Muujintii 6:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 19:2 : 2 waayo, waxaa run iyo xaq ah xukummadiisa, maxaa yeelay, isagu wuu xukumay dhilladii weynayd ee dhulka ku hallaysay sinadeedii; oo dhiiggii addoommadiisiina gacanteeda wuu ka aaray.
  • Muj 3:7 : 7 ¶ Kiniisadda Filadelfiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan quduuska ah, oo runta ah, oo furihii Daa'uud haysta, oo wuxuu furo aanu ninna xidhi karin, wuxuu xidhana aanu ninna furi karin, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;
  • 2 Tes 1:6-8 : 6 Waayo, xagga Ilaah waa xaq inuu dhib ugu abaalgudo kuwa idin dhiba, 7 iyo inuu kuwiinna la dhibay nala kiin nasiyo markii Rabbi Ciise samada ka muuqdo, isagoo wata malaa'igaha xooggiisa 8 oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Sak 1:12 : 12 Markaasaa malaggii Rabbigu jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadow, ilaa goormaadan u naxariisanayn Yeruusaalem iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, kuwaasoo aad toddobaatan sannadood u cadhaysnayd?
  • Muj 16:5-7 : 5 Kolkaasaan maqlay malaa'igtii biyaha oo leh, kan jira oo jirayow, adigu xaq baad tahay, adiga Quduuska ahow, maxaa yeelay, sidaasaad wax u xukuntay; 6 waayo, iyagu waxay daadiyeen dhiiggii quduusiintii iyo nebiyadii, oo adiguna waxaad ka waraabisay dhiig; waayo, way istaahilaan. 7 Oo haddana waxaan maqlay meeshii allabariga oo leh, Haah, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, waxaa run iyo xaq ah xukummadaada.
  • Muj 11:18 : 18 Oo quruumihiina way cadhoodeen, oo waxaa yimid cadhadaadii iyo wakhtigii kuwii dhintay la xukumi lahaa iyo wakhtigii abaalgudkooda la siin lahaa nebiyada addoommadaada ah iyo quduusiinta iyo kuwa magacaaga ka cabsada, yaryar iyo waaweynba, oo la baabbi'in lahaa kuwa dhulka baabbi'iya.
  • Muj 15:3-4 : 3 Oo iyana waxay ku gabyeen addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run. 4 Rabbiyow, bal ayaan kaa cabsan doonin oo aan magacaaga ammaani doonin? Waayo, adiga keligaa ayaa quduus ah; maxaa yeelay, quruumaha oo dhammu way iman oo hortaada ayay ku sujuudi doonaan; waayo, falimahaagii xaqa ahaa waa la muujiyey.
  • Luuk 18:7-8 : 7 Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin? 8 Waxaan idinku leeyahay, Dhaqsoba wuu u xaq siin doonaa; hase ahaatee goortuu Wiilka Aadanahu yimaado, markaas rumaysad ma ka heli doonaa dhulka?
  • Luuk 21:22 : 22 Waayo, kuwanu waa maalmo aargudasho in wixii la qoray oo dhammu ay noqdaan.
  • Room 12:19 : 19 Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Sharc 32:36-43 : 36 Maxaa yeelay, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa, Oo addoommadiisana wuu ka nixi doonaa, Markuu arko in xooggoodii dhammaaday, Oo aan midna ku hadhin, mid xidhan iyo mid furan toona. 37 Oo wuxuu odhan doonaa, Bal meeye ilaahyadoodii, Iyo dhagaxii ay isku halleeyeen, 38 Oo cunay baruurtii allabaryadooda, Oo cabbay khamrigii qurbaankoodii cabniinka ahaa? Haddaba ha soo kaceen, oo ha idin caawiyeen, Oo iyagu ha idin daafaceen. 39 Haddaba bal eega inaan aniga qudhuhu ahay isagii, Oo aniga mooyaane aan ilaah kale jirin. Wax baan dilaa, waanan soo nooleeyaa. Wax baan dhaawacaa, waanan bogsiiyaa. Mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin karaa. 40 Waayo, gacantayda ayaan xagga samada kor ugu qaadaa, Oo waxaan leeyahay, Weligay waan noolahay. 41 Haddaan listo seeftayda dhalaalaysa, Oo gacantayduna xukun qabsato, Cadaawayaashayda waan ka aarsan doonaa, Oo kuwa i necebna waan u abaalgudi doonaa. 42 Fallaadhahayga waan ku sakhraamin doonaa Kuwa la dilay iyo maxaabiista dhiiggooda, Oo seeftayduna waxay hilib ka cuni doontaa Madaxa hoggaamiyayaasha cadowga. 43 Quruumahow, dadkiisa la reyreeya, Waayo, isagu wuu aaran doonaa dhiiggii addoommadiisa, Oo cadaawayaashiisana wuu ka aarsan doonaa, Oo dalkiisa iyo dadkiisana buu u kafaaro gudi doonaa.
