Muujintii 3:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba soo jeed, oo adkee waxyaalaha kuu hadhay oo dhimashada ku dhow; waayo, shuqulladaadii ma aan helin iyagoo kaamil ku ah Ilaahayga hortiisa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 But 4:7 : 7 ¶ Haddaba wax walba dhammaadkoodu wuu dhow yahay, sidaas daraaddeed digtoonaada, oo tukashada u feeyignaada.
  • 1 But 5:8 : 8 ¶ Feeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo.
  • Muj 2:4 : 4 Laakiin wax baan kuu haystaa, waayo, jacaylkaagii hore waad ka tagtay.
  • Muj 16:15 : 15 (Oo bal eeg, Anigu waxaan u imanayaa sida tuug oo kale. Haddaba waxaa barakaysan kii soo jeeda oo dharkiisa dhawra sii uusan qaawanaan ugu socon oo aan cawradiisa loo arag.)
  • Fal 18:23 : 23 Markuu intii mudda ah meeshaas joogayna, wuu ka tegey, markaasuu meel meel u sii dhex maray dalalka Galatiya iyo Farugiya isagoo xertii adkaynaya.
  • Fal 20:28-31 : 28 Qudhiinnu isjira, idahana jira, kuwaasoo Ruuxa Quduuska ahu idiinka dhigay beldaajiyayaal inaad daajisaan kiniisadda Ilaah oo uu dhiiggiisa ku iibsaday. 29 Waxaan ogahay markaan tago dabadeed inay idin dhex geli doonaan uubatooyin xunxun iyagoo aan idaha wax ka reebaynin; 30 oo waxaa idinka dhex kici doona niman waxyaalo qalqalloocan ku hadlaya inay xertii u jiitaan xaggooda. 31 Sidaas darteed, soo jeeda, idinkoo xusuusanaya in intii saddex sannadood ah aanan ka joogsan inaan mid kasta habeen iyo maalinba waaniyo anigoo ilmaynaya.
  • 2 Tim 4:1-4 : 1 ¶ Waxaan kugu amrayaa Ilaah hortiis iyo Ciise Masiix oo xukumi doona kuwa nool iyo kuwii dhintayba hortiisa, oo waxaan kaloo kugu amrayaa muuqashadiisa iyo boqortooyadiisa, 2 inaad hadalka dadka ku wacdido. Wakhti wanaagsan iyo wakhti xunba ku dadaal, oo canaano, oo hagaaji, oo waani, adigoo dulqaadanaya oo wax baraya. 3 Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan; 4 oo dhegahooday runta ka leexin doonaan, oo waxay u jeedin doonaan sheekooyin.
  • Sharc 3:28 : 28 Laakiinse Yashuuca amar, oo dhiirrigeli, oo xoogee, waayo, isagu wuu gudbi doonaa oo dadkan hor kici doonaa, oo wuxuu dhaxalsiin doonaa dalka aad arki doontid.
  • 1 Boq 11:4 : 4 Oo markii Sulaymaan gaboobay ayaa naagihiisii qalbigiisii u jeediyeen ilaahyo kale xaggood; oo qalbigiisuna kuma qummanayn xagga Rabbiga Ilaahiisa ahaa sidii qalbigii aabbihiis Daa'uud ahaa oo kale.
  • 1 Boq 15:3 : 3 Oo isna wuxuu sameeyey dembiyadii uu aabbihiis samayn jiray isaga hortiis oo dhan, oo qalbigiisuna Rabbiga Ilaahiisa ah uguma qummanayn sidii qalbigii awowgiis Daa'uud oo kale.
  • 2 Taar 25:2 : 2 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, laakiinse qalbi daacad ah kuma uu samayn.
  • Ayuub 4:4-5 : 4 Erayadaadu way tiiriyeen kii sii dhacayay, Oo jilbihii tabarta yaraana waad adkaysay. 5 Laakiinse haatan dhibaatadu aday kuu timid, oo waad taag yaraanaysaa, Wayna ku soo gaadhay, oo waad dhibaataysan tahay.
  • Ayuub 16:5 : 5 Laakiinse anigu afkayga waan idinku xoogayn lahaa, Oo tacsiyaynta bushimahayguna way idin qalbi qabowjin lahayd.
  • Ish 35:3 : 3 Gacmaha taagta daran xoogeeya, oo jilbaha tabarta yarna adkeeya.
  • Ish 56:10 : 10 Waardiyayaashiisu waa indha la' yihiin, oo kulligoodna aqoon ma leh, dhammaantoodna waa eeyo carrab la' oo aan ciyi karin. Way riyoodaan oo jiifaan, oo jecel yihiin inay hurdaan.
  • Ish 57:12 : 12 Waxaan sheegi doonaa xaqnimadaada iyo shuqulladaada, iyaguse waxba kuuma tari doonaan.
  • Ish 62:6-7 : 6 ¶ Yeruusaalemay, derbiyadaada waxaan dul saaray waardiyayaal, oo iyana habeen iyo maalin toona ma ay aamusi doonaan. Kuwiinna Rabbiga xusuustow, ha aamusina, 7 oo isaga ha nasinina jeeruu Yeruusaalem dhiso oo ammaan dhulka kaga dhigo,
  • Yex 34:8-9 : 8 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, idahaygii waxay noqdeen wax la dhaco, oo idahaygii waxay cunto u noqdeen dugaagga duurka oo dhan, maxaa yeelay, adhijir ma ay lahayn, oo adhijirradayduna ma ay doondoonin, laakiinse adhijirradii way isquudiyeen, adhigaygana ma ay daajin. 9 Sidaas daraaddeed, Adhijirradow, bal erayga Rabbiga maqla. 10 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu adhijirradaan col ku ahaye, oo adhigaygiina gacantoodaan weyddiin doonaa, oo waxaan iyaga ka joojin doonaa inay idaha daajiyaan, oo adhijirraduna mar dambe isma quudin doonaan. Adhigaygaan afkooda ka samatabbixin doonaa, si uusan cunto ugu noqonin.
