Muujintii 19:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo markaasaan arkay malaa'ig qorraxda dhex taagan; oo intay cod weyn ku dhawaaqday ayay waxay haadda samada dhex duusha oo dhan ku tidhi, Kaalaya oo u soo urura cashada weyn oo Ilaah,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 19:21 : 21 oo intoodii kalena waxaa lagu laayay kii faraska fuushanaa seeftiisii afkiisa ka soo baxday; oo haaddii oo dhammu waxay ka dhergeen hilibkoodii.
  • Muj 8:13 : 13 ¶ Haddana waxaan arkay oon maqlay gorgor dhex duulaya samada isagoo cod weyn ku leh, Waxaa hoogay oo hoogay oo hoogay kuwa dhulka deggan, sababtuna waa buunanka dhawaaqooda hadhay oo saddexda malaa'igood ay dhowaan ka dhawaajin doonaan.
  • Yer 12:9 : 9 Tan dhaxalkaygii ahayd waxay igu tahay xaad birdhicyo leh oo kale, oo xaadka hareereheeda ku wareegsan oo dhammuna waa ku col iyada. Taga oo xayawaanka duurka oo dhan soo wada ururiya, oo soo wada kaxeeya ha cuneene.
  • Yex 39:17-20 : 17 ¶ Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad la hadashaa haadka cayn kasta ah iyo dugaagga duurka oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Isa soo urursada, oo kaalaya, oo waxaad dhinac kasta uga soo ururtaan allabarigayga aan idiin qalay, kaasoo ah allabari weyn oo aan buuraha reer binu Israa'iil dul dhigay inaad hilib cuntaan oo aad dhiig cabtaan aawadeed. 18 Waxaad cuni doontaan ragga xoogga badan hilibkooda, oo waxaad cabbi doontaan amiirrada dunida dhiiggooda, kuwaasoo ah wanan waaweyn, iyo baraar, iyo orgi, iyo dibi, oo kulligood Baashaan lagu cayiliyey. 19 Oo allabarigayga aan idiin qalay ayaad ilamaa aad ka dheregtaan baruur ka cuni doontaan, oo ilamaa aad ku sakhraantaan dhiig ka cabbi doontaan. 20 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miiskayga ayaad waxaad kaga dhergi doontaan fardo iyo fardooley, iyo rag xoog badan, iyo kuwa dagaalyahanka ah oo dhanba.
  • Ish 34:1-8 : 1 ¶ Quruumahow, u soo dhowaada si aad wax u maqashaan, oo dadyowgow, i dhegaysta, dhulka iyo waxa ka buuxa iyo dunida iyo waxyaalaha ka soo baxa oo dhammu ha maqleen. 2 Waayo, Rabbigu wuxuu u cadhaysan yahay quruumaha oo dhan, oo wuxuuna u dhirifsan yahay ciidammadooda oo dhan. Dhammaantood wuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu iyaga u gudbiyey in la laayo. 3 Oo weliba kuwoodii la laayayna waa la xoori doonaa, oo qudhmuunkooduna wuxuu ka soo uri doonaa bakhtigooda, oo buurahana dhiiggoodaa ka soo qulquli doona. 4 Oo ciidanka samada oo dhammuna wuu wada idlaan doonaa, oo samooyinka oo dhanna waa la wada duudduubi doonaa sida qorniin duudduuban oo kale, oo ciidankooda oo dhammuna hoos buu u soo daadan doonaa sida caleenu geed canab ah uga dhacdo iyo sida xabbad berde ahu geed berde ah uga soo dhacdo. 5 Waayo, seeftaydu samooyinkay ka dheregtay oo bal eega, waxay ku soo degi doontaa Edom iyo dadkii aan habaaray inay xukunto. 6 Waayo, seeftii Rabbiga dhiig baa ka buuxsamay, oo waxay ka dheregtay baruur, iyo dhiig baraar iyo orgi, iyo baruurta kelyaha ee wananka, waayo, Rabbigu wuxuu qurbaan ku samaynayaa Bosraah, oo dalka Edomna layn weyn. 7 Oo lo'gisiguna iyaguu la dhici doonaa, oo dibida yaryaruna dibida waaweyn bay la dhici doonaan, oo dalkooduna dhiig buu ka wabxi doonaa oo ciiddooduna baruur bay ka dhergi doontaa. 8 Waayo, taasu waa maalinta aarsashada Rabbiga, iyo sannaddii abaalgudka dacwaddii Siyoon loo qabay.
  • Ish 56:9 : 9 ¶ Dugaagga duurka jooga oo dhan iyo dugaagga duudda oo dhammow, kaalaya aad wax cunteene.
  • Muj 14:6 : 6 ¶ Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo samada dhex duulaysa iyadoo wadata injiil daa'imis ah inay u naadiso kuwa dhulka deggan iyo quruun kasta iyo qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 19:18-19
    2 aayado
    80%