  • Muj 18:20 : 20 Haddaba iyada ku farxa, samaday, iyo quduusiintay, iyo rasuulladow, iyo nebiyadow, waayo, Ilaah xukunkiinnii iyaduu ku xukumay.
  • Muj 18:24 : 24 Oo dhexdeeda waxaa laga helay dhiiggii nebiyadii iyo quduusiintii iyo dhiiggii kuwii dhulka lagu dilay oo dhan.
  • Bil 4:10 : 10 Kolkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqayaye.
  • Xaak 16:28 : 28 Markaasuu Samsoon Rabbiga baryay, oo yidhi, Sayidow, Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i xusuuso, oo waan ku tuugayaaye, markan keliya xoog ii yeel, Ilaahow, si aan reer Falastiin haddiiba uga magdhowdo labadaydii indhood.
  • 1 Sam 24:12 : 12 Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo, oo Rabbigu ha iiga kaa aar gudo, gacantayduse ku taaban mayso.
  • Sab 9:12 : 12 Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda, Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.
  • Sab 13:1 : 1 Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?
  • Sab 35:17 : 17 Sayidow, ilaa goormaad sii fiirinaysaa? Naftayda halligaaddooda ka badbaadi, Noloshaydana libaaxyada ka badbaadi.
  • Sab 58:10-11 : 10 Kan xaqa ahu wuu rayrayn doonaa markuu arko aargudashada, Oo wuxuu ku cago maydhan doonaa kan sharka leh dhiiggiisa. 11 Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay, Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.
  • Sab 74:9-9 : 9 Annagu calaamadahayagii ma aragno, Oo innaba mar dambe nebi ma jiro, Dhexdayadana ma joogo mid garanaya ilaa goorma. 10 Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa? Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?
  • Sab 79:10 : 10 Bal maxaa quruumuhu u leeyihiin, Ilaahoodu meeh? Dhiiggii addoommadaada oo ay daadiyeen aargoosashadiisii Ha lagu ogaado quruumaha dhexdooda annagoo arkayna.
  • Sab 94:3-4 : 3 Rabbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay, Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan? 4 Way bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan, Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan.
  • Ish 61:2 : 2 iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga iyo maalintii aarsashada Ilaahayaga, iyo inaan kuwa baroorta oo dhan u qalbi qaboojiyo,
  • Ish 63:1-6 : 1 ¶ Yuu yahay kan Edom ka soo socda oo dharka cas Bosraah kala imanaya? Kan dharkiisa ku quruxda badan oo weynaanta xooggiisa ku soo socda waa kuma? Waa anigan xaqnimada ku hadla oo inaan wax badbaadiyo u xoogga badan. 2 Bal maxaa dharkaagu u cas yahay, oo lebbiskaagana maxaa loo moodaa sida dharka kan macsarada canabka ku joogjoogsada? 3 Keligay baan macsarada ku tuntay, oo dadkiina qofna igalama joogin, waxaan iyaga kula tuntay cadhadayda, oo waxaan kula joogjoogsaday xanaaqayga, oo dhiiggooduna lebbiskayguu ku firidhsan yahay, dharkayga oo dhanna waan ku wada wasakheeyey. 4 Waayo, maalintii aarsashadu qalbigaygay ku jirtay, oo kuwaygii aan furtay sannaddoodu waa timid. 5 Waan doondoonay, laakiinse mid i caawiya lama arag, oo inaan la arag mid i tiiriya waan ka yaabay, sidaas daraaddeed gacantayda qudheeda ayaa badbaado ii keentay, waxaana i tiirisay cadhadaydii. 6 Oo dadyowgaan cadhadayda kula tuntay, xanaaqaygana waan ku sakhraamiyey, oo dhiiggoodana dhulkaan ku soo daadiyey.
  • Daan 8:13 : 13 Dabadeedna waxaan maqlay mid quduus ah oo hadlaya, markaasaa mid kale oo quduus ahu wuxuu ku yidhi kii hadlay, Ilaa goormay ahaan doontaa riyada ku saabsan qurbaanka joogtada ah, iyo xadgudubka wax baabbi'iya, si meesha quduuska ah iyo ciidankaba loogu tunto?
  • Daan 12:6 : 6 Oo mid baa ku yidhi ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, Ilaa goormuu ahaan doonaa dhammaadka yaababkanu?
  • Cib 12:24 : 24 iyo Ciise oo ah dhexdhexaadiyaha axdiga cusub, iyo dhiigga rushaynta oo u hadla si ka wanaagsan kii Haabiil.
  • Muj 3:10 : 10 Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 6:7-9
    3 aayado
    82%

