxay tidhi, Waxaa dhacday oo dhacday Baabuloontii weynayd, oo waxay noqotay hoygii shaydaanyada, iyo rugtii jinni kasta oo nijaas ah, iyo rugtii shimbir kasta oo nijaas ah oo la neceb yahay.

    3Waayo, quruumihii oo dhammu waxay ku dhaceen khamrigii cadhada sinadeeda; oo boqorradii dhulka oo dhammuna iyaday ka sinaysteen, oo baayacmushtariyadii dunidu waxay ku taajireen xooggii barwaaqadeeda.

    4¶ Oo haddana waxaan maqlay cod kale oo samada ka dhawaaqaya oo leh, Dadkaygiiyow, iyada ka soo baxa, yeydnan dembiyadeeda la qaybsane, oo aydnaan belaayooyinkeeda heline;

    5waayo, dembiyadeedii waxay gaadheen xataa samada, oo Ilaahna wuu xusuustay xaqdarradeedii:

  • Yex 27:26-28
    3 aayado
    75%

    26Kuwii seebab kuugu kaxaynayay waxay ku geeyeen meel biyo badan, oo dabayshii bari ayaa badda dhexdeeda kugu jebisay.

    27Maalkaaga, iyo alaabtaada, iyo baayacmushtarkaaga, iyo baxriyadaada, iyo doonniyawadayaashaada, iyo kuwa dillaacyada awda, iyo kuwa baayacmushtarkaaga ka shaqaysta, iyo raggaaga dagaalyahanka ah oo ku dhex jooga oo dhan, iyo guutada ku dhex joogta oo dhammuba waxay maalinta baabbi'iddaada ku wada daadan doonaan badaha dhexdooda.

    28Kuwa agagaarkaaga jooga oo dhammu waxay la wada gariiri doonaan qaylada dhawaaqa doonniyawadayaashaada.

  • 8¶ Oo malaa'ig kale oo labaad ayaa soo raacday, oo waxay lahayd, Waxaa dhacday oo dhacday Baabuloontii weynayd, taasoo quruumaha oo dhan ka waraabisay khamrigii cadhada sinadeeda.

  • 18Oo naagtii aad aragtayna waxa weeye magaalada weyn oo u talisa boqorrada dhulka.

  • 26Oo Siyoon irdaheeduna way ooyi doonaan oo ay barooran doonaan, oo iyadoo cidla ah ayay dhulka fadhiisan doontaa.

  • 8Baabuloon dhaqso bay u dhacday, wayna baabba'day. Iyada u baroorta oo xanuunkeeda beeyo dawo ah u qaada, hadday saas ku bogsanayso.

  • 8Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.

  • Muj 19:2-3
    2 aayado
    71%

    2waayo, waxaa run iyo xaq ah xukummadiisa, maxaa yeelay, isagu wuu xukumay dhilladii weynayd ee dhulka ku hallaysay sinadeedii; oo dhiiggii addoommadiisiina gacanteeda wuu ka aaray.

    3Oo haddana mar labaad ayay yidhaahdeen, Halleeluuya. Oo qiiqeeduna kor buu u baxaa weligiis iyo weligiis.

  • 1Magaaladii dadku ka buuxay sidee bay keligeed u fadhiisataa! Sidee bay carmal oo kale u noqotay! Tii quruumaha dhexdooda ku weynayd, oo dalalka gobolladooda amiirad ku ahayd Sidee bay addoon u noqotay!

  • 8Oo quruumo badan baa magaaladan soo ag mari doona, oo midkood kastaaba wuxuu deriskiisa ku odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan magaaladan weyn ugu galay?

  • 12Maalkaaga way dhici doonaan, oo booli ahaan bay baayacmushtarkaaga u qaadan doonaan, oo derbiyadaadana way dumin doonaan, oo daarahaaga qurqurxoonna way burburin doonaan, oo dhagxantaada iyo alwaaxdaada iyo boodhkaagaba biyahay ku dhex daadin doonaan.

  • 15Hareeraha kaga qayliya, iyadu way isdhiibtay, aasaaskeedii wuu dhacay, derbiyadeediina waa la wada dumiyey, waayo, taasu waa aarsashadii Rabbiga. Iyada ka aarsada, oo sidii ay yeeli jirtay iyada ku sameeya.

  • 18Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan.

  • Ish 24:11-12
    2 aayado
    70%

    11Jidadka waxaa looga ooyayaa khamri la waayay aawadeed, farxaddii oo dhammuna way madoobaatay, oo rayrayntiina dalkay ka dhammaatay.

    12Magaaladii waxaa lagaga dhex tegey baabba', oo albaabkiina intii la jebiyey, ayaa la baabbi'iyey.

  • 1¶ Kanu waa warka culus ee Turos ku saabsan. Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, way baabba'day, guri iyo irid la galo midna ma leh, waxaana iyaga looga muujiyey dalka Kitiim.

  • 1¶ Bal kaalaya hadda, kuwiinnan taajiriinta ahow, ooya oo ka baroorta dhibaatooyinka idinku soo degaya.

  • 11Kuwiinna Makteesh degganow, qayliya, waayo, dadkii reer Kancaan oo dhammu waa dhammaaday, oo kuwii lacagta ku rarnaa oo dhammu waa baabba'.

  • 19Oo Baabuloon oo ah sharaftii boqortooyooyinka iyo quruxdii kibirka reer Kaldayiin waxay noqon doontaa sidii markii Ilaah Sodom iyo Gomora afgembiyey.