    18aad idinku cunteene hilibka boqorrada, iyo hilibka kabtannada, iyo hilibka ragga xoogga badan, iyo hilibka fardaha iyo kuwa fuushan, iyo hilibka dadka oo dhan, xor iyo addoon, iyo yar iyo weynba.

    19¶ Oo markaasaan arkay bahalkii iyo boqorradii dhulka iyo ciidammadoodii oo u soo wada ururay inay la diriraan kii faraska fuushanaa iyo ciidankiisii.

  • 21oo intoodii kalena waxaa lagu laayay kii faraska fuushanaa seeftiisii afkiisa ka soo baxday; oo haaddii oo dhammu waxay ka dhergeen hilibkoodii.

  • Muj 18:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Waxyaalahaas ka dib waxaan arkay malaa'ig kale oo samada ka soo degaysa, waxayna lahayd amar weyn; oo dhulkuna wuxuu la iftiimay dhalaalkeedii.

    2Markaasay ku dhawaaqday cod xoog weyn, oo waxay tidhi, Waxaa dhacday oo dhacday Baabuloontii weynayd, oo waxay noqotay hoygii shaydaanyada, iyo rugtii jinni kasta oo nijaas ah, iyo rugtii shimbir kasta oo nijaas ah oo la neceb yahay.

  • Muj 14:6-7
    2 aayado
    76%

    6¶ Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo samada dhex duulaysa iyadoo wadata injiil daa'imis ah inay u naadiso kuwa dhulka deggan iyo quruun kasta iyo qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta;

    7iyadoo cod weyn ku leh, Ilaah ka cabsada, oo isaga ammaana, waayo, saacaddii xukunkiisu way timid. Oo caabuda kii sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo ilaha biyaha ah.

  • Muj 19:13-16
    4 aayado
    76%

    13Oo isna wuxuu qabay dhar dhiig lagu rusheeyey, magiciisana waxaa la odhan jiray ereyga Ilaah.

    14Oo ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah.

    15Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa.

    16Oo dharkiisa iyo bowdadiisana waxaa ugu qornaa magac, kaas oo ah BOQORKA BOQORRADA, IYO SAYIDKA SAYIDYADA.

  • Muj 14:14-19
    6 aayado
    76%

    14¶ Oo bal eeg, haddana waxaan arkay daruur cad, oo waxaan daruurta dusheeda ku arkay mid fadhiya oo u eg bini aadan, oo waxaa madaxa u saarnaa taaj dahab ah, oo gacantana wuxuu ku haystay manjo af badan.

    15Oo haddana malaa'ig kale ayaa waxay ka soo baxday macbudkii, oo waxay cod weyn ugu dhawaaqday kii daruurta ku fadhiyey, iyadoo leh, Manjadaada soo dir oo beerta goo; waayo, saacaddii beergooysku way timid; maxaa yeelay, midhihii dhulka oo la gooyn lahaa way bislaadeen.

    16Markaasaa kii daruurta ku fadhiyey wuxuu manjadiisii ku soo tuuray dhulka, oo midhihii dhulkiina waa la gooyay.

    17¶ Oo haddana malaa'ig kale ayaa waxay ka baxday macbudka samada ku yaal, oo iyana waxay haysatay manjo af badan.

    18Oo haddana malaa'ig kale oo dabka xukunta ayaa waxay ka soo baxday meeshii allabariga; oo waxay cod weyn ugu dhawaaqday tii manjada afka badan haysatay iyadoo ku leh, Manjadaada afka badan soo dir, oo waxaad ururisaa canabka dhulka rucubyadiisa; maxaa yeelay, canabkii waa bislaaday.