    7¶ Oo haddana markuu furay shaabaddii afraad ayaa waxaan maqlay xayawaankii afraad codkiisii oo leh, Kaalay oo arag.

    8Oo bal eeg, waxaan arkay faras cirro leh; oo kii fuushanaana magiciisu wuxuu ahaa Dhimasho; oo waxaa la socday Haadees. Oo waxaa iyaga la siiyey amar ay ku xukumaan dunida waaxdeed oo ay ku laayaan seef, iyo abaar, iyo dhimasho, iyo dugaagga dhulka.

    9¶ Oo haddana markuu furay shaabaddii shanaad waxaan meeshii allabariga hoosteeda ku arkay nafihii kuwii loo dilay eraygii Ilaah aawadiis, iyo markhaatigii ay fureen aawadiis,

  • Muj 6:11-12
    2 aayado
    82%

    11Oo midkood kastaba waxaa la siiyey khamiis cad; oo waxaa loo sheegay inay wakhti yar sii nastaan ilamaa kuwa iyaga addoommada la ah iyo walaalahooda dhowaan sidoodii oo kale loo dili doono ay soo dhammaadaan.

    12¶ Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale;

  • Muj 16:5-7
    3 aayado
    77%

    5Kolkaasaan maqlay malaa'igtii biyaha oo leh, kan jira oo jirayow, adigu xaq baad tahay, adiga Quduuska ahow, maxaa yeelay, sidaasaad wax u xukuntay;

    6waayo, iyagu waxay daadiyeen dhiiggii quduusiintii iyo nebiyadii, oo adiguna waxaad ka waraabisay dhiig; waayo, way istaahilaan.

    7Oo haddana waxaan maqlay meeshii allabariga oo leh, Haah, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, waxaa run iyo xaq ah xukummadaada.

  • 10Oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka.

  • 18Oo quruumihiina way cadhoodeen, oo waxaa yimid cadhadaadii iyo wakhtigii kuwii dhintay la xukumi lahaa iyo wakhtigii abaalgudkooda la siin lahaa nebiyada addoommadaada ah iyo quduusiinta iyo kuwa magacaaga ka cabsada, yaryar iyo waaweynba, oo la baabbi'in lahaa kuwa dhulka baabbi'iya.

  • Muj 19:1-3
    3 aayado
    74%

    1¶ Oo waxyaalahaas ka dib waxaan maqlay wax u eg cod weyn oo maqluuq badan oo samada ku jira, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya; badbaado iyo ammaan iyo xoog waxaa leh Ilaahayaga;

    2waayo, waxaa run iyo xaq ah xukummadiisa, maxaa yeelay, isagu wuu xukumay dhilladii weynayd ee dhulka ku hallaysay sinadeedii; oo dhiiggii addoommadiisiina gacanteeda wuu ka aaray.

    3Oo haddana mar labaad ayay yidhaahdeen, Halleeluuya. Oo qiiqeeduna kor buu u baxaa weligiis iyo weligiis.

  • Muj 6:16-17
    2 aayado
    74%

    16oo waxay ku yidhaahdeen buurihii iyo dhagaxyadii, Nagu soo dhaca oo naga qariya kan carshiga ku fadhiya wejigiisa iyo cadhada Wanka,

    17waayo, waxaa timid maalintii weynayd oo cadhadooda; bal yaa awooda inuu istaago?

  • 10Bal maxaa quruumuhu u leeyihiin, Ilaahoodu meeh? Dhiiggii addoommadaada oo ay daadiyeen aargoosashadiisii Ha lagu ogaado quruumaha dhexdooda annagoo arkayna.

  • 4¶ Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.

  • 24Oo dhexdeeda waxaa laga helay dhiiggii nebiyadii iyo quduusiintii iyo dhiiggii kuwii dhulka lagu dilay oo dhan.

  • Muj 7:13-15
    3 aayado
    72%

    13¶ Oo odayaashii midkood baa jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwan khamiisyada cadcad qabaa yay yihiin, xaggee bayse ka yimaadeen?

    14Oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka.

    15Sidaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa.

  • 18Dhulkow, dhiiggayga ha qarinin, Oo qayladayduna yaanay meelay ku nasato lahaan.

  • Muj 11:6-7
    2 aayado
    71%

    6Kuwanu waxay leeyihiin amar ay samada ku xidhaan, si aan roob u di'in inta ay wax sii sheegayaan, oo waxay kaloo leeyihiin amar ay biyaha dhiig kaga dhigaan oo ay dhulkana ugu soo dejiyaan belaayo kasta mar alla markii ay doonayaan.

    7¶ Oo markii ay dhammeeyaan markhaatifuridda waxaa la diriri doonaa bahalka yamayska ka soo bixi doona, oo wuu ka adkaan doonaa, wuuna dili doonaa iyaga.