  • Yex 34:16 : 16 Kii baadiyoobay baan raadin doonaa, oo kii baxsadayna waan soo celin doonaa, kii jabayna waan kabi doonaa, oo kii bukayna waan xoogayn doonaa, laakiinse ka buuran iyo ka xoogga leh waan wada baabbi'in doonaa, oo caddaalad baan ku daajin doonaa.
  • Daan 5:27 : 27 TEQELna waxaa weeye, Kafadaha waa lagugu miisaamay oo wax baa kaa dhinnaaday.
  • Sak 11:16 : 16 Waayo, bal eeg, waxaan dalka ka dhex kicin doonaa adhijir aan soo booqanayn kuwa ambaday, oo aan doondoonayn kuwa kala firdhay, oo aan bogsiinayn kii jaban, oo aan daajinayn kii feyow, laakiinse isagu wuxuu cuni doonaa hilibka baruurta, oo raafafkoodana wuu kala dildillaacin doonaa.
  • Mat 6:2-4 : 2 ¶ Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida labawejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen. 3 Laakiin adigu goortaad sadaqad bixinayso, bidixdaadu yaanay ogaan waxa midigtaadu samaynayso, 4 si ay sadaqaddaadu u qarsoonaato, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.
  • Mat 23:5 : 5 Laakiin shuqulkooda oo dhan waxay u sameeyaan in dadku arko, waayo, xirsiyadooda way ballaadhiyaan, oo faraqa dharkoodana way weyneeyaan;
  • Mat 23:28-38 : 28 Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi. 29 ¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, oo waxaad qurxisaan qabriyada kuwii xaqa ahaa; 30 oo waxaad tidhaahdaan, Haddii aannu waagii awowayaashayo joogi lahayn, annagu kala ma aannan qayb galneen kuwii dhiigga nebiyada qabay. 31 Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay. 32 Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin. 33 Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada? 34 Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan, 35 inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha quduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda. 36 Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona. 37 ¶ Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn. 38 Bal eega, gurigiinnii waa laydiin daayay isagoo cidla ah.
  • Mat 24:42-51 : 42 Haddaba soo jeeda, waayo, ma aad ogidin maalinta Rabbigiinnu imanayo. 43 Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa wakhtiga tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo ma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo. 44 Sidaa darteed idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa. 45 ¶ Haddaba yuu yahay addoonka aaminka ah oo caqliga leh, kan sayidkiisu dadka gurigiisa u sarreeysiiyey inuu cuntada siiyo wakhtigeeda? 46 Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya. 47 Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga. 48 Laakiin haddii addoonkaas sharka leh qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkaygu waa raagay, 49 oo uu bilaabo inuu garaaco kuwii la shaqayn jiray, oo uu wax la cuno oo wax la cabbo kuwa sakhraanka ah, 50 addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn iyo saacad aanu ogayn, 51 oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
  • Mat 25:13 : 13 Haddaba soo jeeda, waayo, garan maysaan maalinta ama saacadda.
  • Mark 13:33-37 : 33 Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay. 34 Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo. 35 Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba, 36 waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda. 37 Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.
  • Luuk 22:31-32 : 31 ¶ Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen, 32 laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Kiniisadda Sardis ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan haysta toddobada Ruux oo Ilaah iyo toddobada xiddigood, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan: Waan ogahay shuqulladaada, oo magac baad leedahay sida wax nool, laakiinse meyd baad tahay.