    19Markaasaa malaa'igtii waxay manjadeedii ku soo tuurtay dhulka, oo waxay soo ururisay canabka dhulka, oo waxay ku tuurtay macsaraddii canabka oo weyn oo cadhada Ilaah.

  • 1¶ Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo xoog weyn oo samada ka soo degaysa, iyadoo daruur huwan, madaxeedana waxaa saarnaa qaansoroobaad, wejigeeduna wuxuu u ekaa qorraxda oo kale, cagaheeduna waxay u ekaayeen tiirar dab ah,

  • 11¶ Oo bal eeg, waxaan arkay samadii oo furantay, iyo faras cad, oo kii fuushanaana waxaa la odhan jiray Aamin iyo Run; oo isagu xaqnimuu wax ku xukumaa oo uu ku diriraa.

  • 13¶ Haddana waxaan arkay oon maqlay gorgor dhex duulaya samada isagoo cod weyn ku leh, Waxaa hoogay oo hoogay oo hoogay kuwa dhulka deggan, sababtuna waa buunanka dhawaaqooda hadhay oo saddexda malaa'igood ay dhowaan ka dhawaajin doonaan.

  • 1¶ Markaasaa waxaa timid toddobadii malaa'igood oo toddobada fijaan haystay middood, oo way ila hadashay, waxayna igu tidhi, Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa xukunka dhillada weyn oo biyaha badan ku dul fadhida,

  • 9¶ Oo wuxuu igu yidhi, Waxaad qortaa, Waxaa barakaysan kuwa loogu yeedhay arooska Wanka cashadiisa. Oo wuxuu kaloo igu yidhi, Kuwanu waa erayadii Ilaah oo run ah.

  • Muj 19:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Oo waxyaalahaas ka dib waxaan maqlay wax u eg cod weyn oo maqluuq badan oo samada ku jira, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya; badbaado iyo ammaan iyo xoog waxaa leh Ilaahayaga;

    2waayo, waxaa run iyo xaq ah xukummadiisa, maxaa yeelay, isagu wuu xukumay dhilladii weynayd ee dhulka ku hallaysay sinadeedii; oo dhiiggii addoommadiisiina gacanteeda wuu ka aaray.

  • 17¶ Wiilka Aadamow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad la hadashaa haadka cayn kasta ah iyo dugaagga duurka oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Isa soo urursada, oo kaalaya, oo waxaad dhinac kasta uga soo ururtaan allabarigayga aan idiin qalay, kaasoo ah allabari weyn oo aan buuraha reer binu Israa'iil dul dhigay inaad hilib cuntaan oo aad dhiig cabtaan aawadeed.

  • 9Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii.

  • 15¶ Markaasay waxay igu tidhi, Biyihii aad aragtay oo ay dhilladu ku dul fadhiday waxa weeyaan dadad iyo maqluuqyo iyo quruumo iyo afaf.

  • 2Oo waxaan arkay malaa'ig kale oo ka soo baxaysa qorrax ka soo baxa oo haysata shaabadda Ilaaha nool; oo cod weyn bay ugu dhawaaqday afartii malaa'igood oo amarka lagu siiyey inay wax yeelaan dhulka iyo badda, oo waxay ku tidhi,

  • Muj 16:15-16
    2 aayado
    71%

    15(Oo bal eeg, Anigu waxaan u imanayaa sida tuug oo kale. Haddaba waxaa barakaysan kii soo jeeda oo dharkiisa dhawra sii uusan qaawanaan ugu socon oo aan cawradiisa loo arag.)

    16Oo iyana waxay boqorradii ku soo ururiyeen meesha afka Cibraaniga lagu yidhaahdo Armageddoon.

  • Muj 17:6-7
    2 aayado
    71%

    6Markaasaan arkay naagtii oo ku sakhraantay dhiiggii quduusiinta iyo dhiiggii kuwii Ciise u markhaati furay. Oo markaan iyadii arkay ayaan aad ula yaabay.

    7Markaasaa malaa'igtii waxay igu tidhi, War, maxaad u yaabtay? Waxaan kuu sheegi doonaa qarsoodiga naagta iyo bahalka iyada sida oo leh toddobada madax iyo tobanka gees.

