Muujintii 3:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed waxaan kugula talinayaa inaad iga iibsatid dahab dab lagu safeeyey, si aad taajir u noqotid, iyo dhar cad si aad u xidhatid oo aanay ceebta qaawanaantaadu u muuqan, iyo indhakuul aad indhaha marsatid si aad wax u aragtid.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 16:15 : 15 (Oo bal eeg, Anigu waxaan u imanayaa sida tuug oo kale. Haddaba waxaa barakaysan kii soo jeeda oo dharkiisa dhawra sii uusan qaawanaan ugu socon oo aan cawradiisa loo arag.)
  • Muj 19:8 : 8 Oo waxaa iyadii lagu amray inay xidhato dhar wanaagsan oo dhalaalaya oo daahir ah; waayo, dharka wanaagsanu waxa weeye falimihii xaqa ahaa oo quduusiinta.
  • Ish 55:1 : 1 ¶ Hoy, kuwiinna oomman oo dhammow, xagga biyaha kaalaya, xataa kii aan lacag haysanow, kaalaya, wax iibsada, oo wax cuna, kaalaya oo khamri iyo caano lacagla'aan iyo iibla'aan ku qaata.
  • Mat 13:44 : 44 ¶ Boqortooyada jannadu waxay u eg tahay maal beer ku qarsoon, kan nin intuu helay qarsaday, oo farxad aawadeed ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan iibiyey, oo beertaas iibsaday.
  • Daan 12:2 : 2 Oo qaar badan oo ku hurda ciidda dhulka ayaa soo toosi doona, qaarkood waxay u soo toosi doonaan nolol weligeed ah, qaarkoodna waxay u soo toosi doonaan ceeb iyo quudhsasho weligeed ah.
  • Yac 2:5 : 5 I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel?
  • 1 But 1:7 : 7 Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo.
  • Muj 2:9 : 9 ¶ Waan ogahay dhibaatadaada iyo faqiirnimadaada (laakiin taajir baad tahay), iyo cayda ay kugu caayaan kuwa Yuhuudda isku sheegaa oo aan ahayn, laakiinse ah kuwa sunagogga Shayddaanka.
  • Muj 3:17 : 17 Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan.
  • Muj 7:13 : 13 ¶ Oo odayaashii midkood baa jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwan khamiisyada cadcad qabaa yay yihiin, xaggee bayse ka yimaadeen?
  • Mal 3:3 : 3 Oo wuxuu u fadhiyi doonaa sida kan lacagta miira oo safeeya, oo reer Laawi wuu daahirin doonaa, oo iyaguu u safayn doonaa sida dahabka iyo lacagta loo safeeyo, oo iyana si xaqnimo ah ayay Rabbiga qurbaanno ugu bixin doonaan.
  • Mat 25:9 : 9 Laakiin kuwii caqliga lahaa ayaa u jawaabay oo waxay ku yidhaahdeen, Maya, waaba intaas oo ay nagu filnaan waydaa annaga iyo idinka; bal u taga kuwa iibiya oo ka soo iibsada.
  • Luuk 12:21 : 21 Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.
  • Yoox 9:6-9 : 6 Markuu sidaas yidhi, ayuu dhulka candhuuf ku tufay, oo candhuuftii dhoobo ka sameeyey, markaasuu dhoobadii wuxuu mariyey ninkii indhihiisii, 7 oo ku yidhi, Bax oo ku soo maydho balliga Siloo'am la yidhaahdo (oo fasirkiisii yahay, Waa la diray). Wuu tegey haddaba oo soo maydhay, markaasuu yimid isagoo wax arkaya. 8 Sidaa daraaddeed derisyadii iyo kuwii hortii arki jiray inuu miskiin yahay, waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kii fadhiyi jiray oo dawarsan jiray? 9 Qaar baa yidhi, Waa isagii, Qaarna waxay yidhaahdeen, Maya, laakiin waa u eg yahay. Isagaa yidhi, Isagii baan ahay. 10 Sidaa daraaddeed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba sidee bay indhahaagu u furmeen? 11 Wuxuu ugu jawaabay, Ninka Ciise la yidhaahdo ayaa dhoobo sameeyey oo indhahayga mariyey, oo wuxuu igu yidhi, Siloo'am u kac, oo ku soo maydho, Sidaa aawadeed ayaan tegey, oo markaan soo maydhay ayaan arag helay.
  • 1 Kor 3:12-13 : 12 Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal, 13 nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo, maalintu way caddayn doontaa, maxaa yeelay, dab baa lagu muujiyaa, waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doona.