  • 6Markaasaan arkay naagtii oo ku sakhraantay dhiiggii quduusiinta iyo dhiiggii kuwii Ciise u markhaati furay. Oo markaan iyadii arkay ayaan aad ula yaabay.

  • Muj 5:8-12
    5 aayado
    71%

    8Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta.

    9Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta,

    10oo waxaad iyagii ka dhigtay inay Ilaaheenna u ahaadaan boqortooyo iyo wadaaddo; oo iyana dhulka ayay wax ku xukumi doonaan.

    11¶ Oo anna carshigii iyo xayawaanadii iyo odayaasha hareerahoodii waxaan ku arkay oo ka maqlay malaa'igo badan codkood, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun;

    12oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad.

  • 13¶ Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal,

  • 7iyadoo cod weyn ku leh, Ilaah ka cabsada, oo isaga ammaana, waayo, saacaddii xukunkiisu way timid. Oo caabuda kii sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo ilaha biyaha ah.

  • 2Oo waxaan arkay malaa'ig xoog weyn oo ku naadinaysa cod weyn, oo leh, Bal yaa istaahila inuu kitaabka kala bixiyo oo uu furo shaabadihiisa?

  • 6Oo haddana waxaan maqlay wax u eg maqluuq badan codkood, iyo biyo badan codkood, iyo onkod xoog weyn codkiis, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya, waayo, waxaa wax xukuma Rabbiga Ilaahayaga oo Qaadirka ah.

  • 1¶ Markaasaan maqlay cod weyn oo macbudkii ka yeedhaya, oo toddobadii malaa'igood ku leh, Taga, oo toddobada fijaan oo cadhada Ilaah ku jirto dhulka ku shuba.

  • 3oo markaasay ku dhawaaqday cod weyn oo u eg libaax ciyaya, oo markay qaylisay ayaa toddobadii onkodba onkodeen.

  • 7Oo afartii xayawaan midkood ayaa wuxuu toddobadii malaa'igood siiyey toddoba fijaan oo dahab ah oo ay ka buuxdo cadhadii Ilaaha weligiis iyo weligiisba nool.

  • 6Waad xukunteen, waadna disheen kan xaqa ah. Isaguna isma kiin hor taago.

  • Muj 12:10-11
    2 aayado
    70%

    10¶ Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod weyn oo leh, Haatan waxaa yimid badbaadadii, iyo xooggii, iyo boqortooyadii Ilaaheenna, iyo amarkii Masiixiisa; maxaa yeelay, kii walaalaheen dacweyn jiray hoos baa loo tuuray, kaasoo iyaga ku dacweyn jiray Ilaaheenna hortiisa habeen iyo maalinba.

    11Oo waxay isagii kaga adkaadeen dhiiggii Wanka iyo eraygii markhaatifuriddooda; oo iyagu naftoodii kalama ay lexejeclaabin xataa dhimasho.

  • 7Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin?

  • 5¶ Markaasaa malaa'igtii aan arkay oo ku taagnayd badda iyo dhulka ayaa gacanteedii midig samada kor ugu taagtay,

  • 3Oo iyana waxay ku gabyeen addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run.

  • 11oo xanuunkoodii iyo nabrahoodii aawadood waxay caayeen Ilaaha samada, oo shuqulladoodiina kama ay toobadkeenin.

  • 10Kolkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqayaye.

  • 11Oo qiiqa caddibaaddooda kor buu u baxayaa weligiis iyo weligiis, oo kuwa caabuda bahalka iyo sanamkiisa, iyo ku alla kii aqbala sumadda magiciisa nasasho heli maayaan habeen iyo maalin toona.

  • 20Oo canabkiina waxaa lagu tuntay magaalada dibaddeeda, oo waxaa macsaraddii ka soo baxay dhiig, wuxuuna gaadhay tan iyo fardaha xakamahooda, ilaa kun iyo lix boqol oo istaadiyon.

  • 15¶ Markaasaa waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii toddobaad, oo waxaa samada ka yeedhay codad waaweyn, oo waxay yidhaahdeen, Boqortooyadii dunidu waxay noqotay boqortooyadii Rabbigeenna iyo Masiixiisa, oo isna boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiis.

  • 15Oo haddana malaa'ig kale ayaa waxay ka soo baxday macbudkii, oo waxay cod weyn ugu dhawaaqday kii daruurta ku fadhiyey, iyadoo leh, Manjadaada soo dir oo beerta goo; waayo, saacaddii beergooysku way timid; maxaa yeelay, midhihii dhulka oo la gooyn lahaa way bislaadeen.

  • 3Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale, Cid aastaana ma jirin.