  • Muj 3:3-11
    9 aayado
    82%

    3Haddaba sidaas daraaddeed xusuuso sidii aad u heshay oo aad u maqashay, oo xaji, oo toobadkeen. Laakiinse haddii aadan soo jeedin, waxaan u iman doonaa sida tuug oo kale, mana aad ogaan doontid saacadda aan kuu iman doono.

    4Laakiinse waxaad Sardis ku leedahay dhawr qof oo aan dharkooda nijaasayn; oo anigay ila socon doonaan iyagoo dhar cad qaba; maxaa yeelay, way istaahilaan.

    5Kii guulaystaa sidaasuu u xidhan doonaa dhar cad; oo anna sinaba magiciisa ugama tirtiri doono kitaabka nolosha, oo waxaan magiciisa ka qiran doonaa Aabbahay hortiisa iyo malaa'igihiisa hortooda.

    6Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

    7¶ Kiniisadda Filadelfiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan quduuska ah, oo runta ah, oo furihii Daa'uud haysta, oo wuxuu furo aanu ninna xidhi karin, wuxuu xidhana aanu ninna furi karin, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;

    8¶ Waan ogahay shuqulladaada (oo bal eeg, waxaan hortaada dhigay albaab furan oo aanu ninna xidhi karin), waayo, waxaad leedahay waxoogaa xoog ah, oo eraygaygiina waad dhawrtay, oo magacaygiina ma aad inkirin.

    9Bal eeg, kuwa isku sheega Yuhuud oo aan ahayn ee beenta sheegaya waxaan ka keeni doonaa sunagogga Shayddaanka, oo bal eeg, iyaga waxaan ka dhigi doonaa inay yimaadaan oo ay cagahaaga hortooda ku sujuudaan oo ay ogaadaan inaan anigu ku jeclahay.

    10Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan.

    11Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin.

  • Muj 3:13-20
    8 aayado
    76%

    13Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

    14¶ Kiniisadda La'odikiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Aamiin, oo ah markhaatiga aaminka ah oo runta ah, oo ah madaxa uunka Ilaah, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;

    15¶ Waan ogahay shuqulladaada iyo inaadan qabow iyo kulayl midna ahayn. Waxaan jeclaan lahaa inaad tahay qabow iyo kulayl midkood.

    16Haddaba waad diirran tahay, oo qabow iyo kulayl midna ma ihid, sidaas daraaddeed afkaygaan kaa tufi doonaa.

    17Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan.

    18Sidaas daraaddeed waxaan kugula talinayaa inaad iga iibsatid dahab dab lagu safeeyey, si aad taajir u noqotid, iyo dhar cad si aad u xidhatid oo aanay ceebta qaawanaantaadu u muuqan, iyo indhakuul aad indhaha marsatid si aad wax u aragtid.

    19In alla inta aan jeclahay waan canaantaa oo edbiyaa, sidaas daraaddeed qiiro yeelo oo toobadkeen.

    20Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, isna wuu ila cashayn.

  • Muj 2:18-19
    2 aayado
    75%

    18¶ Kiniisadda Tu'ateyra ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Wiilka Ilaah oo indhihiisu u eg yihiin dab ololkiis, cagihiisuna u eg yihiin naxaas dhalaalaysaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;

    19¶ Waan ogahay shuqulladaada, iyo jacaylkaaga, iyo rumaysadkaaga, iyo adeegiddaada, iyo samirkaaga, iyo inay shuqulladaadii dambe ka sii badan yihiin kuwaagii hore.

  • Muj 2:1-13
    13 aayado
    75%

    1¶ Kiniisadda Efesos ku taal malaa'igteeda waxaad u qortaa: Kan toddobada xiddigood gacantiisa midigtaa ku haystaa oo toddobada laambadood oo dahabka badhtankooda ku socdaa wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,

    2Waan ogahay shuqulladaada, iyo hawshaada, iyo dulqaadashadaada, iyo inaadan u adkaysan karin kuwa sharka ah, iyo inaad tijaabisay kuwa rasuullada isku sheega iyagoo aan ahayn, oo waxaad ogaatay inay been yihiin.

    3Waad dulqaadataa, oo dhib baad ugu adkaysatay magacayga aawadiis, kamana aad daalin.

    4Laakiin wax baan kuu haystaa, waayo, jacaylkaagii hore waad ka tagtay.

    5Haddaba xusuuso meeshii aad ka dhacday, oo toobadkeen, oo shuqulladaadii hore samee; haddii kalese anigu waan kuu iman doonaa oo laambaddaada waan ka qaadi doonaa meesheeda haddii aadan toobadkeenin.

    6Laakiinse tan aad leedahay, waxaad neceb tahay dadka Nikolas raaca shuqulladooda oo aan aniguna necbahay.

    7Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta ayaa waxaan siin doonaa amar uu wax kaga cuno geedka nolosha oo ku dhex yaal Firdooska Ilaah.

    8¶ Kiniisadda Simurna ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan ugu horreeyey oo ugu dambeeya, oo dhintay, oo soo noolaaday, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,

    9¶ Waan ogahay dhibaatadaada iyo faqiirnimadaada (laakiin taajir baad tahay), iyo cayda ay kugu caayaan kuwa Yuhuudda isku sheegaa oo aan ahayn, laakiinse ah kuwa sunagogga Shayddaanka.

    10Ha ka cabsan waxyaalaha aad dhowaan ku xanuunsan doontid. Bal eega, in laydin tijaabiyo aawadeed, Ibliisku qaarkiin buu dhowaan xabsi ku ridi doonaa, oo idinku intii toban maalmood ah waxaad heli doontaan dhibaato. Ilaa dhimashada aamin ahow, anna waxaan ku siin doonaa taajka nolosha.

    11Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha. Kii guulaysta dhimashada labaad waxba yeeli mayso.

    12¶ Kiniisadda Bergamos ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan haysta seefta soofaysan oo labada af leh wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,

    13¶ Waan ogahay meeshaad deggan tahay inay tahay meesha carshiga Shayddaanku yaal; oo magacayga waad xajisaa, mana aad inkirin iimaankayga xataa waagii Antibas joogay, isagoo ahaa markhaatigaygii iyo kaygii aaminka ahaa oo dhexdiinna lagu dilay meesha Shayddaanku deggan yahay.

  • Muj 2:23-25
    3 aayado
    74%

    23Oo waxaan carruurteeda ku dili doonaa dhimasho, kiniisadaha oo dhammuna waxay ogaan doonaan inaan ahay kan baadhbaadha kelyaha iyo qalbiyada, oo anna midkiin walbaba waxaan wax u siin doonaa sida shuqulladiinnu yihiin.

    24Laakiinse intiinna kale oo Tu'ateyra joogta, in alla intiinna aan waxbariddan haysan, oo sida ay iyagu yidhaahdaan, aan aqoon waxyaalaha moolka dheer oo Shayddaanka, idinka waxaan idinku leeyahay, Dushiinna culaab kale saari maayo.

    25Habase yeeshee waxa aad haysataan xajiya ilaa aan imaado.

  • Muj 1:18-20
    3 aayado
    72%

    18iyo kan nool. Anigu waan dhintay, oo bal eeg, waan noolahay tan iyo weligayba, oo waxaan haystaa furayaasha dhimashada iyo Haadees.

    19Haddaba waxaad qortaa waxyaalahaad aragtay iyo waxyaalaha hadda jira iyo waxyaalaha hadda ka dib dhici doona.

    20Toddobada xiddigood oo aad ku aragtay gacantayda midigtaa iyo toddobada laambadood oo dahabka ah qarsoodigooda micnihiisu waxaa weeye sidan, toddobada xiddigood waxaa weeyaan malaa'igaha toddobada kiniisadood, toddobada laambadoodna waxaa weeyaan toddobada kiniisadood.

  • 8Iska jira si aydnaan u khasaarayn wixii aynu falnay, laakiinse si aad abaalgud dhan u heshaan.

  • 29Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

  • 16Haddaba sidaas daraaddeed toobadkeena, haddii kalese dhaqsaan idiinku iman, oo waxaan iyaga kula diriri doonaa seefta afkayga.

  • 22Kii dheg lahu ha maqlo waxa Ruuxu ku leeyahay kiniisadaha.

  • 14¶ Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahaas sugaya, ku dadaala in laydin helo idinkoo nabdoon oo aan wasakh iyo eed lahayn Ilaah hortiisa.

  • 69%

    36waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda.

    37Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.

  • 11Wixii aad aragtid buug ku qor, oo waxaad u sii dirtaa toddobada kiniisadood; kuwaas oo ah tan Efesos, iyo tan Simurna, iyo tan Bergamos, iyo tan Tu'ateyra, iyo tan Sardis, iyo tan Filadelfiya, iyo tan La'odikiya.

  • 15(Oo bal eeg, Anigu waxaan u imanayaa sida tuug oo kale. Haddaba waxaa barakaysan kii soo jeeda oo dharkiisa dhawra sii uusan qaawanaan ugu socon oo aan cawradiisa loo arag.)

  • 3Waxaa barakaysan ka akhriya iyo kuwa maqla erayadii wax sii sheegidda, oo xajiya waxyaalaha ku qoran, waayo, wakhtigii wuu dhow yahay.

  • 15Sidaas daraaddeed in alla inteennii kaamil ahu aan sidaas ku fikirno, oo haddii aad si kala duwan wax kaga fikirtaan, xataa waxaas Ilaah baa idiin muujin doona.