  • 2 Kor 5:3 : 3 Haddii aynu huwan nahay laynama heli doono innagoo qaawan.
  • 2 Kor 8:9 : 9 Waad garanaysaan nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix in isagoo hodan ah uu aawadiin miskiin u noqday, inaad miskiinnimadiisa hodan ku noqotaan.
  • 1 Tim 6:18 : 18 Oo waani inay wax san sameeyaan, oo ay shuqullo wanaagsan hodan ku ahaadaan, oo ay deeqsi ahaadaan, oo ay dadka kale wax siiyaan,
  • Sab 16:7 : 7 Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey, Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.
  • Sab 32:8 : 8 Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd, Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
  • Sab 73:24 : 24 Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada, Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.
  • Sab 107:11 : 11 Waxay ku caasiyoobeen erayadii Ilaah, Oo waxay fududaysteen taladii Ilaaha ugu sarreeya,
  • Maah 1:25 : 25 Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen, Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin;
  • Maah 1:30 : 30 Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin; Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen;
  • Maah 19:20 : 20 Talada maqal, oo edbinta qaado, Si aad ugu dambaystaada caqli u yeelatid.
  • Maah 23:23 : 23 Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.
  • Wacd 8:2 : 2 ¶ Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.
  • Ish 47:3 : 3 Cawradaada waa la qaawin doonaa, ceebtaadana waa la arki doonaa. Waan aarsan doonaa, oo ninna uma tudhi doono.
  • Muj 3:4-5 : 4 Laakiinse waxaad Sardis ku leedahay dhawr qof oo aan dharkooda nijaasayn; oo anigay ila socon doonaan iyagoo dhar cad qaba; maxaa yeelay, way istaahilaan. 5 Kii guulaystaa sidaasuu u xidhan doonaa dhar cad; oo anna sinaba magiciisa ugama tirtiri doono kitaabka nolosha, oo waxaan magiciisa ka qiran doonaa Aabbahay hortiisa iyo malaa'igihiisa hortooda.
  • 1 Yoox 2:20-27 : 20 Laakiin idinku waxaad leedihiin subkid ka timid Kan Quduuska ah, oo wax walba waad taqaaniin. 21 Wixii aan idiin soo qoray uma aan soo qorin aqoonla'aantiinna xagga runta aawadeed, laakiin waxaan u soo qoray aqoonta aad runta taqaaniin iyo inaanay beenina runta ka iman aawadood. 22 Waa kuma beenaaluhu, kan dafira inuu Ciise yahay Masiixa mooyaane? Isagu waa kan Masiixa ka geesta ah, waana kan dafira Aabbaha iyo Wiilkaba. 23 Ku alla kii Wiilka inkiraa, ma leh Aabbaha; laakiin kan Wiilka qirtaa Aabbuhuu leeyahay. 24 Haddaba idinku waxaad tan iyo bilowgii maqlayseen ha idinku sii jiro. Haddii wixii aad tan iyo bilowgii maqlayseen idinku sii jiro, idinkuna waxaad ku sii jiri doontaan Wiilka iyo Aabbaha. 25 Oo kanu waa ballankii uu inoogu ballanqaaday oo ah nolosha weligeed ah. 26 ¶ Waxaan idiin soo qoray waxyaalahan ku saabsan kuwa idin khiyaanaynaya. 27 Subkidda aad ka hesheen isaga way idinku sii jirtaa; oo uma baahnidin in cidina wax idin barto; laakiin sida subkiddiisu wax walba idiin barto, oo ay run u tahay, beenna aanay u ahayn, waa inaad siday wax idiin bartay ugu sii jirtaan.
  • Miik 1:11 : 11 Kaaga Shaafiir degganow, bax adoo qaawan oo ceebaysan. Kan Sa'anaan degganu soo ma bixin. Baroorta Beytesel waxay idinka qaadan doontaa meesha aad ku tiirsato.
  • Nax 3:5 : 5 Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, col baan kula ahay, oo gogaradahaagana waan kaa feydi doonaa oo wejigaan kuu saari doonaa, oo waxaan quruumaha tusi doonaa cawradaada, boqortooyooyinkana ceebtaada.
  • Yer 13:26 : 26 Sidaas daraaddeed darfaha dharkaagaan xaydi doonaa ilaa wejigaaga si ay ceebtaadu u muuqato aawadeed.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 3:13-17
    5 aayado
    88%