  • 9¶ Markaasaa waxaa yimid mid ka mid ah toddobadii malaa'igood oo haystay toddobadii fijaan oo ay ka buuxeen toddobadii belaayo ee ugu dambeeyey; oo iyana way ila hadashay, oo waxay igu tidhi, Bal kaalay halkan oo waxaan ku tusayaa aroosadda oo ah Wanka afadiisa.

  • 1¶ Oo haddana waxaan samada ku arkay calaamo kale oo weyn oo cajaa'ib leh, waxayna ahayd toddoba malaa'igood oo haysta toddoba belaayo, oo ahaa kuwii ugu dambeeyey, waayo, waxaa iyaga ku dhex dhammaatay cadhadii Ilaah.

  • 12Oo waxay samada ka maqleen cod weyn oo ku leh, Halkan soo fuula. Markaasay samada tegeen iyagoo daruur ku dhex jira, oo cadaawayaashoodiina way arkeen.

  • 17waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?

  • 28Meel alla meeshii bakhtigu yaal, halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan.

  • 9¶ Oo haddana waxaa soo raacday malaa'ig kale oo saddexaad, iyadoo cod weyn ku leh, Haddii nin caabudo bahalka iyo sanamkiisa, ama uu aqbalo sumad in lagaga dhigo wejiga ama gacanta,

  • 4¶ Oo haddana waxaan maqlay cod kale oo samada ka dhawaaqaya oo leh, Dadkaygiiyow, iyada ka soo baxa, yeydnan dembiyadeeda la qaybsane, oo aydnaan belaayooyinkeeda heline;

  • Muj 19:6-7
    2 aayado
    70%

    6Oo haddana waxaan maqlay wax u eg maqluuq badan codkood, iyo biyo badan codkood, iyo onkod xoog weyn codkiis, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya, waayo, waxaa wax xukuma Rabbiga Ilaahayaga oo Qaadirka ah.

    7Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay.

  • 8¶ Anigoo Yooxanaa ah waxaan ahay kii maqlay oo arkay waxyaalahan. Oo markii aan maqlay oo aan arkay, ayaan ku hor dhacay cagihii malaa'igtii i tustay waxyaalahan, si aan u caabudo.

  • 19Oo magaaladii weynaydna waxaa loo kala qaybiyey saddex meelood, oo magaalooyinkii quruumuhuna way wada dumeen; oo Baabuloontii weynaydna waxaa laga xusuustay Ilaah hortiisa in iyada la siiyo koobkii khamriga xanaaqa cadhadiisa.

  • 25Oo cod baa ka yeedhay cirkii madaxooda ka korreeyey, oo markay istaageen baalashooda bay dejiyeen.

  • 3¶ Markaasay waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay cidlada; markaasaan arkay naag fuushan bahal guduudan oo ay ka buuxaan magacyo cay ahu, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees.

  • 11¶ Oo anna carshigii iyo xayawaanadii iyo odayaasha hareerahoodii waxaan ku arkay oo ka maqlay malaa'igo badan codkood, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun;

  • Muj 11:18-19
    2 aayado
    70%

    18Oo quruumihiina way cadhoodeen, oo waxaa yimid cadhadaadii iyo wakhtigii kuwii dhintay la xukumi lahaa iyo wakhtigii abaalgudkooda la siin lahaa nebiyada addoommadaada ah iyo quduusiinta iyo kuwa magacaaga ka cabsada, yaryar iyo waaweynba, oo la baabbi'in lahaa kuwa dhulka baabbi'iya.

    19¶ Markaasaa waxaa samada laga furay macbudkii Ilaah; oo waxaa macbudkiisa gudihiisa ka muuqday sanduuqii axdigiisa; markaasaa waxaa soo dhacay hillaac, iyo codad, iyo onkod, iyo dhulgariir, iyo roob dhagaxyaale oo weyn.

  • 9Oo waxay lahaayeen laabdhawr u eg laabdhawr bir ah; oo sanqadha baallahooduna waxay u ekayd sanqadh fardo badan oo dagaal ku yaacaya gaadhifardoodkood.

  • 37Markaasay u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Xaggee, Sayidow? Wuxuuna ku yidhi, Meeshii bakhtigu yaal, halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan.