Muujintii 2:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waan ogahay meeshaad deggan tahay inay tahay meesha carshiga Shayddaanku yaal; oo magacayga waad xajisaa, mana aad inkirin iimaankayga xataa waagii Antibas joogay, isagoo ahaa markhaatigaygii iyo kaygii aaminka ahaa oo dhexdiinna lagu dilay meesha Shayddaanku deggan yahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Tim 5:8 : 8 Laakiin qof hadduusan dadkiisa dhaqaalayn, khusuusan kuwa gurigiisa jooga, kaasu iimaankuu ka hor yimid, wuuna ka sii liitaa mid aan rumaysanayn.
  • Muj 2:9-9 : 9 ¶ Waan ogahay dhibaatadaada iyo faqiirnimadaada (laakiin taajir baad tahay), iyo cayda ay kugu caayaan kuwa Yuhuudda isku sheegaa oo aan ahayn, laakiinse ah kuwa sunagogga Shayddaanka. 10 Ha ka cabsan waxyaalaha aad dhowaan ku xanuunsan doontid. Bal eega, in laydin tijaabiyo aawadeed, Ibliisku qaarkiin buu dhowaan xabsi ku ridi doonaa, oo idinku intii toban maalmood ah waxaad heli doontaan dhibaato. Ilaa dhimashada aamin ahow, anna waxaan ku siin doonaa taajka nolosha.
  • Fal 22:20 : 20 oo markii la daadshay dhiigga Istefanos oo ahaa markhaatigaaga, aniguna waan ag taagnaa oo u oggolaanayay oo haynayay kuwii isagii dilay dharkoodii.
  • 2 Tim 2:12 : 12 haddii aynu adkaysanno, dee haddana wax baynu la xukumi doonnaa; haddii aynu isaga inkirnona, dee isna wuu ina diidi doonaa;
  • Cib 3:6 : 6 Laakiin Masiix aamin buu u ahaa sida wiil gurigiisa ka sarreeya; oo gurigiisu waa innaga haddaynu ilaa ugu dambaysta dhiirranaanteenna iyo faanka rajadeenna aad u xajinno.
  • Cib 10:23 : 23 Aynu aad u xajinno qirashada rajadeenna liicliicashola'aan, maxaa yeelay, kan inoo ballanqaaday waa aamin.
  • 1 Tes 5:21 : 21 Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.
  • Mat 24:9 : 9 Markaasaa dhib laydiin gaysan doonaa, waana laydin dili doonaa, oo magacayga aawadiis ayaa quruumaha oo dhammi idiin nebcaan doonaan.
  • Muj 2:24-25 : 24 Laakiinse intiinna kale oo Tu'ateyra joogta, in alla intiinna aan waxbariddan haysan, oo sida ay iyagu yidhaahdaan, aan aqoon waxyaalaha moolka dheer oo Shayddaanka, idinka waxaan idinku leeyahay, Dushiinna culaab kale saari maayo. 25 Habase yeeshee waxa aad haysataan xajiya ilaa aan imaado.
  • Muj 3:3 : 3 Haddaba sidaas daraaddeed xusuuso sidii aad u heshay oo aad u maqashay, oo xaji, oo toobadkeen. Laakiinse haddii aadan soo jeedin, waxaan u iman doonaa sida tuug oo kale, mana aad ogaan doontid saacadda aan kuu iman doono.
  • Muj 3:8-9 : 8 ¶ Waan ogahay shuqulladaada (oo bal eeg, waxaan hortaada dhigay albaab furan oo aanu ninna xidhi karin), waayo, waxaad leedahay waxoogaa xoog ah, oo eraygaygiina waad dhawrtay, oo magacaygiina ma aad inkirin. 9 Bal eeg, kuwa isku sheega Yuhuud oo aan ahayn ee beenta sheegaya waxaan ka keeni doonaa sunagogga Shayddaanka, oo bal eeg, iyaga waxaan ka dhigi doonaa inay yimaadaan oo ay cagahaaga hortooda ku sujuudaan oo ay ogaadaan inaan anigu ku jeclahay.
  • Muj 3:11 : 11 Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin.
  • Muj 14:12 : 12 Waa kaa samirkii quduusiinta, kuwaas oo ah kuwa xajiya amarrada Ilaah iyo iimaanka Ciise.
  • Yuud 1:3-4 : 3 ¶ Gacaliyayaalow, intaan aad u dadaalayay inaan idiin soo qoro wax ku saabsan badbaadada inaga dhexaysa, waxaa dirqi igu noqday inaan idiin soo qoro oo aan idinku waaniyo inaad aad ugu dadaashaan iimaankii mar la wada siiyey quduusiinta oo dhan. 4 Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.
  • Muj 2:2 : 2 Waan ogahay shuqulladaada, iyo hawshaada, iyo dulqaadashadaada, iyo inaadan u adkaysan karin kuwa sharka ah, iyo inaad tijaabisay kuwa rasuullada isku sheega iyagoo aan ahayn, oo waxaad ogaatay inay been yihiin.
  • 2 Tim 1:13 : 13 Masaalkii erayada runta ahaa ee aad iga maqasheen ku xaji rumaysadka iyo jacaylka Ciise Masiix ku jira.
  • Luuk 21:17 : 17 Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona.
  • Fal 9:14 : 14 halkanna wuxuu wadaaddada sare ka haystaa amar inuu xidhxidho kuwa magacaaga kuugu yeedha oo dhan.
  • Yac 2:7 : 7 Miyaanay caayin magaca wanaagsan oo laydiinku yeedhay?
  • Mat 10:23 : 23 Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 2:1-12
    12 aayado
    76%

    1¶ Kiniisadda Efesos ku taal malaa'igteeda waxaad u qortaa: Kan toddobada xiddigood gacantiisa midigtaa ku haystaa oo toddobada laambadood oo dahabka badhtankooda ku socdaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,

    2Waan ogahay shuqulladaada, iyo hawshaada, iyo dulqaadashadaada, iyo inaadan u adkaysan karin kuwa sharka ah, iyo inaad tijaabisay kuwa rasuullada isku sheega iyagoo aan ahayn, oo waxaad ogaatay inay been yihiin.

    3Waad dulqaadataa, oo dhib baad ugu adkaysatay magacayga aawadiis, kamana aad daalin.

    4Laakiin wax baan kuu haystaa, waayo, jacaylkaagii hore waad ka tagtay.

    5Haddaba xusuuso meeshii aad ka dhacday, oo toobadkeen, oo shuqulladaadii hore samee; haddii kalese anigu waan kuu iman doonaa oo laambaddaada waan ka qaadi doonaa meesheeda haddii aadan toobadkeenin.

    6Laakiinse tan aad leedahay, waxaad neceb tahay dadka Nikolas raaca shuqulladooda oo aan aniguna necbahay.

    7Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta ayaa waxaan siin doonaa amar uu wax kaga cuno geedka nolosha oo ku dhex yaal Firdooska Ilaah.

    8¶ Kiniisadda Simurna ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan ugu horreeyey oo ugu dambeeya, oo dhintay, oo soo noolaaday, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,

    9¶ Waan ogahay dhibaatadaada iyo faqiirnimadaada (laakiin taajir baad tahay), iyo cayda ay kugu caayaan kuwa Yuhuudda isku sheegaa oo aan ahayn, laakiinse ah kuwa sunagogga Shayddaanka.

    10Ha ka cabsan waxyaalaha aad dhowaan ku xanuunsan doontid. Bal eega, in laydin tijaabiyo aawadeed, Ibliisku qaarkiin buu dhowaan xabsi ku ridi doonaa, oo idinku intii toban maalmood ah waxaad heli doontaan dhibaato. Ilaa dhimashada aamin ahow, anna waxaan ku siin doonaa taajka nolosha.

    11Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta dhimashada labaad waxba yeeli mayso.

    12¶ Kiniisadda Bergamos ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan haysta seefta soofaysan oo labada af leh wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,

  • Muj 3:8-15
    8 aayado
    71%

    8¶ Waan ogahay shuqulladaada (oo bal eeg, waxaan hortaada dhigay albaab furan oo aanu ninna xidhi karin), waayo, waxaad leedahay waxoogaa xoog ah, oo eraygaygiina waad dhawrtay, oo magacaygiina ma aad inkirin.

    9Bal eeg, kuwa isku sheega Yuhuud oo aan ahayn ee beenta sheegaya waxaan ka keeni doonaa sunagogga Shayddaanka, oo bal eeg, iyaga waxaan ka dhigi doonaa inay yimaadaan oo ay cagahaaga hortooda ku sujuudaan oo ay ogaadaan inaan anigu ku jeclahay.

    10Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan.

    11Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin.

    12Kii guulaysta waxaan ka dhigi doonaa tiir ku jira macbudka Ilaahayga, halkaasna mar dambe kama bixi doono, oo waxaan dushiisa ku qori doonaa magaca Ilaahayga, iyo magaca magaalada Ilaahayga, taas oo ah Yeruusaalemta cusub, oo samada iyo xagga Ilaahayga ka soo degaysa, iyo xataa magacayga cusub.

    13Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

    14¶ Kiniisadda La'odikiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Aamiin, oo ah markhaatiga aaminka ah oo runta ah, oo ah madaxa uunka Ilaah, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;

    15¶ Waan ogahay shuqulladaada iyo inaadan qabow iyo kulayl midna ahayn. Waxaan jeclaan lahaa inaad tahay qabow iyo kulayl midkood.

  • Muj 2:14-25
    12 aayado
    71%

    14Laakiinse dhawr waxyaalood baan kuu haystaa, maxaa yeelay, halkaas waxaad ku haysataa kuwo xajiya waxbariddii Balcaam, kaas oo baray Baalaaq inuu reer binu Israa'iil hortooda ku tuuro dhagax lagu turunturoodo, inay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey iyo inay sinaystaan.

    15Weliba waxaad kaloo haysataa kuwo sidaas oo kale u xajiya waxbariddii dadka Nikolas raaca.

    16Haddaba sidaas daraaddeed toobadkeena, haddii kalese dhaqsaan idiinku iman, oo waxaan iyaga kula diriri doonaa seefta afkayga.

    17Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta waxaan wax ka siin doonaa maannada qarsoon, oo waxaan siin doonaa dhagax cad, dhagaxa dushiisana waxaa ku qoran magac cusub oo aan ninna aqoon, kan hela mooyaane.

    18¶ Kiniisadda Tu'ateyra ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Wiilka Ilaah oo indhihiisu u eg yihiin dab ololkiis, cagihiisuna u eg yihiin naxaas dhalaalaysaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;

    19¶ Waan ogahay shuqulladaada, iyo jacaylkaaga, iyo rumaysadkaaga, iyo adeegiddaada, iyo samirkaaga, iyo inay shuqulladaadii dambe ka sii badan yihiin kuwaagii hore.

    20Laakiinse wax baan kuu haystaa, waayo, waxaad oggoshahay naagta Yesebeel la yidhaahdo oo nebiyad isku sheegta; oo waxay addoommadayda bartaa oo ku sasabtaa inay sinaystaan oo ay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey.

    21Oo waxaan iyada siiyey wakhti ay ku toobadkeento, iyaduse dooni mayso inay ka toobadkeento sinadeeda.

    22Bal eeg, haddaba iyada sariir baan ku dul tuurayaa, oo kuwii iyada la sinaystana waxaan ku dhex tuurayaa dhibaato weyn, haddii ayan ka toobadkeenin shuqulladeeda.

    23Oo waxaan carruurteeda ku dili doonaa dhimasho, kiniisadaha oo dhammuna waxay ogaan doonaan inaan ahay kan baadhbaadha kelyaha iyo qalbiyada, oo anna midkiin walbaba waxaan wax u siin doonaa sida shuqulladiinnu yihiin.

    24Laakiinse intiinna kale oo Tu'ateyra joogta, in alla intiinna aan waxbariddan haysan, oo sida ay iyagu yidhaahdaan, aan aqoon waxyaalaha moolka dheer oo Shayddaanka, idinka waxaan idinku leeyahay, Dushiinna culaab kale saari maayo.

    25Habase yeeshee waxa aad haysataan xajiya ilaa aan imaado.

  • Muj 3:1-3
    3 aayado
    68%

    1¶ Kiniisadda Sardis ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan haysta toddobada Ruux oo Ilaah iyo toddobada xiddigood, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan: Waan ogahay shuqulladaada, oo magac baad leedahay sida wax nool, laakiinse meyd baad tahay.

    2¶ Haddaba soo jeed, oo adkee waxyaalaha kuu hadhay oo dhimashada ku dhow; waayo, shuqulladaadii ma aan helin iyagoo kaamil ku ah Ilaahayga hortiisa.

    3Haddaba sidaas daraaddeed xusuuso sidii aad u heshay oo aad u maqashay, oo xaji, oo toobadkeen. Laakiinse haddii aadan soo jeedin, waxaan u iman doonaa sida tuug oo kale, mana aad ogaan doontid saacadda aan kuu iman doono.

  • Muj 3:21-22
    2 aayado
    66%

    21Kii guulaysta, waxaan siin doonaa amar uu carshigayga igula fadhiisto, sida aan aniguba u guulaystay, oo aan Aabbahay ugula fadhiistay carshigiisa.

    22Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

  • 9Kaas imaatinkiisu waa sida shuqul Shayddaan oo leh xoog iyo calaamooyin iyo cajaa'ibyo been ah oo dhan,

  • Muj 17:8-9
    2 aayado
    64%

    8Bahalkii aad aragtay wuu jiray, haddase ma jiro; oo wuxuu dhowaan ka soo bixi doonaa yamayska, oo wuxuu tegi doonaa halaag. Oo kuwa dhulka jooga oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha waagii dunida la aasaasay, markay bahalka arkaan waxay la yaabi doonaan siduu markii hore u jiray, oo uusan haatan u jirin, oo uu hadda ka dib u jiri doono.

    9¶ Waa kan maanka xigmadda lihi. Toddobada madax waa toddoba buurood oo ay naagtu ku fadhiisato; oo iyagu waxa weeyaan toddoba boqor;

  • Muj 13:6-8
    3 aayado
    64%

    6Markaasuu afkiisii u furay inuu Ilaah caayo, iyo inuu caayo magiciisa, iyo rugtiisa, iyo xataa kuwa samada deggan.

    7Oo haddana waxaa isagii la siiyey amar uu kula dagaallamo quduusiinta oo uu kaga adkaado; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku xukumo qabiil kasta iyo dad kasta iyo af kasta iyo quruun kasta.

    8Oo waxaa isaga caabudi doona inta dhulka deggan oo dhan oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha oo Wanka la gowracay waagii dunida la aasaasay.

  • 2¶ Oo bahalkii aan arkay wuxuu u ekaa shabeel, oo cagihiisuna waxay u ekaayeen cago orso, afkiisuna wuxuu u ekaa af libaax; markaasaa masduulaagii wuxuu isaga siiyey xooggiisii iyo carshigiisii iyo amar weyn.

  • 12Waa kaa samirkii quduusiinta, kuwaas oo ah kuwa xajiya amarrada Ilaah iyo iimaanka Ciise.

  • 29Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

  • 12Haddaba samooyinka iyo kuwa dhex degganow, reyreeya. Waxaase hoogay badda iyo dhulka, maxaa yeelay, waxaa idiin soo degay Ibliiskii, oo aad u cadhaysan, oo weliba garanaya in wakhtigu ku yar yahay.

  • 20Toddobada xiddigood oo aad ku aragtay gacantayda midigtaa iyo toddobada laambadood oo dahabka ah qarsoodigooda micnihiisu waxaa weeye sidan, toddobada xiddigood waxaa weeyaan malaa'igaha toddobada kiniisadood, toddobada laambadoodna waxaa weeyaan toddobada kiniisadood.

  • 9Oo masduulaagii weynaa oo ahaa maskii duqa ahaa hoos baa loo soo tuuray, kaasoo la yidhaahdo Ibliis iyo Shayddaan, kii dunida oo dhan khiyaaneeyey. Waxaa isaga lagu soo tuuray dhulka, oo malaa'igihiisiina hoos baa loola soo tuuray isaga.

  • 4¶ Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.