    13Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

    14¶ Kiniisadda La'odikiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Aamiin, oo ah markhaatiga aaminka ah oo runta ah, oo ah madaxa uunka Ilaah, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;

    15¶ Waan ogahay shuqulladaada iyo inaadan qabow iyo kulayl midna ahayn. Waxaan jeclaan lahaa inaad tahay qabow iyo kulayl midkood.

    16Haddaba waad diirran tahay, oo qabow iyo kulayl midna ma ihid, sidaas daraaddeed afkaygaan kaa tufi doonaa.

    17Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan.

  • Muj 3:19-20
    2 aayado
    79%

    19In alla inta aan jeclahay waan canaantaa oo edbiyaa, sidaas daraaddeed qiiro yeelo oo toobadkeen.

    20Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn.

  • Muj 2:17-18
    2 aayado
    73%

    17Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta waxaan wax ka siin doonaa maannada qarsoon, oo waxaan siin doonaa dhagax cad, dhagaxa dushiisana waxaa ku qoran magac cusub oo aan ninna aqoon, kan hela mooyaane.

    18¶ Kiniisadda Tu'ateyra ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Wiilka Ilaah oo indhihiisu u eg yihiin dab ololkiis, cagihiisuna u eg yihiin naxaas dhalaalaysaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;

  • Muj 3:1-6
    6 aayado
    73%

    1¶ Kiniisadda Sardis ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan haysta toddobada Ruux oo Ilaah iyo toddobada xiddigood, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan: Waan ogahay shuqulladaada, oo magac baad leedahay sida wax nool, laakiinse meyd baad tahay.

    2¶ Haddaba soo jeed, oo adkee waxyaalaha kuu hadhay oo dhimashada ku dhow; waayo, shuqulladaadii ma aan helin iyagoo kaamil ku ah Ilaahayga hortiisa.

    3Haddaba sidaas daraaddeed xusuuso sidii aad u heshay oo aad u maqashay, oo xaji, oo toobadkeen. Laakiinse haddii aadan soo jeedin, waxaan u iman doonaa sida tuug oo kale, mana aad ogaan doontid saacadda aan kuu iman doono.

    4Laakiinse waxaad Sardis ku leedahay dhawr qof oo aan dharkooda nijaasayn; oo anigay ila socon doonaan iyagoo dhar cad qaba; maxaa yeelay, way istaahilaan.

    5Kii guulaystaa sidaasuu u xidhan doonaa dhar cad; oo anna sinaba magiciisa ugama tirtiri doono kitaabka nolosha, oo waxaan magiciisa ka qiran doonaa Aabbahay hortiisa iyo malaa'igihiisa hortooda.

    6Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

  • Muj 1:11-14
    4 aayado
    72%

    11Wixii aad aragtid buug ku qor, oo waxaad u sii dirtaa toddobada kiniisadood; kuwaas oo ah tan Efesos, iyo tan Simurna, iyo tan Bergamos, iyo tan Tu'ateyra, iyo tan Sardis, iyo tan Filadelfiya, iyo tan La'odikiya.

    12¶ Oo anna dib baan u jeestay inaan arko codkii ila hadlay, oo markii aan dib u jeestay waxaan arkay toddoba laambadood oo dahab ah.

    13Oo laambadaha badhtankooda waxaan ku arkay mid u eg bini-aadan oo qaba khamiis dheer, oo laabtana waxaa ugu xidhnaa suun dahab ah.

    14Oo madaxiisa iyo timihiisuna waxay u caddaayeen sida suuf cad iyo sida baraf oo kale; oo indhihiisuna waxay ahaayeen sida dab ololkiis,

  • 15(Oo bal eeg, Anigu waxaan u imanayaa sida tuug oo kale. Haddaba waxaa barakaysan kii soo jeeda oo dharkiisa dhawra sii uusan qaawanaan ugu socon oo aan cawradiisa loo arag.)

  • Yac 5:2-3
    2 aayado
    70%

    2Duunyadiinnii way qudhuntay, dharkiinniina aboor baa cunay.

    3Dahabkiinnii iyo lacagtiinniiba way mirdheen, miridhkooduna markhaati buu idinku noqon doonaa, wuxuuna jidhkiinna u cuni doonaa sida dabka oo kale. Maal baad u urursateen maalmaha ugu dambeeya.

  • Muj 3:8-11
    4 aayado
    69%

    8¶ Waan ogahay shuqulladaada (oo bal eeg, waxaan hortaada dhigay albaab furan oo aanu ninna xidhi karin), waayo, waxaad leedahay waxoogaa xoog ah, oo eraygaygiina waad dhawrtay, oo magacaygiina ma aad inkirin.

    9Bal eeg, kuwa isku sheega Yuhuud oo aan ahayn ee beenta sheegaya waxaan ka keeni doonaa sunagogga Shayddaanka, oo bal eeg, iyaga waxaan ka dhigi doonaa inay yimaadaan oo ay cagahaaga hortooda ku sujuudaan oo ay ogaadaan inaan anigu ku jeclahay.

    10Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan.

    11Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin.

  • Muj 18:14-16
    3 aayado
    69%

    14Oo midhihii naftaadu ay damacday way kaa tageen, oo waxyaalihii fiicanaa oo dhalaalayay oo dhammuna way kaa baabbe'een, oo mar dambena lama heli doono.

    15Oo baayacmushtariyadii alaabtaas lahaa oo iyada taajir ku noqday, waxay meel fog la istaagi doonaan cabsida caddibaaddeeda iyagoo ooyaya oo barooranaya;

    16oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn, tii qabi jirtay dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo dhar cas, oo ku sharraxnaan jirtay dahab, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul.

  • 33Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in.

  • 22Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

  • 13Sidaasaa dahab iyo lacag lagugu sharraxay, dharkaaguna wuxuu ahaa dhar wanaagsan, iyo xariir, iyo dhar daabac leh. Oo waxaad cuntay daqiiq wanaagsan, iyo malab iyo saliid. Oo aad iyo aad baad u qurux badnayd, oo boqorad baad noqotay.

  • 5Haddaba xusuuso meeshii aad ka dhacday, oo toobadkeen, oo shuqulladaadii hore samee; haddii kalese anigu waan kuu iman doonaa oo laambaddaada waan ka qaadi doonaa meesheeda haddii aadan toobadkeenin.

  • 12shixnaddaas oo ah dahab, iyo lacag, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul, iyo dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo xariir, iyo dhar cas, iyo alwaax kasta oo tu'inos ah, iyo weel kasta oo foolmaroodi laga sameeyey, iyo weel kasta oo alwaax qaali ah laga sameeyey, iyo kuwa laga sameeyey naxaas, iyo bir, iyo marmar,

  • 8Had iyo goorba dharkaagu wax cad ha ahaado, oo madaxaaguna yuusan saliid waayin.

  • 9¶ Waan ogahay dhibaatadaada iyo faqiirnimadaada (laakiin taajir baad tahay), iyo cayda ay kugu caayaan kuwa Yuhuudda isku sheegaa oo aan ahayn, laakiinse ah kuwa sunagogga Shayddaanka.

  • Muj 18:3-4
    2 aayado
    68%

    3Waayo, quruumihii oo dhammu waxay ku dhaceen khamrigii cadhada sinadeeda; oo boqorradii dhulka oo dhammuna iyaday ka sinaysteen, oo baayacmushtariyadii dunidu waxay ku taajireen xooggii barwaaqadeeda.

    4¶ Oo haddana waxaan maqlay cod kale oo samada ka dhawaaqaya oo leh, Dadkaygiiyow, iyada ka soo baxa, yeydnan dembiyadeeda la qaybsane, oo aydnaan belaayooyinkeeda heline;

  • Muj 1:19-20
    2 aayado
    68%

    19Haddaba waxaad qortaa waxyaalahaad aragtay iyo waxyaalaha hadda jira iyo waxyaalaha hadda ka dib dhici doona.

    20Toddobada xiddigood oo aad ku aragtay gacantayda midigtaa iyo toddobada laambadood oo dahabka ah qarsoodigooda micnihiisu waxaa weeye sidan, toddobada xiddigood waxaa weeyaan malaa'igaha toddobada kiniisadood, toddobada laambadoodna waxaa weeyaan toddobada kiniisadood.

  • 3Isqurxintiinnu yaanay ahaan tan dibadda ah, oo ah timo tidcan, iyo dahab layska lulo, amase dhar la xidho,

  • 9Waayo, kii waxyaalahaasu ka maqan yihiin wuu indha la' yahay oo arag gaaban yahay, oo wuxuu illoobay in dembiyadiisii hore laga safeeyey.

  • 4Oo naagtuna waxay qabtay dhar midabkiisu yahay casaan iyo guduud, oo waxaa kaloo ay ku sharraxnayd dahab iyo dhagaxyo qaali ah iyo luul, oo waxay gacanta ku haysatay koob dahab ah oo waxyaalihii karaahiyada ahaa ka buuxaan, kuwaas oo ahaa waxyaalihii nijaasta ahaa oo sinadeeda,

  • 47Haddii ishaadu ku xumayso, iska bixi. Waxaa kuu wanaagsan inaad boqortooyada Ilaah gashid adigoo il keliya leh intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada

  • 18Oo dharkaagii daabaca lahaa intaad iska furtay ayaad iyagii huwisay, oo saliiddaydii iyo fooxaygiina iyagaad hor dhigtay.

  • 9Haddii ishaaduna ku xumayso iska bixi oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad il keliya nolosha ku gashid intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada dabka ah.

  • 29Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

  • 10Oo weliba dhar daabac leh ayaan kuu xidhay, oo waxaan kuu geliyey kabo adhidibadeed hargahood laga sameeyey, oo dhexdana maro wanaagsan baan kuugu xidhay, oo xariir baan kuu hagoojiyey.

  • 12Oo indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane.

  • 1¶ Kiniisadda Efesos ku taal malaa'igteeda waxaad u qortaa: Kan toddobada xiddigood gacantiisa midigtaa ku haystaa oo toddobada laambadood oo dahabka badhtankooda ku socdaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,